Saturday 27 September 2014

Silsiladii Xamdi--Gabaygii Kowaad(Xaysimo) Ee Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

Silsiladii  Xamdi Waxaa Soo Galay Abwaan Ismaaciil Cali Boobe Wuxuuna Kaga Qayb Galay Tixdan La Magac Baxday Xaysimo. Abwaan Boobe Waxay Isku Afkaar Noqdeen Abwaan Farxaan Salwe Wuxuuna U Codeeyay Xagaa iyo Carro Edeg
Wuxuu Yiri;-

**Xaragooy be eey rag baa gooyey xadhigeede
**Xiisihii ka dile haween xulasha doodiiye
**Meelo lagu xaraasay beryahan ugu xafiirteene
**Xarumaha sucuudiga ee hablaha xaaqin lagu eego
**Oo yaa ximaareey carabi ugu xaraabayso
**Iyo xuduuda canada ee kufrigu kaga xamaalaayo
**Xusul duub kuwaa ugu jiroow waad xaqiran teene
**Xaydaanki sharaftaa ka maqan xuyasha diiniiye

**Afartaa xawaariyo kadliyo xwligii faras dhe
**Afar kalena xeeshiyo runtiyo xarafyadaydii dhe
**Xamdiyaan u baaqiyo xubinta dooday dhe

**Xamdiyeey waxaan kuu hayaa laga xiiqaane
**Xuduudaha adigaan ka bixin xeerka gurigeena
**Xaashi lagu socdaaliyo adigaan ka biqin yaa ku xidhi doona?
**Xeerka gaalo adigaan u jabin xagasho ceebeeda
**Xaasudal tar xeeliyo xabsiga carabi kuu xaadhin

**Xaysimiyo waxaan kuu hayer dhulkii xaanida ahaaye
**Xudun iyo taleex Baan.ku geyn xarun daraawiishe
**Dhoodi baad xawaaraha dalxiis xaawigaa socone
**Xerta soo dhoweyntaaa ku oran noo xikaab noqo e

**Xiito geeloo dhashoo nugaal xamash ka daaqaysa
**Xigta iyo xaftaan kaaga habi sidii xuurka aan dhalaye
**Halkaasan aroos Kaaga xidhi xiisa loo wacane
**Xagidii ciyaraha bulshadu waa xarbiyayaane

Xamar iyo baroorbaan fardaha Kaaga soo xuliye
**Gelbis lagu xasuustaaan maalin taa kuu xudumayaaye
**Xamdiyeey todoba baxa xaami baad geliye
**Xidhka soolka waad mari ximan galool weyne
Xadeed baan ku geyn meel xarfo lahayde

**Ceeribaana kuu xigi anoo Xiiso kuu qaba e
**Xifta dayrta baad caano bixi xaaxi karamaane
**Xubi aan dhamaaniyo janaan kuu xikaayadiye
**Xamdiyeey isoo raac kuwani Xiiso ma hayaane

Silsiladii Xamdi--Gabaygii Seddexaad(Wax Uun Xeeriya) Ee Abwaan Maxamed Haybe

Silsilada Waxaa Mar Saddexaad Ku Soo Laabtay Abwaan Maxamed Haybe Isagoo Abwaan Farxaan Salwe Uga Jawaab Celiyay Tixdiisii Ahayd  Xishooda

Abwaan Haybe Wuxuu Yiri:-

**Farxaanow habluhu waa xariir laga xishoodaaye
**Xurmo gooniyay leeyihiin amma xaquuq dheere
**Xaska uma adkaystaan inay xanan ka jiidhaane
**Xagar sarara wayn waa halkii xodayga buurayde
**Axe'xeedu waw daran tihiyo xaayo loo diro-e
**Xagulihiyo baa muuqan jiray xidido waawayne
**Sida xuurta way godanayan soo xorgogayaane
**Xaskul laguma soo hiyo xadhkaha lagu xajiimone
**Xoolaha waxaa raacin jirey niman xurmaynayne
**Raga xooga luunbay ahayd. Inay u xoojaane
**Waligeed xadgudub bay ahayd inay xafaarane
**Xayniyo waxaa xawda jaray xaabo loo diro-e
**Xajka iyo waxay doonayan xaramki waynaye
**Xijigii makaad bay arkaan ama u xiiseene,
**Dhulkana lagu ma xaadhe dhibwaa laga xijaabaaye
**Inaad xuubka mooday rabaan midho xareedade

**Timo xawdhka leeg bay rabaan inay u xaabaane
**Xaragadiyo quruxday rabaan inay xafleeyaane
**Xiliyada qaboow bay rabaan inay xinaystaane
**Xifdi iyo quraan bayrabaan iyo axaadiise
**Xaqa waalidkay doonayaan inay xusuustane
**Bal intaad wuxuun xeerisaan oo xal laga duulo
**Ha xaqirina oo yaan la odhan xagarka sii jooga...

Silsiladii Xamdi---Gabaygii Kowaad(Xishooda) Ee Abwaan Farxaan Cumar Salwe

Tixdan Waxaa Yiriyey Abwaan Farxaan Selwe  Waana Tixdii Kowaad Uu Kaga Qaybgalay  Silsiladii Xifaalaha Badnayd Ee Xamdi

**Xanan lama jibaaxiyo Xas aan xeelad loo marin
**Xeegada waxaa loo xagtaa Waa xariif nimo-e
**Xejintaa ilkaha looga tudhi Xagalo geeleede
**Xeji uun hadii aad tidhaah Xaajo waa dhabaqe
**Xaqa laga ma baydhiyo Xadiis xaakim uu dhigaye
**Xa'laydaa bilowga ah hadaan xaraf lasiiraaco
**Oon u xulo midaan xanaf lahayn Xeerku waa dhaqane
**Nimankaa xifaalada wadee Xeebta wada sheegtay
**Nin waliba xuruuf buu ku qoray Xaakim baan ahaye
**Hayeeshee cidlay xaadhayaan Saan xaqiiqsadaye

**Xayaysiis waxay sheegayaan Xero shisheeyaade
**Waa xuduud carbeed iyo Galbeed xooshku uu dego-e
**Xaab qaadka canada iyo midkii Carab xigaalaystay
**Labaduba xisaabtay qaldeen Xeerna may garane

**Xamdi waxay usheegeena Waa Xiinka dhedadiiye
**Iyaduna xareed malaha oo Xaaluf laga qaadye
**Xamdi waxay ku xarakoonaysaa Xerada toomoode
**Xidhwayniyo burburis bay degtaa Xerosankii hawde
**Xagar sararawayn bay intaa Xeeyo jiraysaaye
**Xiitiyo waxaa loolisaa Xoorka geel dhalaye
**Xurmad bay ku leedahay Halkaa aan xisaab wadane
**Xero iyo ilaah maanu badin Xayte gaal wado-e

**Carabtana xabiib uma ahoo xaali may odhane
**Xaramkana cibaaday u tegi Xoolahay gadane
**Xaglo waynta awrtaan todoba Xayga sootubiye
**Iyagaba xisaabtoodu waa Xaashi lacageede

**Xarumaha dalxiiskana Halkaa xiiso looqabaye
**Xudun iyo nugaal baan dhowaan Soo xarminayaaye
**Xalin beeraheedaan socdaal Ugu xaraamayne
**Xishoodoo hablaha yaan la odhan Xerada soo dhaafa!!!

Silsiladii Xamdi-- Gabaygii Labaad(Waxba Haw Xanaaqina)---Abwaan Maxamed Haybe

Abwaan Maxamed Haybe Oo  Ku Soo Noqday Mar Labaad Isagoo Ujawaabaya Mahad Dhoore

**Mar hadaan nafteenoo Xafidan lala mushaa-xaynin
**An mawdka xawdeena jara laga xoroobaynin
**Angeeri laynaga xadayn laga xishoon waaye
**Waatay xadiis iyo quraan ina xusuus sheene
**Inagaa xadiide naf waa la xakameeyaaye
**Nin adduunyo xaalkeed arkaa. Kama xamasheene
**Xagna uguma hiisheen intuu soo xaakabsado-e
**Xaashiyaanu soo xaabina waysa soo xidhiye
**Xaaraana waa lagu xantaa maal xagaa jira-e
**Xajku waa muhiim oo naflaha wuu xasiliyaaye
**Iyagoo xariiray noqdaan badi Xujeey diiye
**Xisma qabo inuu soo xarmado nimaan u xoodnayne
**Dadka lama xumeeyee dantaa lagu xanuunjaaye
**Xamdi way taqaana xaqiyo Xarumo shaydaane
**Waa xuural cayn gaalo way kala xanaaqane
**Iyadoo xijaablay rabtaa inay xushlaysaaye
**Waataa xagay tegi lahayd xulatay mandhoowe
**Waxba haw xanaaqina. La diid inad xaraysaane

Silsiladii Xamdi---Gabaygii(Xeer-beegti)-- Abwaan Mahad Dhoore

Silsiladii Xamdi iyo Xifaaladii Raga Canada Iyo Yurub Jooga, Raga Ardul Carab jooga Oo Cirka gashay
Tixdanina Waxaa  Tiriyey Abwaan Mahad Ina Dhoore oo u hiishay Axmed Saleebaan oo Canada Jooga (Xeer beegti)

Wuxuu yiri:-
**Xeerbeegti gabay ina salwoow xeradi waa taaye
**Xishood maleh xamaalkuye, naftaa lagu xujeeyaaye
**Mid xarago is godayaa jiroon, xiito hela-hayne
**Xaqa laga ma hiishee runtaa loo xakamiyaaye
**Mar hadaan bangiga soo xiroo lacag kasoo xoorsho
**Xajka goortan tago carabtu way xurminayaane
**Xamdina waa taqaan meesha uu xay kasoo baxaye
**Xayn riyaa intay celin lahayd, oo xaaluf ba’an jooga
**Marba maalin may xeeb qurxoon soo xarago joogto...

Gabay--(Baaray Tumisteed)--Abwaan Farxaan Salwe

Tixdan abwaan Farxaan Salwe wuxuu tiriyay markii baarlamaankan hada jira la soo xulay ee ay koox qabqableyaashii hore ah lagu soo daray si beelaysan maxkamidina sidaa ugu ogolaatay markii maamlo lagu murmay
Ka bogosho  wacan wuxuu yiri:-

**Ba’da gabayga bandhigaa fankiyo baaray tumisteeda
**Bulo iyo ciyaar loobaxiyo baalo jaristeeda
**Batar boodo laga dheelayoo lagu belwaynaayo
**Baabkaa inaan joojiyaan beerka kuhayaaye
**Bedelkeeda waxaan doonayaa barasho diimeede
**Boqorkoon xusaabaan jeclahay baarina ahaado
**Buluuq iyo riyaad saalixiin yaa ii bilaawnaaye
**Bisha soon waxaan doonayaa beer inaan falo e
**Baaqaa lasooqoray malaa bereten weeyaane
**Barbaartaa kuloolama intaa ba’ iyo woowgeede
**Badhjab kaa ka gaabsada murtida xaraf biloownaaye
**Baxdoow iyo ninkii tirinjiraan baaqi ka ahaane
**Biyo soorogmaday loomalee boqol midhbaa dheere
**Beeraha ganaanoo kujabay buurxakaba waayo
**Barta luuq kutaal iyo fatahay tan iyo baardheere
**Baldhegeysta aan biyo dhacee waan burqanayaaye

**Afartaa ma baal baalayoo baal makalaraacay.
**Buqturaab ma fiicnee farshaxan baab ma ugu sheegay
**Bal aan galo halkaan beegsadaan bawdka soodhigiye

**Barwaaqada markaan joognayee xamar la baashaalay
**Beeraha afgooyana dal xiis booqashadu taalay
**Baarwacan markii aan kafee beega shubanaynay
**Balan curuba taaliyo hablaha biid uxidhanaynay
**Bucurka iyo dhaylada markaan beerka dubanaynay
**Balaayada kuwii noohorkacay baaqibaa hadhaye
**Beelay hormuudka uyihiin baarqab iyo shaybe
**Baarlamaanka waa kuwaa fadhiya badi hormuudkiiye
**Bahnimaa difaacdoo walaan biid la odhanayne
**Boyntifayf waataa lagu xulaye baarka loofidhaye
**Bal ufiirso beecay wadaan waa barkuma taale

**Afartaa ma baal baalayoo baal makalaraacay
**Buqturaab mafiibnee farshaxan beeg ma ugu sheegay
**Bal aangalo halkaan beegsadaan bawdka soodhigiye

**Inta ay bankaa daaqaysiyo biito xeradeeda
**Beentiyo intaa laysku wado sheeko baralayda
**Beesada intaa looxishiyo boobka hadhi waayay
**Nin walboow bartaadaad taqaan barada reerkiina
**Biixiyaha intaad mudato hay yaan lagaaburine.

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Silsiladii Xamdi---Gabaygii Kowaad(Xooshka Gaalada)-- Abwaan Maxamed Haybe

Gabaygan Waxaa tiriyey abwaan maxamed haybe oo gartii furay xagaa iyo xaramkana u iishay waan sildiladii xamdi ee canada iyo sucuudiga xifaalihii xamdi

Xooshka gaalada

**Farxaanoow haween kaa xujaa lagu xabeebtaaye
**Xarbi lagama waayiyo dagaal la isku xiiqaaye
**Nimaan xooga lagu xeerinayn loo xasaradeeye
**Mansadan xa leeydaa hadaan xarafka siiraaco
**Xamdi iyo hablaha xaafidka ah ama xishoonaya
**Ee aan xaqiiqada ka tegin. Nolosha xaalkeeda
**An meel xashiish lagu cuniyo canada xiisaynin
**An xooshka gaalada jeclayn inay. U xoodaanto
**Xurmadii ilah iyo kuwii diinta lagu xeeray
**Cabdul bay xagiisa u bateen lana xidhiidheene
**Isaga xajkii jooga iyo xarun islaameede
**Waxna laguma xado. Baahida lala xaraamaaye
**Xaashaa lilaah meesha waa lugu xishoodaa"

Gabayo---(Jacaylkii Jamaad)---WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Waa la joogaba iyo meel la joogba jacaylku waa dareen si qoto dheer ugu samaysan abuurta noolaha inta la ogyahay, si gaar ahna waa dareen Aadnaha aad u ladhan oo tilmaamihiisa ka mida.

Sidaas oo ay tahay haddana kolkaynu dib u milicsano ujeedooyinka kala duwan ee faraha badan ee maansadii hore ee soomaalida ay u adeegsan waxaa inoo soo baxaaya maansada jacaylku inay ahayd kuwa ugu tirada yar, halka ay maanta ka tahay kuwa ugu tirida badan, taasina waa run byo kama dhibcaana oo lafogurayaasha suugaanteenu ka murankeeda waa hore ay ka shidaad baxeen.

Waxse ay isweydiintu tahay maxaa loo aanayn karaa oo keenay inay ujeedooyinka maansadii hore loo tirin jiray in maansada jacaylku ku saabsan ku yaraato halka ay muush ka tahay ujeedooyinka kala duwan ee maansada sebenkan halabuurka soomaaliyeed u tiriyo?

Wixii aan waayo aragnimo ka kasbaday hiidiyo dhaqqanka, Abwaaniintiyo Dhammaan Suugaanyahanada soomaaliyeed sida Axmed Farax Idaajaa, anigoo ka duulaya aragtidayda sababaha keenay waxay tahay; Ujeedooyinka maansadii hore loo tiring jiray in maansada jacaylku ay noqoto ta ugu tirada yar waxay la xiriirta habkii nololeed ee ka jiray geyigii ay soomaalidu wax ku dhaqaan jirtay iyo dabeecadaha ragii soomaaliyeed ee xoolo raacatada ahaa uu geyigaasi ku talaalay.

Wuxuu ahaa geyi dhibaatiyo shido badan geyi aan nasasho laga aqoon u halgankii ay jiritaankooda ugu jireen aanu kala go lahaan jirin, colaada io cabsida ayaa joogta ahaa.

Hadii habeen dumo iyo waayo baryo goor walba ragu rakaab ku jog uun buu ahaa. Wuxuu ahaa xili ay xoolaha si ba’an ukala qaadi jireen. Kolkaas bey u ahayd mar ay geel dhacayaan iyo mar ay geel soo dhicinayaan, mar ay ceel ku diriyaan iyo mar carshin kala riixanayaan mar geedka shirk u garamayaan iyo meelo ay saymo roobaad ku hooreen mar ay geedi u yihiin.

Haddaba ninkii soomaaliyeed ee geyigii sidaas ah mudo dheer ku dhaqnaa wuxuu ka dhaxlay dabeecado ilaa maantaba ay bulshada in badan kala socdaan waxaana dabeecadahaas ka mida:-
¤Ninku inuu ad-adayg ku tilmaanaado

¤Ninku dareemadiisa qof ahaaneed inuu qarsado oo waxa laabtiisa ka guuxaaya inay dadka kale si fudud uga ogaan.

¤Halka maanta laysku guubaabiyo inuu ninku u sheegto jacaylka rubadiisa hugmaya gabadhuu u qabay Jiljileeca iyo dabacsanaantu waxay ahaayeen wax ninkii lagu arko lagu daraabo, sebenkana ninkaan dabacsanaaniyo is dhul-dhigid ka soo horeyn looba tawaabaynin oo na lagu tilmaamayo ruux qalafsan oo aan lala rafiiqi karayn.

¤Dhif waxaa ahayd seygu haweenayda udhaxda inuu magaceeda ugu yeero ama meel laga arkaa inu ku salaamo ama ku yiraaho waan ku jeclahay ha la weheliyo ama labadooda oo kaliya ha ahaadeene, maantana taasina waa midaan jirinoo ninkaan qaali, macaan, xabiibti, noloshaydiiyeey, iyo magacyo macaan ugu yeerin ooridiisu waaaba ka dudaa haddaanay I furba odhan.

¤Ninku intuu doonaba ha jeclaadee waxaa dhif ahayd carruurta uu dhalay midkod intuu madaxa u salaaxo inuu si cadaaana wax ugu sheego ama ugu muujiyo gacalada uu laabta ugu hayo.

¤Ceeb aan ceebi ka weynayna waxaaba loo yiqiinay ninka raga oo sabab kasta ha lahaatee in ilmo ka soo dareerto.

Geyiga caynkaas ihi ma lahayn guubaabo, diradiro iyo abaabul dagaal mooyee geyi maaweelada iyo maansada dabacsan ee dareenka jacaylku ay hanaqaadi karayso.

Haddaba Geyigan maantana waa mid nabad doon, saynu kor ku soo xusayna dhaqanka jiilkan iyo kii soomaalidii hore hadaynu isbarbardhigno waxaa inoo soo baxday inuu farqi weyni u dhexeeyo.

Sida jirtana xeer waliba waayada dambe yeeshaa cid ka baydha iskana indho tirta bulshada inteeda badani hiddaha ay raacsan tahay sidaas awgeeda waxba yaanay waxaynu ka dharagsanahay qaybaha maansada eek ala duwan haday tahay gabay, geeraar, heeso iyo dhammaan kuwa kaleba in ay maansada jacaylku maata tahay ugu badan.

Waxaan qormadan ku soo qaadaayaan silsilada gabayo gaaban oo jacayla lana magac baxday Jacaylkii Jamaad, gabayadaasoo ay is dhaafsadeen halabuuro sebenkan bulshadeena u maansada kuwaas oo inta badan ku kulma barkulanta wejibuuga.

Hillaadu markay ahayd 07/09/2014 ayaa abwaan fiqi faatax wuxuu soo bandhigay labo txood oo gaagaaban. Meerisyada cuddoonee tixda hore waxay ka turjumaysaa abwaanku inuu jantay gabadha la yiraaho jamaad sidoo kalena u sheegtay jacaylkuu u qabo halka jamaadna ay ku tiri dhawr wiil baa ijecel oo aan qalbi u ahayn adna kuwaas uun baad noqone jacaylkaaga wiilow uma jeedo anigu mid laabta degay baan muxubo u qabaaye.

Abwaan fiqi faatax isagoo tix ku tiraabaya jawaabtii jamaad ayuu yiri:-

☆Jaahayga iyo quruxda iyo jamal wanaagayga
☆Toban wiil todoba laga jaroo, Loo jid bixinaynin
☆Soo ima jeclaan ina rag waa, Jiinka damaciise
☆Ana sow mid jookha uma lulo, Joofey lagu sheego

Jamaad Markay Fiqi Faatax Intaa Heego Ugu Martay. Fiqi faatax waa qalbi jacayl ku qasaasilayo oo u Asqaysan Jamaade. Wuxuu Fiqi Faatax Fakaroo raadiyo bal habkuu ku Heli lahaa jamaad ileen waatan ku gacan saydhaye. Waxaa ku soo dhacday markaa abwaanku bal inuu dhan kale u dhigo si ay u aqbasho jacaykana u la qabato isagoo ku beerlaxawsanaya inay labo xigaala yihiin oo isaga dhaw raga jaclaaday iyada iyo kay jeceshahayba wuxuu yiri:-

★Labadaad jibaartiyo tirada oo, Mid laga jeexay
★Hadii aanu ku jecelnahay, Anaa kugu jiir xiga-e
★Jaarkiina anigaa ahoo kuugu sii jecel'e
★Inaadeer jamaadeey mar uun, Jeebka igu qaado

Gabadhii markuu intaa ugu tibixsiiyey bey jamaad isoo jawaabtay. Waxaana jawaabta jamaad tix ahaan urogtay oo booskay jamaad silsiladan ugu jira abwaanad caasha cumar jaamac(luul). Waxayna ugu hal celisay jamaad oo ay tiri:-

☆Inkastood ka jir iixiga tahiyo, Jaarka gurigeyga
☆Jacayl darana aad ii qabtoo, Damac jiboonayso
☆Qalbigaygu meel buu jiraa ,Una jiroodaaye
☆Wiilkii jamaal baan rabaa,joofey inankiis

Halkaa markay sheekadu botorinayso oo ay jamaad ninkii fiqi faatax ahaa ay ku tiri iska kay ilaw qalbigu meel buu jiraaye, ayaa waxaa soo galay wiil kale oo isna ku jira kuwii jeclaaday kaaso aan ahayn kay dhabta u jeclayd. Waxaana booskiisi inoogu jiro abwaan Ismaaciil Boobe,  isagoo jamaad la hadlaya ayuu yiri:-

**Jamaadeey inaabtaay adaan, Jeelka kuu qabaye
**Sadexdaad jibaartey cishqiga,Jimiimicaya­ kugu raacay
**Ee jacaylkaagu gaadhayee, Wada jiboonaya
**Hadaan lays jigraarayn anaa, Jookho kuu wacane
**Jiho kale ha eegine aniga, Jaanta ila hay.....

Haddana Isla Ismaaciil baa ku soo laabtay isagoo ka yaaban ninkan jacaylkiisa raba inuu dhanka inaadeersada umaro oo uu gabadhaba saa kaga dhex qaado wuxuu yiri isagoo ugaa digaya ninkaas sidoo kalena leh aniga isoo raac anaa kuu dhaame  ayuu jamaad ku yiri:-

**Wuxuu yiri jaar baynu nahay, Jiidh wadaag dhabahe
**Jini kama duwana ninkaa, Jookha kuu lulaye
**Jalalabkiisa ha dhagaysan, Waa jacayl xaaside
**Inaguba jabad baynu wada niil waqeen, Jeexiyo buure
**Jacaylna wakaa igu xukumay, Jiidhka kugu yaale
**Jiho kale ha eegine aniga, Jaanta ila hay......... La Soco Qaybta labaad....

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan