Sunday 19 October 2014

Gabay---( Banaanka Iskeen )--- Abwaan Cadceed Cadeysey

**Aarkii Buruudkiyo Lahaa Baabushiyo Xooga

**Bisadiyo Dawacaday Yihiin Baha Wadaagtiiye

**Baaluqnimana Waa Kugu Dirtaa Boqoljir Xeeldheere

**Banka Qooq Gulaamaba Hubaal Baarqaba Dira e

**Baqashii Fardaha Lala Miree Beri La Sooftaana

**Baxdaw Inay Ismoodaayi Waa Baab la Filayaaye

**Bixisadu Hadday Ruux Wadana Waa Bud Dhigaysaaye

**Inta Aanan Beerkiyo Ku Goyn Baadilkiyo Laabta

**Iga Baaqso Waataan ku idho boqol kunoo Jeere

**Burji Iyo Hadii Baawar Gabay Aad La Bololayso

**Bartamaha Fagaaraha Iskeen Baqasho Waa Ceebe

Tuesday 14 October 2014

Gabay----( Udareera Diinta )--Abwaan Faysal Goohe

14/07/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Faysal Maxamed Ismaaciil Goohe

**Deeqaha ilaah ee ku sugan dunida guudkeeda

**Dahabka iyo diinaarka iyo duunyada iyo xoolo

**Dabaabaadka guuxiyo ama dayuuraadba

**Daaro fookhiyo hadii dabaq laguuuu jeexo

**Darajadaa aduunyadu malaha duxiyo misane

**Daayin wuxuu kusiiyaa uroon inay ku deeqaane

**Intad daba ordaysan dadyahaw dayrka noloshina

**War dadaalka akhiraa uwacan inad ku daashaane

Udareera diinta iyo sharcigaa lagu dawoobaye

Sunday 12 October 2014

Gabay--( Hiigso Khayrka )---Abwaan Faysal Bariir

201/02/214 Gabaygan Waxa Tiriyey Abwaan Faysal Bariir Aadan

**Hagar daamo ruux sOo higsaday hiray cadaabtiiye

**Halbowlaha is haagyoo wadnaha, buu hatootiyaaye

**Halaag iyo wuxuu heensadaa, hibadii naareede

**Hase yeeshe qofkii hibiyo doona, hiilki illaah

**Ma hungoobo ee wuu helaa, sida hubaashaaye

**Hanuun khayr leh ruuxii rabow, hano qur.aankeena

**Hanti duunyo kii raadinayow, hiigso waa sharafe

**Hungo jaahilnimo weeye ee hano kitaabkeena

**Ha hinaasin ee diinta higo ama hingaadeeda

**Hana heermin ee hano wanaag baa laguu hagiye

**Habka dhaqanku yuu kaa hingane hano xadiiskeena

**Horumar khayrleh weeye walal hiigso wa dahabe

**Hurdo jooji oo hiigso khayr hagartu waa ceebe

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay--( Haygu Talo Seegin )--Abwaan Aadan Shuuriye

22/02/2014 Gabaygan Ayaa Waxaa Tiriyey Abwaan Aadan Faarax Awjaamac Shuuriye.

**Tabaallada aduunyadu beryahan, way is daba taale
**Cashadii timaadaba wax baa, taargadoo jira'e
**Dhalinyaradan toban toban u bixi, ee tahriibaysa
**Tacliinta iyo diintina nacay ee, tubtii seegay

**Saxarahana tooraha ku mari waa tahluko weyne
**Anoo taajiroo maal tabcaday, toban halaad maala
**Turaabtii dalkaygana ku nool, suuqa tamshaleeya
**Aan tahriibno tacab uma arkee, haygu talo seegin

**Toobiyaha markaad qaadidee tegaysid suudaanta
**Tacaal yaaximaar bay ku odhan, tuugtii carabtie
**Sharaftiyo waxay kaaga tuman, dhaqankii toosnaaye
**Hablahan kufsay ula tagaan, timo haldhaaleeye

**Tuuladaad ku dhalataad aduun, tamar ku leedahay
**Ciidiisa ruuxii ka taga tuugsi waw halise
**Aan tahriibno tacab uma arkee, haygu talo seegin

**Liibiya adaan tegin jidkaba, tuugtu waa muushe
**Soomaalida tabaalaysanee, yurub ku taamaysa
**Nin ka taajiray sheegayeen, lacagta kaa tirine
**Waa carab tanaado ma-gafe, lagu tilmaamaaye

**Tobanaan kun buu kaa rabaa, taada yeelkeeda
**Toogashaduna waw camal ninkii, tiisa diidaaye
**Aan tahriibno tacab uma arkee, haygu talo seegin

**Talyaaniga hadaad gaadhid ruux nasiib, lagu tirshaadtahaye
**Tegi taanka maaltana xabsaa, laysku tuuraaye
**Toban sano ayuunbaa la sugi, tigit iyo aydhiiye(ID)
**Yurubtaa hadii aad tagtoo shaqo ku taamayso

**Midabkay takoooraan cunsuri tooxan weeyaane
**Tuke madax cadbay kaadhigaan madow tilmaantiise
**Aan tahriibno tacab uma arkee haygu talo seegin

**Tanaadaha adduunyada guurku, waa tiir dhaxaadkiiye
**Hadaad toban caruur aad dhashiyo, curad ku taageera
**Aniguna taftaan weli hayaa, mana aan taabsiine

**Goblan lagu tashado waa xunyahay, tiisa ruux nacaye
**Anigaan tiriig guursanoo aduun, raaxo weli taaban
**Aan tahriibno tacab uma arkee haygu talo seegin.

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---( Rati Qooqan )-- Abwaan Aadan Faarax Awjaamac Shuuriye

10-03-14 Gabaygan Ayaa Waxaa Tiriyey Abwaan Aadan Faarax Awjaamac Shuuriye. Waa tix uu abwaan shuuriye ku halqabsaday abwaan Ismaaciil Cal Boobe.

Gabaygan ayaa wuxuu ahaa Gabaygii ildaha u furay gabayo dhawra oo ay isdhaafsadeen halabuuro kuwaas oo markii dambe noqday silsilad taxane ah taaso la baxday Ramliyo Raad Guur.

Gabaygan oo ah kii ugu horeeyey e silsiladaasi ka bilaabantay anigoo sii faahfaahsan sharax uga bixinayn wuxuu abwaan aadan shuuriye usheegaya abwaan boobe inuu iska dhaafo gabadha carmalka ah ee jacaylkeedu asqeeyey oo uu doonto hablaha bikrada ah. .

**Rarran weeye caashaqu hadduu, ruuxa daashado'e
**Cilmi inuu raqdiis dhigay malaha, waa run la ogaaye
**Rafaadkuu Imacil la maray, raysan waa noqoye

**Rubadiyo jidhku ka qabsadoo, rarayey maalmahane
**Raxanreeb salkeed buu la galay, ruuga guu jaraye
**Carmal buu riyaaq uga dhigoo, habar u reeryeeye

**Rati qooqan geelu arkaba, raacyey oo sheenye
**Roorsiga duqaha laga ma karo, awrkii reerya lehe
**Raxma iyo hablaha buuxe ee, reeraha u jooga

**Garoob inaad ka raacdaa malaha, kugu ma roonayne
**Ra'yigaa ismaciil ka noqo, kugu ma raacsaniye
**Raxan adhiye bahalkii didshee, duurka raacdaysta

**Ri'da shilis ayuu kala baxaa, meesha ugu roone
**Caatadu raq weeye dhurwaaguba, ma raadsado'e
**Raxma iyo hablaha buux ee, reeraha u jooga

**Garoob inaad ka raacdaa malaha, kuguma roonayne **Ra'yigaa ismaciil ka noqo, kugu ma raacsaniye
**Reer dumar leh waa laga xushaa, geenyadii roon

*Ragna baali kuma sama midii, reerka aan dhaqane
**Raaliyadu waa wacantahoo gaari waa rayse
**Ruun gabadha baa laga helaa, raasa maal wacane

**Garoob lagu ma reeyo iyadu, maba leh raandhiise
**Raxma iyo hablaha buux ee reeraha u jooga.
*Garoob inaad ka raacdaa malaha, kuguma roonayne

**Ra'yigaa ismaciil ka noqo, kugu ma raacsaniye
**Raga talada waa lagu yaqiin, reerki odayo lehe
**Rabi wuxuu ku siiyana ma jiro, ruux dafirayaaye

**Calafkuna run weeyo malaha, caashaq waw raase
*Raxma iyo hablaha buux ee reeraha u jooga
**Garoob inaad ka raacdaa malaha kuguma roonayne
*Ra'yigaa ismaciil ka noqo kuguma raacsaniye.

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Thursday 9 October 2014

Gabay---( Axan Gabay )--Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

06/10/2014 Gabay Oo La Yiraaho Axan Gabay Waxaa Tiriyey Abwaan Ismaaciil Cali Boobe Oo Loo Yaqaano Murtishiile

**Ogol diidan maansada waxaan ku ag wareegaaba
**Afka waxaan ka dhawroo dibnaha kala ajoodaaba
**Aayar waxaan ka gaabsado oo diido orahdeeda

**Ibiheeda wixii aan gudhshoo beryaba daayo alamkeeda
**Sida igadh maqaarole waxaan eegis kula joogo
**Isha kala jir mooyee waxaan kala irdhownaaba

**Iridaha wixii aan qafilo oodana u jiido
**Sidii uun martiya waxaan kala dhaxnoo ereg ahaanaba
**Tixda aamus goortaan arkaan oogsadoo kacaye

**Uurkaan ka doogsay markii goohe soo ulaye
**Ifafaalaha lagu gartaa markaba ruux aqoon badane
**Indheer garadna waan kugu ogaa eheluhu miisaane

**Abtirsiinyo adigaa ugu gala idhanka maansoode
**War anigana ilaahbaa ibaray aaga sharafteede
**Uurka iyo baadilkay faysaloow aad u hurudaaye

**Kula aragnay edeblaawe iyo uufa naa kacaye
**Kula aragnay tuuga ordiyo eeda kii falaye
**Afkaa jeexan baa loo hadliyo saa anaa iriye

**Kula aragnay afareeyda ceebtiyo waxay soo ulbinayaane
**Arkaa qaadku waa badanyihiyo iibso Ruux lihiye
**Kula aragnay udud sade iyo midaan erayo keenayne

**Kula aragnay asaayaha dhiciyo toban amuuroode
**Axsan waan Kaa aqbalay aamus baan ahaye
**Axan gabay inaan soo tirshaa sow haatan ma ahaanin

**Sida webi afaafaha jabsday oo dooxo ku ekaaday
**Ama roob dabayliyo ufiyo uuro soo kiciyey
**Ama ereg dagaaliyo colaad lays ku alalaasay

**Ataleriga duuliyo hub culus lays ku amag siiyey
**Oo maydku aleeshaa noqdiyo waxaan loo abtirinaynin
**Amankaag wax igu beeraybaa jiroo aadna iishidaye

**Arin kaasi wuxuu yahay hadaan idin ogaysiiyo
**Aabeheed dhimay murtida dad yohow idil ahaanteede
**Ehelkeedi baa tegiyo murtida ururshehee diiye

**Agoon iyo rajay taagan tahay meel ayaan darane
**Afyuub iyo guntanaa u baxay xim raa soo abaarsadaye
**Garbaraar ku oodmaa jiriyo cuq laha aynegeed jaraye

**Mooradaa abaar kaga dhacdiyo buuro omos weyne
**Asalkeeda kuwaan garan karayn xarafna eegaynin
**Ayaantii timaadaba afxumo kula abraaraaya

**Anshaxaba kuwaan marin karayn oodna laga saaray
**Arke booliyeystaa qaribay meel ku awdalaye
**Oohin kama baxdiyo baroor ayla oloshaaye

**Uurku taalo joogtiyo dhibay aad u mudataaye
**Anfariiray goortay dad xumi soo aradiyeene
**Lagu mana eegan karo eegga say tahaye

**Aafaadka dhacay waa ognahay Idil ahaanteene
**Aniguna iilbaan uqoday iyo xabaal lagu asteeyaaye
**Idinkana waxaan doonayaa inad ku aastaane

**Axanka iyo hawlkuna anuu oogaday yahaye
**Amaana allaaah waa mar kale waxaynu eegnaaye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---( Axan Gabay )--Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

06/10/2014 Gabay Oo La Yiraaho Axan Gabay Waxaa Tiriyey Abwaan Ismaaciil Cali Boobe Oo Loo Yaqaano Murtishiile

**Ogol diidan maansada waxaan ku ag wareegaaba
**Afka waxaan ka dhawroo dibnaha kala ajoodaaba
**Aayar waxaan ka gaabsado oo diido orahdeeda

**Ibiheeda wixii aan gudhshoo beryaba daayo alamkeeda
**Sida igadh maqaarole waxaan eegis kula joogo
**Isha kala jir mooyee waxaan kala irdhownaaba

**Iridaha wixii aan qafilo oodana u jiido
**Sidii uun martiya waxaan kala dhaxnoo ereg ahaanaba
**Tixda aamus goortaan arkaan oogsadoo kacaye

**Uurkaan ka doogsay markii goohe soo ulaye
**Ifafaalaha lagu gartaa markaba ruux aqoon badane
**Indheer garadna waan kugu ogaa eheluhu miisaane

**Abtirsiinyo adigaa ugu gala idhanka maansoode
**War anigana ilaahbaa ibaray aaga sharafteede
**Uurka iyo baadilkay faysaloow aad u hurudaaye

**Kula aragnay edeblaawe iyo uufa naa kacaye
**Kula aragnay tuuga ordiyo eeda kii falaye
**Afkaa jeexan baa loo hadliyo saa anaa iriye

**Kula aragnay afareeyda ceebtiyo waxay soo ulbinayaane
**Arkaa qaadku waa badanyihiyo iibso Ruux lihiye
**Kula aragnay udud sade iyo midaan erayo keenayne

**Kula aragnay asaayaha dhiciyo toban amuuroode
**Axsan waan Kaa aqbalay aamus baan ahaye
**Axan gabay inaan soo tirshaa sow haatan ma ahaanin

**Sida webi afaafaha jabsday oo dooxo ku ekaaday
**Ama roob dabayliyo ufiyo uuro soo kiciyey
**Ama ereg dagaaliyo colaad lays ku alalaasay

**Ataleriga duuliyo hub culus lays ku amag siiyey
**Oo maydku aleeshaa noqdiyo waxaan loo abtirinaynin
**Amankaag wax igu beeraybaa jiroo aadna iishidaye

**Arin kaasi wuxuu yahay hadaan idin ogaysiiyo
**Aabeheed dhimay murtida dad yohow idil ahaanteede
**Ehelkeedi baa tegiyo murtida ururshehee diiye

**Agoon iyo rajay taagan tahay meel ayaan darane
**Afyuub iyo guntanaa u baxay xim raa soo abaarsadaye
**Garbaraar ku oodmaa jiriyo cuq laha aynegeed jaraye

**Mooradaa abaar kaga dhacdiyo buuro omos weyne
**Asalkeeda kuwaan garan karayn xarafna eegaynin
**Ayaantii timaadaba afxumo kula abraaraaya

**Anshaxaba kuwaan marin karayn oodna laga saaray
**Arke booliyeystaa qaribay meel ku awdalaye
**Oohin kama baxdiyo baroor ayla oloshaaye

**Uurku taalo joogtiyo dhibay aad u mudataaye
**Anfariiray goortay dad xumi soo aradiyeene
**Lagu mana eegan karo eegga say tahaye

**Aafaadka dhacay waa ognahay Idil ahaanteene
**Aniguna iilbaan uqoday iyo xabaal lagu asteeyaaye
**Idinkana waxaan doonayaa inad ku aastaane

**Axanka iyo hawlkuna anuu oogaday yahaye
**Amaana allaaah waa mar kale waxaynu eegnaaye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---(Amuus Baan Ahay)---Faysal Goohe

06/10/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Faysal Maxamed Ismaaciil Goohe

**Orka gabayga aasaaska horiyo alifka geeraarka
**Askunkeeda maansada farshaxan lagu asteeyaaye
**U'da godan alleemada saxdaa lagu adkeeyaaye

**Abyanaha aqoonaysan baa udub dhexaadkiiye
**Ma' aflaxo ninkaan urursanaan oo aadiraac noqoye
**Asluub iyo waa inay murtidu edeb lahaataaye

**Akhlaaq xumada waa laga jiraa eed halkii dhaline
**Abwaankii awoodeed lehbaan erayna seegeyne
**Afsaar buu uyeelaa naxwaha illo gufeeyaaye

**Abaartana halkuu doonayuu oogta ka cadayne
**Istareex kolkaasaa nafluhu wada istaagaaye
**Ishaariyo tilmaan buu baxshaa lagu adeecaaye

**Sidii oday wadaaday khalqigu awda gurayaane
**Ikhyaar buu ahaadaa waqii lana amaantaaye
**Abi wayrax kuma ay wacnoo way arbudantaaye

**Waa aalad uu ilahay baxshoo iibna lagu waaye
**Ururisna ma yeeshiyo inaad erayo doontaaye
**Oodaa rogan hadii loogu kaco waa ibtilo wayne

**Illa eeg hadii ay tagtiyo inamo soo shawra
**Asaraaar markii ay gasheee la'is afgaran waayo
**Ehelkeeda kii aan ahayn waa anbinayaaye

**Ismaqiiqiduu ugu tagaa aar wax kala goyne
**Aflagaadaduu gaarku yahay aabigiyo maage
**Urugay ka qaadan nafluhu uubaduu shubiye

**Afkay gacanta saaraan khalqigu la amakaagaane
**Eber buu ahaadaaa ma jiro eray la qaataaye
**Afartaa sidii odayo jira ma ugu alalaasay

**Aadan iyo sidii ina salwiyo cadceed ama abwaan boobe
**Awcail,fiqi iyo bootaan lama illaa waanka
**Arboow jaamac iyo sadiiq iyo bulxanoo aad ukala shiila

**Layskama abraaree sidoodii oog maka cadeeyey
**Ma iftiinshay waa lagu yiqiin idhan samaynteede
**Aniguna awoow iyo abkaw odayadaan sheegto

**Abtirsiinyo waaan ugu tagaa ehelka suugaane
**Illaaahayna waa igu dhashoo igu abuur jeere
**Aqalluu ku leeyahay naxwuhu Uurka gudihiise

**Intifaacna kuma aan dayiyo agab aduunyaade
**Irsiqoodu niman buuu galloo oomatayste ahe
**Abaarsiga waxay eegayaan suuuqa iibka lehe

**Ruuxii caqligu uu engago waa ushoo kale'e
**Inamada af-buuxsigan kujiraan eegayaa bariye
**Afarayda ganacsiga gashaan aayaheed garane

**Mar hadii afkaartii la gaddan aamus baan ahay
**Eegaba waxaa lagu hayaa toban amuuroode
**Irdahaan uxidhayoo marabo igadh salaaxeede
**Idinkuna abwaanaw murtida eega saytahay

Faysal Maxamed Ismaaciil Goohe

Thursday 2 October 2014

Gabay--( Kula Damiir Mayhi )-- Abwaan Jaamac Murtisame

06/02/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi Murtisame

**Isku duubni ruux diidayoow kula damiir mayhi
**Dawladnimo qofkii diidayoow kula damiir mayhi
**Cibaada qofkii daayacoow kula damiir mayhi

**Dib u socod qofkii doonayoow kula damiir mayhi
**Dana gaara ruuxii watee shacabka daaduunsha
**Oo cadawga daba roorayoow kula damiir mayhi

**Diintiisa ruuxii gatoow kula damiir mayhi
**Dantii ruuxa aan garaninoow kula damiir mayhi
**Soomaali kii kala diloow kula damiir mayhi

**Kii dunida waaris u filoow kula damiir mayhi
**Kaa madaxa soo duubtayoow kula damiir mayhi

**Daandaasi dood iyo afxumo ficil dayuuseedka
**Duurxul Iyo wixii dibu dhacwada ruuxa daba jooga
**Diradira qofkii doonayoow kula damiir mayhi

**Dabka ruuxa shidayoo islaam nabad u diidaya
**Oo dhuxusha daadinahayoow kula damiir mayhi

**Dalqaafka ruuxii wadee dawya kala haaday
**Oo dawada u falahayoow kula damiir mayhi
**Kii waalidkii dayriyoow kula damiir mayhi

**Dakhar ruuxa gaystoo dafiroow kula damiir mayhi
**Daacadii illaah iyo sharciga ruuxa dhud gooyey
**Oo diinta caayoow anigu kula damiir mayhi

**Dhaqankeena dahabkaa qofkii diidey sharaftiisa
**Oo dalabta yeeshoo lugaha midiba daan joogto
**Oo dabada ay qaawantoow kula damiir mayhi

**Ninka gabadh daruur u eg aroos loogu dalamsiiyey
**Dulmar quruxle diiniyo xaq dhawr deeq allahu siiyey
**Oo aanku deginoow anigu kula damiir mayhi

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---( Tiriig )--- Abwaan Jaamac Murtisame

01/05/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi

**Todobkoo darooro biyaha togaga buux dhaafshey

**Tuuraha godaaloo caleen ubax la tiicaaya

**Tigaadoo baxdoo geedihii tawlku wada hawdhay

**Maalkoo tayada daaqayoo dhereg la taahaya

**Adigaan taraag dheer u marin tacabna kaa muuqan

**Oo aan tahriib Iyo dhib arag tacadi kuu gaysta

**Ayaar baan taxaash kuugu gayn saba tolay yaale

**Markaad karinka sii taagan tahay sacab tumaayaane

**Dhalintii tilmaanay dhakhsay kuu tahniyadayne

**Dambar toosan laga soo lisaad tiirsan doobiga-e

**Toban Iyo lix beriy bay ciyaar kaaga tumayaane

**Tusbixiyo tiriigeey markii taashka lagu saaro

**Sage turugyo wayn Iyo taksi baa kuu tartami doona

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay--( Ku Heshiiya )--- Abwaan Jaamac Murtisame

02/06/2014 Gabaygan Waxa Yiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi(Jaamac Murtisame)

**Ha'da maanso waayadan matirin hooriskii gabaye
**Wax I helayba wataan ka hadhay hiil alla badaye
**Wataan ka haajirey murtida heesta dhaantada

**Iga hoo siciidoow hadaan kuu humhumayaaye
**Adigaa halkaan doonayiyo jooga hilinkiiye
**Hanfi kulul abaar hawle Iyo halac isdhaafaya

**Hagihagi kaliileed dhulkoo homos la qiiqaaya
**Dadka oo haraad Iyo kulayl hiifta damin wayey
**Hadii hogosha roob hoorto oo hiba illaah keno

**Hadii ay hantaaqiyo cabaar dhibicdu halayso
**Horseed Iyo hadii sahan horgala aaga lagu haadsho
**Markay hiisha laacdiyo arkaan hilinka geedoobey

**Geediga hadii lagu hingilo horena loo guuro
**Hogaan waxaad sudhaa awr hayinoo kula hagaagtaaye
**Hadaad hayla badanoow dameer ugu horaan qaado

**Inaad hiimsa hiimsaaha furtaa waaa halaan Jirine
**Hadba waa sidii loo higsado nolosha heerkeede
**Talaa lagu hodmaayoo nafluhu heer ku wada gaadhye

**Dadbaa samada heehaabayoo dhaafay heegada-e
**Nin waliba wuxuu hore tabcuu dib uga haagaaye
**Shirka haatan khaatumo wadaa loo han wayn yahaye

**Waa hogol daruuriyo cirkoo qaaday huubada-e
**Wakaa hilaacii gobeed soo hankaab sadaye
**Maantaa hanaan dawladeed loo hinqanayaaye

**Haaway wixii lagu noqdaa waa hagaasnimo-e
**Hoja talada waxa lagu helaa haamad Iyo xooge
**Hareeraha dadkaaa idinka xiga nabad ku haasawsha

**Haldoor baad waqiin qaran ahaan ku hindisoo taane
**Hana qaad waxaa lagu nogdaa waa hanwaynida-e
**Sidii geel horwaynoo inbadan hawdka miranayey

**Oo hanadadii maali jirey labo horaan qaaday
**Ama heetis oo nirig dhashoo loo hitiqinaayo
**Ama heense faras lagu xidhoo geesi halabsiyeey

**Halka aad u hoobyaalaysaan waw holanayaaaye
**Hogob kii godnaa bay biyuhu abid ku hoobtane
**Halkaad manta noo haybisaan baanu helaynaaye

**Iska hubiya ruux kuu holaday looma hiishado-e
**Waxa haatan loo hawsayaa waa halkii shalaye
**Yuu hoosta Iyo idinka qaban hadalku meel gaaban

**Ku heshiiya waa haykal Iyo hooskii qarameede
**Hadhka nabadu waa waxa nafluhu ku hana qaadeene
**Idina haakah dhaha oo xamdiya waa hir soo kacaye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay----( Dhool )---Abwaan Jaamac Murtisame

11/06/2014 Waxaa Gabaygan Tiriyey Abwaan Jamac Cali Xirsi Oo Loo Yaqaano Jaamac Murtisame

**Adduunyada intii aan dhulmaray dumara aan dheehday

**Hal qof aan ku dhaaf sado maarag dhaban qurxooneey

**Sidii dhool gu oo hooryoo dhibicda miisamey

**Ama dhabarka geenyada shixnadan dheregna aan waayin

**Oo dhoodi Iyo xaysimiyo dharabka hawd joogta

**Ama ubax dhalaal badan sidii dheemankiyo luulka

**Dhaban kaaga curubkaa indhahad dhalaca moodayso

**Suunihad bishii dhalatay Iyo qaanso dhigan moodo

**Dhexda madagta laafyaha dhildhilan dhumucda loo yeelay

**Qoortada dheer jooga aad dhabiga moodayso

**Dhawr soonidiyo aamuskaad gaari dheer tahay

**Dhaqankii horaad raacdoo maadan dheeg marine

**Dhudi hooyadaaba ahayd xeeru dhaladkiiye

**Boqorkii ku dhalay baa tacliin kugu dhigay looxe

**Dhaclihii adaa wali sitiyo boqorkii dhooleey

**Dharaar taynu kulanaa qalbiga leeb la ii dhigaye

**Dhoola ka qosolkaga naftani dheefsata waliye

**Hay dhigin dhabtiyo meel ka dheer dhuuxa iyo laabta

**Ana kuma dhaliiloo Malyuun dhaar ayaan maraye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---( Golaha Yaa Keenin )--- Abwaan Jaamac Murtisame

12/04/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Murtisame..

**Gugoo,daay cirkiiyoo godladay garab hilaacaaya
**Guulaamdii roobka iyo fadad isgoynaaya
**gale yuluxa jeegaan gudbana hogolsed keed gaadhey

**Gayigoo barwaaaqaa dhulkoo geedo Iyo doogle
**Geesiyo kagees jeexyadoo labada gawjooga
**Guuyada lamaalaa dhashoo geelu wada haysto

**Gadhoodhkiyo dhaydiyo karuur goraf walbaa buuxo
**Gargardadiyi dixidoo sidii gamal hadhkii yeeshay
**Gamaankii fardaha Iyo ugaadh gaar uwada daaqa

**Gaagaabanoow adhigu uu feedha wada giijo
**Gucumaale aariyo shabeel gaafka ka ciyaaro
**Goodkiyo abeeskoo amniga giijin dhinocooda

**Gidi noolohoo wada dhergoo guule ku xamdaaya
**Goolowday nabadii dadkuna gacal walaloobay
**Dhalinyara isgurataana ay sacab ka gawasiiso

**Googooska jiibkiyo wiglada laysla garanaayo
**Nimcadaa iswada gaadhayee guule Ina siiyey
**Waxa jiray dad aan garanin oo teneg garaacaayey

**Gundhigii hadaan wada heliyo dhaxalkii ay goysay
**Niman gaara oo cadaw uu garab ku taageeray
**Guryasamo dadkiiyoo ku sugan gubaya reerkiiye

**Oo wada gafuur buuranoo aan la garanaynin
**Gaalkiyo islaamkana u siman waa ged yaabadane
**Gadh castiyo cuqaashiyo dhaman gooye ubadkii

**Gudin saawiraa lagu qalaa biri ma gaydiiye
**Yaa garanayoo sheegi kara waa gunimo wayne?
**Guumaadkiyo wixii ay galeen gogol ku waydiinin?

**Garnaqsiga kumaw sheegayoo golaha keenayaa?
**Garta yaa la gelayoo shacbiga wada garwaaqsiinin?
**Intii nabada geed dheerka ridey yaa maxkamad gaynin?

**Gumaystihii kuwaa nagaga daran yaa wax garan siin?
**Gaaleefta nimankaa watee gudurka boobaya
**Gorilaha dadkii laaystayee gees walbaba seejey

**Baarla maanka guuraynayee gacantu hoosayso
**Goosha abeesada dhashiyo goodkan Iyo diibka
**Guumaysta bahalowdayee micida giilasay

**Iyo kuman gafaaro hadeer anan garanayn
**Adduunyadan la guud saaranyay gaar inoo tahaye
**Garashiyo aqoon baa halqigu guusha ku helaaye

**Miyaynaan marnaba gaasa bixin waa ged yaabadane
**Allahayoow gargaarkaagu waa lagama guuraan

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---( Geedi )---Abwaan Jaamac Cali Xirsi Murtisame

27/06/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi Oo Loo Yaqaan Jaamac Murtisame. Gabaygan Abwaanku Wuxuu Tiriyey Maruu Ku Jiray Safar Isagoo Ka Soo Kici Timay Bariga Dhexe Kuna Soo Socday Bariga Afrika...

Wuxuu Yiri:-

**Gonda wayne aarkuba wuxuu sebena gaajoodo

**Gaaroodi qiiqliyo wuxuu ayda galasleeyo

**Mar uun buu galoof naaxday Iyo goosan helayaaye

**Markuu guudka kaga boodo oo micida gaadhsiiyo

**Gudurkiyo markuu cuno hilbuhu galan galcoobaaye

**Geelii abaarsaday mar buu gugu u hooraaye

**Gal xareeda goortuu heluu caasha geliyaaye

**Geeduhu markii ay baxaan ubuxu gayn yeesho

**Gargarada markii uu cunu godolka muujaaye

**Naftaan go,in mar uun bay heshaa guusha nololeede

**Guri lagu negaadiyo marbay goolka helaysaaye

**Aniguna mar baan gaadhayaa tayda gaarka ahe

**Oo gacaladii aan jeclaa guri ku xoolayne

**Wali gibisha kama aanan dhigin awrka geediga e

**Guuloow adaan kaa baryee guusha ha i seejin

**Gacan cadaw allaaw yaanan mudan dunida guudkeeda

**Godka aakhirana yaan ku dhicin naarta guradeeda

Aaamiin Aaaamiin

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---( Sharcigaan La Sugi )---Abwaan Aadan Faarax Awjaamac Shuuriye

30/01/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Aadan Faarax Awjaamac Oo Loo  Yaqaano Shuuriye. Gabaygan Abwaanku Wuxuu Tiriyey Maruu Arkay Rag Intay Wax Uun Soo Salsalaabaan Odhanaya Waanu Gabaynay. Abwaanka Oo Bayd gaabyadaas Saluugay Waxay Soo Cantatabayaan Ayaa Waxaa Uu Leeyahay Sharcigaan La Sugaya Raga Gabayada Ku Falaadaya Ee Tixaha Fadhataysanaya. Wuxuu Kaloo Abwaanku Aad U Tebeyaa Una Calaacalayaa Ragii Hore Ee Murti Dheeriga Ahaa Ee Aanu Soo Gaadhin Sida Cali Dhuux, Sayid Muxamed, Maaweel Iyo Kuwii Ay Isku Gedaha Ahaayeen.. Waxa Kale Uu Abwaanku Berigaa Waayey Ragii Gabyi Jiray Ee Bulshada Sebenkan U Maansooda Ee Ay Wada Cadacadaysan Jireen. Wuxuuna Ku Alalaadaay Oo Uu Yidhi:-

**Shiinleyda maansada anaa shaacir ku ahaaye

**Shan jirkayga goortaan ahaa shalaydi aan dhaafnay

**Iyo sharaddan maanta ah murtida waan shakaalaaye

**Shaxda ragii ka geeraari jiray sheeda buuhoodle

**Sharaftiisa nimankii yiqiin sheegidiyo luuqda

**Aadana carab shedkuu meerin jiray sharadka doodiisa

**Shahiidkii ismaaciil miriyo shiikhi diinteena {sayid max"ed}

**Cali dhuuxi shaac baxay dunida tan iyo shiilaabo

**Cilmi carabkii shaanshaanka bari sheekadiis gaadhey

**Ina wallahl shisheeyuhu ma maqal sheegidiisiiye

*Maaweel intuu shucubka hawd shiraar ka geeraaray

**Laba gole markuu shaacin jiray shalayto maahayne

*Shiikh samatar maba mooganayn shicirka ciideede

**Intaas oo abwaan shaaciriyo qaarkaloon sheegin

**Ayaan dhaxal ka shaabahay murtida sheegidii gabaye

**Shakligiisa waa tirin aqaan shaykastuu yahaye

**Sheeg sheega iiguma baxdoo waan sharfi aqaane

**Shanta xaraf ragaa bawsadee loona sheegayoo

**Shaama reeray aniguye murtida gawrac lagu sheelay

**Oo xaraf midaan sheegi karin shaadhka xiranaayo

**Oo shiid sidiisii barqada shilinka loo joogo

**Shibka dhehe farxaan iyo hurrii shaanba dayn jitaye

**Bootaan sharkiisuu ka tegey shoodhka lagu xidhaye

*Cadceed wuu ka shiixoo beryahan wuu ka shaahtegeye

**Dhoodi meerna wuu shuufayoo sheeduu ka arkaaye

**Suuslena beryahan shay ma tirin sheeko iyo jiibe

**Ina kediye yuukay{uk}ka sheeg sheerka sababtiiye

*
Wuxuu yiri murtida way shideen way shilaysteene

**Jama yarine waakaa shib yiri shoog siduu helaye

**Sharaftii murtida nimanka dilay raxanta shaydaanka

**Shini malab heshaad moodaysaa way shamuumeene

**Hadii aan maxkamad lagu shirabin xeerna lagu shaacin

**Oon tiir shafkaa looga xirin laguna shaandhaynin

**Ama aan shantiyo loola tegin gacanta sheefteede

**Sharcigiyo dastuurkaan la sugi way shalaytoone

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan