Wednesday 29 April 2015

Abwaan Farxaan Cumar Salwe-- "Qaali Leedahaye"

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Farxaan Cumar Salwe hilaaddu markay ahayduu 29-Dec-2013. Gabaygani waxaa uu ka mid yahay 90 gabay ee aan keydiyey ee ujeedkooda maanso ee loo tiriyey uu ku qotomo "Ammaanta Hablaha" oo ka midda qaybaha Tilmaanta Maansada. Dhammaan gabayadaasina waa kuwo ay tiriyeen  "Hal-abuurada waayahan kacay ee bulshada Soomaaliyeed u maansooda". Ka bogasho wacan waa kan gabaygii "Qaali Leedahay" ee Abwaan Salwe, wuxuuna yiri:


**Qaab wacan, qureeshtii hablaha qaalida haweenka
**Qalanjada midaan qaayibaye, uu qalbigu raacay
**Hadaan qiro amaanteeda oon, qodobo sooqaato
**Qoor dheer qumaati u baxdiyo, qalanjo weeyaane
**Qarqarada ma waynee yartaa, qaadir baa qoraye
**Suuniyaha qiyaastii bishay, qaabad leedahaye
**San qaroorka geenyada qabiran, qawlo iyo dhoodi
**Qoton keeda waa lagu qaldaa, qun iyo joogeede
**Qiimana ilaah baa ku ladhay, qaali ladantaase
**Qorshe iyo markay sheeko tahay, way qaderisaaye
**Qaylada kuwaa laga maqlaa, qoyska derika ahe
**Qancintayda mooyee wax kale way qajilaysaaye
**Qoraxdoo aroortii intay, qaar ka sare keentay
**Qaybintiyo markay nuur qayaxan, qaansadu iftiinto
**Midab qaabadaasoo kalay, qaali leedahaye
**Qadartiyo ilaah oon ka dhigin, qaybka kuma sheegin
**Hayeeshee inaan qoys la galo tuu qalbigu raacay
**Qalinkaan ku duugaye Raboow, haygu qadin maanta

Maanmaal Buureed Gurxan. (December 29, 2013). "Qalwo". Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. Tilmaanta Maansada". 

Tuesday 28 April 2015

Dareenkay Igu Taartay Qisadii Cabdul Seed--W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan

Dareenkay Igu Taarya Qisadii Cabdul Seed


Ibo-Furka Qormada
Qormadan waa qormo aan kaga falcelinayo dareen aan la wadaagay mid ka mid jaalayasha facebookgayga. Dareenkaasi aan la wadaagay jaalkayga wuxuu ahaa miday igu saaqay qiso aan ka akhristay darbiga wejibuugiisa, qisadaas oo ahayd mid sidday fariin dareemeed oo aad ii taabatay idina idiin taaban doonta. Qisada igu ijbaartay dareenkan itaabtay waxay  ahayd mid uu ina la wadaag Abwaan Cabdul Seed, waa qiso isagu u la kulmay, taas oo uu barkulantiisa facebookga uu ku soo shabaaxay. Haddaba anigoo jeclaystay in aad ila wadaagtaan waxaan qormada idiin ku soo gudbinayaa:

1- Qiimaha iyo xaqa hooyadu leedahay
2- Hooyada Soomaaliyeed in ay tahay hooyada ugu qaalisan hooyooyinka dunidatan ku nool
3- Qisadii Cabdul la kulmay ee igu saaqday dareenka gilgilay ruuxday. 
4- Dareenkay xambaarsan tahay ee aan la wadaagay iyo faaqidaada ka dareen celintaydii

Qiimaha Iyo Xaqa Ay Hooyadu Leedahay
Hooyo Waa Midaan Xaqeeda La Gudi Karin, Waxayna Mudan Tahay Qadarin Iyo Maamuus Aad U Weyn, Wax Kasta Oo Ay Diidan Tahayna Iyada Daraadeed Ayaa Looga Tagaa Aan Ka Ahayn Diinta!!

Runtii Lama hayo taariikhda diin ama nidaam kale oo u tix-geliyay hooyada sida ay diinta Islaamku u tix-gelisay, iyadoo u aqoonsan inay tahay xubinta ugu mudan in loo sama-falo, isla markaana leh xaqa ugu badan ee aan qofna gudi karin. maxaa yeelay, hooyadu waxay soo martaa dhibaatooyin badan oo ay kala kulanto calool-ku-qaadida, sidista, hawsha iyo xanuunka dhigitaanka ama foosha iyo barbaarinta ilmo kasta.

Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame-Hadraawi- oo in badan ka gabyay hooyada iyo doorkeeda ayaa tixdiisa “Anuun baa hooyadaa ah” waxa uu ku soo qaataa siday ugu dhabar-adaygaan hooyooyinku dhibta hooyanimada iyo hawleheeda, wax uu yidhi isagoo ku hal-qabsanaya hooyo la hadlaysa wiilkii ay dhashay:

¤Calooshu intay ku hoysey 
¤Hiyigu ku baxnaaninaayey 
¤Horraadka intaad jaqsiisay 
¤Dhabtaydu intay ku haysey 
¤Intaad huwanayd taftayda 
¤Hobeeya hobey hobeyda 
¤Intaan dusha kuugu heesay 
¤Intaan hanad kuugu yeedhay 
¤Hawraaraha kugu ammaanay 
¤Intaan hubin kuu xambaaray 
¤Dartaa u hoggaansanaaday 
¤Hadhuubada aan ku siiyey 
¤Habniin adigoo ku diidey 
¤Intaan hambo kuu daboolay 
¤Hammuun iyo gaajo qaatay 
¤Adoo haqab-beel ku seexday 
¤Intaan hurdo kuu illaaway 
¤Ilaashay hareerahaaga Diinta

Islaamku waxay aad u adkeysay isla markaana ku dardaaarantay, xaqdhawrida iyo u sama-falida waalidka gaar ahaan hooyada, iyadoo aayado badani ka hadleen xaqa waalidka iyo dhibaatooyinka ay la kulanto hooyadu, sidaa darteed xaqa hooyada ayaa aad looga adkeeyay ka aabaha, sida ku cad suuratu Luqmaan-aayada 14aad- iyo suuratul Axqaaf-aayada 15aad- u sama-falka waalidku waxa uu ku derajo xigaa caabudida Ilaahay.

Xadiisyada ku soo arooray xaqa hooyadu aad bay u badan yihiin, waxanse ka soo qaadanaynaa dhawr ay ka mid yihiin: Nin ayaa u yimid Nebiga-csw- isaga oo weydiinaya," yaa iigu mudan dadka inaan u sama-falo?" Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay," Hooyadaa", ninkii waxa uu hadana weydiiyay "yaa ku xiga?" Nebigu-csw- waxa uu ku jawaabay "Hooyadaa", ninkii waxa uu mar labaad ku celiyay "yaa ku xiga?" Nebiguna waxa uu ugu jawaabay,"Hooyadaa", ninkii mar sadexaad ayuu ku celiyay " yaa ku xiga?" markaas ayuu Nebigu ugu jawaabay "Aaabahaa".

Nin ayaa ku dawaafayay Kacbada isagoo dusha ku sida hooyadii oo uu dawaafsiinayo, markaas ayuu Nebiga weydiiyay "Rasuulkii Ilaahayow, ma guday xaqeedii?", Nebigu waxa uu ugu jawaabay " maya, xataa maad gudin mid ka mid aha hinqashooyinkeedii". xadiiskanina waxa uu cadeynayaa in inta waalid loo sama-falaa aanay marna waxba ka gudayn xaqa uu kaa mudan yahay, ee aynu ka garan karayno culayskisa inta aayado iyo axaadiis ka hadlay.

Nin ayaa isna u yimid Nebiga isagoo ku yidhi, "Rasuul Allow, waxaan rabaa inaan ka qayb qaato duulimaadyada Islaamka, markaa waxaan u socdaa inaad ila taliso". Nebigu waxa uu ninkii weydiiyay inay nooshahay hooyadii, ninkii waxa uu ku jawaabay, "haa", dabadeed Nebigu waxa uu ku yidhi, "u sama fal hooyadaa, Jannadu waxay hoos taalaa lugaheeda. U sama falka hooyada waxaan uga jeednaa wanaajinta la dhaqankeeda, xaq-dharkeeda, u furfurnaanta iyo u debecsananaanteeda, ku adeecideeda wixii aan ahayn macsiyo- ama denbi- iyo la socodsiinta iyo weydiisashada ogolaansheheeda dhamaan hawlaha aad ku kacayso, xataa hadii aad u baxayso Jihaad, waa inaad ogolaansho ka heshaa.

Waxyaabaha aadka u layaabka leh waxa ka mid ah, in diinteenu Islaamku ay ina farayso in loo sma-falo hooyada, xataa hadoo hooyadu tahay mid aan haysan diinta Islaamka, isagoo Nebigu-csw- faray Asmaa Bint Abubakar inayu sama-fasho isla markaana si fiican u xudhiidhiso hooyadeed oo aan ahayn Msuslimad. Islaamku si uu u ilaaliyo hooyannimada xaqeeda iyo dareenkeedaba, waxa uu cadeeyay in hooyada la furay ay xaq u leedahay haynta iyo xananaynta ilmeheeda, ayna ka mudan tahay iyadu aaabaha dhalay ilnahaasi, sida ay dhigayaan qisooyinkani: Sida uu werinayo Cabdilahi bin Cumar bin Caas-rc- gabadh ayaa u timid Nebiga-csw- iyadoo ku doodaysa in inankeedii ay dhashay, ee ay caloosha ku qaaday, ee naas nuujisay, uu aabihii oo iyada furay rabo inuu ka qaato. Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay, "adigaa ku xaq leh inta aanad guursan". Sidoo kalea ayaa Cumar Bin Khadaab-rc- waxa uu furay xaaskisii Ansaariyadda ahayd ee u dhashay wiilkiisii Caasim.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cumar uu kula kulmay suuq ku yaala meel u dhaxaysa Madiina iyo Quba, iyadoo wadata inankeediina. Cumar waxa uu isku dayay inuu ka qaato wiilkiisa, waanu ka qaatay, kadib wiilkii yaraa waa uu ooyay, waxaanu ku yidhi,"Aniga ayaa kaa mudan wilkayga". Markii ay ku murmeen ayaa waxa la iskula tagay Abuubakar, si uu ukala xukumo. Abuubakar waxa uu go’aamiyay in wiilka ay xaq u leedahay hooyadii, waxaanu u sheegay Cumar in gurigeeda iyo gogosheeduba ay uga fican yihiin wiilka, inta uu korayo ee u gaadhayo heer uu kala dooran karo.

Hooyadu waxa ay leedahay xaqa ugu badan ee qof leeyahay, mana banaana in lagu kaco fal aanay raali ka ahayn, xataa hadii uu qofku dan u arkayo falkaa. Tusaale ahaan, hadii ay hooyo ka dalbato wiilkeeda inuu furo xaaskiisa oo uu jeclaa, waaa inuu furaa isagoo tix-gelinaya hooyadii, door-bidayana raali-ahaanteeda. Xadiis uu werinayay Abu Dardaa’ ayaa waxa ka hadlaya nin weydinaya waxa la gudboon, kadib markii hooyadii weydiisatay inuu furo gabadhiisa oo uu aad u jeclaa. Waxa uu kula taliyay inuu iska furo, madaama ay adeecidda hooyadu ka horeyso wax walba, uuna Nebiga ka maqlay isagoo ka hadlaya xaqa waalidka. Hooyo Allow Dhawr

Hooyada Soomaaliyeed Waa Hooyada Adduunka Ugu Qaalisan
Marka aynu dib u yara dhugano sooyaalka bulshada soomaaliyeed waayihii ka horeeyey intaanay colaadaha iyo masiibooyinku ku habsanka guud ahaan geyiga soomaaliyeed, bulshadu waxay lahayd hab nololeed kala duwan oo markaad si guro-fog u dhaado ku qotoma heerar kala takan, sida; Reer-guuraa xoolo dhaqato ah, Beeraley, iyo Reer Magaal. Haddaba nolosha ay haysteen bulshadaasi waxa ay ahayd nolol laaxiboon oo ay dadku ku qanacsanaayeen, hase-ahaate xaaladay markaas ku sugnaayeen ayaa waxaa noqotay mid mar kaliya isbedesha markii geyiga Soomaaliyeed ay ku gabaxleeyeen  inkaarihii ay dhaleen dagaaladii sokeeye. Dhab ahaantii waxay ahaayeen  kuwo saamayn weyn ku yeeshay nolosha qoysas badan, isla markaana dhaxal siisay in  hooyooyin badan ay ka tagaan noloshoodii hore, iyagoona u hogbaday in ay la hardamaan badbaadinta aayaha iyo nolosha ubadkooda.

Hooyooyinkaas Soomaaliyeed waxay noqdeen dhamaantood kuwo la hardama in ay ka soo dhalaalaan badbaadinta nolosha qoysaskooda. Dhab ahaantii hooyooyinka Soomaaliyeed waxay galeen geylan iyo dadaal weyn oo aanay gelin Aabayaashu. Hooyooyinkeen si ay u badbaadiyaan nolosha iyo baahiyaha taaganta ah ee qoyska,  waxay ku jirabbanaadeen inay iyagu inoo shaqeeyaan oo ka ay hooyooyinkeen  shaqooyinka kala ah:
Khudaar gedis, Harqaan(Dhartolis), Hilible(Hilib-gadis), Jaadle(Iibiya Qaadka), Shaaha, Dhar Dhaqista, Jaarinimada, Caanaley( Iibinta Caanaha), iyo qaar kaloo badan. 

Hooyooyinka Soomaaliyeed hardankaas dheer markay galeen waxay keentay in ubadkii Soomaaliyeed uu ka badbaado waxyaalo badan oo ay helaan nolol ka fiican nolosha ay ku noolyihiin ubadka ka soo jeeda dadyowga kale ee ay Soomaalidu deris yihiin, waxaana taas kaaga marag kacaya in aadan daliyo dibadba ku arkaynin dhalaan Soomaaliyeed oo ah caruuraha darbi jiifta. Intaas oo xaqiiqooyin markaad isu geyso hooyada dhiban ee hadiyo jeer qaxaysa waxa kuu soo baxaya in ay tahay hooyada ugu gaarisan uguna qaalisan adduunka ee ubadkeeda dhaqata. Sidoo kale hooyadaas Soomaaliyeed ee qaaliga ah waa hooyada ugu ayaanka daran waayo? Waa hooyo aan haysan cid daryeesha oo iyada ubadkeeda garab gasha, waana hooyo ragay dhashay ay ku noqdeen kuwa guba gurigay u dhistay, kuwa laaya oo gawraca ubadkii ay ku soo tabcaysay ee ay bacadka dartood sanado u fadhiday.

Haddaba qormadatan qisada igu dhalisay bal ila dhugta.

Durba Anuu Xilkeedu Dhakada Iga Koray!(Xildhibaan)!
Abwaan Cabdul Seed wuxuuna yiri: Waa duhurkii ama hadhkii qofba sida uu u yaqaanno. Qorraxdu aad bay u kulushahay, oo aalaaba marka roobku bilaabmanayo ee cirku curanayo wa sidaaas, qorraxda Addisabba waaba ka sii xaga jirtaa oo sida qabawgeedu u daran yahay baa kulkeedu u daran yahay. Aniga iyo Labo saaxiib ayaa shaqada ka soo rawaxnay, gaajo iyo daal waa la dareermayaa laakiin niyaddu ma xuma oo waxaan saaraahay baskii ugu danbeeyay ee guriga na hor dhigi lahaa. Si kadisa ah ayaa hal mar wax isu badaleen, basasku waxay istaagaan meelo cayiman oo ay dadka ku dajiyaan kana qaataan(jaaf) laakiin baskii wuxuu istaagay meel aan halkaa ahayn. Hal mar ayaa ishaydu ku dhacday caawiyihii darawalka(radhaat) oo si kadisa u dagay wuxuu daba ordayaa qof dumara oo maryihii soomaalida xidhan. Ma arkayn inay baska ka daadagtay laakiin xanaaq baa i galay oo waxaan mooday inay tahay qof lacagtii bas raaca aan wadin oo guri noo dhaw ka soo qaadasa, waxaan niyadda iska idhi "haddaysan lacag wadan may tidhaahdo iga dhiiba dhib malahee", marna waxaaba igu soo dhacday "war isaga ma u yeedhaa oo ma dhahdaa war anaa lacagta ku siine qorrax kulaylka naga wad", lakiin hadda sheekadu sidaa maaha.

Alle Qaadirsanaa! Wiilkii iyo islaantii hore bay guryihii ugu sii huluulanayaan oo wuu ba iga libdhay, anna dib baan isaga
fadhiistay. Mise in yar ka dib waa qof la siddo oo midna qaarka hore hayo midna qaarka danbe. Anfariir! Yaabiyo Amakaag naxdina! Mar qudha ayaanu isku qaylinay "war kuraas hal safa u banneeya si qofkan loo jiifiyo",  waa kuwaa durba qaar kaceen oo booskii la siiyay. Waa Soomali iyo haa waa Soomali, baanu hal mar wadaagnay. 

Kollay Soomalida meesha saaran ma badna oo waa aniga iyo saddex dumara. Durba in xil dhakada iga fuulay waan dareensanahay!! Haddana is idhi, oo waayo? War ma adaa dhalay? Mise waad garanasaa? Mise waa qaraabo? Annaa huba oo intaa midna maaha! laakiin xil wayn baa i saaran! Oo waayo? Mooyi! Waxaan u hinqaday inaan weydiiyo su'aashii koowaad oo ahayd; maxaa gabadha yar ku dhacay? Hase-ahaate dhibta haysatay iyo dad noo dhexeeyay oo badnaa awgeed jawaab waafiya kama helin.

Hadda illaawin halkii uu safarkayagu ku ekaa ma foga ee waatan noo muuqata oo hadda waaba joognaa. Dumarkii gaadhiga saarnaa waxay is-waydiinayaan oo cidi lama socotee? Oo ilmaha yar wali wuu miyir la'a yahaye! Oo waakan carrabka calaashanayee! Haseyeeshe, inay iska dagaan baan u sheegay oo aan hawshan ka war qabayo ilaa siday wax ka noqonayaan, oo taloow waa sidee? Mooji! Nasiib wanaag, waa iga yeeleen oo iyaba waa daallanaayeen wayna dageen.

Baskii wuu dheeraynayaa oo dadkii qaarba meeshii ay ku daadegi lahaayeen wuu dhaafiyaay. Dadku waa Aadanee qaybna way u garaabtay qofkan dhibban, qaybina way karhasanaysaa oo darawalkay hadallo caanan miidhana ku halgaadayaan. Dareeme kuwii meesha saarnaa ee Itoobiyaanka(Ethopians) ahaa in aan islaantan(Hooyadan) iyo inanteeda(cunugteeda) caawinayo, oo way arkaan inaan soo dhaafay meeshaan lacagta ku bixiyay ee ahayd inaan ku dego.

Waa jid gawaadhida qudha ah oo xawaaraha Kiiloomitirka(Km/hr) ee ay baabuurtu ku soconayaan yahay mid sare. Yeelkeed e' waxaan u sheegay darawalka inuu halkaa istaajiyo oo aanan sugayn inta uu juction (dhamaadka buundada ee jidka kale laga qabsanayo) ama exit (meesha haadka kale looga baydho) ka helayo, waayo? Cisbitaalkii baanu hormaranaa, in la soo kala wareegaana waqti bay qaadanasaa. Waa anigan inantii yarayd lugaha haya caawiyihii darawalkuna uu madaxa hayo. Waa na arkeen gawaadhidii meesha marasay inaan qof liita wadno oo way naga istaageen. Hooyada ilmahan yar dhashay ee na la socota annaga ayaaba iyada laftarkeeda wadna oo waxaad mooddaa inaysan ficilkeeda hadda iyadu hagayn oo jarihii miyirkuba ka lumayo.

Allxamdulillaah waan gudubnay oo dhakhtarkii ayaan orod ku galnay. Anigu waxaan xasuusta(ogaa) inaan ku qaylinayay kalmadda af-ingiriisiga ah ee "Emergeny! Emergency! Emergency". Markiiba sariirta ayaa la saaray labo kalkaaliye ayaana noo gurmaday. Anigu kalkaalayaasha kama fogi waayo? Hadda ayaa ba shaqadii aan usoo raacay ay si rasmiya u bilaabmatay, oo waa maxay taloow? Af-naqe! War aarmaan ereyga Af-naqe la ila fahmayninba? Af-naqe waa tarjumaan, oo Amhariyaaga miyaad ku fiican tahay? Ma badsado laakiin waxaan isku halaynayaa ingiriisi xoogaaya.

Hooyadu waxay ku halanhalaysaa "cirbadda ku dura, cirbadda ku dura haddii kale way dhimanasaa!". Naxdin iyo jahwareer weynaa! Meel agtaydana waxaa taagan oo iga la hadlaya dhakhtarkii oo i waydiinaya maxaa ku dhacay? Immisay sidan ahayd? Daawo miyay qaadataa? Waa immmisa jir? Xillimay miyir beeshay? Laakin anigu miyaan ka jawaabi karaa? Jawaabtu dee waa maya oo xittaa magaceeda ma sheeegi karo. Waxaanse ugu horeyn ku khasbanaa hadalada ay hooyadu leedahay in aan dhakhtarka u sheego si aan ugu laab qaboojiyo. Fayodhawruhu qaalisanaa! Dhakhtarkii wuxuu ii sheegay in ay hooyadu is-dajisoo iyaguna ay dadaalayaan. Anigu ba waan ogahay ilaa qofka heer kulkiisa, wadne garaciisa, neef qadashadiisa iwm, ilaa la cabbiro inaan wax dawo ah dhakhtarku siinayne hooyadaan tusayay in codkeedii uu digtoorka gaadhay, waxaana hooyada u sheegay inaan dhakhtarka amarada la siin ee uun looga jawaabo su'aalaha, wixii kuu muuqdana loo sheego haddeerna xaalku wanaagsan yahay.

Judhiiba waxaanu guda-galnay in aan su'aalihii dhakhtarka ka jawaabo oo aan hooyada waydiiyo; Hooyo immisay xanuunsanaysay? Hooyo saddex(3) sano, qalliin madaxa ah miyaa lagu sameeyey? Haa, waa immisa jir? Waa toban(10) sano jir, daawo noocee ah bay qaadataa? Hooyo anigu ma garanaayo! Allow hooyo ha cadaabin hooyo qaalisanaa. Dhakhtarkii wuxuu ii sheegay in ilaa la ogaado dawada ay qaadato nooca ay tahay in aanusan waxba siin karin, isla markaasna go'aanna uusan qaadan karin. Hadda inantii yarayd waa soo roonaanaysaa oo miyirkii waa ku soo laabtay. 

Alle naxariis badanaa! Daawadii gabadhu qaadan jirtay maadaama oo la rabo, oo la doonayo in qof soo qaado waaa in aniga ama hooyada mid kaayo doono oo soo qaado halka qofka kalena gabadha la joogayo. Hooyo tiiraanyeysan oo murugo darteed asqawday miyaa la diri karaa? Maya, bal waatane adna garan maysid gurigiiye yaa dooni? Dee waa hooyada uun. Anigoo xishoonaya inaan dhaho hooyo daawadii doon annaa inanta la sii joogaya, ayaan si naxariis intaan ula hadlay, waxaan ku qanciyay inay hooyadu gurigeedii ku laabato oo dawadii soo qaaddo si dhakhtarku hawshiisa uu u sii anbaqaado. Hooyo naxariis badanaa, wayna iga yeeshay. Cajiib! Anigoo u jeeda hooyadii tabcaanka ahayd ayaa mar kaliya waxaa gashay tamar hor leh oo firfircooni baa ka muuqatay, wayna kacday, balse waxay hadda xasuusatay inay caga caddahay oo aysan kabo wadan!! Runtii dareenkayga qofnimo ayay kicisay. Kalkaalisooyinka inan ka mid ahayd ayaa nagu caawisay kabaheeda, hooyadiina si degdega ayey u baxday oo dawadii bay raadisay.

Anigu haddaa waxaan dul fadhiyaa gabadhii yarayd oo sariir kale loo wareejiyay. Waxaan is weydiinaya su'aalo ay ka mid yihiin; taloow goormaa laga baxayaa hooyo meel qurbe ah ciyaal kula rafaadasa? taloow goormaa laga baxayaa jahliga(Aqoon-la'aanta) haysta qofka Soomaaliga ah ee daawada uu dhawr sano cunayay hadduu u dhimanayana aanu magaceeda sheegi karin? Taloow goormaa laga baxayaa innaga oo dad bukaan socoda ama bukaan jiifba wadanna oo aan anbalaasta inoogu dhaw lanbarkeeda aqoon? Taloow goormaa dhakhaatiirta wadankeenu noqon doontaa kuwo xilli kasta furan oo shaqaynaya? iyo suaalo kale oo badan.

Cabbaar waxaan murugiyo caloolyow dhex dabaasho, waxaa irida ka soo galay oo ii yimid dad qaraabada bukaanka ah, hooyadiina waa timi iyadoo xiiqsan oo bac lalansanaysa, dawadiina wey keentay. Waxaan weydiiyay inay dhakhtarka af garanayaan dadkii yimid, waxayna ii sheegeen inay la hadli karaan. Waan soo sagootiyay iyagoo faraxsan anna aan faraxsanahay. Hooyadiina aad bay iigu mahdnaqday anna waa la isku leeyahay baan hadalka ugu gaabiyay. Ismaanba ogaynee ileen nin gooman oo tabcana baan ahaaye, markii aan soo gutay hawshii garashadaydu guudka iiga saartay, ayaa waxaa igu soo baxay daal iyo dacaskaan qabay, balse tamar baa igashay oo niyadaan ka farxay, talaabadaan boobbay anoo leh "taaw taaw taaw(ii jooji baska)" waa aniga baska istaajistay ee gurigaygii aadayba.


Abwaan Cabdulow Ajar Gurubsatay Aniguna Ducaan Ku Cawilay
Alle ha ku barakeeyo baan leeyahay Abwaan Cabdul Seed, dhabtii qiso xanuun badan oo aad la kulantay iyo dareen kun wax nagu kicinaya oo ah mid laabahayaga iyo taadaba dharaar iyo habeenba ka hungumaya oo qodaya qalbiyadeena baad na la wadaagtay. Abwaan waxaa ku leeyahay Alle ha ku dhawro hana kaa abaal mariyo hooyada Soomaaliyeed caawinta aad caawisay, Allena ha u caafiyo hooyada ilmaheeda. Duco aan la soo koobi kari haynin baan ku soo cawilay.

Horta Cabdul booska uu kaga jiray qisadan uu la kulmay waa mid aniga si baaxadle laabtayda u daafadaysay, waa mid toos iigu sawirantay oo aan dhex muquuray,  Su'aalaha Cabdul isku jalbeebayey, iyo siduu ugu la'aa jawaab. Sawirka isaga istusayey ee murugada ku beerayey ee dhan kasta u baahay ee ay maskaxdiisu sameenaysay, sawirkaas oo ah mid maankiisu  suureenayey hooyada dhiban ee uu la kulmay inuu marba humaagyo kale barbardhigayey sida; halka ay joogaan ee ciirsi la'da ah iyo sida hooyooyinka kale ee Soomaaliyeed ee daliyo qurbaha jooga ula wadaaggaan uguna wada siman yihiin dhibkan haysta hooyadatan. Waxaan Abwaan Cabdul Seed leeyahay; Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "Alle fiirin maayo jidhkiinna iyo suuradihiinna toona, ee wuxuu fiirinayaa qalbiyadiinna iyo Camaladiinna", adiguna Cabdulow waxaad tahay kuwa Alle qalbiyadooda wanaagsan daalacanayo, dhabtiina waxaad ka mid tahay dhalinta damiirku noolyahay ee sebenkan Soomaali u kacday, hubaal Abwaan waxaad tahay qof damiirku noolyahay oo dubkiyo dubaaqiisu ku daabacan tahay naxariis iyo u damqasho walaalahaaga Soomaaliyeed, dareenka kugu mudan ee Soomaalinimo waa mid aan kula qabo in badan oo ka mida  dhalinta Soomaaliyeed ayna ina la qabto, Eebe ha ku dhawro hana kaa abaal mariyo waajibkaad gudatay". 

Dareenkay Igu Taareen Fariimihii Ay Qisadu Xambaarsanayd
Dhammaan dareemada fariimeed ay xambaarsan tahay qisadani waa kuwo inagu laabudan oo aynu qabno dhammanteen waliba sii gaara haddaanahay inta ah da'a yarta Soomaaliyeed  ee qalbiga nool leh, kuwaas oo dhibka haysta daliyo dadkooda ka gubyoonaya balse aan waxba ka qaban karin. Fariimahaas ay xambaarsan qisadan ee aynu iska indhotirno markaynu ka gibbaanownay in aynu wax ka qabano dareenkooda taban ee ina jafeefaya waxaa ka midda:

1- In aynu nahay dad isku isir iyo ab ah, oo aan seere kala oodin oo meel kasta ha joogaane is huran, laakiin inta dhan kasta laga tumaatiyey ay noqdeen dad kala firxaday oo maankoodu dayoobay, welina sii kala firdhinayo oo inta laysu sii bahalo gelinayo oo laga dhigay dad aan isku ab iyo sinji ahayn. Jahwareer weynaa! Balse ogaada markay qurbo tagaan inay walaalo yihiin oo uu jiro dabar hidde-birlabeed ah oo isu soo jiidaya. Tusaale qisadan baa kuugu filan sida Cabdul xil u fuulay una go'aansaday inuu guto  intii karaankiisa ah in uu wax ka qabto markuu arkay hooyo Soomaaliyeed oo murugaysan taas oo la halgamaysay ilmaha xanuunsanaya ee ku rafanaya dhabteeda. Ogow hada Cabdul iinsaanimo ma qaadin iyo muslinimotoona, wax kalena xaasha oo haba sheegin, balse dabar hidde-birlabeedkii ka isirnaa odeygii Soomaali ahaa ee unugyadiisa ku nabannaa baa jiitay, waana midka ruxay damiirkiisa ee dhiigisa dhaqaajiyey ee kaskiisa ku yiri "tani aday kuu taala oo ay dushaada saaran tahay! Maandhow waxba hawalaahoobine xilkeeda gudo Itoobiyaan iyo Aadane kale uma taal, hablaha kula socdana xitaa ma khusayso, oo waayo? Dee dhaqankiina kuma jirto inay gabadhi hawshan qabato iyadoo rag joogo, nin buu Alle kaa dhigiye raac hooyada". Ala yaa qalab ku eega oo dhagaysta unugyada cascas iyo kuwa cadcad ee dhiigiisa inay odhan lahaayeen sidaa aan ka daalacday hanaanka muuq ee dareenkiisu noo soo tebiyey! Hubaal weeye. Bal adba fakar oo dhaad. 

Haddaba bal ka waran adigoo saa u og in qofka Soomaali dhabba ah inaad u damqanaysid haddii aad ku aragto qurbaha isagoo dhiban, war miyaad ogalaan kartaa sheekooyinka niicda ah ee laynagu kala wareemay ee ah "dad kala qoomiyado ah baad tihiin oo qaarkiin Carab buu ka soo jeeda, qaarkiin kale Yahuud, qaarkiin kale Baantuu, qaarkiin kale Qoomiyada Itoobiya dega, iwm" Qoodhiin iyo xeradiin ma waxaas baynu yeelnaa war ma geedo baxay oo mid ba meel laga keenayo geeska lagu talaalay baynu nahay? Caqli maynaan lahayn? Ma sheeko xunta gumeystuhu soo afuufayo ee Xaaduqyadu soo waaridayaan baynu qaadanaa? Ma sidaas baynu aaminaa inagoo toos u aragna inaynu nahay hal qoys oo is huran? Miyeydan rumaysanaynin waxa Abwaaniinteenu inoo sheegayaan? Bal hadda xaalkeena maanta sida la inoogu kala wareemayo siyaasada sheeko xunta iyo sida aynu u ogaano marka cid kale aynu la joogo inaynu hal qoys nahay aan Abwaan Kediyeku kugu xasuusiyo kolay aqbali maysaan oo aamini maysaan wuxuu inoo sheegayo oo dad dayeysan baynu nahaye, bal dhugo; wuxuu ku ina yiri:

--Soddon qoysoo soon wada deegaan, seere kala ooddin
--Aan midabku kala soocminoo, diinni kala saarin
--Sinjiyo Ab-sawdiyo aqoon, sawrac iyo xaajo
--Iyo magacba siman dhammaan, tol iyo saaxiiba
--In siyaasad lagu qaybiyo iyo, sixir ku iiddaaman
--Oo siqiirkiyo ilaa kabiir sayn-cadduhu waasho
--Marna dhaqanka Soomaaliyeed, kuma sallaysnayne
--Waxay siddaan seben aakhirkan, waad la socotaane

Habaababaa iyo hawo beenna ma ku hawiranteen? Haa welise maanu garwaaqsan, meeyay dhaqankeeni ahaa mid ku dhisnaa hal sokeeye isku ah walaalo gacaliyo xigaala? Siyaasad baa shuf ka dhigtay iyo sixir ku iidaaman, maandhayaal hadaba dhaqankiini u laabta oo sooyaalkiini doona sidatan la yahay maanta marna dhaqanka Soomaaliyeed, kuma sallaysnee. 

2- Dadkeenoo xaaduqyo bireenayaan oo barakicinayaan inagoo og inaynu iska indho-tirno iskuna dhaafino xanuunkeeda sheeko raqiisa oo laabta laynoo galiyey waa sheekada ah Qabyaalad Bintu Qabiil Ibnu Kala Qoomiyad baad tihiin. Haseyeeshe aanu miyirsano oo aanu si dhaba u ogaanoo damqano marka aynu aragno dadkeenii iyo casabadeenii oo qurbaha qaar dacas ku laynayo, qaarna birta iska aslayaan iyagoo Ey intaa xabad isugu dhiibayo, qaarna niman afduubani gawracayaan, qaarna cudur laynayo, ubadkeeniina badaha doomo kula dagayaan, hooyooyinkeen dhakhtar iyo daawo la'aan u firganayaan,  qaaarna... qaarna ... qaarnaa. Haddaba haddii xaalkeenu saa yahay inaguna aynu sidaa ugu eeganayno oo aynaan garaadsanaynin ileen waano iyo waxsheeg inooma hadhine, waxase idiin odhan lahaa oo aan idiinku jalbeebi lahaa Abwaan Maxamed-haykal Muxumed dardaar-werintuu  idiinku meeray Jiifto uu tiriyey sannadkii hor jiifto, wuxuuna yiri:

¤In aad waafi noqotaan ··· Witig-witig ka suushaan
¤Qarannimo wadaagtaan ··· Sharaf aad ku waartaan
¤Waday oo intaan jiray ··· Waaniyo waxsheeg baan
¤Waa beryaba akhriyayee ··· Haddaad wadajir diiddeen
----------Waddi-caasi noqoteen

¤Widhwidhiigiiinniyo ··· Waqafkiyo qaxoontiga 
¤Waxa aad ka dheeftaan ··· Waa looba joogiye
¤Garashada waddacantiyo ··· Wayda aan dhammaan iyo
¤Weerkiyo colaaddiyo ··· Waa wareeydu waa guul
-----------Wantacoowga laasima!

3- In meel kasta laynagu bahdilayo iyadoo laynoo kala aabo yeelaynin oo la leeyahay "you are Somaali" adeer waxba haysu kaaya gurin. Laakiin kuma toosno ma garwaaqsano inagoo saa laynoogu sheegayo, hada xitaa karbaash baa laynagu sheegay. 

4- In dalkeeni jahli baraystay, aqoonxumo abaar ka darane, oo bulshadeenu 95% aan wax ba akhri karin waxna qori haynin, laakiin Soomaaliyow inteeni wax baratay way kala ilduufeen inay dadkooda wax baraan oo ay nafta u huraan si timaadada ay u noqoto bulsho dadkeedu aqoon yeesho. Ma waxaynu dooranay in aynu dad kale wax barno oo xoog iyo xiskeena u maalno, hadda ogow casabadaa waa taa indhaha isku haysta ee cid u bikaacisa la'a, adna Soomaaliyow cid kalaad u jeexdaa oo indhaha u fiiqda weliba toosh ileys weyna u dhiibta si xitaa ay gudcur aanay ugu cakaarmin oo ay hore usocdaan.
5- In aanay jirin cid ka midda dawladatan redeeban iyo uurgaslayaasha horjooga maamulada oo ilaalisa xuquuqdii iyo xaqii ay lahaayeen dhalaanka iyo hooyada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba ku tabaalaysan. 

Meeyey Mudanihii Ku Dhaartay Inuu Ilaalinayo Daryeelka Hooyada Iyo Dhalaanka Soomaaliyeed?
Daryeelka umada Soomaaliyeed wuxuu xilkoodu saaran yahay raggii ay bulshada Soomaaliyeed u caleemasaaratay ee  gudoonsaday xilkaas qarada weyn leh, raggaasina waa kuwee? Inaadeer Soomaaliyow waa ragga aynu isla naqaano ee aynu siinay magaca la yiraahdo Mudane xildhibaan, waana kuwii u soo istaagay xilka umada inay qabtaan ee aynu ka yeelnay dabadeedna kitaabka Alle gacanta intaynu u saarnay ku nidhi "Ku dhaarta magaca Eebaha Qaniga ah xilkaa aanu idiin dhiibnay inaad si daacad ah, garsoor hufan ah, sinaan iyo xuquuq dhawrid ah ugu gudanaysaan xilkaas", ee ugu dhaartay inay u gudanayaan sidaasna lagu dhaariyey maalin cad iyadoo Alle iyo dadkiisuba u jeedaan. 

Xildhibaanka ila dhashayow ee reer Soomaal ahow, ee muslimka ahow, inaadeer xilku waa wax culus ninka ah warac warac dhalay iskuma qaado haddaanu ka soo baxayn, wuuna ka cararaa kana fogaada dhaarta Alle magaciisa lagu dhaaranayo ee culus. Xildhibaanow bal ila dhugo xadiiskan tibaaxaya culayska xilkuu leeyahay, Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qof  caqli lihi waa kii naftiisa iyo jirkiis xaaraan ka dhowra iyo wax dhibaya, naftiisana wax xille leh ka fogeeya kuna dadaalo wixii anfacaya geerida kaddib. Caaquna waa kii naftiisa xarigga uga fura wax kastoo ay doonto oo hawa raaca ah, Allena ka sugaayo fulinta ididdillada iyo hawadiisa xun. (Tirmidi). Masuuliyadu maaha wax fudud waadna aragtaa xildhibaanow

Ha ilaawin  Mudane xildhibaanow in xilkaas aad noogu dhaartay in aanu kugu marag furi doono maalinta Alle la hor tagayee daran, Abwaan Jaamac Kediye Cilmi gabaygiisi la magac baxay "Masuul" ee uu ku jalbeebey xilka umada Soomaaliyeed rag loo doortay waatuu kugu cadeeyey ee uu yiri:

**Nin haddii masuul laga dhigoo, mudane loo doorto
**Madal laysu soo baxay haddii, maalin lagu dhaarsho
**Magacii Illaah iyo kitaab, midigta loo saaro
**Macbuudkiyo mushtamicii dadkiyo, malagyadii Eebe
**Munaasabaddii lagu dhaariyey, bey marag furayaane!!

Inaadeer Xildhibaanow aan ku weydiiye mee gudashadii iyo guditaankii xilkaas  aad ku dhaartay? Xildhibaanow maanad ogayn inaan ku aamineen oo aan ku ogolaadeen haddii aad ku dhaaran lahayd magac aan ka Eebe ahayn? Maanad ogayn markaad magaca Eebe ku dhaaratay inaan ku aaminay, oo waxaan kugu aaminay xilkaas culus ahaa magaca Eebe aad cuskatay kuna dhaaratay? Haddaad xilkaad ku dhaaratay sidii lagugu dhaariyey ka dagaagowday oo aan maanta waxba kaa qaban karin igana awood badan tahay, xildhibaanow maanad ogayn in Alle ku sugayo oo u laaban doontid dhawaan? 

Nolosha laacdamo-adduunyo ala yaraa oo raqiisaysanaa! Walaahay ama ka dharag xoolihii umada ama ha ka dhargin waxaa dhab kaala xisaabtamaya Alleha weyn ee Jaliilka ah, ogow xitaa haddii anigu inaadeertinimo kugu dhaafo oo aan shib kaa dhaho in Alle waxba kaa dhaafayn oo mid mid kaaga xisaabinayo Allena xaqa Aadane kugu leeyahay  kuu dhaafaynin oo uu Alle yahay garsoore caadil ah. 

Waa hubaal! Haa wallee waa marag-ma-doonto in lagaa la xisaabtamayo xilkaas aad ku dhaaratay ee aanu mudanaha kaaga dhignay. Mudane xildhibaanow waligaaba iska madax-mar, ama iska dhega-tir markaanu kula hadalno anagoo darandaraysan oo kugu leh meeyey garsooridii xilkaanu kugu dhaarinay? Wallee waxaanu kugu noqonaynaa dhammaantayo qiyaamaha kuwo kugu muducaya. Horeyna waatuu Abwaan Kediye kuugu sheegay ee uu yiri:

**Waajibkii haddii aanu marin, xaq iyo miisaanka
**Maamulkii laga rabey hadduu, maangal noqon waayo
**Muraadkii dad-weynaha hadduu, gaabto madhaxiise
**Ama uu midkii loo dirsaday, maydhabyada gooyo
**Umaddii markhaatiga ahayd, wey muducayaane

Walle macal cune muuqan doone! Xildhibaanow masuuliyadii aan kugu dhaariyey kaaga na dhigay masuul anigoo ku xushmeenaya, ku dhawraya oo cay iyo in lagu rifo dhimasho aan ka xigo, Inaadeerkay Soomaaliyeedow miyey tahay  xilkay lahayd masuuliyadaasi inaad dayacdo? Miyey tahay inaad xilkaas ugarsoori weydo si hufan? Ma wax kula quman baa inaad kala xigso dadka kuu siman ee xilka kuu dhiibtay ku dhaqdo? Dhalaanka Soomaaliyeed iyo umadoo nin daryeelkoodi qaaday kuna dhaartay inuu gudanayo waa adiga xildhibaanow ee ha ilaawin, ha ilaawin in la gaala xisaabtami doono. 

Bal eegga Meeye raggii ku dhaartay dastuurka umada Soomaaliyeed? Xildhibaanow xaqii uu lahaa qodobkan 29aad ee dastuurka Umada Soomaaliyeed meeyey gudashadiisi ma Cabdul oo ardayaa qaaday? Ma waanay ogayn xildhibaanadu inay magaca Eebe ugu dhaarteen inay ka soo dhalaalayaan oo ay dhawrayaan xilka ay guudka saarteen ee qodobkani leeyahay? Bal xildhibaanka Soomaaliyeedow ila dhugo mar kale qodobkan aan ku soo xasuusiyey; Qodobkan 29aad wuxuu odhanayaa:

Qodobka 29aad:
Caruurta

1. Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac suuban iyo jinsiyad.

2. Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.

3. Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda.

4. Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo war-geliyaa.

5. Ubadku waxay xaq u lee yihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga bedbaadaan dacwad kasta oo caddaaladarro u keeni karta...
  • Meeday xildhibaanow xuquuqdii aad ku dhaaratay ee qodob unugeedkan tibaaxayo? 
  • Haddii aan ifka lagugu weydiinaynin, Hogaamiyaha umaddow maanad ogeyn in Allaha aad magacii ku martay inuu ku weydiin doono?


6. Carruurtu waxay xaq u lee yihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan.

Bal xildhibaanow eeg qodob unugeedkan 7aad ee qodobkan 29aad ee aad ku dhaaratay, wuxuu kugu dhaariyey ku dhaaratay: 
7. Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kasta oo maslaxaddooda khusaysa. 
  • Allow xaqa nagu sug, war xildhibaanow meeyay xaqii qodobkan ugu dhaaratay magaca Eebe inaad danta ubadka Soomaaliyeed ugu mudan tahay wax kastoo aad qabanayso?).


8. Ereyga “carruur” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.
-

Allow kii xaqa qodobkaasi ku qotomo ugu dhaartay inuu gudanayo ee u gutay siduu ahaa Allow noo dhawr oo janee, Allow xildhibaankaan gudan ee uurkiisa ka dhaansaday xuquuqdii iyo gumaradii dhalaanka Soomaaliyeed loogu soo dhiibay Allow naga qabo adigaa awoodi karayoo waxba kaa qarsoomin e'.

--Xaqdaro raggii naga galyoo, nacabna noo xoorye
--Kursiga kuwaa ku xiiqsanoo, aan xal kale hayne
--Mar uun bay xisaabtoodu iman, xaakim hortiise( Abwaanad Qaryad Ciyuuni)

Gunaanad
Waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa dhawr qodob oo kala ah:
1- In hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed la badbaadiyo oo ragga xilka guudka loo saaray loona doortay inay umada gardaadiyaan waa inay Alle ka baqaan oo gutaan waajibaadkooda
2- In Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee qurbaha xareedinaya hadba meel ee mareegaha ka nacnacle inuu dalkiisa ku soo laabto oo dadkiisa wax u qabto oo uu waxbaro
3- In Alle loo laabto oo towbad dhaba Alle la weydiisto lagana tago Qabyaalad Bintu Qabiilka sida dedban loogu atixiyaadsanayo
4- Xildhibaanada Soomaaliyeed ee maanta 40jirku ugu yaryahay inay gartaan masuuliyadu inay tahay inaad bulshadaada u hagarbaxdo oo ay isxilqaamaan sida wiilkaas dhalinta waa Abwaan Cabdul seed e' isu xilqaamay markuu hooyo Soomaaliyeed iyo cunugteedi oo xanuunsanaysa arkay.

Alle Xaqa Ha Inagu Sugo, Alle Hooyooyinka Soomaaliyeed Ha Dhawro( Ifka Iyagaanu Ugu Jecelnahay Waa Wadnahayaga)

W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan

Surad-------- "Abwaan Muxamed Shiikh Shaafici( Muxamed Shaacir)"

Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Muxamed Shiikh Shaafici loo yaqaan Muxamed Shaacir. Gabaygani waa gabay aad u cuddoon oo dhud iyo dhaabad midheed oo culus leh. Sida aad ku arki doonta gabayga waxaa ku jira ereyo badan oo ku adkaan doona dhalinyarada maanta. Hadduu Eebe idmo gabaygan oo aan erey fur u sameeyey sidoo kale na manqax cokan wata waxaan dhawaan idiinku soo gudbin doona mid ka midda qormooyinkeena taxanaha ee "Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman". Ka bogasho wacan waakana gabaygii, wuxuu yiri Abwaan Shaacir:

❁Sagal hooray ciiddoo sayaxa samada oo gaaran
❁Gugiyoy samaaluhu curteen iyo sagaaloodki
❁Oo xaygu saynsaaban yahay salalafoo guuri
❁Iyo sayma roobiyo daruur sililidaynaysa
❁Oo qawyadii sulubka haa dhadadu seenyaysay

❁Saqafkii dabayloo dhan iyo sararti fiinjaawe
❁Ooy saaka uuradu fadhido sal iyo baarkooda
❁Oo seermaweydiyo intuu dirirku saameeyay
❁Oo xalay saqdii dhexe gudgude lagu sakuumeeyay

❁Oo dhibici saydhtamay intuu ciidda salabeeyay
❁Oo laagahoo soo gaddiyay sululayaan maanta
❁Salabbadi diglow iyo dalliyo sabadki baar-ooman
❁Oo laga sarriigtoo nafluhu suranyihiin taagga

❁Oo sumaca laylkii harruhu sawdka lalinaayo
❁Oo Ugubbidii sayaxa iyo xiiku salalaayo
❁Hadba suuradiiyoo kaley ii sawiran taaye
❁Sadaadoodayey xalay miyaan seexan kari waayay!!

❁Suubaanki buunney miyuu sarinki doogoobay
❁Saymaha cagaarkale miyuu daadku kala seexshay
❁Geedaha sawaalkaa miyuu saaqu gololeeyay

❁Salaalmaca udgoon iyo gahaydh-maanyadiyo saarku
❁Iyo laanta salwgaa miyuu geelu sariwaayay
❁Hadba suuradaayoo kaley ii sawirantaaye
❁Sadaadoodayey xalay miyaan seexan kari waayay!!

❁Surki baarqab sayndheere iyo surunti baarreeyo
❁Iyo seerihii gumar intii loo sardegay reerka
❁Saaxada bariiseed miyaa loogu sugay waaga?
❁Seddexdii arooryeed miyaa saaca lagu gaadhay?

❁Sidig iyo sac iyo wayl miyaa sooryo lagu maalay?
❁Sibraar caana geeloo irmaan oo sidkaha buuxa
❁Sabigiyo saqiirkii intii hoore lagu siiyay
❁Oo socotadii iyo martidi reerka laga sooray

❁Geelii sareedada ahaa seemantiyo hoorka
❁Siif-dacara iyadoo sinjiga soomal iyo may ah
❁Oo daraca oogada utuban oodda siribteeda
❁Surunkii dareer ugu habboon iyada oon seegin

❁Iyadoo suryadi baarqab-yare saaka lagu foofshay
❁Ama seeddiyow iyo dhankii culay u sii daayay
❁Ama ay dhambaca saaran tahay iyo sankii qawga
❁Iyadoo subaaneydi kore saayir lagu daajay
❁Oo meel sarmaan faraqle iyo soome lagu raacay

❁Bakaloo sabaannadan dihinaa seerihiyo luuqi
❁Inta lagu sagootiyay xidhkii loogu simay wiilka
❁Iyadoo ragaad saa ugalay aayar lga siibay
❁Oo suulka boogkule intii saydha laga gooyay
❁Sirsir dhagaxle siifaan burcada saafku yuun mudine
❁Sallax kalawle oo sarihayana saanta yuun jarine

❁Sulul ciida suubaan intii lagu saqaafeeyay
❁Balli subaga oo saaxiya oo sirqada jooga,
❁Oo suurka loo dhigay intii looga saxar qaaday
❁Iyadoo susuubiya intay sihatayooy reertay
❁Laamaha sarriigtale intay siibtay dhineceeda

❁Codka saafidaa iyo intay olalku sawdayso
❁Sii jeedka soo jeedka iyo socodka miisaman
❁Saansaanta muuqaalka iyo suufka dhogorteeda
❁Hadba suuradii geelu way ii sawiran taaye
❁Sadaadoodayey xalay miyaan seexan kari waayay!!

W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan



Thursday 23 April 2015

Saadaasha Cimilada: "Sabuux Jimce Laba Ka Weydaa Wankaa Qalad Leh"--W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan


Aqoonta Xiddigiska: 


Saadaasha Cimilada Ee Xiliga Guga(Bisha Sabuux)


Ibo-Furka Qormada
Bulshada Soomaaliyeed oo ah bulsho u badan xoolo-dhaqato ayaa intooda miyiga ku dhaqan ee reer-guuraaga ahi si ay uga badbaadaan ama ay u yaraato saameynta dhibaatooyinka yimaada roob-yaraanta iyo arrimaha kale ee ku gaydhama ee ah xilliyada adag, waxa ay bulshada Soomaaliyeed ee guuraaga ahi weelaysatay una toog haysay inay dhawrato aqoon hodonna taasoo ah midday soo kala dhaxlaysey ab-ka-ab, aqoontaas oo ahayd mid ay ku go’aan qaadan jireen. 

Bulshadan reer-guuraaga ah ee aan waxba qorin ama waxna akhrin, waxay aqoontan hodonka ah ku kasbadeen dhaxalkii waayo-aragnimo ee ka soo ildo-furtay hardankiyo geylankii ay la soo galayeen jiraabada waayihii adkaa ee hadba soo wajahayey, kaasoo ay tabiyo xeel gaara marba kaga gudbayeen tubta ay ku jeedaarnayd geedi-socodka noloshoodu. Aqoontani waa idimka Eebe waayuhu baray waa aqoonta la yiraahdo Xidiggiska(Astronomy) waana aqoonta loo yaqiinsan yahay inay tahay "Hooyada Sayniska". Aqoontan la yiraaho xiddigiska waxaa ka midda farac gaara oo ku dhidab saadaasha roobka kaliya, faracan ah odorosida roobka  waxay ahayd aqoon aad u horumarsan; waxayna ahayd aqoon ka dhalatay isku-dhafka xiddiginta dadkii reer Beershiya (Iiraan), Carab iyo Afrikaanka siiba faraaciinta iyo dhulkay faraaciintu ka soo unkameen ee reer boonta(Geyiga Soomaaliyeed). Haddaba qoontan oo ah mid Soomaalidu aad u taqaano, ayaa bulshada reer-guuraga ahi waxay Xiddigiyaha Soomaaliga ah u asteesay magac timaamaya milgaha uu leeyahay kaas oo ah magaca la yiraa Xidaar(Mutacalin). Xidaarna waa aqoonyahanka Eebe baray aqoonta xiddigiska(Astronomy), kaas oo ahaa mid oddorosi jiray gedgedoonka cimilo ee hadba goor cugtama. Inkastoo maanta ayba inagu yar yihiin dadka jaadkan oo kale ah haddana waxa ay bulshada dhexdeeda ka ahaayeen kuwo loo hayo maamuus iyo mudnaan xooggan. Xidaarka qaryaanka ah marka uu xiddigaha guurguurkooda ka mooreeyo cimiladu sidday noqon doonto, dhab ahaanti saadaashiisu badi waxa ay ahaan jirtay mid u dhawaata wax dhaca ama la arko – taas oo ay xoolo-dhaqatadu ku go’aan qaadan jireen si ay uga sii gaashaantaan howlaha ku soo fool leh ee geedi-socodka noloshooda ku jeeran ee ah arrimaha la xidhiidha cimilada (roobka, abaaraha, dabaylaha), hayaanka, colaadda (dagaallada), guurka iwm.

Golnuugsiga Qormada
Hadaba anigoo ka dab qaadanaya intaan ka bartay cilmiga xiddigiska ee Soomaalidu leedahay, waxaan qormadan yar idiinku meeraya isbedelka cimilada ee bishatan aynu ku jirno ee caawa ah 23ka bishii afaraad ee gu'ga miilaadiga 2015ka.

Sabuux Jimce Laba Ka Weydaa Wankaa Qalad Leh
Caawa oo ay bisha milaadigu tahay 23ka/April/2015, halka ay hijriyaduna tahay 2dii bisha 7aad(Rajab) ee sanada 1436 ayaa ah mid ku beegan xiligii gu'gu bilaami jiray, xiligaas oo marka laga eego maltirsiga Soomaaliga noqonaya 2da-bisha sabuux. Bishan Sabuux waxay bilataa maalin jimce ah, gu'guna wuxuu harqamaa oo dhibicdiisa ugu horeysa ay hoortaa 2da bisha.

Markay bishani curato Soomaalidu waxay dhahaan "Jimce laba ka weydaa wankaa qalad leh", taas oo ay ka wadaan bisha Sabuux labadeeda hadduu roobku di'i waayo in jilaalku dheeranayo, roobkuna raagayo, sidaa daradeed xilligii sumalka idaha lagu sii daayey waa mid aan loo kaltirin oo qaladda. Haddaba iyagoo qaladka iska fogeenaya ayey wanka u saari jireen marka xiligii gu'ga la sugayey hoori waayo. 

Haddaan manqax yaroo kooban ka bixiyo weedh murtiyeedkaas "dhaqan-ahaana, xoolo-dhaqatadu, si joogto ah sumalka uguma darto idaha, xilli go’an mooyee. Waxana ay sidaas u yeelaan in aaney iduhu dhalin xilli adag (Jiilaalkii oo kale), oo aaney isugu darsamin caatonimo iyo dhalid, ka dibna laga yaabo in ay ka soo doogi waayaan xilligaas adag.

Xiliga gaara ayaa wanka idaha lagu sii daaya, oo dadka xoola dhaqatada ahi waa u kaltiriyaan. Bal aan halka sii yara tibaaxee; Habeenka la yidhaahdo “Dambasame” ayaa ah amminta ay xoolo-dhaqatadu sumalka idaha ku sii daayaan si ay u rimaan. Habeenkaasi waxa uu ka horreeyaa 150 maalmood xilliga uu roobka gu’gu bilaabmo. Sidoo kale, Dambasamuhu waxa uu ku dhacaa ama galaa 120 cisho ka dib habeenka Dab-tuurka (Dab-shidka ama Nayruuska) oo Soomaalidu ku suntato habeenka 1aad ee Sannadka Soomaalida. Habeenkaas (Dambasame) waxa uu ku beegmaa badhtamaha Deyrta (bisha Nofembar), kolkaas oo (sida ay Soomaalidu u taqaan) dayaxu la jiro xiddigaha ‘Urur-ka” oo ay Soomaalidu u taqaanno “Laxo ama Idaha”. Odhaah soo-jireen ah oo ay Soomaalidu leedahay ayaa tiraahda: “marka ay lixo dhacaan, ayey laxo dhalaan”.  Sidaas bey iduhu 150 cisho ka dib dhalaan oo ugu beegmi jireen xilli uu roobku bilawday ama si fiican u da’ay (hilaadda 21ka April ilaa 15 May).

Xilliyada iyo Taranta Idaha Is-beddelladaas awgood, waxa ay xoolo-dhaqatadu gar-waaqsadeen in aanay habboonayn in habeenka Dambasame(Octoober dabaayaqadeeda) sumalka idaha lagu sii daayo, maxaa yeelay lama hubo in ay iduhu dhalin doonaan xilligii ku habboonaan jiray ee roobku di’i jiray. Waxaana sababay roobabkii oo aan isku halleyn lahayn. Saas daraadeed bulshadeena oo ah mid aqoonta-xidigiska eebe ku ilhaameeyay iyagoo aqoonta adeegsanaya waxa ay reerguuraagu door-bidaan in ay 30 habeen dib uga dhigaan habeenka Dambasamaha, si ay xooluhu u dhalaan badhtamaha bisha Mey. Wixii ka horeeya xiligii gu'ga ee loogu talogalay haddi iduhu dhalaan, qaladka badanaa wankay saari jireen. 

Lixo Markay Dhacaan Bey Laxo Dhalaan

Lixo: waa xiddigo isku jaala waana kuwa ugu horreeya xiddigo-bah wadaagta toddobadaba ah ee laysku yiraahdo "Habar Naaf". Laxuhu waa lix xiddigood oo dhexdooda ay ku cuf-urursan yihiin xiddigo badan oo kuwaas oo ay adag tahay in uu ku arki karo qofkaan haysan qalabka tiiro-fogaan arageed ee  xiddigaha fog-fog lagu dhaado. Xiddigahan la yiraahdo laxaha, Soomaalidu waxay kale oo ay u taqaan "Galgaali". Ururkaa (xiddigahaas) waxa la arkaa 14-bisha April ilaa 21-bisha April. Xiddigahakani xilliga ugu dambeeya ee iyagoo biligligle oo sii kaah liiqaya la arki karo ay tahay 21-bisha April, haddaba waxay arrintaasi caddeenaysa oo ay inoo daahfureysa oo run ka dhigaysaa xiliga roobkii gu'gu hooro in ay ku beegan tahay taasoo ay Soomaalidu tiraahdo wuxuu gu'gu hooraa oo ay iduhu dhalaan marka xiddigaha la yiraahdo lixo ay dhacaan, waata ayna ku jalalabaan "Markay lixo dhacaan bey laxo dhalaan". 

Haddaba hadday bisha april tahay 23 halka ay ta dayaxa loo kaltiriyana ay tahay 2dii sabuux( carabi ahaan, 2dii Rajab) waxaa inoo soo baxaya dhawr qodob oo xoojinaya inay saadashada gu'gakani xilligu harqami laha ay dhabawday, kuwaas oo kala ah:

1- Xiddigaha la yiraaho laxo inay dhaceen 21April-(1 Sabuux"1da Rajab). 
2- In uu bilawday xiligii gu'gu ibo furan jiray 
3- In caaro-hoorkii gu'gu durbada ka dul harqamays meelaha qaar markay ahayd bishu 1dii  ilaa 2dii sabuux( 21kii ilaa 22kii April)
4- In xiligii gu'ga ee loogu talo galay inay iduhu dhalaan ay dhabowday, taaso ku beegan dabaayaqada iyo bartamaha bishan sabuux.


In dhibicdii gu'ga ugu horeysey ay meelo badan ku hoortay 21kii bishan( April ) waxaan marag u soo qaadan karnaa tixdan yar ee uu doraad tiriyey Abwaan Maxamed Shiikh Shaafici(Shaacir) markuu roobkii dhibicda saaray wuxuuna yiri:

--Xaluu roobki da'ay,
--Xeeryuhu qoyeen,
--Xaabshaanki iyo,
--Xorodkii guntamay,
--Waxaan xoole iyo,
--Xamaan iyo da iyo,
--Xaas iyo ciyaal,
--Iyo xaymihii,
--Loo xeera dayay,
--Geelii xerraday,
--Xabawaray darraad,
--Aqallada xidhxidhan,
--Lagu xeeray ood,
(April 21 at 7:05pm )



Bilaha Xilliga Gu’ga = Months Of Spring Season:
Gu'gu waa 88 maalmood oo kala ah saddexda bilood ee la kala yiraaho:

1. Seermaweydo: Sabuux: April

2. Dirir-cawleed: May

3. Dirir-sagaaro: June

W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan
Xubin Ka Midda Naadiga Qalin-Maal

Copright: Maanmaal and www.Maskaxmaal.com

Monday 20 April 2015

Qaybtii Shanaad Ee Sheeko Suugaaneedkii ( Jacaylkii Maalmihii Adkaa Iyo Midhuhu Dhalay)--W/H: Maanmaal Buureed Gurxan

Tusmada Qaybta Shannaad Ee Sheekada

5.1. Baadi-doonkii  Caasha Cuddoon Ee Samakaab U Hubqaatay
5.2.  Kulankii Caweyska Iyo Hees Ciyaareedkii Haanta
5.3.  Halxiraalihii Sureer Heelo Ee Samakaab Furay
5.4.  Erey-Furka Sheekada


Qabta Afaraad Intii Ugu Dambeysey: 
Waxaa bilawday miliq-shaanle sahan beenaale ah iyo baadi doon xoolo aan maqnayn, fardo raadis iyo qaalin diraacda luntay yaboohiskeed. Dhex karkiyo dhusluhu baday waase wax ku caana bulshadaa dhexdeeda ahna tilmaamaha lagu garto guurdoonka ama daydayga ah, oo waa layska dareensan yahay la mase oga meesha yoolku haysto……..

Dhanka kastaba waxaa ka bilaabmay goglaale iyo galti haween iyo ragba leh. Nin kasta oo dayday ahaa oo gu'ga-kan laabtiisu ka dhex guuxayey hungun iyo hami guur ahi guntiga ayuu dhiisha iskaga dhigay.

5.1 Baadi-doonkii Caasha Cuddoon Ee Samakaab U Huqbaatay

Samakaab waa nin abbaar leh oo hiraalka yoolkiisu aanu ahayn mid haddeer soo hankaabsaday, waa se' nin qalbigiisu liifka iyo diiradaba uu ku hayo meel mar hore cindigiisu raacayoo sahansadey, dhabtiina ma'aha warkiisu nin labalabeyniyo uu ku jiro  halabsi-heedadow ah sida nin dookhu ka baahay oo mar ba odhanaya "War talow ma waxaan guursadaa Saluugla? Mise Xaawo? Talow mise Bilan? War mise talow Milgo baan guursadaa? Mise Xaali Dhool? Mise talow Falxado?". Ninkaan hankiyo hamigiisu yooliyo abbaar hiraal dhaba lahaynin baa heedadow iyo dookh-faluuqow ku dhacaaye, Samakaab waa nin warkiisu iska cad yahay oo shiishkiisa Cuddoon ku haya, meel kalena aan isku ladaynin, qalbigiisuna halabsan karayn.

Sida caadada ahna waxaa jirta haddii ninka guur-doonka ahi uu marba halabsanayo meeshii farta loogu fiiqo, inuu ku dhaco cudur la yiraahdo dookh-dhanqalan1 ama dookh-faluuqow, marka la arko qof dookhu ka arbushmo, waxay dadkii hore odhan jireen "hebel wuu halabsi-heedadoobay oo inta geyaankiisa ee jooga gabadh uu ka doorto ba garan waayo oo waxaa ku dhacay dookh-faluuqow, amase hebela dookhii baa ka baahayo wey dookh-dhanqalantey oo waxa rag geyaankeeda ee Alle badshaye ee hareerteeda maraya barbaar ay raacdoba garan mayso, xaalkeeduna waa Geedi jantay, Warfaa u golongolay, Geeldoonna jeclaadaye kee baan raaca".

Nimay meel u cadahay, meel kale ka madowe, Samakaab wuxuu toos u soo aaddey uguna jihaystay dooxadii loogu sheegay reerkii ay Caasha-Cudoon ka dhalatay. Samakaab wuxuu dhex qaadayaa oo uu kolba ka gudbayaa dooxooyinka qowraarimada ah ee Nugaaleed, waana dooxooyin Alle balaadhiyey oo gu'gii intuu digdhabay ay dhirtu si aad ah u baxday. Wuxuu kolba soo dhex jibaaxo dhir sulaacaysa udugga iyo careefka ee wada bixisay ubaxyo kaambuli mooddo iyo raayaha ubax ee hadba midab gaara soo hiraya wuxuu ugu dambayntii soo gaaray dooxadii ay Cuddoon reerkeedu yaalay. Dooxadatan reerka Caasha Cuddoon yaalo waa mid qawraarrimo ah oo weyn waxaana degan reero badan, Samakaabna garan maayo dhanka ay ka degan yihiin Caasha Cuddoon reerkoodu, haddu garan lahaana kuma dhaco inuu aaddo reerka oo isba garan maayaan. 

Samakaab muu nasane wuxuu haddana u holaday sidii uu ku ogaan lahaa halka Cuddoon reerkeedu ka degan yihiin, sidoo kale wuxuu mashqac-baadhaya ciddii uu garabsan lahaa ama jaal-dhow ka dhigan lahaa ooy Caasha Cuddoonina ku xidhan tahay ama ay is yaqaanaanba. Waxaana taa ku kaliftay oo keenay, meesha Caasha reerkoodu degan yahay oo ah dooxo  dhir badan oo oosha ku taxan. Sidaa daraadeedna, inta qorraxi soo jeedo iyo habeenba uma fududanaanayso dhalinta haasaawe doonka ah, inay si sahal ah ay u kulmaan oo aad baa loo kala ilaaliya, taasina  waa sababta ku ijbaartay ee keentay, Samakaab inuu goobo oo raadiyo, meel uu gabaad ka dhigto iyo saldhig uu ka duulo. 

Samakaab wuxuu maamiyo oo uu maankiisa marba u diro laylis ah sidduu ku heli lahaa, cidduu u sii mari lahaa Caasha Cuddoon, waxaa goor aan fogayn qub ku soo yiri, inuu Saxiibkiis gabadhuu la sheekaysto uu ugu diro kana caawiso arintiisa. Kuma adkaan ee wuxuu gabaad ka dhigtay gabdhii saaxiibkiis la sheekaysanayey oo la yiraahdo Yusur.

Waxaa la dirray Yusur oo ah gabadh ay is-garanayaan Caasha-Cudoon. Yusur sirtii lagu aaminey ee loo xilsaaray iney ka soo dhalaasho, waxay ahayd inay soo ogaato baxaan-baxa Caasha-Cudoon iyo sidii loo heli karo, nasiib xumo se' lagu ma guulaysan in la helo Caasha habkii lagu arki lahaa. Waxaase la sugayaa oo soo foolle amintan oo kale caan ah, ciyaaro caweyska ay dhalinyaradu dheesho oo dhawr ah. 

5.2.  Kulankii Caweyska Iyo Hees Ciyaareedkii Haanta

Sidii la wada sugayey caweyskii dambe, waxaa mar qura yeedhay rugta iyo gigta riigaan haameed. Kaliifka jabaqda durbaanka ee dareertay, maqalka loo taag lana dhega-nuugsay. Dhalinta aaga ka dhaw oo dhan isu tilmaantay, soo na wada abbaare dhankay kaga aaddan tahay, jabaqda reemaha haantee bulxamaaya meeshay ka baxayso. 

Ciyaartan la yiraaho haanta ee ay dhalintu aaddey halka uu ka jalwanayo durbaankeedu, waa hees ciyaareed ka mid ah kuwa dhaqanka ah ee deegaanka laga ciyaaro, sida magaceedana ka muuqata waxaa dhacda qofka aan garanaynin in uu soo xasuusta magaca weelasha qabada ah ama argeegta mid ahaan laga tolo ee reer miyiga Soomaalidu mid ahaan biyaha iyo caanaha ku shubtaan kuna dhigtaan. Hees ciyaareedan ay dhalintu u hogbadeena, taas qudheeda ayey ku magacaaban tahay, sababtuna waa xiriirka dhaw ee labadooda ka dhexeeya. Ciyaartan oo ah mid laga ciyaaro degaanka, waa ciyaar sida midhaheeda laga dhadhansan karo hiddaha Soomaalida xididdo fog ku leh. Ciyaartan ayaa ah mid ragga iyo dumarku wada tuntaan, haseyeeshe ciyaarta qaban-qaabadeeda hore waxaa iska leh dumarka. Haanta cidda ciyaarta inta badan waa haween, haween oo dhana maahee waa kuwa madaxa banaan, dhif beyna tahay, haweeney reer leh in ciyaartaas lagu dhex arko. Gaashaantimaha iyo garoobada ayey gaar u tahay ciyaartani, had iyo jeerna marka la maqlo waxay dhalintu ka kala yimaadaan qoysaska isu dhaw ee ah kuwo deegaan ahaan ku kala fogayn. 

Ciyaartan ay dhalintu hugunkeeda u baxeen, waa mid aan sacab iyo jaan lahayn, waase mid durbaan luuqda lagu jaangooyo, hayeeshee maaha mid u daryaan eg durbaanada kale ee la tumo marka ciyaaraha kale la ciyaarayo lagu sar-gooyo. Waa durbaan ay dadka reer-guuraga ahi u farsamaysan jireen oo ay ciyaartaa kaliya loogu talogalay, waa haanta! Haanta ay biyaha iyo caanaha qudheeda ku shubtaan ayey ciyaartan ku tamayaan, waana halkaa meesha ciyaartan magaceedu ka raacay. 

Aqalada iyo meel aan ka durugsanayn ayaa waxaa yimaada haween kooxa midood baa waxay soo qaadataa haan madhan oo gocoyo ah, haan dhowaan la tolay oo aagaankeedii guriga looga soo kacay, gabadh kale ama isla iyadii ayaa waxay soo qaadataa harag qoyan oo kol dhaw laga bixiyey neef yar oo ariya.

Goobtii ay habluhu ku balameen markay isugu yimaadaan, ayey habluhu god yar qotaan, oo ay haanta salka u galiyaan, afkeedii banaannaa ayaa haragii yaraa ee orgiga ama waxarta dhalatay oo kol dhow laga bixiyey oo markaa kafafay ayaa lagu daboolaa oo si xoog lehna loogu giijiyaa, iyadoo gabdho dhawr ahi marba mid inta ay tafta ku dhagto aad u xejinayso. Kolkay sidaa isu diyaariyaan oo ay shanta farood foodooda iyo haanta isla helaan ayey ciyaartu bilaamataa, dhawaaqana markay sayax tahay waxaa laga maqli karaa ruumanka habeenka lagu tumaayo kuwo aad uga fog oo gelin socod waxba ka yarayn. Dhalinyaro badan ayuu riigaanka dhawaaqaasi soo jiitaa oo ka soo dhaqaaqda halkii ay reerahoodu degnaayeen. Dhalinyaro rag iyo dumarba leh, oo maaweelada ka sakow doonaysa inay meesha ku kulmaano intii isku calaf lihi ay isku aragto. Taasina waa sababta keentay inay dhalintu isla garatan durbaanka jalwanaya inuu yahay kii haanta ee aadi jireen habeenkii intii maaweelo iyo guurdoonba u jeedkoodu yahay.

5.3.  Hal-xiraalihii Sureer Heelo Ee  Samakaab Furay

Dhalintii deegaanka isku dhow ahayd soo wada aadde. Samakaab iyo jaalkiisi iyaguna kabta suunka u xidhe, waxayna u siii deg-degeen meesha riigaanka haantu kaga imanayo. In-doora oo xoogay ah haddii jaanta hoosta laga boobbey, waxaa durba dhagahooda ilaaqay oo si toos ugu soo dhacay, codka laaxiboon ee gabadha haanta ku lulaysa. Codka dhalintu ay wada maqlayaan waa gabadh ka midda hablaha laashimada ah ee halabuurka hibada maanso-curinta Eebe sida gaarka ugu xudumay. Cajiib! Iyadoon laba gaadhin goobta dhalintu isku jalbeebe weydiimo "war tolow waa tuma qoftaasi?" Dhalinta isku oosha ahayd in badan oo ka midda gartey, kuwii aan garanaynin uga jawaabe, waxayna yiraaheen "waa gabadhii Sureer ee midho cuddoonida iyo cod macaanida daraadeed loogu bixiyey Sureer Heelo". Sureer Heelo waa gabadh laga wada yaqaan deegaanka oo ah hal-abuurad Eebe ku manaystay hibada maanso-curinta, balse gu'gakan kii ka horeeyey ayaa la guursaday, oo iyadu waa marwo. 

La wada yaqiinsay inay tahay Sureer Heelo iyo koox kale oo wehelisa, kuwaas oo gabdho gaashaantiyo ah. Wax kale la ismaba weydiin e' waxaa la soo gaadhay goobtii Sureer Heelo iyo hablihii gaashaantimaha ahaa ee haanta kaga diyaaminayeen. Dhinaca laga soo wada gal, waxaa dhegaha ku dhacay heestiii Sureer Heelo oo ragga goobta yimi si toos ah u qusaysa, balse maxay ahayd heesteedu oo ay tiri? Sureer Heelo waxay tiri:

❀Haddii gu'gii hoorayoo 
❀Dhulkii geedihii bexeen 
❀Habloow geeliina dhalay 
❀Golihii caweyska iyo 
❀Gigleeyeen haamihii 
❀Miyaan guurdoonki iman?
❀Miyaan hadalkii gobeed
❀Gabadh iyo wiil dhex marin?
❀Miyaan gaafkii aroos 
❀Garaacmayn reemihii?

Intaas markay tidhi Sureer Heelo, ayaa meel halkaas ah oo ka yara durugsan halkay Sureer taagnayd ayaa waxaa ka soo halabsadey Samakaab oo ahaa xaga halabuurnimada nin sida Sureer Heelo oo kale ah halabuur gaasobaxay, kaas oo ah barbaar macalin ciyaareedda oo goobahakan oo kale looga bartay inuu  ruxo. Samakaab oo awalba ahaa guurdoon baadi-goobaayey tuu hablaha ka jantay ee uu guursan lahaa, ayaa isu daruuriyey, muxuu se' ku jalbeebay oo u yiri? Wuxuu Samakaab yiri: 

✰Haddii gu'gu hoorayoo 
✰Dhulkii geedihii bexeen 
✰Habloow geeliina dhalay 
✰Gigleeyeen haamihii 
✰Haduu guurdoonkii yimi
✰Adaa noo gole furaye 
✰Maxaa gabdhihii ku dhacay?
✰Sureerey miyey naga gaabsadeen?

Sida caadadu ahayd Sureer Heelo waxay ahayd af-hayeenka hablaha ee u fadhidaa meesha, waana mid u taala inay Samakaab jirabbaad ku samayso, wayna u halcelisay waxayna tiri

❀Haddaad guurdoon ahayd 
❀Geyaankaa aad rabtoo 
❀Ninnoow golihiina timi 
❀Adaan gabdhihii u bixin 
❀Sidii dhaqan guun ahaa 
❀Intaan haasaawe go'in 
❀Giraamihi hadal la furin
❀Xujaa goob lagu maraaye 
❀Miyaad gool dhalin kartaa?

Samakaab waa nin aad loogu yaqaano inuu furo xujooyinka halxiraaleedka ah ee laysku jalbeebo marka la joogo goob ciyaareedkan oo kale ee ay dhalintu isugu timaado, balse caweyskan waxaa Samakaab haysa gabar   xujooyinkay ay xidho aan si fudud lagu furfuri karin. Samakaab isagaa ilaaqda dalbadaye soo-daa mooyee hadal kale uma yaal, wuxuuna yiri:

✰Waxaan ahay geesiyoo 
✰Waxaan ahay gaatamaa 
✰Waxaan ahay guuta-wade 
✰Haddii geedka loo baxana 
✰Waxaan ahay wiil garrama

✰Haddii gable iyo ciyaar 
✰Balwada geesteeda iyo 
✰Geyaankii gagi u baxo 
✰Hadii goortaa la xidho 
✰Xujiyo goobaleey su'aal
✰Annaa goortaba furee 
✰Yareey goobtaba wax keen!

Markuu Samakaab intaas ugu halceliyey ee ay dhagihii Sureer ku dhaceen weedhahaasi, dhabtii Sureero Heelo way ka yaabtay dhiiranaanta wiilkan, maxase keenay inay ka yaabto? Sureer inay ka yaabto wiilkan waxaa keenay, sida horeyba goobtan looga bartay weli lama arag cid iska dhicisa oo furta xujooyinkay ku xidhato inamada barbaarta ah, waana laga wada gaban jiray. Sidaa daraadeed iyada laguma soo degdegi jirin, waana ta keenay inay ka yaabtay wiilkan hore u soo fadhiya ee ilaaqaya. Balse caweyskan Sureer waxay la kulantay wiil carcartiisa qaba, oo isagoo wax isku tuhmaya oo yareysanaya ku yiri " Annaa goortaba furee, yareey goobtaba wax keen!". 

Madaama Sureer Heelo ay tahay af-hayeenka gabdhaha, gole-furaha iyo gardaadshaha goobta tan ay dhalintu cadaloolka ku kulmaan, sidoo kalena ay tahay gabar in badan jirabtay wiilal barbaara kuwaas oo ka huleelay goob ciyaareedkan markay xujooyinkeedi furi kari waayeen, haddaba Sureer caweyskan waxaa la gudboon inay Samakaab ku madiixdo xujooyin adag. Af aammusan lama xujeeyee, Sureer Heelo waxay ku jalbeebtay Samakaab halxiraale dhawr xujo isugu jira; wuxuuna halxiraalaheedu ku saabsan deegaanka sii ba dhirta ay xooluhu daaqaan xiliga raxan-raadka kaliileed ah ee jilaalku dabo dheerado, xiligaas oo ah mid dhirta badankeedu caleen lahayn in yar mooyaane. Waa xiliga abaartu dhacdo ee baadiyo biyoba gabaabsiyaan. Haddaba iyadoo ka rabta inuu sheego dhirta xiligaas xooluhu daaqaan iyo  geedaha magoola ee xayga yeesha ee aanay abaartu karin ee lagu baxsado, ayey Sureer Heelo ku halgaaday oo ay tiri: 

❀Inaadeer geesiyoow 
❀Garaad wiil uu dhalow 
❀Annaa goobaleey su'aal 
❀Hadeer kuu soo guntiye 
❀Waa inaad kala gurtaa 

❀Haddii gu la waayoo 
❀Abaar gaatama la galo 
❀Gabaabsiyo baadkii jiray
❀Intii geed magoosha'iyo 
❀Intii guudkooda xay
❀Gadaashii lagu arkee 
❀Gurtaan xooluhu gurtaan 
❀Garo oo goobta keen?

Dhalintii goobta joogtay oo ahaa barbaar markaa kacday oo wada aha wiilal hanqaada iyo hablo guudka loo dabayo gaashaantiya ah, ayaa mar kaliya waxay ka wada anfariireen adkaanshaha hal-xiraalihii Sureer Heelo ay Samakaab ku jirabtay, iyagoo qaar ba qaar kale ka xan qarsanaya oo hoos u wada xanshashaqaya bey isku yiraaheen "war caawa wiilkan soo haasaawe tagey siduu yahay maanu garanaynin Sureer-Heelo?! Walle kani caawa wuu soo haasaawe tagey lakiin bal ogaada wadhida ka raacda qof laga wada oo'ay buu ilaaqay oo dalbaday inay xujaysoo oo ay waxba yahay ka dhigto, war bal aynu eegno kolay halxiraale xujadiisu kakan tahay baa horyaale".  Samakaab waa dareemay in ay dhalintu ka yaabeen xujada hor taala ee Sureer ku madiixday, hayeeshe isagu wax sidaas u adag lama aha.

Xujada Samakaab la weydiiyey waa mid dhirta ku saabsan, waa halxiraale u baahan in uu furo qof  waayo-aragnimo, aqoon iyo garasho dheeraada u leh dhirta, maxaa wacay? Aqoonta dhirtu waa mid adag, haddana iyadoo awalba kakanayd ayaa waxaa la weydiiyey dhirta qayb ka midda kuwaas oo ah dhirta abaarta magoosha iyo geedaha intii dhahrisa ee lagu baxsado ee ay xooluhu gurtaan. Samakaab waa nin is huba oo aqoon iyo garasho dheer u leh dhirta oo xiliyo badan oo abaar iyo doogba leh kadimo geela dabo maluugnaa, sidoo kale waa nin Eebe ku ilhaameeyey hibada maanso-curinta oo ay maansaduba dibnaha ka saarsaaran tahay. Muddo gaadhaysaa godol  haddii hoos loo yara guuxayba, Samakaab markiiba wuxuu gudoomey jarihii halxiraalaha, wuxuuna u guda-galay inuu furfuro isagoo ku qaado dhigayaa codkiyo midhihiisi cuddoonaa ee looga bartay.

Samakaab waa nin yaqaan xeerka suugaanta, waa nin hibada maanso-curintu ay laf iyo ludba ugu aroorsan tahay, wuxuu ku ildo-furtay arar laaxiboon hees ciyaareedkiisi haanta ee uu ku kala daadinayey xujadii Sureer u gunuday. Samakaab ararta heestiisa wuxuu ka kala dhiganayaa labo. Marka hore wuxuu ararta ku ibo-furanayaa magaca Sureer  oo uu ugu halqabsanayo magac maamuseed loo hibeeyo hablaha marka la magacdhabayo, marka labaadna wuxuu golnuugsiga arartiisa ku xusayaa oo qiraya in Sureer tahay qof qaryad ah oo laga wada oo'ay, sidoo kalena in aanu arag intuu goob u soo taagnaa halxiraale isaga  lagu xidhay weli ruux la mida iyada, oo ku jiraba halxiraaleheeda oo kale. Wuxuuna Samakaab yiri:  

✰Inaadeereey Gobaad 
✰Waxaad tahay gabadh khatara 
✰Waxaad tahay geed adayg 
✰Intaan gole soo lignaa 
✰Intaan gaaf soo camiray 
✰Intaan googooyey hees 
✰Runtii gabadh kula midiyo
✰Ma arag Ruux kula guntina 

Intaa markuu heego u maray Samakaab wuxuu ka dabo-geeyey, dhawr meeris oo kale kuwaas oo uu ku la hadlayo Sureer, isagoo leh anaa ku kala gurayoo kaaga jawaabaya weydiimahaad igu jirabtaye bal adiguna iga dhagayso oo ii garoow. Wuxuuna yiri: 

✰Anaa goobaleey su'aal 
✰Anaa giigsaneey xujada 
✰Anaa googooya oo 
✰Anaa kuu kala guriye 
✰Adiguna garawso taa

Samakaab arartii heesta markuu intaas kaga gudbay, wuxuu u guda galaya xujooyinkii laga sugayey inuu furo. Hal-xiraalaha Sureer Heelo ay soo halgaaday, wuxuuna halxiraalahaeedu ahaa mid lammaan oo aanu dhaadin karihaynin qofkaan aqooniyo fahmad looshan lahaynin. Samakaab waa nin garasho dheer e' isagu wuu iska gartay, wuxuuna halxiraalaha u kala qaadayaa labo xujo oo uu mid kastaaba uu u furayo gaarkeeda. Talow labada xujo ee lammaan ee ay Sureer weydiisay maxay kala yihiin? Labada xujo ee hor-yaala Samakaab lagana rabo inuu furo waxay kala yihiin:
1- Xiligii gu'gu di'i jiray marka la waayo ee cirka caad yamiiro ee baad iyo biyona gabaabsiyaan ee abaar ba'an la galo waxaad sheegtaa dhirta dhammaanteed inta geedo magoosha ee xay guudkooda lagu arko?
2- Waxaad sheegta xili abaarreedkaas dhirta magoosha ee guudkoodu xay yeesho inta geed ee ay xooluhu daaqaan laguna badbaado?

Dhab ahaantii Sureer Heelo waxay ku jirabtay Samakaab xujo kakan oo mid lammaan ah, balse Samakaab waa nin ka dabaalan kara, waayo?  Samakaab waa nin reer-guuraaya oo aan abidkii beled tegin. Geel-jiruhu gabanka ugu yar buu gaawaha ku rartaaye, Samakaab waa barbaar geel-jir ahaa taniyo maalintuu sagaal jirsadey ee qawsaarka geela la jiray uu ku yiri "war gaawaha soo qaad". Nimaan dhul marin dhaayo malaha e' sidoo kale waxa uu ahaa nin guyaal badan hadba meeshii daaq iyo biyo leh geela ula hayaamayey. Sidaa daraadeed waa barbaar geedi-socodka noloshu ay tab iyo aqoonba bartay oo aad u kala yaqaana noocayada dhirta ee uu xiliyadii kala duwanaa geela soo daajin. Jiray. Sidaa darteed xujadaas kakan ee ay Sureer u gunaday Samakaab waxba lama ah waana nin aan u daahaynin oo Alle gunti furkeeda baray. Haddaba isagoo ku faraya tixda heestan haanta ah, ayaa macnaha tibaax ahaan wuxuu leeyahay "marka gu la waayo ee jiilaalku dheeraado ee dhulka intiisa badani  cawskii ka idlaado ee loo gudbo qaybta dambe ee jiilaalka  ah, waxaa dhacda  dhirtii mudhuxsanayd ee cawlayd in qaarkood uu ka soo baxo wax lagu magacaabo dhahris ama magool kaa soo markii la arko la yiraahdo waxaa lagu jiraa daba-lulkii jiilaalka, markaas oo dadka iyo xooluhuba ay gasho nayaayiro cusub. Haddaba magoolkaasi waa xay ka soo baxa dhirta qaar sida; qudhaca, gud-yicib, maraaga, galoolka, bilcilka,  gaalow-gaalowga, higlada, maygaaga, qalanqasha iyo dhamaanba wixii geed madaw ah iyo intiii xanjo leh sida, cadaadda, qadhoonta, xagar-madow, waraabe-kacaacis iyo qaar kaloo badan" . Samakaab isagoo intaas meerisyada cuddoon ee heesta si kooban ugu tibaaxaya xujadana furaya ayuu yiri:

✰Haddii gu la waayo oo 
✰Gaatama abaar la galo 
✰Gabaabsiyo baadkiyo 
✰Dhulkii gorofkii ka go'o
✰Intii geed magoosha'ee
✰Yabaal guudkooda laac 
✰Sureereey geedo lagu daniyo 
✰Miyuu geed madaw ahayn?

✰Gadii kale waxay ahayd
✰Intii geed xay lehee 
✰Cadaan Guudkoodu yahay 
✰Gadaal Gooluhu gurtaan 
✰Annaa kuu garanayee 
✰Intii gaasaar lehee 
✰Galool ugu weyn yehee 
✰Garqaad qudhicii ahaa 
✰Maraaguna gudub dhignaa 
✰Intaasaan soo gartaye 
✰Miyaan gees kale ka maray?

Markuu Samakaab intaas uga shagaxsiiyey oo uu furay halxiraalihii Sureer ku jirabtay, ayaa Sureer lala hadlay, iyana kala may muudalin inay libta u diido ee guusha wey  siisay Samakaab.

Sida dhaqanka ah Sureer Heelo maadaama halxiraalihii laga furay ayna tahay marwo reer leh waxaa la foolaadsan  inay ka hurdo tagto oo ay uga baydho wiilashu hablaha gaashaantiyada ee ay doonayeen ee iyadu ka hor-qabataynaysay. Sureer kama cago jiidine sidii bey yeeshay, warkana shaaca ayey ka cadaysay oo halkii guurdoonku u guuxayey ayey ku dhufatay, waxayna tiri:

❀Haddii guurdoonki yimi 
❀Barbaartii goobta timi 
❀Garaaceen heeladii
❀Waxay goortaba rabaan
❀Inay gabdhihii helaan 
❀Geyaankood wada hadlaan
❀Cawayskii gaabayoo 
❀Anigu gurigaygi iyo 
❀Runtii geesigiaan u dhaxay
❀Ayaan garabkiisa tegi 
❀Habloow soo gala hadaba

Halkaas bay inoogu joogaysaa qaybtan shanaadi, hadduu Eebe idmo qaybta lixaad dhowaan la socda.

5.4. Erey-Furka Sheekada

1- Dookh-dhanqalan: Dookh-faluuqow; waa cudur niyada ku dhaca qofka markuu dhawr qof oo dhigiisa la haasaawo, taas oo uu garan waayo markuu is yiraaho guurso ruux uu geyaankiisa ka raaco, waxaana la yiraahaa "Dhookhaa ka baahay oo wuu dookh-faluuqoobay".

2- Jirabtay: Imtaxaantay

3-Qowraarimo: waa dooxada bedkeeday ku fadhidaa weyn yahay ee dhirta faraha badan leh taaso ah dooxada dhirta waaweyno hareerahana ay ka xigaan ee roobku markuu da'a biyaha badani ku soo hiraan ee dhulka jeexjeexaya

5- Soo sulaacaya: soo sii daynaya ur 

6- Kambuuli: waa ubax guduudan oo ka baxa geedka la yiraahdo lebiga. Ubaxan waxaa loo gooyaa hasha dhashay, geela irmaan. Waana kay geelleydu ku xuseen heestan: 
--Geelu lebi ku ladanaa, 
--Kaambuli ka daaqyaa, 
--Loo dhego komaaleeyaa, 
--Koor looga gooyaa. 

7-Daba-lulkii jiilaalka: waa xiliga  jiilaalku dheeraado ee dhulka intiisa badani cawskii ku yaalay ka idlaado ee loo gudbo qaybta dambe ee jiilaalka 

8- Magool: waa ubax iyo xay cadaan ah uu ka soo baxo xiliga abaareedka  dhirtii mudhuxsanayd ee cawlayd, waxaa sidoo kale lagu magacaaba oo la yiraahaa dhahris(magool). 


9- Xay: waa magool ka soo baxa dhirta qaar sida Qudhaca Maraaga, Galoolka, Bilcilka, Gaalow-gaalowga ka soo baxaa Higlada, Maygaaga, Qalaanqasha iyo dhamaanba wixii ah intiu Geed-Madawa iyo intii geed xanjo le. 

10-Magool: magoolkaa waxaa loo yaqaan magacyo badan sida, Yabaal; Dhahris; Gaalow; Ruqur.  Dadka reer miyiga ahina waxay dhahaan "wataa dhirtii magoolkii saartay; dhahrisay yabaashay".

11-Lebi(Delonix Elata): Wuxu ka baxaa geedkaani waddamada Afrika iyo Aasiya, xooluhu caleentiisa iyo mirihiisa waxay ka helaan nafaqo aad u sareysa, wuxu dhalaa ubax aad u qurux badan dhammaadka dayrta iyo jiilaalkaba.

12- Gud- Yicib(Cordeauxia edulis): Waa geed ka baxa xad beenaadka Soomaaliya iyo Ethiopia, iyo dhulal kale, caleentiisu xiili kasta waa cagaar doog iyo abaar, xooluhu markey cunaan caleentiisa lafahoodu waxay yeeshaan midabka cassaanka ah, mirihiisa nafaqo aad u badan baa ku jirta. ururka cunnada aduunku(WFO) waxay ku tilmaameen inuu ka mid yahay geedaha abaarta lagaga bixi karo, maa daama aanu biyo badan aanu u baahneyn.

13- Maraaga: (Acacia nilotica): Wuxu ka mid yahay geed qodaxleyda ka baxa deegaano badan ee dhulka Soomaaliya

14-Qalaanqasha(Cadaba Somalensis, Cadaba Glandulosa): Wuxu ka mid yahay geed qodaxleyda ka baxa deegaano badan oo ka tirsan dhulka Soomaaliya, iyo Afrika,

15- Cadaadda(Acacia senegal) : Wuxu ka mid yahay geed qodaxeedka xabagta laga gurto ee ka baxa dhulka Soomaaliya, Xabagtiisa waxa loo adeegsadaa daawada, cunnada iyo farsamooyin kale. Cadaaddu waa geedka ugu fiican ee  ay xoolo dhaqatadu ood ka goosato, cadaaddu markay yaryahay waxaa la yiraahdaa sogsog.

16-Qudhac(Acacia tortilis): Waa geed qodax Somaaliya ku caan ah, Afrika iyo Asiya ayuu ka baxaa, Waa geed abaareed biya yaraanta, kuleylka iyo qabow ba u adkeysta. Qudhucu waa geed koriimadiisu afarta heer uu maro ay Soomaalidu u kala taqaan:

  1. Xannan: qudhacu marka u horaysa uu a soo baxo waxaa uu noqonaya xanan, waana mid kun meelood ka baxaya oo ruux markuu ku joogsado uu markiiba lugta boodo.
  2. Diimcad: heerkan waa markuu qudhacu xooga yaro koro ee u noqdo xooggaa aanse uu noqon mid bixiya Abqo(Qabco).
  3. Qudhac-gorow: waa qudhacu markuu abqo yeesho.
  4. Damal: waa markuu noqdo geed weyn ee uu midho, hadhac iyo hoosba yeesho.
Qudhacu waa geed abaar iyo doogba caleentiisu tahay cagaar, waana cimri dheer yahay, xilliga abaarta caleentiisa geelaa cuna, mirahiisana markii dadka gaajo u geyso waa cunaan. Waxaana kaloo laga gooysta daab-guddinka.

17-Galool: waa geed laga goosto ood, mayrax ulaha lagu tukubo hangool iyo daabka godintaba waa laga helaa.

18-Bilcilka:  Geedkan waxaa loo adeegsadaa sidii Culay si aad u nadiifiso maacuunta sida Haan, Hadhuub, iwm. Geedkan xooluhu waa jecel yihiin.

Waxaa Halabuurey: Halabuur Maanmaal Buureed Gurxan
Xubin ka midda Naadiga Qalinmaal

Xuquuqda kareebta waxa iska leh: Maanmaal Buureed Gurxan Iyo Mareegta www.MaskaxMaal.com