Thursday 2 October 2014

Gabay--( Ku Heshiiya )--- Abwaan Jaamac Murtisame

02/06/2014 Gabaygan Waxa Yiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi(Jaamac Murtisame)

**Ha'da maanso waayadan matirin hooriskii gabaye
**Wax I helayba wataan ka hadhay hiil alla badaye
**Wataan ka haajirey murtida heesta dhaantada

**Iga hoo siciidoow hadaan kuu humhumayaaye
**Adigaa halkaan doonayiyo jooga hilinkiiye
**Hanfi kulul abaar hawle Iyo halac isdhaafaya

**Hagihagi kaliileed dhulkoo homos la qiiqaaya
**Dadka oo haraad Iyo kulayl hiifta damin wayey
**Hadii hogosha roob hoorto oo hiba illaah keno

**Hadii ay hantaaqiyo cabaar dhibicdu halayso
**Horseed Iyo hadii sahan horgala aaga lagu haadsho
**Markay hiisha laacdiyo arkaan hilinka geedoobey

**Geediga hadii lagu hingilo horena loo guuro
**Hogaan waxaad sudhaa awr hayinoo kula hagaagtaaye
**Hadaad hayla badanoow dameer ugu horaan qaado

**Inaad hiimsa hiimsaaha furtaa waaa halaan Jirine
**Hadba waa sidii loo higsado nolosha heerkeede
**Talaa lagu hodmaayoo nafluhu heer ku wada gaadhye

**Dadbaa samada heehaabayoo dhaafay heegada-e
**Nin waliba wuxuu hore tabcuu dib uga haagaaye
**Shirka haatan khaatumo wadaa loo han wayn yahaye

**Waa hogol daruuriyo cirkoo qaaday huubada-e
**Wakaa hilaacii gobeed soo hankaab sadaye
**Maantaa hanaan dawladeed loo hinqanayaaye

**Haaway wixii lagu noqdaa waa hagaasnimo-e
**Hoja talada waxa lagu helaa haamad Iyo xooge
**Hareeraha dadkaaa idinka xiga nabad ku haasawsha

**Haldoor baad waqiin qaran ahaan ku hindisoo taane
**Hana qaad waxaa lagu nogdaa waa hanwaynida-e
**Sidii geel horwaynoo inbadan hawdka miranayey

**Oo hanadadii maali jirey labo horaan qaaday
**Ama heetis oo nirig dhashoo loo hitiqinaayo
**Ama heense faras lagu xidhoo geesi halabsiyeey

**Halka aad u hoobyaalaysaan waw holanayaaaye
**Hogob kii godnaa bay biyuhu abid ku hoobtane
**Halkaad manta noo haybisaan baanu helaynaaye

**Iska hubiya ruux kuu holaday looma hiishado-e
**Waxa haatan loo hawsayaa waa halkii shalaye
**Yuu hoosta Iyo idinka qaban hadalku meel gaaban

**Ku heshiiya waa haykal Iyo hooskii qarameede
**Hadhka nabadu waa waxa nafluhu ku hana qaadeene
**Idina haakah dhaha oo xamdiya waa hir soo kacaye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

No comments:

Post a Comment