Wednesday 15 April 2015

Gabay--( Saamaxaad)--Abwaan Fiqi Faatax

Gabaygan la magac baxay "Saamaxaad" wuxuu soo baxay 27/04/2014, waxaana tiriyey Abwaan  Cabdirisaaq Siciid(Fiqi Faatax

★ Dhawaanahanba suugaantu way, iga siloonayde
★Sadrigaygu wuu diidanaa, inaan sameeyaaye
★Seedkeedu gootuu xirmaan, seeto gaabsadaye

★Sebenadan xumaadaan arkiyo, saawa saawaha'e
★Anigoo saluug igu jiroo, xiray sikaaceeda
★Saaxiibadaa iga codsaday, inaan siraadaaye

★Senge ii xiraa baan dhoqsaba, saaray kooraha'e
★Siinkaan cuskaday xarafku waa,  seerma-waydada'e
★Saahid iyo sidii jeeni-haar, koray salaankiiiye

★Sayma roob sidiisi murtida, waan sanqaraysaaye
★Sibraarada ka dhaansada xikmadda, waan idiin sariye

★Afartaa salaantii horiyo arartii, soohnayd dhe
★Hanaqaad silsiladii golaha, soohdintaan dagey dhe
★Afar kale sifaha dulucda iyo sooryo iyo deeq dhe

★ Ujeedada so'deediyo hadaan, saafo hadalkayga
★Soomaaliyeey oday qudhaynu, sawraciis nahaye
★Simjigeenu waa meel haddaan, laysa sirahayne

★Seediyo walaalaynu nahay, wada sokeeyaaye
★Sawd qudhaynu wada leenihiyo, suurad gooniyahe
★Sunni iyo islaam baanu nahay, diinta saacida'e

★Dhaqan suuban baan leenihiyo, soojireen adage
★Saamiyada adduunkiyo markaan, saaxadaha eegno
★Dhulka eebbe ina siiyay ee, laga socdaalaayo

★Sareediyo barwaaqada illaah, saaray guradiisa
★Saylaciyo raas-casayriyo illaa, sabada kaambooni
★Saysaabka badahaa waxaa, malab sabaynaaya

★Seem-seemanaha gaxashta iyo, waxa maraya saynuubta
★Silqa'diyo tabadinkiyo waxa,  deerag soconaaya
★Suumaanta joogtiyo waxa, ceeje lagu seebay

★Socoobaanka saraacimada iyo, sadafka luulkeeda
★Saad-kooda baa inaka badan, dhawr kun oo sanno'e
★Meeshaan sedkaa guran lahayn, saatir ina siiyay

★Suxulada intaan laabanaan, sadaqo goobnaaye
★Sacabadaanu wada hoorsanaa, suuqyadaa yurube
★Dhalinyaro u sooyaantay bay, sabbadu laysaaye

★Saxaaraha bar baan dhaafin oo, lagu sadqeeyaaye
★Bal inaan sawaab nahay maxaa, silic inoo geystay?

★Afartaa salaantii horiyo, arartii soohnayd dhe
★Hanaqaad silsiladii golaha, soohdintaan dagey dhe
★afar kale sifaha dulucda iyo sooryo iyo deeq dhe

★Ujeedada so'deediyo haddaan, saafo hadalkayga
★Soofkeena xoolaha haddaan, sadar ku soo qaato
★Sibra dheere geel iyo waxa, ari samoolaad ah

★Lo'da sabadka daaqdiyo gamaan, lagu sadcaalaayo
★Sarta iyo so'diyo caanihiyo, subaga daawaysan
★Nimcoolayda nala siiyay baan, dunidu saawayne

★Sakadaan ka barinaa dal aan, neefna saacidine
★Suuqyada carbeed baan anfaco, ugu sifaadnaaye
★Suugo maraq digaagay habluhu, saadiyaan badiye

★Dubbay baa mallaay laga sugaa, toono siifadahe
★Kii baddeena laga saariqaan, dib ugu suubnaaye
★Saraca iyo beeraha dhulkaan, saaca iyo ciida

★Saafida galaydiyo haruur, digir sabuulkii leh
★Subax kuma quraacdaan bulshadu, soor ma kariyaane 
★Baastada siyeeniyo (italy) bur baan, surikh ka eegnaaye

★Ameerika sareenkeeda baan, saadinaa waliye
★Siinaha bariiskiisii baan, suuqa galinaaye
★Qudaartii saxda ahayd waxaa, yaala sabadkeena

★Sinsintiyo cambaha saafidaa, soodhadiyo liinta
★Siidhkeena maan beeranoo, waan ka salalnaaye
★Sancay nooga keenaan qasacad, siinad laawe ahe

★Bal inaan sawaabanahay maxaa, sefen-ab(7UP) noo keenay?
★Sixir bararka qaaliga maxaa, loogu saxariiray?

★Afartaa salaantii horiyo arartii, soohnayd dhe 
★Hanaqaad silsiladii golaha, soohdintaan dagay dhe
★Afar kale sifaha dulucda iyo, sooryo iyo deeq dhe

★Ujeedada so'deediyo hadaan, saafo hadalkayga  
★Saboolnimada waxaa looga baxay waa sancada guude 
★Cilmigaa saldhiga oo bulshadu, sare ku gaadhaaye

★Sadaal qorshaha taladu waa, saadambiyo guul'e
★Macdan iyo saliid iyo waxeer, sibir inoo buuxa 
★Buuraha sintoodii waxaa, midabo saameeyay

★Santi kamaanu bixineen rinjiga, wada silfaarkaaye
★Salaalaanu uga soo rarnaa, doon safiitada'e
★Bal inaan saqdadanahay maxaa, ina samool haadshay?

★Afartaa sabiibtii tixdiyo, sogordahaygii dhe
★Hanaqaad silsiladii golaha, soohdintaan dagay dhe
★Afar kalena Soomaaliyeey, seeska taladayda

★Sawdkii Allaah iyo hadaan, suuradaha raacno
★Suubanaha (scw) jidkiisii hadaan, Samme ku taageerno
★Subxaana'llahna aan badino waan, sare kacaynaaye

★Salaadda iyo soonkiyo intaan, sadaqadii dhiibno
★Oo amir iyo dulqaad yeelano, isa salaamayno
★Saamaxaad la wada qaato maan, horumar saaameeelno?

WQ: MAANMAAL BUUREED GURXAN
XUBIN KA MIDA NAADIGA QALINMAAL