Tuesday 30 September 2014

Gabay---(Mudan Darwiish Baa Leh)---Abwaan Maxamed Cabdicasiis Bootaan

23/08/2013 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Maxamed Cabdicasiis Bootaan. Ka Bogosho Wacan.....

**Magan Eebbe laga tuugo iyo magac Illaah baa leh

**Masallaha salliga loo dhigtiyo duco la maansheeyo
**Maxamadoo la sheegiyo (SCW) xusbiga maalinta isniinta
**Rasuulkoo madiix loo akhriyiyo maasil Nebi baa leh

**Meehanowga aan quus aqoon walaw la maag-maago
**Oo aan marnaba ka tegayn sida hadh soo meeray

**Oo muraaqo uun kuula iman maalin iyo layl ba
**Muxubadu nafay saaqday iyo meeris gacal baa leh

**Muusanawga dhiilada haduu galow gu miiraabo
**Makal goobtu yaalliyo dagaal mawd wax dili baa leh

**Mufti diinta sheegiyo wadad mawlaca u jooga
**Oo masaajid laasimayoo dacwada, duunyo uga maarmay
**Muniir samaha faafshiyo digriga Mufti culimaa leh

**Muslimiin la maagiyo intaa madax la goynaayo
**Mudduc beena mudeec lagu makalo mawti lagu faano
**Kuwa diinta meermeeriyiyo murug shabaab baa leh

**Mahwi gabaya murtidoo lammaan erey la maamuuso
**Manfaca subaga maansiyo aqoon midho la miisaamay
**Madal quruxle geeraar maldahan muhandis waynaaday

**Maskax garasho laga miisayiyo maangal iyo dheegmo
**Maqsad fiican xadiis lagu metelo maaha laga waabto
**Madka iyo shadkoo loo simiyo meeraryo is dhaafay

**Midkastaa masruuf ha ugurtee marag usoo waaye
**Mulkigeeda anigaa lohoo la igu maamuusay dheh
**Marag goobta laga sheego iyo mahadho raagaysa

**Weerarkoo mutuxan loo galiyo wadnaha magafta diidaya
**Maslaxaad marwada kaa dudiyo ma hurtadaada leh
**Macangega masoo jeestiyo malafsi geesaa leh

**Maqsadli tixloo yeedhiyo magow daleeleedka
**Juhulada murtida ceejiyiyo maanic saraq baa leh

**Mujaamalo la sheegiyo warkoo malab sidiisiiya
**Aan qadhaadh lagu macnaynayn tanoo dacar la miisaayo

**Nin khartoum ku maaliyo tubtaa niilka marinkiisa
**Mudanowda aan laabta jirin musuq canjeex baa leh

**Muruq maalyo xoog lala mir tegiyo suuqa maaho
**Minyaabuulis xeel lagu mariyo degel maraykaan dheh
**Caydhoo masruuf loo cuniyo yurubta maygaan dheh

**Xalwad malafsigeediyo naftoo lala mahaadhnaado
**Maraqa iyo muufo lagu mintido magacna loo yeelo

**Mukeef kiyo casiirkana intaa lagu maqiiqnaado
**Marwa waynta carabtiyo godkaa odoy misbaax baa leh

**Mushteriga la beegsado hadii lagu macaashaayo
**Musenbiig ninkii aada iyo xagaa muluf kebtoon baa leh

**Malaysiya aqoon lagu manfaco lagu magaaleeye
**Mastarayd ninkii qaata iyo madax digtoor baa leh

**Muqawadiin mirqaankiyo taqaan mijinta laabkeeda
**Mishaarnimada lagu caanbixiyo mamida loo qaato
**Mayraca hargays laga heliyo muran galbeed bal leh

**Majaq hadala micno aan badnayn reer muqdisho baa leh
**Masuuliyad jacaylkiyo xilkana mudug nin joogaa leh

**Murti soocan midhohoo batiyo mawjad gabaygoo ah
**Marsadaa jigjiga kaa xigtiyo maahir goday baa leh

**Macsuumada daryeelkiyo martida malab la quudsiiyo
**Musaamaxo la yeeshiyo dadkoo loo muslin ahaado

**Midnimada la giijiyo dalkoo loo mitido ahaado
**Maqaamkii risaaladu degtiyo Mudan Darwiish baa leh

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---(Tayasiir)--Abwaan Jaamac Murtisame

29/11/2013 Waxaa Gabaygan Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi Oo Loo Yaqaano Jaamac Murtisame..

Wuxuu yiri:-

**Tixda gabayga waayadan ka tegey tamalas keediiye
**Tacab lumaya maantuu noqdaan tuuray qalinkiiye
**Teeb uma garaaciyo murtida taawal xiisalehe
**Nin waliba markuu tay xidhaan nacay tarkiisiiye
**Maantana wax bay taabtayoo waan tawelayaye
**Taariikh madaw baan arkaa tiirar soo jabaye
**Tiiraanyo xoogaaliyo wax baa tigey naftaydiiye

**Sidii aar tabaaloobey oo tuur kakici wayey
**Oo seben togoog yaha jabshaan taaganay meele
**Tol is laaya gacal kala tagoo tobanba meel aado
**Taageera ruux tiisi nacay taaba xuma deeda
**Turxaan aan dhamaaniyo dadkoo tooray lagu laayo
**Tafa dhiigle sow kama tagaan tacab khasaar keeda

**Allahayoow adaa taajiraan gacanta kuu taagey
**Allahayoow adaa toosin kara qoonkan tala teermay
**Taraqaa baxayaa dhulkuu wada tabaalayne
**Waxay shalay ku tahan toogtay Iyo waa tubtii hore-e
**Allahayoow tabaalada kasaar nabadu taashe

**Taya malaha meeshii colaad lagu tokooraye
**Allahayoow tolkaa wada dhashana beladu yay tiigsan
**Allahayoow tubtii wacan adaan kuu tawaawacaye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan