Sunday 21 September 2014

SUMCADII HALAYSAYE WALAAL WAAN KU SAYAAYE

--SUMCADII HALAYSAYE WALAAL, WAAN KU SAXAYAAYE----

Gabyaaga soomaaliyeed u jeedooyin kala duwan ayuu maansada u tiriyaa, Haday tahay xaalada markaa taaganta joogta, Ama mid timadada la filayo ee soo socota.

Gabyaagu maaha mid macno la'aan u curiya hawraarta, Inta badan waxaa suugaanta ku kalifa maankiisana ka keenaya waa wax taabanaya dareenkiisa haday tahay mid isaga u gaar ah ama mid guud oo dadkoo dhami la qabaan.

Waxaa kaloo jira wax aanay dadka kale dareemayn hase ahaate gabyaaga aad moodo inay isaga u muuqato, Taasina waa mida gabyaagu u gaashaysto tixihiisa suu u tuso uguna muujiyo god-daloolada iyo halalka qoonta le ee bulshadu aanay arkayn kuwaas oo biri ka maalin soo bixin doona iyagoo aan waxba ka qabsho lahayn.

Gabyaagu ujeedooyinka inta badan maansad u adeegsado kuwa ugu waaweyn waxaa ka mida waanada. Idimka Eebe waxaynu qormadan gaaban ku sioo qaadanaynaa tix waano ah taasoo uu tiriyey Abwaan Faysal Goohe oo loo yaqaan(BUUNI).

Gabaygan Abwaan Goohe wuxuu tiriyey 21/09/2014, magaca tixdana waxaa la yirahaa (WAAN KU SAXAYAAYE). Sida ka muuqata magaca tixda, Waxay ina tusaysaa inay tahay tix abwaanku arrin cidi khaldayso uu saxayo. Cidaas uu saxayo ee abwaanku waano iyo talloba ugu tidciyo murtida tallow waa ayo?..

Jawaabta su'aashaas adigoon meel fog ba ka raadin anaa ku sheegaye bal qalinku tubtuu sii jibaaxaya hayoo raac. Sidaynu ognahay maalmahan waxaa jira dhaqamo foolxun oo diintiyo dhaqankeena suuban dilaya in ay bulshadeeni ku badanayaa kuwaas oo ah dhaqmo reer galbeedka ama barigaa fogiyo hindiya laga soo waariday.

Dhaqmadaa ina soo galay ee dilay hiddiyo dhaqankeena dahabka ah waxaa ka mida huga(Dharka) Cusub ee silloon ee maanta dhalinyarteeni gashanayso.

Run ahaantii xaga huga haddii maryo cusubi soo baxaan aad baa loogu riyaaqa oo loo jecelyahay dumarku ha ugu ba darnaadeene. Diinta alle waa banaysay inuu qofku xaragoodo oo dhar qurrux badan xidho, Lakiin dharka qofku xiranayo waa inuu ahaadaa mid asturan oo waafaqaya sida alle iyo rasuulkiisii udgoonaa(SCW) inoo sheegeen.

Sanadahan maalinba maalinta ka dambaysa waxaa moodaa hablaheeni in sii fantalaqmayaan oo ay qaadanaya dhar cawra ah kaasoo laga keenayo saan kor ku xusay barigiyo galbeedka. Hablaha Soomaaliyeed alle ha dhawree maanta waxaad mooda inay sii dhaqan doorsoomayaan oo ay tuurayaan hiddihii asturnaa ee hooyooyinkood xidhan jireen.

Dhab ahaantii waxaa maanta calanka loo saaray lagu asqaysiiyey ooy qaar badan haweenkeenu kuwada dhaceen dhar aad mood oo aan asturnaanta lahayn kaasoo ah mid diin iyo dhaqankoodaba riiqaya.

Gabadha Foodadiyo xijaabka tuurtayee xidhata calalka Saariga calool qaawiyaha ahee hindidu ku xaragooto, Gabadha subeeciyadii iyo go'ay ku hagooganaysay dhigtay ee gashanaysa kuna xaragoonaysa baarashuud (Bacweyne) xuub caarabo ah ee indhuhu ka dhex baxayaan, Bilcaanta maraday gosha ku xidhan jirtay ee loo garraarasan jiray tuurtay ee ku dhacday goonada ku dhegan ee xubnaheeda muujinaysa, Bilcaanta timahay dabi jirtay gedef ka dhigtay ee guudkeedii astuurna noqday madax gamboor weyn.

Hiddiyo dhaqankeeni asturnaa ee qaaliga ahaa gabadha ka tagtay ka dooratay dhaqmada cali beestayna la casriyey ee fooshaxun, Miyey noqonaysaa mid la gaatoo qurxoon oo alle maalintay hor tagto noqota mid lagu abaal mariyo jano?Jawaabtu waa May Maya.

Gefafkaas lagu falay dhaqaniyo diintaba ee ay ku kaceen hablaheena inta shaydaanku u durbaanka tumay ayuu abwaan Faysal Goohe u aqli celinayaa isagoo isbarbardhigaya una tilmaamaya inay ilaashadaan hiddiyo dhaqankooda asturan. Qaybta dambe ee gabaygana abwaanku wuxuu meerisyada cuddoon ugu tiraabaya inay diintoodu siday fartay raacaan oo alle adeecaan, inaanay ka fogaadaan wixii naftooda sharaf dilaya, Inaanay isdhigan naftuna meel ma jirtee in aakhiro la ogaado oo loo shaqaysto. Wuxuu abwaanku yiri:-

❁Sanduurkaa hindidu saaratee sumad iblaysaada
❁Ama sanbuuqada biraha layska sudho, Malaha soomaale
❁Sinahaaga ood qaawisiyo, Sabarka oo muuqda
❁Ama surwaal isteel laga dayaa, Malaha soomaali
❁Sawnax baan ka qaadoo ma rabo, Saatan aad tahaye
❁Sumcaddii halaysaye walaal, Waan ku saxayaye

❁Samays dirac habooniyo adoon, Foodad sare waayin
❁Sagsaag maro la saariyo adoo, Shiid salaxan haysta
❁Oo Subixii la joogaba mid yimi, Suuqa ku arkaaya
❁Sanbalkaad jeclaatee markaa, Kuu sunsuma muuqa
❁Sancaaniga xijaabada tolaa, Kuu samayn kara-e
❁Saari iyo jeans inaad qaadataa, Waa sawaabnimo-e
❁Suuradaha galbeedkiyo adoon, Sawir xun kuu laacin
❁Sawdkayga yeeloo imaqal, Waan ku saxayaaye

❁Safar baa aduun lagu yahoo, Waa ka soconaaye
❁Saacadiisa ruux ogi ma jiro, Sababna yeelkeede
❁Nafta lays ma siinine ogaw, Sii hayaad tahaye
❁Su'aal baa danbaysiyo aakhiroo, La iska sugayaaye
❁Waxad soo samaysoo dhan baa, Lagu saafayaaye
❁Sunihiyo midkaan diinta sugin, Seegyey marinkiiye
❁Sahay adag midkii aan u wadan, Waa siloonyahaye
❁Samhariira waw halis iyo inuu, Seexdo haawiya-e

❁Sahal haw malaynine midani, Waa sallaan culuse
❁Si yar buu ugu siibtaa midkii, Surin xun qaadaaye
❁Saantiyo jidhkay leefaysaa, Solay ka yeeshaaye
❁Haddaad sararawaynayd walee, Suuf yar baad noqone
❁U sed dhigo qiyaamaha ma jiro, Ruux ku saacidiye
❁Suuradaha quraankaa cadayn, Say hadhaw noqone
❁Saxeex bay u sugayaan dhammaan, Saafiyoo wacane

❁Subxaankaa cadeeyoo midaa, Waa la soconaaye
❁Saadirka Illaah baa na yidhi, Addoon saalixaa wacane
❁Saafiya noqo oo ka baydh, Salawga shaydaanka
❁Silic adag intaad mudan lahayd, Saaxiga u leexo
❁Seeskii dhignaa iyo ha jabin, Soohdinta islaamka
❁Seetada ha goynine walaal, Socodka miisaamo.....

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan