Wednesday 6 August 2014

Gabay(-----DUNI RIFANTEY-----)

★Ra'da gabay indhaweyd ma tirin, Ruudiyo murtideediiye
★Riinka kama yeedhin suugaantaan, Rasayn jiraye
★Raadbarad kasta gortu radeebiyan, Raarayoo nacaye
★Rubadayda un baan ka helay, Inaan ka raagaaye
☆Balaan kaga reemiyo caawoo kalay, Rasaamaal leedahaye!!!

★Dunidan rifantay ee aakhiru seben, Raadkeedu joogo
★Ee reerba reerku u dhawyahay, Ka raran gubyoonayo
★Ee Ruuxba ruuxuu gacal uxigay, Rubada goonayo
★Ee soomaali labadii iska raacday, La kala reebaayo
★Ee diimuqraadiyad gaal rabaystay, Loo riyaaqayo
★Ee xaduudu raxiimku dhigay, La iska reedey
★Raga u rafaadayee jano modaya Kuwo rogan weeyaane
☆Rashiidow naga samato bixi, Adaa raxmaan ahe

★Dunidan raabakhdayee raqdeeda, La kala riixanayo
★Ee siduu Rabiyo Rasuulku ina fareen, Laga rooraayo
★Ee rukni sako iyo laga tagey rukuuciyo salaad
★Ee rufuciyo la baacsanayo midan, Raasamaal lahayne
★Raga u rafaadayee jano moodaya, Kuwo rogan weeyaane
☆Rashiidow naga samato bixi, Adaa Raxmaan ahe

★Dunidan xumaanta loo rigrigan yahee, Samihi la rukaasay
★Ee risiq xalaala la quudanayne, Ribada la ruugo
★Dunidan runtu fanto noqotayee been, Lagu raaxaysto
★Ee shakigu ku raamaystaye, Malle lagu raafaayo
★Dunidan xantiyo rufiyaanimada, Lagu raynaayo
★Ee riyaatiyo colaad raagta Loo ruqaansanaayo
★Eebow Raga dabo-rabaacaya Kuwo rogan weeyaane

☆Rashiidow naga samato bixi Adaa raxmaan ahe
★Dunidatan samofare raage iyo shiikha, La rideenayo
★Ee ruqufraaqufkiyo rixin goynka, La dabo-rabaacayo
★Ee rufiyaankiyo nacladlaha, Lala rafiiqaayo
★Ee ibleyska raafafka xumi, Ruumankeedii rafacayo....
☆Raga urafaadayee jano moodaya, Kuwo rogan weeyaane
☆Rashiidow naga samato bixi Adigaa Raxmaan ahe.........

☆Afartaa ra'leyda maansiyo, Raaye gabay dheh
☆Raandhiis male tixdii macno la'aan, Loo rakibaaye
☆Markay raasyoon tahay taan, Ratibi jirey dhe
☆Risaalooyinkii maanmaaliyo, Murti Ruugcadaa dhe

☆Ribixa hawraarta ruxii fahmadle baa, Dhuuxa ruudeede
☆Laamo raaracay iyo ubax ragaxley, Laydhi ruxdaaye
☆Rubadiyo laab fiyow bey waano, Ku raasuqdaaye
☆Ruuxii iimaanle baa raaca suu Rasuulku faraye
☆Rabow qaluubtayada hanuuni, Ada qalbiyada rogrog-e

☆Raaliyo haween reer dhaqaniyo raas bey ka tagtaaye
☆Maansheeye mahiigaan roobi, Reys buu ka tagaaye
☆Raguna taariikh qorantiyo rayi buu ka tagaaye
☆Riima adduunyo ragiyo dumar ruuxna ku waari maye
★Dunida ragii raad wacan ka tagaye, qaaday tubtii rasuulka
☆Rabow rankoodii naga yeel adigaa, Ra'uufoo awoodle............

WT: Maanmaal Buureed Gurxan