Wednesday 3 April 2013


Asc Waa sadex Jawaabod Oo An Kaga Jawabayo Maanso Halxiraale ah  Usoo Dhexdhigay Walalkay Abwan Awjamac Hoyga Dooda Hal abuurka ee Bar kulanta Facebookga,

Wuxu yidhi Maanmaal:-

  • Siinkan Maanso'e,
  • Sideediyo labaataniyo,
  • Safkii sagaalaad,
  • Sadaradeedu sigeen,
  • Aad saxanow Aadanow,
  • Sabarkan noogu keentay,

  • Wuxu sahankeedu yahay, 
  • Sarkaalada hawraartiyo,
  • Suugaanta haboon,
  • Sooha halxidhaaliyo,
  • Sarbeebteeda hilan,
  • Iney saxal bixiyaan,
  • Suaalaheedan simane,
  • Sugaya jawaabo sadexo,
  • Aan suluug lahayn,

  • Suldaanki hawraartow
  • Saaxiibkey ina faaraxow,
  • Sa'leyda maansadaadu,
  • Sahal maha jawabteduye,
  • Balaan saabka xadhigeda,
  • Sax kuugu saafsaafo,

  • Heedhe saxiibkey adanow
  • Hadaan ahay sabool,
  • Soddon weyda xaraysta,
  • Aan subagiyo caano,
  • Koley sufur tahayna,
  • Reerkaygu ka sugayn,

  • Sumalhaadka abaareed,
  • Iyo Saxariirkan dhacay,
  • Iyo Dhibatadan saaidka,
  • Sababteedu waa sariyo,
  • Imtaxaan lagu sudhayo,
  • Samirkaaga lagu eegayee,

  • Heedhe saaxiibkayow,
  • Mida samaha maaliyo,
  • Sareeradada aduunyiyo,
  • Sahayda jidka siraad,
  • Heedhe kaa saacidayse,
  • Aad sariigan doontid,

  • Saxiib waa adigoo,
  • Samiriyo dulqaadka,
  • Naftaada ku sabaaliye,

  • Saxiib waa adigoo,
  • Salaada eebiyo,
  • Sakada lagu fariyo,
  • Sadaqada la bixiyo,
  • Saaqid ka noqon'e,

  • Saaxiib waa adigoo,
  • Amarka subxaankiyo
  • Suradaha quraankiyo
  • Sunada nabigeenu(csw),
  • Siday ku fareen,
  • Naftaada ku seeteeyo'e.

  • Heedhe saaxiibkayow,
  • Sahal maha hawlaha,
  • Dunida laysa sudhaye,
  • Xaalkaygu haduu sidaa,
  • Iyo soddon soogan yahay
  • Hadii sodogiyo seedigay,
  • Socdaal dhul dheeriyo,
  • Sahan ku maqnaa,

  • Heedhe saxanow,
  • Saqda dhexe habenki,
  • Haday iisoo hoydaan,
  • Neef sumalhaadayiyo,
  • Caato lagu ma sooree,
  • Hayeeshe sedkan haysto,
  • Iyo sodonku ale isiyey,
  • Baan dhuuxa sawjadayda
  • Alleylehe siday noqotaba,
  • Wax un uga suubin lahaa,

  • Saaxiikay ina faaraxow
  • Subxaanka ina abuuriyo,
  • Nin soo joogi jiray,
  • Baa Seben abaareediyo, 
  • Sanad la tabaaloobey,
  • Sideedba yaqaano,
  • Saluugayn midad usoshoe.

  • Heedhe saaxiibkayow,
  • Dalkaygoo samaa,
  • Anigoo ka socdaalay,
  • Qurbojoog ku sifoobey,
  • Saxanow ina faaraxow,
  • Safarku dhaqale weeye,
  • Salagaad maraysidba,
  • Sahay inaad uqaadatid,
  • Iyo Saad culus weeye,

  • Heedhe saaxiibkayow,
  • Hadaan shaqo seegay,
  • Oo jeebka suwaalkiyo,
  • Saabka boorsadayda,
  • Senti lagu ogeyn,
  • Oo suubantan jeclaaye,
  • Hablaha ka soocdaye,
  • Sanadkaanu Saxeexanay,
  • Guur sokeeyiyo xigaal,
  • Saqiiriyo kabiir joogo,
  • Hadii saacdis tahay, 
  • Saakuniyo sidataalsha dambe,

  • Heedhe saaxiibkayow,
  • Ragu siduu yahayba,
  • Hadaanu sagagar ahayn,
  • Ama maanku siloonayn,
  • Taladu kama suushoo,
  • Si uun buu yeelaayo,
  • Sibraarkisu ma gudhe,
  • Wuxun baan suubin laha,
  • Kolaan sanduuq amaah,
  • Sagaal kun ka helna,
  • Salka ma dhigeen,

  • Heedhe saaxiibkayow,
  • Saatir baa faxane,
  • Surimada ku furan,
  • Sare kugu dhawaaqaya,
  • Siidh manfac dhalayiyo,
  • Sarac wacan leh,

  • Waxaa sowdkoda maala,
  • Suureeya gargarkooda,
  • Sanaaduuq lacaga,
  • Si sahala uga dhaansada,
  • Ninkii saynisiyo cilmi,
  • Iyo sunada bartaye,

  • Ana saxanow ina faraxow
  • Saanada aqoonta,
  • Caad layga ma saarino,
  • Sallaankeda kama dhicino
  • Hal iseegi maaye,
  • Hadu subxanku qadaro'e,
  • Wax kalena wa suubin lahaa,

  • Kolaan hay'ad samafal,
  • Iyo sarkaalada sare,
  • Qalinkayga seefta ah,
  • Sindadab xarfaha seeman,
  • Waraaqahooda safan
  • Sitin sitin ugu sarna,
  • Marna ma seexdeen,
  • Ileen qalbi saafidaydi,
  • Baa signaliyo siidhiga,
  • Seken seken igu ridayso,
  • Soo dhakhso ilehe.

Continue

By: Maanmaal Buureed