Saturday 1 November 2014

Taleex Baa Dalkan Ugu Mudane, Talada Noo Geeya

--Taleex Baa Dalkan Ugu Mudane, Talada Noo Geeya!!---


^^Suugaantu‬ waa dhaxalfac
^^‪‎Salka‬ ku haysa hiddoraac ‪
^^Sooyaal‬ iyo leh tixraac ‪
^^Soo‬ jirey dhawr farac..(Maanmaal)

Ayaan kastoo dhalata cajabta waayaheediyo camalkeeda leh, dhacdo kastana xiiseheediyo xamaasadeeda leh, waxaa maanta abwaanad culimo cumar jaamac(luul) ay isoo gaadhsiisay tix cuddoon oo ka soo maaxatay kana soo fooftay maskax dihaniyo laab u culan curinta maansada eebe ku ilhaameeyey.

Tixdan laaxiboon oo la magac baxday Taleex waxaa tiriyey abwaan Fiqi Faatax. Abwaan fiqi faatax oo ahaa halabuurkii bishii 9aad ee sanadkan hoyga dooda halabuurka lagu gudoonsiiyey bilada buuniga halabuurada hoyga taasoo uu siiyey abwaan ismaaciil cali boobe ayaan waxaan jeclaystay intaan tixda taleex u galin inaan bal wax yar idiinka xasuusiyo tixdii laaxiboonayd ee abwaan fiqi faatax uu ku gudoomay tixdii bilad ee loogu caleemasaray buuniga halabuurada hoyga.

Hordhac
-----------

Taniyo amintii dareenkaygu sidii falaadho il tamreed ka yimi uu usoo dabtay gabayadii toolmaanaa ee silsiladii Bilad, marnaba dareenkayga kamaysan bixin xikmadii iyo murtidii looshaneed ee tixdii qurrux badnayd ee Bigil tasoo ahayd mid abwaan fiqi faatax isagoo faras baroora fuusha uu wadanka intiisa badan wada marayo, tixdan oo ahayd tuu ku gudoomay biladuu ismaaciil siiyey wuxuu yiri:-

❀Biladdaadii helay ina caloow, baabkii maansada'e
❀Baalaha casaankii ku xiray, buurta le'ekaaye
❀Baroorkii gudoomiyo sangaha, buunigii wadaye

❀Buskaa roox balida ceel-cad, iyo balanbaliyo miirta
❀Buuhoodle bookh iyo galdogob, bayra agaheeda
❀Buurtinliyo bacaad-weyn ilaa, boocamiyo laaska

❀Bilaadada nugaaleed taleex, bixin dulefkeeda
❀Buura-wadal bananada xalxalis, bide halkuu sheegay
❀Karamaan bidhaanteeda iyo, bariga reexaanle

❀Buuraha sanaag ceeri iyo, badhanta eegaysa
❀Barimada jidbaaliyo qabriga, boqoradii taalo
❀Buraan iyo hadaaftimo qardhiyo, bayla iyo eylba

❀Boosaasiyo caluuliyo qandala, badaha sii jeeda
❀Bareediyo wareegsame halku, odaygu soo beegay
❀Bandarada intaan soo tirshiyo, boqol kaloo laaban

❀Baashaa galbeediyo wardheer, ciid bartamaheeda
❀Beenalay halkuu beegsadiyo, janan bataaxeeda
❀Baxdawgii anoo saaran iyo boodkii laga maagay

❀Baqoolaha dhulkaan soo maree, socod ku baandheeyay
❀Booboow tixdaad marisay baa, lagu bulsheeyaaye
❀Inaad boqorka maansada tahaa, budul ku heesaaye

❀Bigilba ha noqdee xarafkux waa, guluf bilowgiise
❀Bootaanba waa kaa ku maqan, baydadkii hore'e
❀Butuluu ma dhaho goohe oo, waa isagaa baqaye

❀Bilaawihii cadceed waa qarsaday, baal-xaafkii warane
❀Cabdul iyo biriir kuma dhacaan, bila-daygoodiiye
❀Qaasin baan badheedhaha ku dhicin, bayd inuu dhaho'e

❀Hurfe lama bulxamo maansadii, baaca kululaye
❀Bilan caasha luul iyo hadaan, birimdii joogin,
❀Ama aan buntukha geenyo iyo, baasku nagu daadan

❀Bushimaha cidii kala furtaba, waan u baxayaaye
❀Baalaha ka eeg ina-adeer way bakadayaane.

--Abwaan Fiqi Faatax Iyo Tixdii Taleex--

Tixdan taleex anigoo u kala qaadaya saddex qaybood, ayaan waxaan ku horeenaya qaybta hore oo ka kooban 29 meeris.

Qaybtan hore waa ararta tixda taasoo ka mida astaamaha maansada. Abwaan fiqi wuxuu arartan inoogu sheegay in manaam ama an dhehee riyo loogu yimi taasoo ahayd riyo ka toosisay hurdadii oo kulmisay isaga iyo abwaankii weynaa ee Bide Faarax Gaas(AHUN).

Sida arartu inoo tebinayso Abwaan Bide wuxuu marka hore Abwaan leeyahay fariinta iga qaad igana gaadhsiiya dadka dunida jooga, wuxuuna fiqi horta u sheegayaa inuu isaga iyo duub-cadii daraawiisheeba eebe janada galiyey darisna ay la yihiin asxaabihii nebigeeni(scw) udgoonaa.

Abwaan Bide wuxuu kaloo u sheegaya sababta janada eebe u galiyey inay tahay inuu ahaa mid cibaadada eebe faray raacay maantana uu midhaheedii cunayo, sidaa daradeed wuxuu farayaa in uu cibaadada ku dadaalo, dadkana usheego inay cibaadada iyo alle ka cabsiga badiyaan.

Fiqina wuu ka gudoomaya, waa kan abwaan fiqi faatax oo murti cuddoon inoogu soo tebinaya wuxuuna yiri:-

**Indhawayd ta’dii gabay Ina Caloow, waa anigaan tirin
**Tee’leeyay maansooyinkaan, teeb-garayn jiraye
**Taraafiik markuu waayay baan, joojay tabihiise

**Tebinkiisa aan xiray hadaan, idiin tusaaleeyo
**Talaamiidda yaan uga hariyo, tuduc la soo roore
**Anoo tiiriayaa xalay saqdii, taarkan ii yimide

**Tawal baa hurdada iga galloo ,toosay kaligaye
**Taleefoon aan qabo damcee, tararag-laynaayay
**Tusmadii abwaankuu ahaa, Bidihii toosanaan jiraye

**Ina Faarax Gaas kama tegine, waw tawaawacaye
**Eebaan u tuugiyo Allahii, taagay dunidaane
**In fardawsa lagu tiimbiyaan, tooyadkeed galaye

**Waxuu yiri jannadii waan tagnoo, nala ku tuuryeeye
**Waxuu yiri tubtaan qaadnay, baa ahayd TII anbiyadiiye
**Waxuu yiri toolmoonahaa, taako noo jira-e

**Waxuu yiri turaabtaa ka badan, xuural-cayn tubane
**Waxuu yiri Tacaal nagu dhahoo, toganay khayrkiiye
**Tafiirtii darwiishkuna dhammaan, taabte raaxada-e

**Waxuu yiri tartiib iiga qaad fiqow, tiraabtayda
**Tawxiidka waxa lagu tagaa, togag naciimaade
**Waxuu yiri tasbiixdiyo hadayn, toobada Illaahe

**Tukashada sallaadaha ha goyn, iyo takbiirtooda
**Waxuu yiri turxaan lama hadlee, taxane suugana
**Ina Adeer tixdaan iga gudoon, tirina inshaaleeye

**Waxaan iri tilmaantada iyo, qaatay taladiiye
**Taageeradaan Biddow, tamana’aayaaye
**Tanaduhu salaan bay dhammaan, kuu tabinayaane

**Tolnimadaadi way garanayaan, taabac-nimadiiye­
**Toogtaadi soo hiilisaye, tacab jannaad miiso
**Afartaasi tahliil weeye iyo, tiixa roob da'aye

Abwaan fiqi faatax markuu intaa uga tibixsiiyo ayuu hadana isagoo wali hadalka sii wata oo uu riyo kula hadlayo Abwaan Bide Faarax Gaas(AHUN), wuxuu abwaan Fiqi uga waramaya baabi'ii iyo inkaarihii ka dambeeyey dal, dad iyo duunyadii soomaaliyeed ku habsaday.

Wuxuu meerisyada cuddoon ee tixda ugu manqaxayaa sida maanta soomaali birta isaga aslayso iyadoon loo kala eegayn kana waa birmageydo iyo kana birmad toona ah.

In qolyooyin soo baxeen masiibo baraysatay oo dad aan waxba galabsan bambooyin ku asqaysiinaya sidoo kalena iyaguna nafahooda qarxinaya.

Wuxuu tuducyada laaxiboon ugu laaqibayaa sida maanta badaha soomaaliya qashinka kiimikada loogu aaso ee biyaha wadanka loo sumeeyey.

In barxadii gaashaysnayd ee roomtii afrika waa muqdishowe taxtaxaashiyaan afrikaan aad u liita kuwaaso mar daaraha madfaca ku bardaamiya marna ku raaxaysta degelada ugu bilicsan ee xamar cadey.

Wuxuu heego ugu maraya sida laysu wada nacay ee soomaalidu isu wada haaraamayso ee midba midka kale u reebayo rubadana u goonayo. Fiqi faatax waa kan isagoo mar kale inagu jalbeebaya, wuxuuna yiri:-

**Takhasuskayga weeyo ereyga, waan tukubiyaaye
**Tuduc kaloon abwaankii ku iri, toobkaha u qaata
**Toogashada markay kugu dileen, nimanka tuug taahi

**Tareenkii bulshadu fuushayee, turunturoonaayey
**Taajir iyo faqiir waa simoo, dhigayay tuurtiiye
**Tuhun baa dadkii kala galoo, toorey lays galiye

**Tukaa feenta soomaalidii, tuulo iyo belede
**Tubtaa qaraxa la isugu xiraa, tiinka Miinada-e
**Taajkii boqorka may daynin iyo, boqor tilmaana-e

**Culimadii tusbaxa eersatiyo, tebeintii diintiiye
**Tamootidu ma laysiyo xanuun, tiibijo qoone
**Toora-toorahaa laayay iyo, turuurux Aaka-e(AK47)

**Al Qaacido tiikaal ku timi, toomihii gala-e
**Afrikaanka tawguu lahaa, tiigsay dhaxalkiiye
**Taangigooda yaa lagu arkaa, toonka curubaade

**Mar-marsiiyo taageerahay, tacadi maalaane
**Taraaqadii badaha laga jiriif, tabadin keeniiye
**Tangarkaa ku quba kiimikada, timmo la haadiiye

**Tiriliyan qaxoontigu ku dhaw, calaamka tegeye
**Tahartooda baa lagu qoraa, tuugsigaa korine
**Tacliintii bartee nolosha adag, lagu tacaaleeye

**Taminaad markii laga rabee, waalidku u tiico
**Tahriibtu badaha ugu dilaa, xuudka taagsadaye
**Tamaniin ka badan shekadan, taxayo saaxiibe
**Tabad weeye arimaha dalkuye, toobinka aan eegno

**Afartaas tahliil weeye iyo, tiixa roob da’aye
**Takhasuskayga weeyo ereyga, wan tukubiyaaye
**Tuduc kaloon abwaankii Ku iri, toobkaha u qaata

Qabtan saddex waa qaybta mucdiyo miidda murtiyeed ee u jeedka tixdan wadaniga ahi ay ku dhaaban tahay, markaynu iska dhaafno ararhudhka yare qurxisiyo maanxadka ah waxay u iishanaysaa guntiyo ujeedkeedu dhawr arimood oo kala ah:-

1- In dadka soomaaliyeed is cafiyaan, wixii turxaan lehna layska shaafiyo lana wada tashado
2- In aan ololaha midnimo tasawin oo tubta toosan la qaado

3- Abwaanku isagoo si cilmiyeysan dadka u tusaalaynaya una laaqibaya sooyaalka, hodontinimada iyo hoodada dhulka hooyo leh in lagu shiro taleex oo gogosha la dhigto halkuu halgaamigii soomaaliyeed u taalay waa geedka gedefta leh. Waayo taleex waa caasimadii umada soomaaliyeed, waa ubucda ay fadhido nimcada dooxada taasoo ah mid baadiyo biyo, duunyo la dhaqdo nooc kastooy tahay, iyo jawi macaan oo laadiifoonba leh. Waana halku ka soo bilaabmay gaylankii gobonimo diinki umada soomaaliyeed ee duub-cadii daraawiish.

Abwaan Fiqi Faatax waan kaan isagoo feenanaya intii igu dambaysay ku tiiqtiiqsanaya murtida ka timi fahmada looshanee eebe ku galadaystay. Wuxuuna abwaan Fiqi yiri:-

**Tiintiinka soomalidaan, cunaysa tiilkiisa
**Tiigaalka nimankaan rabee, tooxan qodax toolka
**Timir hadii aad siisana kuwan, dacar u taahaya

**Tiihiyo xanuunkiyo halkii, tuluxda daawaynin
**Turkaan iyo dhulaan lagu arkayn, tiifna gadanaaya
**Turxaamaha dhexdeena intaan, tuubo ku afuufno

**Taleex baa dalkan ugu mudane, talada noo geeya
**Taariikh runa hadaan eegno, iyo, taxanahii raadka
**Talaabadii dunida soo martiyo, toobiyaha muuqda

**Tamaaaniin ka badan aragtidaan, taabo leeyahaye
**Toorihii aan khaladnaan rabaa, inaan ku toosaaye
**Taleex baa dalkaan ugu mudane, talada noo geeya

**Tisca iyo tisciin sano horteed, tira ka dheeraada
**Tixraaci halgamayaasha iyo, taabka calankeena
**Tisqaadkii daraawiishta iyo, tabar- galkeeniiba

**Teendhadii ustaadkiyo halkay, gogoshu noo tiilay
**Taleex baa dalkaan ugu mudane, talada noo geeya

**Taniyo nuux(cs) aduunyada mar kale, taran bilawgeedi
**Tacbiirti anbiyadaad jaleelo, ugu tegeysaaye

**Gumburiga tilman kuugu filan, taam haddaad tahaye
**Tuuraha iyo dooxooyinkaa, taaj laguu dhigiye
**Taleex baa dalkan ugu mudane, talada noo geeya

**Taalooyin caanoo dunidu wada tibaaxayso
**Tuur dhagax leh didib tooxaniyo, taro macaankeeda
**Tamashlaha dalxiis oo fardaha, lagu taxaashaayo

**Baroor tiici qaaje taxadarliyo, takhal cilaan wiira
**Boodkaa tartamayiyo sengaha, turuqu waynaaday
**Tagoogada cawiifaaga iyo, toomaha ilwaada

**Taraxadda udgoon tiirigiyo, xmashta taal muuqa
**Tiigaal cagaarliyo dhirtaa, tobon kun oo geedda

**Tufaaxa Iyo toonka ka baxa,tabacca beereede
**Taleex Baa dalkaan ugu mudane, talada noogeeya

**Torog iyo tixaash oo dhaloo, ubadku tiicaayo
**Tabiskiyo tiftii qaar rimoo, gaanigu u tookhin
**Taakulada sacaa laga helaa, tacabkii dayreede

**Tabadaha camiran maakhirig, weelka Lagu eedshay
**Tixo iyo orgiga qaylinee, taxarka miideeyey
**Nimcoolaydu way tuuran tahay, nooc kastay tahaye

**Anigu tororog maan hadline Waa , ta’wiil fiqiye
**Tiiranyo ma leh Horumar kaan, tiigso leeyahaye

**Taminaad hadaan doonayno iyo, taamka nolosheena
**Caasumad tilmaan iyo barakolaan, toosh idin suraye
**Taleexbaa dalkaan ugu mudane, talada noo geeya...

Murtidan toolmoon ee tilmaan, tusaale, taliyo xikmada ku gaashaysan waxaa hubaala maskaxday ka soo maaxatay inay tahay mid fahmad looshan leh oo eebe garasho sare iyo xikmadba ku manaystay. Abwaan Fiqi Fatax alle ha ku barakeeyo maankiyo garashadaba baan leeyahay..

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay--( Samuhu Waa Guur )---Abwaan Aadan Faarax Aw Jaamac Shuuriye

05/sep/2012 Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Aadan Faarax Aw Jaamac Shuuriye

❀Sirta nolosho qofkii rabow, samuhu waa guure

❀Saansaan hadaad muujisoo, saaka reer damacdo

❀Si wanaagsan yeel Eebe wuu ku siin, saamiga calafe

❀Sifo dhawra haween lagu xushaa, suubanuhu sheegye

❀Diintaa u sidatoo malaha quruxdu, waa sababe

❀Sumcad iyo akhlaq wacan mid loo, dhaqanka aan saydhin

❀Sumad gaari waa lagu xusha, baali lama soocdo

❀Seygeeda tii sharafta ee, saalixda dooro

❀Raaliyana dumar lama sinoo, wey ugu sareysaaye

❀Sadrigaa ku doogsada haday, diinta sidataaye

❀Silic weeye doobnimo hadaan, dani ku seetayne

❀Sirta nolosha qofki rabow, samuhu waa guure

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---( Maad Ka Hoyatid )-- Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan

02/march/2012  gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan

**Howraar ma guurta ah ayaan huuno kuu qoraye
**Hadalkaygu halkuu darraanaa wuu ku hoos maraye
**Waxaan idhi hidiyo dhaqanka waa lagu hagoogtaaye

**Waxaan idhi habluhu yaanay iman hoolka nimanaade
**Waxaan idhi hankaa diidayiyo haabka caadada e
**Waxaan idhi hayaan kuma socdaan hirig kulaylkeeda

**Waxaan idhi haraad kuma galaan la is hantaaqaaye
**Waxaan idhi hub iyo salab malaha hoorrigii dirire
**Waxaan idhi ma ay halabsadaan haarriyo buube

**Waxaan idhi hogaankii ma aha howlihii adage
**Waxaan idhi halyay lama sinnoo halas ma jiidhaane
**Waxaan idhi habluhu waa dhigaal hoyga noo bila e

**Waxaan idhi haween waa xishood hadalki gaabnaaye
**Waxaan idhi horyaal kama gabyaan ma hindisoodaane
**Waxaan idhi hiddii kuma samiyo heedhiwaalaha e

**Waxaan idhi hibada qaado oo hoorso dhaqankiiye
**Hubso baan ku idhi meeshan waa lagu hataaqmaaye!
**Hayeeshee huruuf baa xigiyo haawis iyo buuqe

**Hannaankaygi kuma doogsanine waad halligaysaaye
**Misna kama hadhaaye markale waan ba kuu huriye
**Inanyahay habaar kuuma qorin haatin iyo cay e

**Inanyahay hashaash iyo samaan kuu huloo culaye
**Hadalkayga maqal yaan iblays haamo kuu toline!
**Habsaan iyo waxaan kula necbahay haatuf iyo maage

**Hagaagsami waxaan kula rabaa hadafki fiicnaaye
**Habsamaan hidaayiyo xushmaan ku hadoodiliye
**Maad ka hoyatid gegidaan waa miduu hororku daaqaaye!

**Halis iyo waxaa yaalla waa nabar haliilaaye
**Hoga kulul ayaa laga shidaa iyo weliba haadaane
**Holac baa ka baxa hadiyo jeer iyo habeenkiiye

**Kollay waan hubaayoo malihid heetiskii bahale
**Higna uma dulqaadlihid madfaca la isku heedhaaye
**Maad ka hoyatid gegidaanu wa miduu hororku daaqaye!

**Hanaqaadka waagaan noqdiyo haatan iyo goortan
**Haween waan aqaanoo ma arag haabkan aad tahaye
**Ilaaq iyo halgaad baad gashiyo howlo gooniyahe

**Hanjabaad rag waa laga sugaa haweenku moojaane
**Gabadh halabka soo qaadataana hadimo weeyaane
**Hor ilaahay maan arag adiga maanta ka horow e

**Maxaad ii habaasaynaysaa hilowgu waa yaabe?
**Howraarsan maad qaadatoo heelka ka carrowdid
**Oo heedhe inantaay mar hore haa I maqashiisid

**Hilay baan ba soo rari lahaa heeryo boqoreede
**Hoygiina baan iman lahaa sida hayaankiiye
**Hawo kale ayaan geli lahaa haansi iyo guure

**Haasawaha waxaan iman lahaa meel hortaada ahe
**Maxaa halaqu meeshu galiyo halakan kuu yaalla!

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay--( Saw Maaha )---Abwaan Farxaan Cumar Salwe

23/jan/2012 waxaa tixdan tiriyey Abwaan Farxaan Cumar Salwe

--Deelqaaf ninki ku hadlayee, dawga garan waaya
--Ee diiday marankii samaa, saw dagal maaha ?
--Dayn uu qoflee yahay ninkii, sii daldalanaaya
--Ee hadan diiday bixintii, saw dagaal maaha ?
--Daris aan habooneeyn ninki, degel la weegaarta
--Ee dumarka qayliyo dagaal buuqa ka damin wayey
--Intaa dakahrku dhiigeen iyana, saw ka durug maaha?
--Diintiyo shareecda ninki, daalib ku ahaada
--Dadkana ugu yeedhe wacdiya, darajo saw maha ?
--Digtoor caafimaad oo in badan, daawo lagu sheegey
--Diihaal xanuun qabay ninkii, saw daryeel maha ?
--Dahabadaad jeclaate in badan, dookhu ku habsaamay
--Daar ilaahay mooyee iyana, dadab gal saw maha ?

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Maanso--( Muran Miyuu Ka Joogaa? )--Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

16/Dec/2012 Maansadan Waxaa Tiriyey Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

**Maalmo geela jalaqlaha,
**Soo maray masaafada,
**Maanta ceelka uu tago,
**Mijirte biyaha dhaco,
**Olol inuu madiixaa,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Faraska maydal-xamar dhuub,
**Nadi hadduu u muuqdaa,
**Orod inuu mushaaxa,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Marwo inan la guursaday,
**Loo xidhay mariinkii,
**Muuqeedu dahabyahay,
**Milikh iyo cilaanka le,
**Muunad inay hilaacda,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Mufti shiikh ahoo wayn,
**Madal laysu soo baxay,
**Dadku wada maqsuud yahay,
**Akhriyaaya mawliid,
**Digri inuu mayaliyaa,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Reero muran ku daayimay,
**Kala dilay maqaawiir,
**Maal xoogle kala dhacay,
**Hadaan maaro loo helin,
**Maata doox inu dhaco,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Dooxooyin maadh weyn,
**Miiraale galabsaday,
**Ma hiigaan kusoo da'ay,
**Mulac yeeyey daadkii
**Muluf inuu ka soo boxo,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Guutooyin milan iyo,
**Malko cadawgu uu degey,
**Gulufkana ku mayracay,
**Labo madax ku dirireen,
**Hubka kiisa magacliyo,
**Mishigaan ku labo dhacay,
**Mayd inuu dhex yaalaa,
**uran miyuuka joogaa?

**Geelaba maydho iyo laan,
**Mudha iyo sibaaqiyo,
**Madidii irmaanayd,
**Mudku hadaanu juluqlayn,
**Gaawe inay milaalaan,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Miimleyda gabayada,
**Macnihiisa geeraar,
**Masafiyo habaynteed,
**Maanso iyo dhamaanteed,
**Inaan macalin keed ahay,
**Miilkana ka bixin karo
**Marti soorka gudi karo,
**Muran miyuu ka joogaa?

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan