Sunday 12 October 2014

Gabay--( Hiigso Khayrka )---Abwaan Faysal Bariir

201/02/214 Gabaygan Waxa Tiriyey Abwaan Faysal Bariir Aadan

**Hagar daamo ruux sOo higsaday hiray cadaabtiiye

**Halbowlaha is haagyoo wadnaha, buu hatootiyaaye

**Halaag iyo wuxuu heensadaa, hibadii naareede

**Hase yeeshe qofkii hibiyo doona, hiilki illaah

**Ma hungoobo ee wuu helaa, sida hubaashaaye

**Hanuun khayr leh ruuxii rabow, hano qur.aankeena

**Hanti duunyo kii raadinayow, hiigso waa sharafe

**Hungo jaahilnimo weeye ee hano kitaabkeena

**Ha hinaasin ee diinta higo ama hingaadeeda

**Hana heermin ee hano wanaag baa laguu hagiye

**Habka dhaqanku yuu kaa hingane hano xadiiskeena

**Horumar khayrleh weeye walal hiigso wa dahabe

**Hurdo jooji oo hiigso khayr hagartu waa ceebe

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay--( Haygu Talo Seegin )--Abwaan Aadan Shuuriye

22/02/2014 Gabaygan Ayaa Waxaa Tiriyey Abwaan Aadan Faarax Awjaamac Shuuriye.

**Tabaallada aduunyadu beryahan, way is daba taale
**Cashadii timaadaba wax baa, taargadoo jira'e
**Dhalinyaradan toban toban u bixi, ee tahriibaysa
**Tacliinta iyo diintina nacay ee, tubtii seegay

**Saxarahana tooraha ku mari waa tahluko weyne
**Anoo taajiroo maal tabcaday, toban halaad maala
**Turaabtii dalkaygana ku nool, suuqa tamshaleeya
**Aan tahriibno tacab uma arkee, haygu talo seegin

**Toobiyaha markaad qaadidee tegaysid suudaanta
**Tacaal yaaximaar bay ku odhan, tuugtii carabtie
**Sharaftiyo waxay kaaga tuman, dhaqankii toosnaaye
**Hablahan kufsay ula tagaan, timo haldhaaleeye

**Tuuladaad ku dhalataad aduun, tamar ku leedahay
**Ciidiisa ruuxii ka taga tuugsi waw halise
**Aan tahriibno tacab uma arkee, haygu talo seegin

**Liibiya adaan tegin jidkaba, tuugtu waa muushe
**Soomaalida tabaalaysanee, yurub ku taamaysa
**Nin ka taajiray sheegayeen, lacagta kaa tirine
**Waa carab tanaado ma-gafe, lagu tilmaamaaye

**Tobanaan kun buu kaa rabaa, taada yeelkeeda
**Toogashaduna waw camal ninkii, tiisa diidaaye
**Aan tahriibno tacab uma arkee, haygu talo seegin

**Talyaaniga hadaad gaadhid ruux nasiib, lagu tirshaadtahaye
**Tegi taanka maaltana xabsaa, laysku tuuraaye
**Toban sano ayuunbaa la sugi, tigit iyo aydhiiye(ID)
**Yurubtaa hadii aad tagtoo shaqo ku taamayso

**Midabkay takoooraan cunsuri tooxan weeyaane
**Tuke madax cadbay kaadhigaan madow tilmaantiise
**Aan tahriibno tacab uma arkee haygu talo seegin

**Tanaadaha adduunyada guurku, waa tiir dhaxaadkiiye
**Hadaad toban caruur aad dhashiyo, curad ku taageera
**Aniguna taftaan weli hayaa, mana aan taabsiine

**Goblan lagu tashado waa xunyahay, tiisa ruux nacaye
**Anigaan tiriig guursanoo aduun, raaxo weli taaban
**Aan tahriibno tacab uma arkee haygu talo seegin.

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---( Rati Qooqan )-- Abwaan Aadan Faarax Awjaamac Shuuriye

10-03-14 Gabaygan Ayaa Waxaa Tiriyey Abwaan Aadan Faarax Awjaamac Shuuriye. Waa tix uu abwaan shuuriye ku halqabsaday abwaan Ismaaciil Cal Boobe.

Gabaygan ayaa wuxuu ahaa Gabaygii ildaha u furay gabayo dhawra oo ay isdhaafsadeen halabuuro kuwaas oo markii dambe noqday silsilad taxane ah taaso la baxday Ramliyo Raad Guur.

Gabaygan oo ah kii ugu horeeyey e silsiladaasi ka bilaabantay anigoo sii faahfaahsan sharax uga bixinayn wuxuu abwaan aadan shuuriye usheegaya abwaan boobe inuu iska dhaafo gabadha carmalka ah ee jacaylkeedu asqeeyey oo uu doonto hablaha bikrada ah. .

**Rarran weeye caashaqu hadduu, ruuxa daashado'e
**Cilmi inuu raqdiis dhigay malaha, waa run la ogaaye
**Rafaadkuu Imacil la maray, raysan waa noqoye

**Rubadiyo jidhku ka qabsadoo, rarayey maalmahane
**Raxanreeb salkeed buu la galay, ruuga guu jaraye
**Carmal buu riyaaq uga dhigoo, habar u reeryeeye

**Rati qooqan geelu arkaba, raacyey oo sheenye
**Roorsiga duqaha laga ma karo, awrkii reerya lehe
**Raxma iyo hablaha buuxe ee, reeraha u jooga

**Garoob inaad ka raacdaa malaha, kugu ma roonayne
**Ra'yigaa ismaciil ka noqo, kugu ma raacsaniye
**Raxan adhiye bahalkii didshee, duurka raacdaysta

**Ri'da shilis ayuu kala baxaa, meesha ugu roone
**Caatadu raq weeye dhurwaaguba, ma raadsado'e
**Raxma iyo hablaha buux ee, reeraha u jooga

**Garoob inaad ka raacdaa malaha, kuguma roonayne **Ra'yigaa ismaciil ka noqo, kugu ma raacsaniye
**Reer dumar leh waa laga xushaa, geenyadii roon

*Ragna baali kuma sama midii, reerka aan dhaqane
**Raaliyadu waa wacantahoo gaari waa rayse
**Ruun gabadha baa laga helaa, raasa maal wacane

**Garoob lagu ma reeyo iyadu, maba leh raandhiise
**Raxma iyo hablaha buux ee reeraha u jooga.
*Garoob inaad ka raacdaa malaha, kuguma roonayne

**Ra'yigaa ismaciil ka noqo, kugu ma raacsaniye
**Raga talada waa lagu yaqiin, reerki odayo lehe
**Rabi wuxuu ku siiyana ma jiro, ruux dafirayaaye

**Calafkuna run weeyo malaha, caashaq waw raase
*Raxma iyo hablaha buux ee reeraha u jooga
**Garoob inaad ka raacdaa malaha kuguma roonayne
*Ra'yigaa ismaciil ka noqo kuguma raacsaniye.

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan