Tuesday 11 November 2014

Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. Qormadii 10aad(Halxiraalaha Suugaanta)


Bismilaahi Raxmaani Raxiim, ilaahay baa leh Mahad dhammaanteed iyo shukriba ilaaha swt ku gaar yeela cidduu doono ee adoomihiisa ka mida Hibooyinka sare & Deeqaha waawayn ee siiya qofkuu doono Asraar Qarsoon & tu muuqataba ee Awliyadiisa u arooriya ilaha Deeqda & sharafta Badan,naxariiis & nabad gelyona kor kiisa ha ahaato khalqiga Ilaahay oo dhan kii u khayrka badnaa sayidkeenii Muxammad csw isaga & Ehelkiisii & Asxaabtiisii Suubanayd ba.

Hordhaca

**Suugaantu waa dhaxalfac
**Salka ku haysa hiddoraac
**Sooyaaliyo leh tixraac
**Soohayow oo jiray dhawrfac...(Maanmaal)
Qormadan 10aad waxaan maanta ku soo qaadanaya oo an ku  lafo-guri gabaygii 2aad kaasoo ah mid furaya xujooyinkii hal-xiraale suugaaneedka ahaa ee tixdii culuum ee uu tiriyey Abwaan Ismaaciil Cali Boobe.

Qormadii 4aad ee ahayd halxiraalaha suugaanta waatan hordhaceedii idiin ku manqaxay waxa uu yahay hal-xiraaluhu, mucda iyo gunda-degeeda qormadana wataan idiin ku jalbeebay Tixdii halxiraalaha ahayd taasoo jafeefaysay afar xujooyin oo ku guntunaa cilmiga xiddigiska, faalka iyo hab-orodiska isbedelka debeecada deegaanka.

Xujooyinkii ku mooraysnaa tixdii culuum waxay ahaayeen mid abwaanku si guud ugu xujeenayey dhammaan hal-abuurada sebenkan kacaye bulshada soomaaliyeed u maansooda. Inkastoo tixdu ahayd mid ujeedkeedu is xifaalayn iyo xujeyn ku qotontay, haddana waxaa abwaan ismaaciil u hal-celiyey xujooyinkiisi furay labo abwaan.

Halabuurkii u horeeyey ee xujooyinkii Ismaaciil fura, wuxuu ahaa Abwaan Xasan Bulxan Cali kaasoo aan idiinku soo ku tebiyey qormadii 5aad tixdiisi jawaabta ahayd ee Cooshash Faaruqa.

Maantana waxaa qormadan 10 idiinku soo gudbin doonaa tixdii 2aad ee furaysa gabaygii halxiraalaha ahaa. Waxaa tixdan tiriyey Abwaan Faysal Ismaaciil Maxamed(Goohe).

Manqaxida Macnaha Guud Ee Jawaabaha Tixda Cilmi Ee Abwaan Faysal Goohe

Dhalinyarada soomaaliiyeed ee magaalada ku barbaartay ee haatan kacday marka loo qaybiyo saddex qaybood, malahayga saan filayo hal meel mooyaane, labada qaybood ee kale waa kuwo ka duflaalay inay ilaaliyaan oo ay adeegsadaan ereyada mucda leh ee afkooda hooyo. Waa furo-ku-tiris dhalinta magaalada ku hanaqaaday inta fahmi karta suugaanta mutaxan ama hawraarta lagu taashay halxiraale.

Haddaba intaan idiin ku jalbeebin jawaabaha furaya xujooyinkii tixdii culuum ee Abwaan Ismaaciil Cali Boobe, waxaa ila foolaadsan inaan idiin manqaxo sharax guudna ka bixiyo macnaha iyo ujeedka midho suuggaaneedka maldahan ee jafeefayaan jawaabaha furaya halxiraalihii tixdii culuum.

Markaad dhab udhugato dhaabada tuducyada liishaaman ee ereyba ereyga kale sii qooranayo, kolkaad si feejigan u dhuuxdid siduu hal-abuurku jawaabaha midba tay ka dambeyso isugu hidinayo; mar waxaa maankaaga ku soo dhacaysa talow gabaygan ma kuwii ay tirin jireen baa hal-abuuradii sebenkii hore ee aynu weli ku dhaadano murtiday inooga tageen. Marna waxaa garaadkaaga ku gabaxleenaya weydiimooyin badan kuwaas oo ka imanaya dareen hore leh kaaso ah mid awalba laabtada ku ijbaarnaa oo aad qabtay, talow dareenkaasi muxuu yahay? Anaa ku sheegaye waa dareen mar walba ku odhanayey "Maanta ma jiro hal-abuur u maansoon kara sidii ay u maansoon jireen raggii hore ee noolaa sebenkii Ina Cabdula Xasan. Haseyeeshe waxaa kuu soo baxaysa inay jiraan Abwaaniin qaarkood curdin yihiin qaarna kuwa gaamuray oo bulshada u maansoon kara, taasina waxay afkaaga ka keenaysa weedh dareen leh oo aad ku jalalabayso oo aad odhanayso "Halabuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman". Haa waa runtaayo weli ma dhiman waxaana taas kaga marag-kacaysa tixdan hal-abuur Goohe tiriyey iyo suugaan kaloo badan oo ay intaa madiixayaan hal-abuuro badan oo daafaha dunida kala jooga.

Haddaba tixdan la yiraaho Cilmi oo uu tiriyey Abwaan Faysal Goohe, oo saan kor ku soo xusayna  furaysa hal-xiraalihii gabaygii Culuum, waxay xambaarsan tahay Afar jawaabood. Haddaba Afarta jawaabood ee tixda anoo mid kasta idiin manqaxi doona bal aan idiin ku shabaaxo ta ugu horeysa.

Ararta Tixda
Ararta waa astaan ka mida astaamaha gabayga, waa hirar sida dareen maan-xad ah kuwaas oo uu hal-abuurku ku hananayo maskaxaha dadka dhagaysanaya. Arartu waxay huwan tahay ujeedooyinka kala duwan, amaba arrimo aad u qiimo badan oo siyaalo badan loo adeegsado oo ay ka mid yihiin tilmaamidda iyo hababka dareenka la isugu gudbiyo, hayeeshee waayahan hal-abuurada badankoodu aanay agtooda qiimo weyn ka laheyn oo markiiba tixda ujeedkeeda hore ba ka bilaaba.

Abwaan Faysal Ismaaciil Maxamed(Goohe) dhawrkan tuduc ee ararta wuxuu inoogu tibaaxaya aqoonta Eebe dadka baray inay tahay mid kala duwan, oo ay midi tahay mid lagu kasbado in caalim laga daalacdo haday doonto ha ahaate mid diiniya ama mid maadiye, halka ta kalena ay tahay mid aan bare(macalin) laga baran, laakiin ay tahay cilmi aan dugsi(school) loo galin buugna aan lagu qornin, walow ay tahay mid caaddo dhaqan soo jireen ah laga dhaxlay taaso ah idimka eebe mid dadku ka bartay geediga socodka waayaha nolosha, taasina dadka badankoodu waa mid maanta ay ka daman yihiin. Wuxuu yiri Abwaan Faysal Goohe:-

★Cilmiyada aduunyada ka jira ee, Midiba cayn joogo
★Casharada la qaatiyo wixii, Caaddo laga dheehdo
★Caalimadu waxay tabshen ama, Culimo so sheegtey
★Cirroolaha dhamaadiyo wixii, Coomir laga reebay
★Nin kastiba wuxuu camal yaqaan, Caymadeed garaye

Hadaynu intaa kaga gudubno ararta tixda, Oo aan u daadago sharaxa labada jawaabood ee ugu horeeya tixda.

Furitaanka Labada Xujooyin Ee Ugu Horeeye Hal-xiraalaha

Meerisyada jawaabtan koowaadi  waxay furaysaa labo xujo oo Abwaan Ismaaciil ku hal-xiraaleeyey hal-abuurada Soomaaliyeed si guud.
Xujada kowaadi waxay ahayd mid ku saabsan xidiga-aqoonta, kaaso ah cilmi reer guuraagu u adeegsadan inay isbedelka xilliyada kaga sahmiyaan suu xaal noqon doono timaadada soo socota.

Si ay dhalinta Soomaaliyeed bal waxuun uga fahmaan murtida gabaygani xambaarsan yahay waxaan soo qaadan doona tusaaleyaal irmaan kuwaas oo u ibo-furiya jawaabaha tixda ee ka hadlaya adeegsiga aqoonta-xiddigiska.

Haddaba bulshada Soomaaliyeed si ay uga badbaadaan ama ay u yaraato saameynta dhibaatooyinka ka yimaadda roob-yaraanta iyo xaaladaha kale ee la soo dersa xilliyada adag, waxa ay bulshada Soomaaliyeed habeysatay aqoon hodon ah oo la kala dhaxley ka-ab-ka-ab oo ay ku go’aan qaadan jireen. Tusaale ahaan, saadaasha roobka ayaa ahayd aqoon aad u horumarsan; aqoontan oo ka dhalatay isku-dhafka xiddiginta dadkii reer Beershiya (Iiraan), Carab iyo mid Afrikaan ah. Xiddigiyaha Soomaaliga ahi waxa kale oo loo yaqaannay Xidaar, kaas oo oddorosi jiray xaaladaha cimilo ee yimaaddada. Inkastoo maanta ayba inagu yar yihiin dadka jaadkan oo kale ah haddan waxa ay bulshada dhexdeeda ku lahaayeen maamuus xooggan; saadaashooduna badi waxa ay ahaan jirtay mid u dhawaata wax dhaca ama la arko – taas oo ay xoolo-dhaqatadu ku go’aan qaadan jireen si ay ugu maareeyaan howl maalmeedkooda arrimaha la xidhiidha cimilada (roobka, abaaraha, dabaylaha), hayaanka, dirirta (dagaallada), guurka iwm.

Haddaan si tusmaysan idiinku sii manqaxo adeegsiga falaga si bal waxuun idiin ka bidhaamo jawaabahan furaya xujooyin ku saabsan falaga bal aan tusaale irmaano kale soo qaato. Tusaale ahaan doorsoon ku yimid xilligii sumalka idaha lagu sii deyn jiray Dhaqan-ahaan, xoolo-dhaqatadu, si joogto ah sumalka uguma darto idaha, xilli go’an mooyee. Waxana ay sidaas u yeelaan in aaney iduhu dhalin xilli adag (Jiilaalkii oo kale), oo aaney isugu darsamin caatonimo iyo dhalid, ka dibna laga yaabo in ay ka soo doogi waayaan xilligaas adag.

Habeenka la yidhaahdo “Dambasame” ayaa ah amminta ay xoolo-dhaqatadu sumalka idaha ku sii daayaan si ay u rimaan. Habeenkaasi waxa uu ka horreeyaa 150 maalmood xilliga uu roobka gu’gu bilaabmo. Sidoo kale, Dambasamuhu waxa uu ku dhacaa ama galaa 120 cisho ka dib habeenka Dab-tuurka (Dab-shidka ama Nayruuska) oo Soomaalidu ku suntato habeenka 1aad ee Sannadka Soomaalida. Habeenkaas (Dambasame) waxa uu ku beegmaa badhtamaha Deyrta (bisha Nofembar), kolkaas oo (sida ay Soomaalidu u taqaan) dayaxu la jiro xiddigaha ‘Urur-ka” oo ay Soomaalidu u taqaanno “Laxo”. Sidaas bey iduhu 150 cisho ka dib dhalaan oo ugu beegmi jireen xilli uu roobku si fi ican u da’ay (hilaaddii 15ka Abril). Odhaah soo-jireen ah oo ay Soomaalidu leedahay ayaa u dhigan sidan: “marka ay laxo dhacaan, ayey laxo dhalaan”.

Xilliyada iyo Taranta Idaha Is-beddelladaas awgood, waxa ay xoolo-dhaqatadu gar-waaqsadeen in aanay habboonayn in habeenka Dambasame sumalka idaha lagu sii daayo, maxaa yeelay lama hubo in ay iduhu dhalin doonaan xilligii ku habboonaan jiray ee roobku di’i jiray. Waxaana sababay roobabkii oo aan isku halleyn lahayn. Saas daraadeed bulshadeena oo ah mid aqoonta-xidigiska eebe ku ilhaameeyay iyagoo aqoonta adeegsanaya waxa ay reerguuraagu door-bidaan in ay 30 habeen dib uga dhigaan habeenka Dambasamaha, si ay xooluhu u dhalaan badhtamaha bisha Mey.
Halkaas waxa innooga muuqan karta sida ay reer-guuraagu aqoon xidigiska u yaqaan(astronomy), iyagoo cimilada kaga sahminaya sida ay isugu habeeyeen ama ula jaan-qaadeen saamaynta doorsoonka cimilada ee ta taaganta.

Somaalidu iyadoon waxbarasho lahayn ayay hadana waxay aad ugu horeeyaan habka cilmi felega iyo saadaasha oo ay waxka sheegaan waxa soo socda ama dhici doona iyagoo ka mooraynaya dayaxa, cadceeda, xidigaha iyo dabayshu xagay usocoto iyo weliba gebi ahaan saadaasha jawiga laakiin waa ragii hore inkastoo raga maanta iyagu ay yihiin  rag waxbarashada ku horeeya waxaana laga yaabaa inaanay xiisaynba  cilmi felegii ay ragii hore adeegsan jireen.

Hal-abuurka maanta yaqaana aqoonta-xidigiska waxay inoo cadaynaysaa in cidda la cado-cadaysan karta ama xujooyinkiisa furi karta ay tahay cid aqoon u leh cilmiga xidigiska(astronomy)­. Walow ay jiraan hal-abuuro cilmiga xiddigiska yaqaana sida Abwaan Axmed Hayow iyo Abwaan Xasan Bulxan. Haddana taasina waa sababta keentay saan filahaayo in Abwaan Ismaciil ay u jawaabeen labada hal-abuur ee kala ah Abwaan Xasan Bulxan Iyo Abwaan Faysal Goohe.

Faysal jawaabta uu ka bixinayo waxuu inoo sheegayaa; kalguurka ku dhacay xidigaha sida awr-cirka, dirirtiyo naafka wada fadhiistay, Cirjeexda dalandooshay iyo weliba dabaylahan koonfur u dhacaya, aqoonta ku laabani inay tahay in abaari soo socoto ee waa in laga sii gaanshaada.

Aan Idiin yara xasuusiyee Abwaan Ismaaciil Cali Boobe waatuu inagu halxiraaleyey oo uu yiri:-

☆xiddigaha calaankii hor kacay, Saxala cawlaaday
☆Ee dirirkii cidhiidhiga galoo, Naafka la caweeyey
☆Ee cirjeexdii suurtayee, Cag dhigi weyday
☆Ee awrkii cirku indhaha iyo, Caasha kor u taagey
☆Ee ururtii cishaha foorortee, Ceelka lagu guuley
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega?

☆Dabaylaha cartamayee, Calan walaynaaya
☆Ee ciiriyo habaas dunidu, La Cawlaatay
☆Ee Jahada koonfureed cugtee, Galab caraabaaya
☆Ee aan cawayskii go’ayn, Cuudka laga maalin
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega?

Waa kan Abwaan Faysal Goohe oo furaya xujooyinkaas wuxuuna yiri:-

★Ismaaciil calaamaad na tidhi, Cugga jawaabteeda
★Carwasaadka adigaa tirshiyo, Gabay collaadeede
★Afarteed cibaaraad na tadhi aan, Cod ka idhaahdo

★Curaafaysi buuu moodayaa, Kaan caqli lahayne!!!
★Xidigahan calaanki horkacay, Saxalkan cawladay
★Dirirkaa cidhiidhiga gallee, Naafka la caweeeyay
★Cirjexdaa suurtayee soo, Cag-dhigi weydey
★Awrkaa cirkee indhaha, Iyo caasha sare taagi
★Ururtaa cishaha foorartiyo, Ceelkan lagu guulay
★Iyo dabayhaaa cartamayee, Callan-walleynaaya
★Ee jahada konfureed cuggatayee, Galab carabaysa
★Ciiradiyo habaaskaa is xidhay, Dunidan cawlaatay
★Adigaa carayaye hadaan, Caynka ka higaadsho
★Labadu callaamadey sidaan, Waa ciriq abaareede!!!!

★Xooloho cuslaadiyo dhulko, Cawska laga waayay 
★Cirkoon daruur lagu arkayn, Caadna laga dhaarshay
★Cayayaankoo naaftiyo wax bey, Ku cayimayaaane
★Calooshuu ka diidaa ninkii, Camal yaqaanaaye......
★Buurraha u caraar intaan, Cuudku kaa madhanin

Furitaanka Xujada Saddexaad Ee Halxiraalaha
Jawaabtan saddexaad oo ah mid kakan oo sarbeeban taasoo aanay fahmin karin dhalinta badankoodu waxaan bal in yar ka bixin doona sharax guud si ay ula jaanqaadaan fahamka jawaabta.

Reer-guuraga Soomaaliyeed waxaa Eebe siiyey aqoon ay ka barteen dabeecada deegaanka ay ku nool yihiin. Waxay aad u yaqaanan dhaqmada noolaha kula nool degaanka, kuwaas oo ay kaga sahansadaan isbedelka ku yimaada hanaanka geedi socodka nolosha.

Bal aan idiin yara xasuusiyee Halxiraalihii Abwaan Ismaaciil Waatuu yiri:-

☆Cooflaha libaaxiyo shabeel, Caydigu eryoodo
☆Casarkii waraabaha ciyiyo, Ciyowga naaq daayey
☆Duhurka guumays cabatiyo, Haad cishaha duulay
☆Coomade hilib diiday, Iyo galaw Cataabaaya
☆Baqalyohoo waxaro casumay oo, Cunada daayey
☆Cawa weerta subixii tukaha, Ceelka laga waayey
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega???

Maadaama qofka reer-guuraaga ahi uu yaqaano dabeecadaha xayawaanka kula nool deegaanka, Haddii qofkaasi uu arka Coofle aar oo ka baqay caydi , Dhurwaag casarka orbeenaya iyo ciyow yulqan gabay, Guumeys gadiidka qabdhamaysa iyo Haada fiidka duulaysa, Coomaade coodiyo jiidhka daayey iyo galaw geydhanayoo cataabaya, Baqalyihii la odhan jiray baqalye buureedow babo oo waxaro la ciyaaraya iyo tukihii markuu waaga galalacleeyo ceelka cidna uga soo horayn jirin oo subaxaa la ba waayey, waa maanka qofka reer-guuraaga ah ku soo dhacaysa xaalku inaanu caadi ahayn ka dibna wuxuu ka dabqaadanaya astaamahan horta leh ee uu ku arkay xayawaanaadkan.

Iyadoo arrintu sarbeeb tahay oo aan si fidud loo fasiri karin, hayeeshee anoo ka dabqaadanaya dhaqanka reer-guuraageena iyo jawaabihii Abwaan Xasan Bulxan Cali iyo Tan Abwaan Faysal Goohe Aan idiin ku jalbeebi doona, waxaa weeye:-

  • 1- Libaaxiyo Shabeelku waxay ka mid yihiin dugaaga kuwo burjiga leh laga sahmiyo saadaashaa waayaha waxa xiddigoo jiifo ama taagan yahay sebenkaa isaga ah. Ragii hore ee soomaaliyee ee col u jooga ahaa adeegsana jiray faalka, xiddigaha iyo dabaylaha iwm. Xiliga ay arkaan libaaxa iyo shabeelka oo kale oo waxaan hawaysan jirin ka cabsoonaya waxay ku sifayn jireen xiddiga raggu inuu jiifo iyagoo aamisanaa inay raga iyo libaaxa ay isku buruud yihiin. 
  • Markaa col-wada ama Col ujooga galshooyinka u kaga dhaqan yahay geyigaa gaarkana u ah kooxdiisa ay iska horjeedaan kooxda kale ee gacan qaadku u dhaxeeyo. Qaybtooda markay kala kulmaan calaamadahaas la soo darsay geylamaagaa ay aamisanaayeen inay isku burji ahaayeen walaac iyo walbahaar fara badan baa soo food saari jiray guluf-wadeenka. Wuxuu aad ugu mashquuli jiray iskuna hawli jiray iskuna shaandhayn jiray horjoogayaasha hurimahaa ee uu hore ugu hantiyey guusha faraha badanle ee ah mida lagu dabo-joogo. Sidaa darteeda buu liibaaxu u soo galay waana burji jiifsaday.
  • 2- Duhurkii waraabaha ciya labo wax buu midkii og yahay. Dhulkaymeed uu ku noolahay oo laga garanayo inay dad iyo duunyo toona ku dhaqneen, horweyn goay oo ugu soo galay halkaas oo uu hilbihiisa ku wadhay waxna fiigo kaga maqan yhn oo kaynta ugu jiraan oo uu isugu ciidan diranayo. Arinta labaadna waa goob geylan dirireed oo ba'ani ka dhacay oo shalay oo kale rag isku arkay oo u yaalo meydkii aanu cidna gurin, maalintaana isagu aanu cidna ka martiyeynin. Labadaas buu mid uun og yahay. 
  • 3- Isbedelka ku yimi dabeecada lagu yiqiinay ciyowgana maxaa laga saadaalin karaa? Ciyowgan yulqan gabay wuxuu goobjoog ka yahay belo dhacday waqti aan fogeyn ioo raqda iyo raadka geylanku meesha yaalo isagoo ka naxsan ama la dhiilaysan wixii hortiisa ka dhacay ama yaala fuushana geed aan meesha ka dheerayn, una muuqda mid isaga kol dhaw la qaban doono afkiisana u doobshaday hoog iyo ba'a uu indhihiisa ku arkay cabsina iyo argagax kula naban sakal yar oo ka mida mid laamaha geedka ugu sareeya amuurta uu la naaqdaayeyna ay tahay mucjisooyinka ka dhacay goobtuu ku sugnaa.
  • 4- Guumaysta duhurka ciday iyo haada caweyska duushay waxay ka mid waxyalaha ay ka dabqaadan jireen xeel dheerayaashi hore, waxayna ku sifayn jirayn colaad layslama gafaana jabiyo khasaare badan laga dhaxlo.
  • 5- Sida caadada aha Haadu habeenkii ma duulo wuxuuna la duula waa cabsi ka kicisa baradiisa.
  • 6- Coomadaha iyo baqalyaha waa sida dhurwaaga waxayna ka haageen hilib aanay cidna marti uga ahayn.
  • 7- Galowgan cataabaya waa dhiilo ka warqab oo wax dhacaya ama soo socda bay ka dabqaadan jireen
  • 8- Tukuhu waa noolaha marka laga reebo ku dhexnoolaha biyaha sida raha iyo lulumada soo arooraha waa shayga ugu soo horeeya biyaha xili waagu baryo goobaha biyaha. Falfaliidhka waa bariga isagoo dultaagan meelahii qoyaan biyoodle goobta goobta u xigtana waa mershii raq ka dhawdahay subaxaa, subaxaa wuxuu kaga baaqan karaa goobta uu ku soo horayn isagu oo wuxuu feedha kaga taagan yahay tulud ha la cuno ama si kale ha u bakhtidee oo isaguna cidna marti uga ahayn amase meyd banaan gorofsan.Waa kan Abwaan Faysal Ismaaciil Maxamed Goohe oo meerisyo laaxiboon inoogu tidcaya jawaabtii furaysa isagoo inoo sheegaya inay colaad birta la iska aslay tahay saansaanta jawiga muuqda iyo degel cooshash faaruqa. Wuxuuna yiri:- 


★Afartaa intaan cayn ka dayey, Caadi ma usheegay
★Afar kalena coflaha libaxiyo shabel, Caydigu eryooday
★Nabsiba cidadaha ka dhigay oo, Caasha soo jaraye
★Isagaa ciyaaallkiyo u kaday, Caydigaa hellaye
★Labadaa cadeyaye hadaan, Camal kalle uleexdo
★Casarkii warabahan ciyey iyo, Ciyawgan naaqdayey
★Guumaysta duhurka cabatiyo, Haad cishaha duulay
★Coomaahadan hilibka daayey, Iyo galawga ciishoday
★Baqalyahan waxaraha casumay, Lana ciyaaraaya
★Cawaweeerta subaxii tukahan, Ceelka laga waayey
★Intaasuba colaad bay arkeen, Lagama ceeshaane!!!!!
★Meel caqiibo beeshiyo balay, Caasha ku hayaane
★Guutooyin ceeqdiyo hillbay, Ka cokanadeen dheh!!

Furintaanka Xujada Afaraad Ee Hal-xiraalaha
Furitaanka xujadadan afaraad iyana waa mid sahalka ku haysa saadaasha iyo odoriska timaaddada waxayna ku arooraysa Faalka iyo habka u shaqeeyo waana mid aad u kakan qof yaqaanaya mooyaane ruux kale wuu faaganayaa. Waxse hore u furay abwaan Xasan Bulxan. Maantana Abwaan Faysal Goohe baa furaya. Bal aan idiin yara xasuusiyo xujadii ismaaciil intaan idiinku jalbeebin jawaabta. Wuxuu yiri abwaan Ismacil Cali Boobe:-

☆Dheregsane ku cashaqay, Ximraha caasha soo geliyey

☆Caynsane afyuubkii la degey, Lana caweynaaya
☆Garba-raar ku caasiyey tukaalaha, Kugu cilaalaaday
☆Cuqle kugu rakaatiyo bayaad, Ciiro kaa qarisay
☆Cabdada mugdiga jiifsatee, Cayn ubixi waayey
☆Moorada cidhiidhiga gashiyo. Dunida cawlaatay
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara-e Noo sheega??.

Waa kan Abwaan Goohe oo Xujadaas furay wuxuuna yiri:-

★Afartaa cadeeyaye hadaan, Ciida kula aaado
★Casarkiiyo adoo dhigay haduu, Hadal cadayn wayo!
★Canlabeeb ma fiicnee haduu, Caan ubixi waayo!
★Markhaatiga cadeeyiyo hadduu, Ciirro tire waayo!
★Dharagsane ku cashaqa ximruhu, Caasha so galiyo!
★Cisho kale inaad dhigato bey, Caadadii tahaye!!
---------------*****­*---------------
★Caynsanaha afyuubkaa la dagay, Cawda kula jiifa!
★Garbo-raar ku caasiyey tukahan, Kugu cilaalaadey!
★Cuqle kugu rakaatiyo bayaad, Caad ku kaa qariyey!
★Cabdadan mugdiga jiifsatay ee, Cayn u bixi waayey!
★Caarifnimo anan sheganayn aan, Cod ka idhaahdo
----------------★★★-­------------
★Mooradan cadhiidhiga gashe, Caga gubyoonaysa
★Cill-qabeen ku dooniyo ballay, Soo carbinaysaaye
★Cishrin guyo tagay waxad gaysta, Coonka ku yimiye
★Guluf kugu cabaadiyo intaan, Cadaw ku soo gadhin
★Cishahaba inaan geedidaa, Ku cawo adduun ahe!!

Lasoco qormada 11aad hadduu Eebe Idmo

WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Contacts: Maanmaalbured@gmail.com
Copyright: Maanmaal Buureed And MaskaxMaal.com