Saturday 1 November 2014

Maanso--( Muran Miyuu Ka Joogaa? )--Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

16/Dec/2012 Maansadan Waxaa Tiriyey Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

**Maalmo geela jalaqlaha,
**Soo maray masaafada,
**Maanta ceelka uu tago,
**Mijirte biyaha dhaco,
**Olol inuu madiixaa,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Faraska maydal-xamar dhuub,
**Nadi hadduu u muuqdaa,
**Orod inuu mushaaxa,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Marwo inan la guursaday,
**Loo xidhay mariinkii,
**Muuqeedu dahabyahay,
**Milikh iyo cilaanka le,
**Muunad inay hilaacda,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Mufti shiikh ahoo wayn,
**Madal laysu soo baxay,
**Dadku wada maqsuud yahay,
**Akhriyaaya mawliid,
**Digri inuu mayaliyaa,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Reero muran ku daayimay,
**Kala dilay maqaawiir,
**Maal xoogle kala dhacay,
**Hadaan maaro loo helin,
**Maata doox inu dhaco,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Dooxooyin maadh weyn,
**Miiraale galabsaday,
**Ma hiigaan kusoo da'ay,
**Mulac yeeyey daadkii
**Muluf inuu ka soo boxo,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Guutooyin milan iyo,
**Malko cadawgu uu degey,
**Gulufkana ku mayracay,
**Labo madax ku dirireen,
**Hubka kiisa magacliyo,
**Mishigaan ku labo dhacay,
**Mayd inuu dhex yaalaa,
**uran miyuuka joogaa?

**Geelaba maydho iyo laan,
**Mudha iyo sibaaqiyo,
**Madidii irmaanayd,
**Mudku hadaanu juluqlayn,
**Gaawe inay milaalaan,
**Muran miyuu ka joogaa?

**Miimleyda gabayada,
**Macnihiisa geeraar,
**Masafiyo habaynteed,
**Maanso iyo dhamaanteed,
**Inaan macalin keed ahay,
**Miilkana ka bixin karo
**Marti soorka gudi karo,
**Muran miyuu ka joogaa?

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

No comments:

Post a Comment