Tuesday 18 November 2014

Gabay--( Guurdoon )--- Abwaan Jaamac Murtisame

18/11/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi( Murtisame

1:Cabdilaahiyoow gabay hadaan galabta maansoodo
2:Geraar hadaan kuu tirshoo gobo yar kuu sheego 
3:Guurdoon hadaad tahay asaad gacalo doonayso

4:Guri lagu negaadiyo hadaad ubad u guuxayso
5:Iga gunud garaadow nin ragay taladu gaadhaaye
6:Marka hore geyaan baad ka timi guda nugaaleede

7:Marka xigana gees Iyo ka gees gabiba soomaali
8:Gabdheheenu waxay leeyihiin haybad gooniya e
9:Gobanimaa dhamaan lagu galaday laguna gaataaye

10:Midab gaara qurux lagu guntiyo gaarinimo buuxda
11:Garashiyo aqoon baysitaan gabi ahaan toode
12:Gefka Iyo ma yeelaan hadana gacan togaalayne

13:Hadii geela qaadoo dagaal laysku galalaaso
14:Ama guuto weerara saq dhexe la,isku goob yaalo
15:Girinoof higoodiyo haduu gumuc wax naafeeyo

16:Galaa yuuska qaylada hadii galowgu dhiilaabo
17:Gartu laba nin uma wada sinee adiga oo goolman
18:Gabal dhacay go,doon Iyo adoo goob cidlaa jooga 

19:Gacal Iyo tolnimo maalin ay gabi ka lalaado
20:Gurmad adiga oo waayey Iyo garabku taageera
21:Gucle orod waxay kugu iman saacad gudeheede

22:Waa geesiyiin aan aqoon galowda baashow e,
23:Midkaloo u garaana hadaan gacale kuu sheego
24:Hadaad goosatoo sebena badan galaba meel aado

25:Guyaal Iyo guyaal adiga oo galina soo booqan
26:Dadkoo gamasan laylkii adoo gaar u soconaya 
27:Adigaan gasiin Iyo u sidin gini waxaad siiso

28:Gabaydhiyo adoo dhaxan qaboo gaajo socon waayey
29:Hadaad guriga soo gaadho oo hadalka goo goyso
30:Ku guhaadin maysee dhakhsay kuugu gogoshaaye

31:Hadal aad ka gubatiyo Canaan ama giriif toona
32:Waxaad gocato abid kuma dhahdoo waa gob inanteede
33:Galax Iyo nimcay kugu habtaa gurada kuu yaale

34:Mid kaloo u gaara jirtee gacal aan kuu sheego
35:Talo kaa guracantiyo adoo xaajo kugu giigtay
36:Guuyiyo adaan maal lahayn ama gamaan toona

37:Gaadiid adaan haysan Iyo gaadhi Iyo daaro
38:Oo caydh la gaban gaabayey kugu gelay saaye
39:Sida reer galbeed Iyo halqigan dunida guud saaran

40:Oo qaarba gaarka u yihiin waa kawada gooni
41:Ma gunuunu caysee aday samir ku gaadhsiine
42:Inuu guule bixiyey ogtahay goortu doonaba e

43:Inuu geed hadhkii yahay aduun gelinba meel jooga 
44:Oo geedi laga yahay ogtahay guule suuyidhiye
45:Midkaloo u gaara jirtee gacal aan kuu sheego

46:Hidde aan gu,dhayn Iyo waxaan abid gaboobaynin
47:Dhaqan guuna iyo waxay sitaan godol awoowaade
48:Waa lagu gardaadshoo xishood baa u gooniya

49:Gobaad hooyadii korisey Iyo garashadii diinta
50:Garaad aabihii dhalay huddiyo gola wanaag geeda
51:Iyo gibil qarsoon aan rag kale gaadhin aragiisu

52:Iyadaan gu,jirin baa la baray xaajo gudideede
53:Garkas taad ka eegtaba qof aan gocasho reebeynin
54:Oo aan gabood falin naftana raali gelinaaya

55:Guri nabadi taaliyo dhalaan edeb ku qaan gaadha
56:Gurbood baari kuu wada noqdiyo guusha noloshaada
57:Guur sharafle go,a shaalka Iyo gumaro reer yeesha

58:Gunti aan furmayn Iyo aroos aqal gu,waynaada
59:Gaari dhaba hadaad doonaysiyo gabadh xigaal kaaya
60:Waxa guudka loo feedhiyo timahan gaydhaysan

61:Hadal gobi ku hasawdo gabi wanaag oo dhan
62:Geeska Africa laga helaa geeya shaaximane
63:Gacma daalis weeyoo qurbaha laga geyoon waaye

64:Goobaar ragbaa guursadoo gaalo aaminaye
65:Gugumiyo abaas kama duwana shaadhka kuu galaye
66:Gocondhiyo xajiin bay noqdeen soo galootiguye

67:Goblan weeye aan gudin inaad gacanta saar taaye
68:God daloola weeyaad xareed ku garbinaysaaye
69:Geediyo nabaad kama baxaan gubadka jiilaale

70:Aji nabi ninkii goobayaa wuusan garanayne
71:Isagaan gugiisii dhawan buu gabaw yahaye
72:Nin gol dooxam weeyaan ogayn maalintuu go,aye 

73:Gabay laguma soo koobi karo gololo soomaale
74:Waa gaar waxay mudan yihiin gabi ahaan toode
75:Gaadh soonihii baad ka helin taad gool dhabiye

76:Duco gaamur taan kaaga dhigin sahay ma guuraane
77:Galbi guusha nololeed adaan gaar mid faraye


WQ: Maanmaal Buureed Gurxan