Monday 25 March 2013

♥SAAKIYO SIYAASADA♥

¤Siyaasadu saaka,
¤Sabarkeedu nabdoonaa,
¤Sadaasheedu saxanaa
¤Saansaantedu wacanaa,
¤Socodkeedu qumanaa,
¤Sowdkeedu macaanaa,

¤Sawaxankeedu yaraa,
¤Sanqashadeedu dhuubanaa,
¤Suuradeedu qurxoonaa,
¤Safarkeedu sahlanaa,
¤Soodhaweenteedu fiicanaa,
¤Saxeexeedu fududaa,
¤Saaxiibkeedu saafisanaa,

¤Saabkeedu tolanaa,
¤Sokeeyiyo xigaalka,
¤Sacabka u tumayaa,
¤Sanadkan badanaa,

¤Sidaa iyo sidaa,
¤Safkaad ka eegtaba,
¤Saxarkeedu yaraa,

¤Sakaalka wada maanta,
¤Seeftiisu afaysanaa,
¤Saableyda adduunka,
¤Seken ku sari ogaa,

¤Soomaalaay siyaasadaa,
¤Subaxan soo baxday,
¤Saluugiyo sawnaxa,
¤Seenyaalinimiyo saydhsaydhkooda,
¤Sandhaadhkooda ka dhawra......

♥By:Maanmaal Buureed♥
♥♥Idimka Eebe Weeye♥♥
♥♥03/02/2013♥♥