Thursday 27 November 2014

Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. Qormada 12aad( Suugaanta Fardaha)-- WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Aslaamu Calaykum mahad oodhan Allah Raxmaanka ah ee awoodda badan bey u sugnaatay. Nebigeenii udgoonaana  naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato. Qormadani waa tii 12aad waxaan ku meeri doona haddu Eebe idmo Suugaanta Fardaha. Ka bogosho wacan.


**Tiftoo hoortay Todobkoo curtiyo, togago Oo hawle 
**Tigaad hawdhay tòonkoo baxoo, talax lamaalaayo 
**Dhaxaan baroor turuqya weyn, toomihii miriye 
**Dhaaxaan taraarsiiyey xalin, tabasamow boode 
**Tartarkiisaa dhaaxaan u koray, tawlan dhaqideede 
**Nin kastoo kutookhaba anaan, talo ka waydiine 
**Tab fardood Ilaah baa i baray, iyo tacliintood —  (Abwaan Cadceed)

Hordhac
Bini aadmiga cilmigiisu waa koobanyahay ee waxaa la rumaysanyahay in fardaha la dhaqan jiray waqti ku siman 4000 BC ayna dhaqashadoodu aad u faaftay in ku dhaw 3000 BC.

Hadaba soomaalida oo ah dad facwayn waxay u taqaan fardaha laba nooc hadaanan khaldanayn kuwaa oo kala ah SUUNAARI & WAJEER
Farduhu bini’aadmiga waxay kala qayb qaateen waayihii uu soomaray taasoo ay diimaha oo ah halka ay kasoo burqato xadaarada aadanuhu dhaxalka ku kala qaato , waxay farduhu qayb wayn kagaga jireen halgankii uu soomaray bini’aadmigu
Waxayna door sharfoon kasoo qaateen xidhiidhkii war is dhaafsi ee aadanaha iyo gaadhsiintii kelmeda sare ee eebe wayne أن لا إله إلا الله .

Waxaana taa inooga marag kacaya gabay uu tiriyey abwaan Maxamuud Cawil Guuleed wuxuuna yiri:-

**Fardihii salaantiyo caddaa suulashiyo jaaha
**Saracoodi hore waxa lahaa nabi saleebaan
**Markii uu risaalada siddiqay hadiyad loo siiyey
**Kumanyaal selleman oo aduun seben barwaaq jooga
**Oo say u kala nooc yihiin cidina suuraynin
**Markay subax kusoo rikaahinteen sire quluubtiiye
**Saamiga markuu daawashada kala sifnaynaayey
**Salaad farala iyo buu ka tegey dhawr sunoo xigey
**Dabadeed sujuud buu la dhacay toobad saayida
**Inay maalka sharafta u siteen wa yaqiin sugan

Sidaa daraadeed lama ilaawi karo shaqadii ay la soo qabteen aadanaha. Soomaaliya deegaanada maanta  aad ka loogu dhaqdo fardaha ee laga heli karayo Wegen(Boqol Fardood) waa deegaanka Nugaaleed. Nasiibdaro se fardihii waxay ku sugan yihiin xaalad aad u liidata.

Farduhu waxay mar kale dib u soo noqon doonaan dhamaadka waqtiga aduunyada sidaa daraadeed waxay mudan yihiin in la xanaaneeyo lana xaq dhawro abaalkoodiina aanu u noqon mid luma.

Dareenka Wax Urinta, Maqalka Iyo Araga Ee Fardaha
Farduhu waxay leeyihiin dareen wax urineed oo ka wanaagsan kan aadanaha aanse gaadh siisnayn kan ayda waxayna leeyihiin laba nooc oo ay wax ku uriyaan kuwaa oo kala ah labada dul ee sanka iyo waxa loo yaqaan nasal cavity the Vomeronasal organs ama Jacobson's organs kuwaa oo ka duwan dariiqa nerve ee ku xidhan maskaxda loona yaqaan pheromones, iyagoo ku kala sooca urro kala duduwan.

Sayidku maruu ka hadlayey  marka quudku ka raago sida cajiibka eeay  wax u uriyaan ee ay iyagoo sanka la  soo raacaya u adaan halku yaalo wixii loogu talagalay ee la siin laha wuxuuna yiri:-

**Markii quudku ka raago, amuu raashin waayo
**Waabka waa ka rigtaaye, Alley ruus jecelaa!

**Markii raatibku yeero, amaan oodda ka riixo
**Riyaaquu gurxamaayoo, Alley reen kululaa!

Marka kale Sayid Muxamed isagoo ammaana watuu lahaa:-

¤Fanku waa kabbisaaye, korra weeye sarreysoo
¤Kefed weeye daruuree, kuud dallaysan miyaa?

Farduhu waxay leeyihiin maqal aad u fiican waxayna carjawda dhegtoodu wareegi kartaa xagal 180°, waxayna labada dhegood maqli karaan 360° iyagoo aan madaxa wareejin sanqadhaha qaarkood waxay fardaha ku abuuraan werwer ama waxa looyaqaan stress. Had iyo goor farduhu waxay la socdaan waxa agtooda ka dhacaya.

Ninkii dhaqday oo guluf dulaan waayo badan ku galay baa yaqaane, Sayid Muxamed oo sida la isku raacay lagu sheegay inaanu jirin Soomaali ruux ka dhashayoo uga aqoon badnaa, maqalkooda sareeya maruu ku tibaaxayey geeraaradiisi cudoonaa ee uu fardaha ku ammaani jiray watuu meerisyada laaxiboon ku lahaa:-

**Hadduu qaylo kallaaxa, kaliifkeeda dareeroo
**Dheguhuu kilkilaayo, kitaab baalle miyaa?!!

Mar kalena waatuu lahaa:-
**Kalaalaa shirameedkuu, nin karmeedka maqlaayoo
**Kalaakalkiisiyo sowdkuu, kasayaayoo gartaa!!

Farduhu waxay leeyihiin arag wanaagsan oo hortooda iyo geesahooda ah farduhu waxay leeyihiin fogaan arag ka badan 350°, oo ah ku dhowaad 65° waxa loo yaqaan binocular vision inta soo hadhayna waa 285° monocular vision farduhu waxay leeyihiin fogaan arag maalintii ah iyo mid habeenkii ah.

Darwiish Sayid Muxamedna maruu kaga hadlayey geeraradiisi cuddoonaa arag dheerida indhaha ee fardaha waa tuu laha:-

**Aragguu wax ku dhowro, wiriqdiisii bu’diisiyo
**Indhuhuu ka wacsiiyo, Ma hillaac walaclaa!

**Shimbiraa wiriftoodiyo, walax meel ka dhaqaaqday
Wirwiir buu ku arkaaye, ma damuumis walaa!

Farduhu waxay leeyihii awood iyo xoog ay wax ku qaadaan waana nimcoolayda eebe inoogu deeqay

Halyeey Sayid Muxamed(AHUN) oo ahaa nin aad u yaqaana fardaha waxtarkoodana garanaya, maruu xoogoodana ka hadlayey waatuu lahaa:-

**Col haddii la wacaayo, lugi waa wantacow e
**Walhadow1 guraddiisa, waalluu ii goglaxaaye, 
-----------ma naagtay wacan baa!
**Sibraar caanaha Weeto, wabax looga dhergaayo
**Koorihii wesherraa iyo, sitaacuu walcinaayiyo
**Wiyilkii shalqanaa iyo, waafeeroow nadigii iyo
**Warmahayga kan dheer iyo, waaxidkeyga hadlaaya
**Intaasuu wadwadaayo, waraarkuu ku sitaayoo
**Arba waalan sidiisa, wagwag buu socdaaye
**Wahsi loogama yaabee, wal cafaari miyaa!


Abla-ablaynta Noocyada Fardaha

Guud ahaan fardaha waxaa loo kala saara labo oo kala ah
  • 1- Faras Suunaari:- Faras suunaariga waa faras nugaaleed, waxaana kaloo loo yaqaana oo loogu yeedhaa Qoob-yar.
  • 2- Faras Wajeer: Faras wajeerku waa midkaan faraciisu raad ku lahayn gamaanka nugaaleed, waxaana loo yaqaana oo loogu yeedha Qoob-weyn.


Qoob-yar ( Faras Suunaari )
Fardaha la yiraahdo Sunaariga, asalkoodu waa Nugaal meel kastaba ha galeene. Ceelbur iyo Gobolada kaleba qaarkood Faras Suunaariga ay haystaan waa kuwa ka soo askumay Nugaal oo waa Sunaari Qoobyarna waa la yiraahdaaye.

Fardaha la yiraahdo fardo Xabashiga kama duwana baqlaha wax sidaas ah. Inkastoo fardaha oo dhami ay ka soo askumeen Sanaag, Nugaalina ay aabbe u tahay. Markaa fardaha Ceelbuur, Nugaal iyo Dharoor waxay ka soo farcameen Nugaal. Waan inta ugu xoogga badan uguna dheereysa. Baroor food weyn oo fanku cadyahay. Waayo laga fuul waa na laga filan. Aqoonyahano cilmi-baaris ka sameeyey halkay uu ka soo foofay isirkoodu, waxay sheegaan in fardaha ciriqodii hore ka yimadeen ceelka la yiraahdo Jidali, oo waa meesha quraca seynta lihii ka soo baxay. Waxaana taa cadeenaysa sida Sooyaalka lagu lahayo in ceelka la yiraahdo Bohol, ay maalin kaliya yimaadeen (1600) oo farado ah. Ragaas faradaha waday waxaa ka mid ahaa ninka la yiraahdo Aqarshe. Sooyaalka suugaaneed ee laga guntay maalinta ayaa ka waxaa ka mid ahaa tixdan uu tiriyey wuxuuna yiri: 

**Geedkii seynta lahaa iyo meel sangaag la yirahadiiyo
**Siinta jideliyeed, sibir bay ku dhasheeno, siin ka nuug ahayne. 
**Subagna loogu darayey subkana buura alleylna. 
**Waa ku soo soconeynayee Seyidow, bal salaam caleykum. 
**Safkaan aan ka dhashayna, Sangayashan u naaxayna, siyaaro u wada qaado. 
**Sowdka aad na tirahadaa, samicunaa wadaxan. 

Markaas ayaa ninkii watay raga isaguna dhiibay faraskiis. Ka dibna tiriyay tixdaan soo socoto: 

**Neefkani waa ashkir saac waa sagaal jir gu’gisu, 
**Sanaag buu ku dhashay uu sid ku nuug ku ahaaye. 
**Gabar suuri la moodiyo, soddon geel ah ka diidday. 
**Salab neef le ekeyiyo neef sargo’yo ku dhamiyo. 
**Waa sal oo ma abuurna ee seyidow Maxamedow, Siyaaro baan u wadda. 

Hadab markii xaraabad lagu galayey, ee nin waliba neefkiisa tooxsanayey iyo waxuu keenay, waxaad halkaas ka garaneysaa, in nin kaa seynta lihi, uu nin waliba tabanayey. 

Marka farduhu Jiidali ayey ka yimadeen, oo waa reer Sanaag, oo Nugaal waa ay camireen, ee asalkoodu waa Sanaag. (Afqarshe).......

Lasoco Qormada 13aad Hadduu Eebe idmo.

WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Tixraac(Reference)
1- Dr. Xasan Maxamuud Dhiilood. Fardaha 
2- Abwaan Aw Jaamac Cumar Ciise. Diiwaanka Gabayadii Sayidka
3- Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. Suugaanta Fardaha.

Copyright: Maanmaal Buureed And www.MaskaxMaal.com