Sunday 7 April 2013

Dawlad!!!!!!!!!!!

¤Duubka afagaalahiyo, 
¤Saxalka dulunduceeya, 
¤Seben gabalkii dumay, 
¤Waxay deris noqdaan, 

¤Sanadkan dilaaacey, 
¤Waa kuwa kala durkayoo, 
¤Dirir baa noo curtay, 

¤Daruur nabad daadihinaysa, 
¤Dushayada ku hoortayo,
¤Dawlad ba noo dhalatayo,
¤Dalkeenu waa nabad,

¤Daaiimka deeqdisa weye,
¤Derytii wataa da'adayee,
¤Soomaalaay waa la doogiye,
¤Yaaan la dacarooooon!!!

√By: Maanmaal Buureed√

"XADKA JACAYLKIYO GUURKA"


ﻗَ"ﺎلَ اﷲُ ﺗَﻌَﺎﻟَ"ﻰ: {وَﻣِ6ﻦْ ﺁﻳَﺎﺗِ6ﻪِ أَنْ ﺧَﻠَ6ﻖَ ﻟَﻜُﻢ ﻣﱢﻦْ أَﻧﻔُﺴِﻜُﻢْ أَزْوَاﺟًﺎ
ﻟﱢﺘَﺴْ6ﻜُﻨُﻮا إِﻟَ6ﻴْﻬَﺎ وَﺟَﻌَ6ﻞَ ﺑَﻴْ6ﻨَﻜُﻢ ﻣﱠ6ﻮَدﱠةً وَرَﺣْﻤَ6ﺔً إِنﱠ ﻓِ6ﻲ ذَﻟِﻚَ ﻵَﻳَﺎتٍ
ﻟﱢﻘَﻮْمٍ ﻳَﺘَﻔَﻜﱠﺮُونَ} {ﺳﻮرة اﻟﺮوم:21}.

(Calaamadihiisa "awooddiisa iyo inuu 
keligiis in la caabbudo mudan yahay tusinaya"

waxaa kamid ah inuu naftiinna xaasas 
idiinka abuuray saad ugu degtaan, wuxuna 
idin dhex dhigay kalgacaltooyo iyo 
naxariis, dhab ahaantii taasi waxay 
calaamado "lagu waana qaato" u tahay qolo 
fekeraysa) (Ar-Ruum: 21). 

Thowbaan (RC) wuxuu Nabiga (SallalLaahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: 
(Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku 
mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo 
haweenay muíminad suubban ahoo 
Aakhiradiisa ku kaalmaysa)
.


Ereyga Guur, luqad ahaan waxa loola 
jeedaa shay inta meel laga raro meel kale loo 
raro. Waa ta ay reerku guuraan, waana ta 
kolka jarta ama godagodowga, iwm, la 
ciyaarayo, dhagaxana meel laga rarayo oo 
meel kale loo rarayo la yiraahdo waa la 
guurayaa. Sidaas darteed, gabadha waxa laga 
guuriyaa guriga waalidkeed, waxana loo 
guuriyaa ama loo gelbiyaa guriga ninkii xirtay 
ama xalaalaystay. 

Shareecada Islaamka kolka laga eego, 
guurku waxa uu ka kooban yahay laba 
qaybood oo isku lifaaqan. Qaybta hore oo ah 



meherka waxa weeye in gabadha lagu nikaaxo 
ama lagu xiro loona xalaaleeyo nin geeya oo 
guur u qabto, sharci nikaaxeeda ka reebayaana 
aanu jirin. Qaybta labaad ee guurku waxa 
weeye in gabadhii la nikaaxay ninkii lagu 
nikaaxay loo guri geeyo ama loo aqalgeliyo 
ama loo gelbiyo amaba loo dhiso, hadba siday 
qolo waliba u taqaan. Haddaba guurku 
shareeco ahaan waxa weeye xalaalayn iyo guri 
geyn. 

Guurku waxa weeye heshiis Aadane dhex 
mara kan ugu qiimi badan, sababtoo ah waxa 
uu khuseeyaa qofka laftiisa. Heshiiska labada 
qof ku dhex mara guurku kuma saabsana 
xoolo iyo umuuro adduunyo oo lagu 
heshiinayo, balse waxa uu labada ruux iskula 
xirayaa xarig kalgacayl iyo naxariis. Waxa uu 
sababaa ubad dhasha, wuxuuna xubnaha 
taranka ka ilaaliyaa galmada xaaraanta ah. 


√Hablaha xuraycante,
√Xishoodiyo asluubta,
√Xaakimkeenu siiyey,

√Ee xadka islaamkiyo,
√Xuduuda dhaqankena,
√Xeerkoda lagu dhalay,

√Ee xarafka diintiyo,
√Hidaheena xariirta,
√Lagu soo xananeyey,

√Xaawalayoo dhan,
√Xabibtad ka jeclataye,
√Xabadkaaga degtay,

√Xili gabal dumay,
√Xaafadan laa jogin,
√Hadaad kula xerotid,

√Xaraarada dareenke,
√Shaydaanku xadanteyo,
√Xumanteda ya ka xidhi?

√Xamxamta hadalkiyo,
√Xodxodshada gacanta,
√Xarakadooduna xadir weye.

√Xaawiyo xuseenow,
√Idinko xalaal helaya,
√Xaaran lama raadshee.

√Xikmada jacaylku,
√Xeerka dhaqankoo,
√Lagu xananeyo weeye,

√Xurmada jacaylku,
√Xuduuda diintoo,
√Lagu xafido weeye,

√Xaqdhawrka jacaylku,
√Guur xalaaloo,
√Lagu xayndaabo weeye

√By: Maanmaal Buureed√
>>>>>05/04/2013<<<<<