Tuesday 30 April 2013

Gabay: Boga Daawad

Niman badan oo Warsangeli ah Maxamud cali shire na madax. u yahay ayaa Sayidka maxamed xoolo fara badan siiyey oo geel fardo iyo ariba leh, dabadeedna is-afgaranwaa ayaa ka dhex dhacay,waana kala boodeen,dareenna waaba kala galay!" Dabadeedna degmadii xaruntii ka guureen oo waxay tageen buura Calmadoow,Daraawiishna,qabuulse lagama helin. Daraawiish waxay guddoonsatay hadday ka tashadeen inay dadkii iyo duunyadey la tageen ka soo ceshadaan waxase isku gudbey oo fardihii u mari waayeen buurihii Caleed iyo togag aan laga tallaabi karin.Daraawiishi waxay qabeen geela iyo fardaha ninna in aanu yeelan karin ee ay rag oo dhan ka dhaxeeyaan, hase yeeshee xilligii guga markay ahayd oo degmadii soo feddabaxday ayaa Daraawiishii geelii gacanta ku dhigtay, dabadeedna ku digasho darteed ayaa Sayid Maxamed gabay gaaban u mariyey waxuu yidhi:-

  • Bogadaawad waataan lahaa,bari ka soo dhiibe
  • Waataan bidhaan quruxsaney,soo bojooy iriye
  • Waataan baadi celiyoy lahaa,yeeyan baylihine.
  • Barbar uga du' waataan lahaa,buurta yey korine
    Waataan banuu diid lahaa, yeeyan baalidine
    Waataan bad kuma caymatee,soo barrooy idhiye .
  • Boholyowga Hawd bay durduro,budulka raacdaaye
    Ballishiil kaliishay tagtaa, biliqda dayreede
    Kobta ariga beeduhu degey,kor uga baaddaaye
  • Banka waa ka carartaa sidii,gan iyo buubale
    Baqoolaa hadhkii bay sidii,badalli roortaye
    Biciidkey ku darantaa sidii,bahal ugaareede
  • Bicil faraq ku yaal bay tiqiin,baariga u saare
    Hareeriga ka baxay foocyadey,baaca gelisaaye
    Sida geriga beryaha ah bay, bucusha laacdaaye
  • Bilbilaha mareedh caarley,baraqda daqdaaye
    Barqamaaga geyraha baxay,balaga goysaaye
    Caleen baacday tuurfaahistey,bulush cantuugtaaye
  • Bisiq hamasha buuniga dharjada,udug buuracowga
    Burdad ubax leh baar iyo uneex,baqas ku fuuraaga .
    Bunta waran barraajistey,balala qaadaaye
  • Bakadaha iyo xiitoolahay,banan u raacdaaye
    Burca toon leh bacad ciidle bay,bara hoyaaddaaye
    Intaasey ku baayiri,jirtoo baashi ku ahayde.
  • Baran mayso meeshaa degtaan,boqol Alluu-naarye
    Bog qalluudan beer godani waa ba'iyo hooggeede
    Ka soo bixiya waataan lahaa, baalcadii Gubane .
  • Jiilaal barraahsaday hadday,bila ku soo oonto
    Badowlahada waataan lahaa, baara haw horine
    Balxis geeya waataan lahaa, wey baduuxsamiye.
  • Bilcataabihii iga xadaan,uga baqaayaaye.
    Waataan baatriteedii lahaa, buurka yay tebine
  • Hal ma bededo waataan lahaa, beeya-gurihiiye
    Waataan ku iri hayga bixin,barqab baa dhalaye
    Ka bariiya waataan lahaa,beydda yuu jarine.
  • Bushuma aan run lagu oran waa,lagu beloobaaye
    Waataan bahdaa yay ku lumin,kuula baashiraye
    Waataan bad baan kugula dhici,baane kuu iriye.
  • Bih-ina-faatax biixida jabtaan,baani kabihayne
    Awel bay badaawidu galeen, bohol Walwaaleede
    Macayeedna buufamehey,badaha raaceene.
  • Adigana baroor bay indhuhu,kula basaaseene
    Bulxankeeda olol ba ka roon,adiyo beeggaaye
    Haddaad haatan biixida wadheen,bag iyo haankiinna.

GABAY: SAAHID QAMAAAN


Gabaygan uu tiriyey Saahid Qamaan mar laga gar helay buu saahid mariyey gabay aad u dheer oo uu ku amanayo gabadh kuna raali gelinayo xaaskiisa oo u denbi ka galay gabaygii wuxu ahaa sidan.....


  • Afka Adari reer Ugunji iyo, nimanka Eedoole
  • Isahaaq irdaha Maalinguur, Edega Ceel Dhiinle
  • Ilig iyo Awaare iyo Jeed, aradka Buuhoodle
  • Oodweyne reeraha ku jira, nimanka Iidoor ah
  • Afarta beynujaho uumiyaha yaal, odayga Daarood ah
  • Intaasaan ilaalo u dhexmaray, dumarna eegaayey



  • Asli midabkii leeyeey haddaan, adiga kaa doortay
  • Oon wada anfiyey naago kale, odayna kuuraacay
  • Arday iyo siddii macallin baan, kuu af-barayaaye
  • Naahooy aan eray kuu dhigee, qaado odhaahdayda



  • Ma udgoona naag ina-gumeed, uudna shidan mayne
  • Kol haddii ay ubad yeelatana, lagaba aanyuus ye
  • Afka iyo ilkaha cadayga mari, oo indha kuulo
  • Usgag naag leh waan necebnahaye, yuusan kugu oolin



  • Haddii aro la guursado tolkay, waw abtiriyaaye
  • Abjad iyo waxay kuula iman, agabo naagoode
  • Afarta inqadood iyo murriyad, aqalka kuu taala
  • Aradbaxa asliga kuusha iyo, xidho alaabtaada
  • Adigoon ilwaad quruxsanayn, yaanay kuu imanin



  • Amin galab ah aaskoo dam' yidhi, niman aguugaaya
  • Adduunyadu halkay soo martiyo, adhiga raadkiisa
  • Arwaaxooda way uga ba'aan, Reer Ugaas Magane
  • U tag oo il garo inay yihiin, awrta Bah Xawaadle
  • Dadka uma ekee yaan la odhan, lama aqoonaynin



  • Anoo maqan islaan idin martiyey, niman i aanaystay
  • Ha ku odhan Ilaah baa jiroo, aabahood ma hayo
  • Anigoon ogayn yey anfaco, igaga eed sheegan



  • Ul haddii aan kula dhaco adigoo, meelo ka ilduufay
  • Hana ooyin aaboow ha odhan, hana ugaadhoobin
  • Adoo uubatayn reero kale, yaanay ku ogaanin



  • Haddii Eebaheey kugu anfici, waa kitaab idile
  • Haddii aadan aqbalin waanadaa, lagu ogaysiiyey
  • Midkaloo Ilaah kuu idmaba, kalaba eedoownay.

Thursday 25 April 2013

Gabayadii: Abwaan Maxamed Aadan (Maaweel)


Abwaanka magaciisa la yidhaahdo Maxamed Aadan oo ku magac dheer Maaweel, wuxuu sanadkii 1942 ku dhashay magaalada Ceerigaabo, wuxuune ku soo barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yaman, wuxuu ka soo shaqeeyey shaqooyin kala duwan oo ay ugu badnayd maraakiib uu ugu kala gooshey meelaha ay ka midka yihiin Yurub, Asia iyo Carriga Maraykanka, wadamada Kuweyd iyo Sucuudi Arebiya ayuu iyagana Maaweel shaqooyin kale ka soo qabtay; Sanadadii sideetameeyadii wuxuu ahaa guddoomiyihii kooxdii shaqaalaha ee Xasuus. Maaweel hadda wuxuu ku nool yahay xerada qaxootiga ee Xagar Dheere oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.  
 

Maaweel wuxuu ka mid yahay magacyada ugu caansan gabyaaga soomaaliyeed ee hadda nool, wuxuu leeyahay gabay xagga murtida iyo dhinaca afka soomaaligaba hodan ku ah oo u qaybsama kuwo waddani ah, qaar kaftan iyo jareexo ah oo ay rag ay saaxiibo yihiin isku xifaaleeyeen oo ay dadka dhegaystaa si weyn u jeclaystaan, iyo kuwokale, waa abwaan waddani ah oo dalkiisa iyo dadkiisa iyo dhaqanka soomaalida iyo kan muslinkaba si aan la soo koobi Karin u qadariya, Maaweel waa abwaan dabci-san oo fur-furan, bulsheyna ah, isla markaana xishoodka iyo tixgelinta deeqsi ku ah…marka aad la joogto kama dhergaysid sheekadiisa xigmadaysan ee u badan suugaantiisa iyo dhulalkii uu waayo waayo soo maray.  
  
Maaweel wuxuu dhowaan socdaal gaaban ku soo gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa Maaweel ku booqday Hoteelka uu degan yahay, waxaana Ibraahim iyo Maaweel dhex maray xog waraysi ku saabsan Maaweel iyo suugaantiisa. Ugu horrayna Ibraahim wuxuu Maaweel weeydiiyey waxa uu ka qabto xerada qaxootiga iyo ujeedooyinka socdaalkiisa Nairobi, wuxuuna maaweel ku jawaabey:
 
Nairobi arrimo caafimaad ayaan u imid, waxaana taas ii wehelisey shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee la sheegay in halkan lagu qabanayo oo aan doonayo bal inaan xagga dhiiri gelinta kaga qayb qaato, waxaa labadaas ii raaca saaxiibaday iyo wixii qaraabo iigu toosnaa oo aanan intii burburku dhacay wax war ah ka helin wax dhintay iyo wax nool inaan raadiyo, inaan noolahahayna aan ogaysiiyo socdaalkayga waa ku jirtay. Taasi waa taas. Qaxootigana waxaan u shaqeeyaa hayad UN’ta hoos timaadda oo lagu magacaabo Peace education, hawsheeduna waa hir gelinta nabadda oo aanu bulshada cashar ahaan u siino. 
 
SU’AAL: Qaabkee ayaad casharada nabadda dadka ugu gudbisaan?
MAAWEEL: 

  Qaabka aanu casharada u gudbinaa waxa weeye, koox macalimiin ahi waxay qiimaha nabadda baraan ardayda iskuulada wax ka barata, koox kalena dadka waaweeyn ayeey nabadda ku hanuuniyaan oo waa Facilitators, masalan waxaanu weeydiinaa qofka; kumaad tahay?, maxaad hanti haysataa?, caruur ma leedahay?, markuu ka jawaabo, ayaanu haddana waydiinaa su’aal ah; Ma adigaa Illaahay kula gor gor-gortamay inuu waxaad haysato ku siiyo mise Isgaa kuu gartay, markuu yidhaahdo Illaahay baa ii gartay, ayaanu markaas ku waaninaa in sidiisoo kale dadku waxay haystaan uu Illaahay u gartay, haddaba uu dadka iyo waxay haystaanba u nabad geliyo,

isaguna iimaansado wax uu illaahay u gartay. Waxaanu bixinaa casharo ku saabsan la dhaqanka dadka, waxaa jira wax la yidhaahdo Better communication, soomaalida waxaad ku dhex arkaysaa toban qof oo sheekaysanaysa oo dhamaantood hadlaya oo aan is dhegaysanayn, marka waxaan barraa in qof keliyihi hadlo, inta kalena dhegaysato. Taasna waxaa loo adeegsadaa wax la yidhaahdo; Two ways communication, oo ah in qof keliyihi hadlo oo markuu dhamaysto mid kale hadalkii qaato, waa halka ay soomaalidu kaga maahmaahdo; Caanaa la wadaagaaye, hadal lama wadaago. Waxaa kaloo jira qaab ah; One way communications, sida raadiyaha, wargeeysyada iwm, oo ah wax aan loo jawaabi Karin oo adiga uun war kugu shubaya, siyaalahaas ayaanu wax u gudbinaa. 
 
SU’AAL: Maaweel, waxaad tahay nin gabyaa ah, haddaba gabayga ma cid baad ka hidda raacday mise waa wax adiga uun kugu bilowday?
MAAWEEL: Gabyga waxaan ka hidda raacay aabahay, labadaydii awoow, abtiyaashay iyo habaryarahay oo awoowgey Aabbe waa kii lahaa:
Talaabada guracan geelu waa tigintigleeyaaye
Uurka ha ka tawelin nin kuu taagan baan ahaye!. 
 
SU’AAL: Ma xusuusan kartaa gabay aad tiriso, tixdii kuugu horeeyey?
MAAWEEL: Haa, abtigay Cabdi Saalax oo Boqolle ku magac dheeraa ayaa annagoo 1964kii aroos Cadan ah joogna, aniguna aan 19 jir ahay wuxuu arkay gabdho badan oo I sal-salaamaya, dabadeedna subaxii ayuu ii gabyey oo wuxuu yidhi:
Cishihiyo aroortii haddaad daba carraabayso
Sidii Caynaboo kale haddii calan laguu saaray
Oo ay taagtan kugu caashaqeen ma lihid caaqiibe!!. 
 
Markii uu abtigay tixdaas igu ridey ayaan tuhmay in abtigay la igu diray dabadeedna waxaan tiriyey tixdii ugu horraysey gabay aan tiriyo, waxaan idhi:
Cabdillaahiyoow hadal rag kale ha igu ceebayne
Casho keliya meelaan maraad igu cadhayseene
Caddaana uma hubtide awgayoow ways cunsuriseene
Cadri baad I saarteen abtoow adiyo cuurkaaye!!!. 
 
Xiligaas aan Cadan joogey, waxaa soo baxay dhaqan cusub oo ay dhalinyardu la timid oo ay cayaar Twice la yidhaahdaa ka mid ahayd, markaasaa aroosyadii aanu ka gabyi jirey ee ku caweeyn jirey naloo diidey oo waxaa la yidhi: “Laba iyo toban wiil iyo laba iyo toban gabdhood baa ka ciyaaraya oo Team Party baa loo beddelaye idinku raali naga ahaada…kolkaasay xoogaa haantaa haduub la’ ahi nagu dhacday, dabeed waxay ila noqotay inaan ciyaalka gaafka naga qabsaday gabay ku muquuniyo ilayn hubkii ugu weeynaa ee markaa la isu adeegsan jirey gabay buu ahaaye, waxaan mariyey tix ay meerisyadani ka mid ahayd: 
 

  • Inta wiil tabaadi u dhashay oo maantana is taagey
  • Oo ay turuqyadiisii madheen taharihii jiidhku
  • Oo aan waalidiintiis wax tarin tacaddi mooyaane
  • Oo ay tolkii kala samreen laysna taakulinin
  • Oo cudur Tuwiistiya dhamaan lagu tabaaleeyey
  • Todobaatan waa lagu hubaa tiinkan soo baxaye
  • Timahaa ka badan inamadaan wada tebaayaaye
  • War hooy Timir laf baa lagu arkee taa ha la ogaado!!. 
Gabaygaa markaan mariyey ayaa Baararkii ay ku ciyaari jireen laga wada xidhay, halkaasayna ku baaba’day.  
 
SU’AAL: Silsiladaha gabaydaada loogu jecel yahay waxaa ka mid ah gabaydii adiga iyo Khaliif Xasan Walah idin dhex maray, haddaba, maxaa sabab u ahaa inaad Ina Walah isu gabydaan?  
 
Maaweel: Waxay ku biloowdeen, annagoo aan is aqoon, oo aan Sucuudiga joogo, isaguna uu Muqdisho ku sugan yahay ayaa Khaliif Xasan Walah lagu yidhi: “Maaweel iyo Barre Cilmi Dable ayaa sucuudiga isugu gabya oo adigana kuma yaqaaniin…halkaasna iyagaa gabay ku haysta”. Waxaa loo geeyey gabayo siinley ah oo aanu aniga iyo Barre-yare isu marinay, Khaliifna waa naga da’ weeynaa, halkaas ayuu xin qooq iyo nin toocsi ka soo diray, tix dheer oo uu noo soo tiriyey waxaa ku jirey meerisyadan: 
 


  • Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday 
  • Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey 
  • Oo labada buuroode siman maanta kala saaray 
  • Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay 
  • Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo 
  • Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo 
  • Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey 
  • Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay 
  • Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay 
  • Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey 
  • Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele 
  • Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele 
  • Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye 
  • Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo 
  • Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye 
  • Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!. 
 
Markii aan helay tixda Ina Xasan Walah, anigu ninka ma aqoon sidaa darteed waxaan xuuraamay inaan dabeecadihiisa wax ka ogaado, waxaana ii soo baxday inuu Kenya joogi jirey oo qaadka iyo hawlihiisa ku xun yahay, markaasaan u diray tix ay tuducyadani ka mid ahaayeen: 
 

  • Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey 
  • Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya 
  • Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka 
  • Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin 
  • Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya 
  • Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.
 
Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka mid ahaa gabaygii uu ii soo diray:
 
  • Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey 
  • Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka 
  • Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey 
  • Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka 
  • Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey 
  • Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha 
  • Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaada’ahe 
  • War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!.  
SU’AAL: Qaar badan oo ka mid ah dadyoowga suugaanta lafa guraa sida ay qabaan, gabayda waxaa ugu xiiso badan kuwa la is weeydaarsado,sida kuwa aad saaxiibadaa ku xifaaltanteen, hadaba, Maaweel, yaa kale oo aad foodda is darteen?
MAAWEEL: Waxaannu foodda is gelinay oo aannu silsilado badan isla soo maray abwaanka la yidhaahdo Barre Cilmi Dable (Barre-Yare) oo ka mid ah saaxiibada aan baafinayo oo aanan xog ka hayn halka uu ku sugan yahay.
 
SU’AAL: Maxaa sabab u ahaa inaad Barre-yare isu gabaydaan?

MAAWEEL: Anigoo Kuweeyd jooga, isaguna uu Dahraan ku nool yahay ayuu nin iigu soo dhiibey fariin ahayd Maaweel waxaad ku tidhaahdaa dirayka Lee la yidhaahdo ayaa noo daran, taas daandaansi baan u qaatay waayo wuu shaqeeyaa, dhaqaalihiisu waa ladan yahay, marka waxaa ii soo baxday inuusan Lee waayine uu ilaaq u jeedo, dabadeedna waxaan u tiriyey gabaygan:
 
  • Dadqal yahow hunguri daamadaa dawgalkaa yahaye 
  • Dibnahaa Illaah kaaga dhigay dararti maandeeqe 
  • Ninkaan dabaqa kuu buuxinayn waad dudubisaaye 
  • Sida aarka Doollo iyo fadhiya daarsi iyo Faafan 
  • Oo wiig intuu soo dib jirey digi ka yeedhayso 
  • Oo daacuftiisiyo wejiga laga dedoonaayo 
  • Oo debedda soo yuururaan cidi danqaabaynin 
  • Dawo ma leh naftaad maalintaa daanka gelisaaye 
  • Sida roob intuu dirin cuskaday doog ka bixi waayey 
  • Ama Diiri meelay gashay oo daaqi ka idlaysay 
  • Ama bohol dalooshoo cirkii da’ayey qoyn waayey 
  • Durdur lacaga, duufaan nimca ah ah, daaro wada Luula 
  • Deeqii Illaaheen haddii lagu dabaalsiiyo 
  • Kolba adigu kii diif lahoo duud xun baad tahaye 
  • Hadba ruux dal dheer kaa jiraad doona leedahaye 
  • Dahraan iyo Xijaas iyo intaad Khobor ka soo duushey 
  • Daman maysidoo waxa ku galay damac magaalada’e 
  • Dayrkii Sucuudiga intaad duhur ka soo boodey 
  • Dadkeenii anaa kuu hadhaye ma igu soo duushey!!. 
 
Saaxiibkay Barre-yare kolkuu tixdayda helay ayaamihiiba wuu ka soo jawaabay oo wuxuu ii soo tiriyey tixdan, wuxu yidhi:
 
  • Daldalyohow af xumo duur xuluu dawgalkaa yahaye 
  • Dibnahaa Illaah kaaga tiray sun iyo deebaaqe 
  • Nikaan dabar lugaha kaaga xidhin daqarna kuu geeysan 
  • Amaan daanka feedh kaala dhicin waadan dayn karine 
  • Haddii duunyo cay lagu helo oo dawlad lagu gaadho 
  • Daarood ku sii hadaladaan daahirka ahayne 
  • Dadka kalena waa kuu fasaxay adiga deelqaafe 
  • Duqsina wuxuu gubtaa maalintuu maraq dabaashaaye 
  • Daf uun baad I soo tiri sidii xaabo daad sido’e 
  • Nina haddii dabaakh lagu ismo uu daasadaha maydho 
  • Danba wuu isaga yeelan jirey damaca naagoode 
  • Inaan maraqa kaa daadiyaad igu diraysaaye 
  • Sida aarka Doolliyo fadhiya dabaqyadii hawdka 
  • Dadkoo iga fajacay xoolohoo didaya xiinkayga 
  • Waxaad iiga daba qaylisaa Dawac sidiisiiye 
  • Buuraha dubaaq xaajadaan geeyey dabadooda 
  • Maadaa duwadey dhawr ninoo doonayaa jiraye!!. 
 
Gabayo badan ayaa aniga iyo saaxiibkay Barre-yare na dhex maray, mar dambe ayaanu heshiiney oo is deeyney.
 
SU’AAL: Ma jirtaa cid kale oo aad gorodda isla gasheen?, hadday jirta’se maxaad isku gasheen?.

MAAWEEL: Haa, waxaa jirey nin Sheef la odhan jirey oo aanu isu gabaynay, waxaanuna isku gallay anigoo Kuweyd ku cusub ayaa la damcay in la I mu’aamaradeeyo, markaasaan wax iska rabey, markaasay reer Kuweyd igu yidhaahdeen: “war ilayn suxufiga soomaalidu waa gabyaagee todoba bilood baad nala joogtaye maad wax na tidhaahdid, aroosyada uun baad hablaha ka amaantaaye, miyaadan juq kale hayn”, reer Kuweydna masayr iyo wax bay ku xamaan jireen, markaasaan ku idhi war gabaygiinaa meel xun ka furan, waxaad arkaysaa qof dumar ah oo guriga kor lagaga xidhay, mar dambe ayaan tixdan ku sii daayey, waxaan idhi:
 
  • Nimankii qurbahan laasimoow aaxin soo noqoye 
  • Leedada fardaha kuma galaan odayo liitaaye 
  • Leexada markuu tiigsadiyo laashimo u muuqda 
  • Laafyaha markuu kala baxshood leeb la galay mooddo 
  • Laxaadkiisa wiilkii qaboo labaca mooyaane 
  • Lawyadu ninkii ay debceen loodin kari waaye 
  • Lixdan idinka oo wada jiruu liicay dhabarkiinu 
  • Lanleebadu markay idin gashaad luufka barateene 
  • Haddaydaan hablaha laylyanayn haysku laalina’e 
  • Lebis fiican waw iibisaan laasin qaayo lehe 
  • Ha yeeshee halkaan laabtu jirin kuma lulmoodaane 
  • Leeleelka dumarkii Kuweyd looxa lagu duugye 
  • London bay ka faalaynayeen maanta labadiiye 
  • Wax la yidhi libdhada soo baxdiyo laydha ma arkaane 
  • Wax la yidhi lamaanaa ka xidhe lug iyo waaxdeede 
  • Haddayna le’anayaan gacalka jare umana laabtaane 
  • Siday Luul ka gurayaan dhulkay laan ku qodayaane 
  • Lafse qaloocan baa laga alkumay liisha naagaha’e 
  • Hadba meesha lagu laynayuu ladh uga muuqdaaye 
  • Lalabaha hadaydaan ka dayn laadka iyo hiifka 
  • Amaad laamiyada raadisaan waydin lurayaane 
  • Lo’ miyaa gabdhuhu qoob ka xidha waad ka lulataane!!. 

Markaan tixdaas tiriyey bay xaaladdii cirka isku shareertay oo ay aniga iyo reer Kuweyd noqotay, waxaa ugu horayn ii soo jawaabay gabyaa la yidhaahdo Sheef, wuxuu yidhi:
 
  • Xasaradow miyaa Maxamedoow xarafki kaa weecday 
  • Xigaaliyo qaraabiyo tol iyo xidid ma ceebaysay 
  • Miyaan xaal ku qabanayn af waa lagu xujoobaaye 
  • Nin magaalo wada xaasidaa waa xaqiirnimo’e 
  • Waxa aan xogtii helay inaad xaasna leedahaye 
  • Taadaba xoriyad sii haddaad xumo la doonaysid 
  • Anagana xijaabkaa u daa xaydka lagu meershey!!. 

Ninkaas waxaan ku idhi xaasid baad tahaye adigaa iga helaye maxaad nin gabyaa ah ugu geeyn weeydey. Gabayga Sheef ayaan isagana soo xuuraamay waxaanna soo helay inuusan xaasba lahayn, dabadeed tixdan baan u mariyey, waxaan idhi:
 
  • Xisaabtayda Sheef kuma qorayn mana xusuusnayne 
  • Inuu aniga ii xaydan yahay ma xusbadaynayne 
  • Lugtooday riyuhu xaabadiyo xanan ku doontaane 
  • Xaruurigan magaalada degsaday ways xanibayaaye 
  • Goortay xamaasadi dhacdoo la isku xayraamo 
  • Xisbu mucaarad sida uu yahoo Harar xoraynaayo 
  • Xusul duubka iyo guuraha iyo xawligiyo diifta 
  • Xididka iyo sokeeyahaba waa inuu xujeeyaaye 
  • Sidii habar xinaha iibisa oo xaafadaha meerta 
  • Oo xoogag diirdiiran oo xeegada ciyaarta 
  • Xagaasuu u sii qaadayaa waruu xambaaraaye 
  • Muxuu xaal igaga doonayaa xilo miyaw jooga!!. 

Markaanu aniga iyo Sheef labadaa gabay is dhaafsanay ayuu gabyaa Bashiir Ismaaciil la yidhaahdaa bardoodankii soo galay, waxaa ka mid ahaa tix uu ii soo tiriyey meerisyadan:
 
  • Halkii lagu dhintaa buu nin ragi guul ka dhaliyaaye 
  • Midse dumar dhexdoodiyo haween qaad ku dhilanaayey 
  • Inuu golaha dhinac joogsadaa waa waxaan dhicine 
  • Dharaarahanse Maaweel haddaad hadal la soo dhooftay 
  • Dhamaan baa diyaar loo ahaa kaan dhaliil geline 
  • Haddaanu dhaawac kaa yeelanayn waanu kaa dhuriye 
  • Dhowaanse reer Margaab1  sheekadaad kula dhex meeraysey 
  • Ogoobeey dhankaad ula qasdiday nooma dhaadhicine 
  • Dhabaan kuula wadayaa hadduu dhaamo kii hora’e 
  • Haddiise xarafku kaa dhaaban yahay lagu dhaleecowye 
  • Aniguna inaan kula dhigdhigo haw dhursugin taase!!. 
 
Gabayga Bashiir Ismaaciilna waan ka jawaabay oo waxaa gabaygii aan u tiriyey ka mid ahaa tuducyadan:
 
  • Bashiiroow warkaad soo dhurtee igu dhaleecaysay 
  • Dhawdaad lyeedhiyo dadkood dhiilo gelinaysid 
  • Sidii dhagax qof waalani ridoo dhiibshey gacantiisa 
  • Dhab-darro iyo is yeel yeel inaad dhalada ii xaadho 
  • Oo aadan ii soo dhabacan cidi ma dhaadayne 
  • Dhayalse hadalku iigama tago iyo magane dheel dheele 
  • Dhuuxiyo laftaan kala sugay iyo seedahaw dhigane 
  • Dhulkana waxaan u doojaa sidii dhibicda roobaade 
  • Inuu gabaygu kaa dheeliyaa waa dhirrici weeyne 
  • Raganimada waa loo dhashaa lalana dhoofaaye 
  • Dhacadiidka guudiyo ma aha dheehan kugu yaale 
  • Waa dheefta maankiyo caqliga la isku dhaamaaye 
  • Waxyna abeeso kugu dhaawacdaa dhul ekaansha’e 
  • Waa dhabana hays Dhidar libaax dhaar u soo diraye 
  • Dharkayna caanihiis lama dhamoo waad ku dhimataaye 
  • Dhunkaala waxaad cantuugtaa markaad dheelmo leedahaye 
  • Hadday nabadu waa lagu dhergaa kuu dhadhami weeydey 
  • I dhegayso caawaan tixaha kuu dhambalayaaye 
  • Markase suuqa laysula dhaco iyo dhaantadiyo jaadka 
  • Dhan kaluu jiraa dumar ninkii laga dhex waayaaye 
  • Ha dhabqinina afsoomaaliga oo haysu dhiibina’e 
  • Haddaad hadalka dhiiftaad u tidhi kaga dhabaynasid 
  • Ha dhuumaalaysanine maad halkaa horay u soo dhaaftid!!. 
Rag kale oo tiro badan ayaanu isu gabaynay oo ay silsilado kala duwani na dhex mareen, laakiin kama gaadhayno inaynu ka wad sheekayno maanta.
 
SU’AAL: Waa yahay, waa gabayo kaftankooda aan laga xiiso gooyn Karin, waxaa jira gabay waddani ah oo aad tirisay oo aad loo jecelahay, laguna magacaabo: Aan isku dhoobnaano, kaas maxaad maanta ka xusi kartaa?.
MAAWEEL:  

Gabaygaasi wuxuu ka mid yahay gabayada aan midnimada soomaaliya iyo wax wada qabsashada bulsha weeynta somaaliyeed ku guubaabiyey, waxaa ka mid ahaa:
 
  • Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane 
  • Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine 
  • Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine 
  • Dhuuryaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!. 
  • Col la dheelmay meel lays dhigay iyo guluf dhalaan dooxa 
  • Dhinacyada hayaayda u baxday iyo dhiilo dami weeydey 
  • Adigoo dhabiibyey oo jilcay oo dhoombir kugu yaalo 
  • Dhakhtar kula tegyaa iyo si kale kuula dhididyaaba 
  • Nimaan dhidid adoogaa ku jirin dhaqana kuu keenin 
  • Hadday dhahato waa kaa tagaa kuuma dhiidhiyo’e 
  • Dhabar baan ka soo wada baxnay iyo dhayso habaraeede 
  • Wuxuuna dhabarku ii daalayaa yaadan dhaxamoone 
  • Dhabbo keliya aan wada marroo aan isku dhoobnaano!. 
  • Dhafrkii tidcani aqalka waa dhidib adkeeyaaye 
  • Shan dhagaatiyaal wada jirkood dhumucdu weeyaane 
  • Hadday dhudiba meel taagan taahay dhiil ma hayn karo’e 
  • In kastoo dhufeeciyo xaskulo dhuub leh laga diiro 
  • Lama kala dhuftee xadhiga waa la isku dhawraaye 
  • Inaguna dhiggiisaan nahee aan isku dhoobnaano!. 
  • Dheeriyo dhowiyo jooge iyo dhaafi iyo qaayib 
  • Dhedig iyo labood ceebtu waa ina dhex taallaaye 
  • Dhalinyariyo waayeelba waa ina dhibaysaaye 
  • Dheg la jaray daloolkaa hadhiye aan isku dhoobnaano!. 
 
SU’AAL: xiligan ay dagaalada sokeeye iyo dawlad la’aantu ummadda soomaaliyeed daashadeen ma ka gabayday?
MAAWEEL:  

 Haa, ilaa 1992kii gabayaan marinayey, waxaa ka mid ah mid aan ugu magac daray xanaf Kaneeco oo ay midhahni ku jireen:
Soomaali xidid baa furraa tan iyo xaataaye
Waxaana xawl marriidada ka galay xeer qabiil dhigaye
Xanjareeridaasay tolimo ku xejinaayeene
Ilaa kaas la xidho Baanday2 uma xasilaayaane!.
Waxaa kaloo jirta tix aan dadkan dhoofaya ee dalkoodii ka sii cidhib go’aya ka tiriyey, waxaana ka mid ah meerisyadan:
 
  • Dhul shisheeye dhacadiidsi iyo ma laha dhaax jooge 
  • Dharaar iyo labaa lagu sugaa dhaanka kuu maqane 
  • Haddaad dhaaftid noloshaadu way kala dhantaalnaane 
  • Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!! 
  • Dhurwaayada dad quutaa jiroon dhaafin oo cuna’e 
  • Dhinacyaa u wada kaydsan iyo Dhidar baruur weeyne 
  • Dhudhun dhaylo Khaansiir kuwaa dhuuxayaa jira’e 
  • Dhegsin Haram-cad, dhay jeex Dawaco hilib la dhuundhuunshey 
  • Daayeer dhuguugucay haddii Dhiishka lagu siiyo 
  • Waxaan waalidkood dhaawan jirin waa ku dhegayaane 
  • Dhira dhabato iyo caano aad dhirin dhir moodaysid 
  • Ama dhiil khamriyahoo la furay wayska dhamayaane 
  • Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!!. 
SU’AAL: Ugu dambayntii, Maaweel, dalkeenii weli ma xasiloona oo dagaalo ayaa meelaha qaar ka socda, burbur ayaa beled iyo baadiyeba ku baahay, dalkiina weli dawlad dhexe oo siyaasadda dalka hogaanka u qabata ma leh, in badan oo soomaali ah ayaa goonyaha kala fog fog ee dunida qaxooti ku ah, wax waliba waxay u muuqdaan inay sidii caadiga ahayd ka fog yihiin; marka maxaad maanta soomaali ku odhanaysaa?.
MAAWEEL:  

Waa run waxyaabahaas oo dhami way jiraan, waana tiiraanyoodaa marka aan soo 
xasuusta halka ay maanta qaranimadii soomaaliyeed taallo, waxaan soomaali maanta ku odhan lahaa afartan hal:
 
  • Soomaaliyeey talo cid kale kama sugaysaane 
  • Mana soo socdaan qoom kaloo idin saxaayaaye 
  • Idinkuna sidaad wax u waddaan waa silloon tahaye 
  • Sawir fool xun baydiin bixiyo ceeb sujuura lahe 
  • Inta aan silsaal idinku dhicin sigate dhawr jeere 
  • Amaydaan u sayn go’in sidii qaramadii suulay 
  • Ka siq-siqa mar uun ceebta waa laga sariigtaaye 
  • Kana saami gala nabad gelyada sare u qaadkeeda!!. 

Xigasho:   www.SomaliTalk.com

XULASHADA GACALKA(By: Maanmaal Buureed)


Dinteenna Islaamku waxay labada guurdoonka ah hor dhigtay xeerar iyo qawaaniin, hadday u hoggaansamaan guurkoodu uu mid ay is-faham iyo is-jacayl taya lihi ka dhashaan noqonayo. Qoysku wuxuu markaas soo saarayaa ubad xag caqli iyo xag jir ka fayoow, diintiisa iyo dadkiisana anfacaya. Xeerarkaas kuwa ugu mudan haddaynu soo qaadanno

1- Qof Diin leh xulo:

Erayga "Diin" waxa loola jeedaa fahamka dhabta ah ee Islaamka iyo ku dhaqankiisa toosan. Waxa kaloo loola jeedaa u hoggaansamid guud uu qofku u hoggaansamo shareecada Islaamka iyo xeerarkeeda, goor kasta iyo goob kasta oo uu joogo.

 Abuu-Hurayra (RC) wuxu Nabiga (SallalLaahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Naag afar baa loo guursadaa; maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda, ee tan diinta leh gaar gacmaha ciid gashee).
Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, siday isaga ilaalin lahayd masayr, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta (jidka) toosan.

Hadaynu bal eegno suugaanta soomaalida siiba qaybta ugu dumucda weyn ee gabayga ah siday abwaanada soomaaliyeed ugu tusaaleeyeen xulashada gacalka(talada guurka) gaar ahaan gabdha marka loo xulanayo, ama boqoradii daadin lahayd geedi socodka nolosha seygeeda iyo gurigaba.

waxaynu soo qaadanaynaa meerisyada gabaygan hoose oo uu tiriyey Abwaan Maxamed Fadhin, wuxuu kaga faalloon guurka iyo qiimigiisa, wuxuu murtiyaynayaa sababaha iyo ujeediyo, wuxuuna raacraacinayaa talooyin iyo tusaalayaa isagoo meerisyada gabayga ku saleenaya xadiiska rasuulku(scw)sheegay gabarta siyaabaha lagu xusho iyo ta ugu wanaagsan in lagu xusho marwada ku haboon in loo doorto guurka,
Wuxuu yidhi:

            Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
·         Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
·         Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
·         Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
·         Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
·         Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa
·         Gurigaaga yey galin haddeey gabari diin beesho
·         Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda
·         Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso
·         Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda
·         Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin
·         Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin
·         Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona
·         Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo

Cabdullaahi Ibnu Cumar (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Adduunyadu waa raaxo gaaban, adduunyada raaxadeedana marwo suubban baa ugu fiican).

Haddaynu u bayrno xagga Xulashada ninka, diinteenna Islaamku waxa ay goysay laba qodob oo haddii ninka laga helo ay tahay in markaas inanta uu soo doontay loo guuriyo, labadaas qodob oo kala ah; Diin iyo dabeecad.

Abuu-Hurayra (RC) wuxu Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Hadduu nin aad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan idinka soo doonto "gabar", u guuriya, haddaydaan yeelinna xumaan iyo fasahaad weyn baa dhulka ka dhacaya).

Suubbanuhu (Sallal-Laahu calayhi waSallam) kama aanu hadlin qurux iyo maal toona ragga guurdoonka ah looga baahan yahay. Sababtu waxa weeye ninka ragga ah waxa qurux ugu filan ragannimadiisa, kol hadduu waxgarad yahay, Alle caabbud yahay, caqli iyo kartina leeyahay.

Dhanka kale, marka diinta Islaamka laga hadlayo, maalku kamid ma aha qodobbada guurdoonka lagu xiray. Maxaa yeelay ninkii diin (aqoon iyo ku dhaqan) iyo dabeecad wanaag isku darsada, Eebbe isagaa xagga maalka ka dammaanad qaaday. Waxa taasi marqaati ka ah Aayadda oranaysa:

{إِن ﻳَﻜُﻮﻧُﻮا ﻓُﻘَﺮَاء ﻳُﻐْﻨِﻬِﻢُ اﷲﱠُ ﻣِﻦ ﻓَﻀْﻠِﻪ} {ﺳﻮرة اﻟﻨّﻮر:32}.
(Hadday sabool yihiin Alle isagaa deeqdiisa ku hodminaya) (An-Nuur: 32).

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Suubbanaha  (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay:
(Saddex Alle inuu gargaaraa xaq bay ku tahay: Guur-doonka dhawrsanaanta doonaya, qofka madax furashada loo haysto oo inuu isfurto doonaya iyo qofka jidka Alle ku jihaadaya).

Waxa haddaba loo baahan yahay inantaada iyo walaashaa inaad u doortid nin diin iyo akhlaaq leh kuna dhaqmaya waxyaabaha ay diintu farayso, kana fogaanaya waxyaabaha ay ka reebayso.

Ma dhib ka weyn baa jira in gabar dhowrsani ay ku dhacdo guurka nin aan diin aqoon, kuna dhaqmin oo fisqiga iyo faajirnimada iska dhex dabaasha.  Waxaa la yiri nin baa nin kale weydiiyey:(War heedhe inan baa ii joogtee yaan u guuriyaa?). Saa kii kalaa ugu jawaabay: (Nin daaíinkiis ka biqi og u guuri, maxaa yeelay hadday deeqdana asagaa daryeeli og hadday ka daadegi weydana ugu yaraan ma uu dulmin doono).

Waxa kaloo la yiri: Nin dadkii hore ee suusuubbanaa kamid ah baa inuu inantiisa guuriyo doonay. Markaas buu nin ay deris ahaayeen oo Majuusi ìdab-caabbudî ahaa la tashi ugu tegey. Dab caabudkii oo yaabban baa yiri: (Adduun iyo Aakhiraba dadku adigay kaa waraystaane maxaad aniga iweydiinaysaa oon kugu war dhaamaa?). Ninkii muslinka ahaa baa markaas yiri: (Iska daaye, ila taliyoo yaan inantayda siiyaa?). 

Dab caabudkii baa markaas wuxu yiri: (Madaxweyneheennii Kisra xooluu dooran jiray, madaxweynihii Ruum ee Qaysar qurux buu dooran jiray, Carabi nasab iyo qabiil bay dooran jirtay, madaxweynihiinnii Maxamedna diin buu dooran jiraye, bal adigu ciddaad ku dayan lahayd goíaan ka gaar).

XUSID:
La Socoda Qeybaha kale Maqaaladan Taxanaha ah ee Ka Hadlaya Guurka Iyo Xulashada Gacalka.
Abwaan Abdirisaaq Maanmaal Buureed Cilmi baadhis Balaadhan Oo u sameeyey kuna saabsan Guurka isagoo ka soo kala uruuriyey buugaag badan oo ka hadlaya guurka iyo suugaan tibaaxaysa xulshada guurka, Wuxuuna Maqaaladan taxanaha  ah dhamaadkooda ku muujin doonaa buugta iyo ilaha uu ka soo kala dheegtay ururinta dheelitirin ee gorfaynaysa guurka iyo taladiisa tas oo ay ka faaidi doonaan dhalinta guur doonka ah ee soomaaliyeed. 


Xuquuqda Qoraalkan Wuxuu Gaar U yahay Qoraaga ah Abwaan Maanmaal Buureed Lama Qaadan Karo Ogolaansho La,aan.

Saturday 20 April 2013

GUURKA IYO GABAYDA SOOMAALIDA


Gabayo ku saabsan guurka, iyagoo isagu jira qaar ka hadlaya dhiilrigalintiisa, qaar dardaaran u ah dhalin guurdoon ah iyo waliba qaarkale oo ka hadlaaya xaalada ka danbaysa aqalgalka, waxaynu soo qaadan qaar ka mid ah gabayda ugu aansan gayiga soomaalida misana ay tiriyeen kuwa ka mid ah foolaadkii suugaantii hore ee somalida.

GUUR AAN KA LA’AADO (1922):

Gabaygan waxa tiriyay Aw Yuusuf Maxamed Xirsi (AHN), wuxuu ku noolaan jiray jiidaha Qorraxay ee soomaali galbeed, waxuu gabaygan kula talinayaa niman dhalinyaro ah guurdoon ahaa, wuxuu timaamyaa dardaaran waayeelnimo, gabdhaha midda wacan iyo sillan, dookhiisa, damaciisa iyo dareenkiisaba gabaygan ayuu ku soo koobayaa,waxuu yidhi:

  • Gurey iyo Daroorow arini, waygu gabileeye
  • Wax i galayba waan uun galgalan, gu iyo jiilaale
  • Galbi-dhabadka waxa iigu wacan, hal igu gaarnaaye
  • Garanna wayde meeshaan qalbiga, uga gufaacoone
  • Guddigayga caawaba maqloo, geliya laabtiina
  • Oo wada guntada xaajadaa, odaygu soo guurshay
  • Gaashgaashka waa lagu lumaa, gole ka fuulka ahe
  • Ha gudoonsan waa kii caqligu, gaan kugu ahaaye
  • Gurri-billa ninkii doonayee, nacaya goonbaarta
  • Ee guur ujeedoow i maqal, waan ku garansiine
  • Guduud looma raacoo haween, gabalba waa cayne
  • Bidhaan gebi ka laalaada waa, lagu gulaalmaaye
  • Isu gaadhay gabadhaad tidhaa, meel unbaa go’ane
  • Gaboodleyda gaashidu kutaal, labada goonyoodba
  • Ee maradu geyngeyman tahay, guur aan ka la’aado
  • Ganbadh lagu fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin
  • Ganuunka iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
  • Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
  • Een geedka laga naadinayn, guur aan ka la’aado
  • Gaadhgaadhka awrtiyo nirgaha, geela laga reebay
  • Gurijoogta xoolaha midaan, goosanka u diidin
  • Een garanin soo dheelan ee, guriga uun joogta
  • Gudbantaan halkayguba galayn, guur aan ka la’aado
  • Allow garawo giirka iyo afka iyo, ganafka uun taageysa
  • Oo qoolka uun kula galdi’i, magac waxay gaadho
  • Gandihii miduu wada nacee, gacalka fiigaysay
  • Gool boodadii laga samree, goysay ubadkeeda
  • Intay dhiig isoo galin lahayd, guur aan ka la’aado
  • Geediga hayaanka ah midaan, gaadhin waligeedba
  • Ee gabanta loo sido sidii, goodir noo curatay
  • Waa geeri naagtaan ritiga, kuu gadh qabanayne
  • Reerkoo gawaan degay dadkoo, gibbiladii waabtay
  • Anoo galangalciyo oon la tuban, furayna gaadiidka
  • Geedaha hadii lala dhexgalo, gudimo oodeedda
  • Galoon badhaxa uma dhaamin karo, geedantada jaane
  • Guul iyo cidlay igu waddaa, goox aan yuurure’ee
  • Gosha laga cabsooniyo xidhkay, gooshu ka adeegi
  • Gaade iyo intay bahal isiin, guur aan ka la’aado
  • Midda gaaban ee garabkiyo, guudku wada joogo
  • Ee socodka uma gaatisee, gididiflaynaysa
  • Ee gura ma laacdee ritiga juu, ku ganacgoysa
  • Janbal gibin ah een golos ahayn, guur aan ka la’aado
  • Carmal jeer hortay guursatoo, geeda soo shidatay
  • 0o iga gu’ wayn oo taqaan, gaadmo iyo dhuudmo
  • Waxay gogosha ii saxartirtoo, illaxidh goysaaba
  • Dhowr habayn markii lala golyoo, gaax lakala maalo
  • Gadaal bay lasoo bixi dabbaro, hor ugu gaarnaaye
  • Intay galab i aynabi lahayd, guur aan ka la’aado
  • Middaan cowska soo guran aqoon, garab ku boodhlayda
  • Galgalin jiifta bacadka uun galgalan, gu’ iyo jiilaalba
  • Oo golaha qoyska iyo ninkaba, leexadu is goysay
  • Ee giiryar baa cunay i odhan, guur aan ka la’aado
  • Galbashada dharaartii middaan, gaadhka iga haynin
  • Een garanin goortii wakhtiga, aanan gafayn reerka
  • Een guurahaygii milshiyin, aar gudaan ahaye
  • Anoo luga gorgoray taagnidii, gogosha oo laaban
  • Intaan ciil la gow odhan lahaa, gaada iga haysa
  • Amaan goor xun daydayan lahaa, guur aan ka la’aado
  • Maradaan u gaday khayligaan, gugakan soo iibshay
  • Garbasaar hadaan ugu darriyo, boqoro giirgiiran
  • Wal maxidhato ganaca uun banayn, guur aan ka la’aado
  • Galoolka iyo cowskay badhkood, guna ka gooyaane
  • Garba duubantaan laga dayeyn, gala in ay laabto
  • Waxay hooyadeed garab degtoo, la i gargaaraaba
  • Mar haddaan ka guurana hadday, biidna garan waydo
  • Gabbaad kob aan lahayn kuma gam’ee, guur aan ka la’aado
  • Dumaal gaban leh gaayaa tufley, waa mas geed galaye
  • Haddaan wiilka guulguulo, way igu guhaadoone
  • Waa gool dhashii haysatee, guur aan ka la’aado
  • Gabdhahoo ciyaar tuman raggoo, yara dul goocaaca
  • Golostay ujeedeen haday, guluca soo saarto
  • Waxay guuntu boodoo ciyaar, daba gablaysaaba
  • Goobtii midii lagula hadhay, geedka dhiniciisa
  • Garaclayda geelada irmaan, guur aan ka la’aado
  • Gool weyn middii loo qaliyo, gogol lasoo dhoobay
  • Gab hadday tidhaahdoo martidu, igu dul gowriirto
  • Weelkeedu tuu gorof yaheen, laguba gaaraynin
  • Nin guraar minkii loodhigeey, gobbi la yaabtaaye
  • Intaan ciil la gow odhan lahaa, guur aan ka la’aado
  • Talaabada midaan gaw kasiin, gooray soconayso
  • Oon gola baxayn oon xarago, gacanta saydhaynin
  • Een dumarka gaasirin giddigii, guur aan ka la’aado
  • Allow gaaridii loo xishiyo, gabadha loo aayo
  • Raaliyo garaad badan midaan, iga guhaadaynin
  • Adaan gacanta kuu hoorsadaye, ha i gafsiin caawa.


TALO GUUR DOON

gabaygay waxa tirshay Abwaan Maxamed Fadhin, wuxuu kaga faalloon guurka iyo qiimigiisa, wuxuu murtiyaynayaa sababaha iyo ujeediyo, wuxuuna raacraacinayaa talooyin iyo tusaalayaa,
Wuxuu yidhi

  • Ga’da gabayga guuroowga iyo tirinta geeraarka
  • Ma gorfeyninoo waayahaan waan ka gaabsadaye
  • Ma dhex galininoo guud ahaan gooyayoo nacaye
  • Ha yeeshee gibbaan maahi aan garasha dheereyne
  • Gal xareed sidii baan ahoon go’id ka yaabeynoo
  • Ga’da gabay gugeygoo yarbuu guulle ii furaye.
  • Galabtana waxaan doonayaa in aan ku geeraaro
  • Ama guurka aan kala talshaa wiilka geelle ahe.
  • Haddii aad go’aan qaadatoo guurba aad damacdo
  • Inta aadan galinbaa gudboon inaad gorfeysaaye
  • Ood gunteeda baartaa waxaad damacday geeloowe
  • Ninkii kaa gu’ weyn iyo ninkii garasha kaa dheer leh
  • Iyo geedka kii tagi jiriyo goobihii kulanka
  • Iyo kii hortaa guursadaa qeyb la galiyaaye
  • Oo go’aanka aad damacsantahay lala gorfeeyaaye
  • Anna galabtabaan soo gudbiyi garashadeydiiye
  • Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah
  • Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
  • Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
  • Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
  • Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
  • Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
  • Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa
  • Gurigaaga yey galin haddeey gabari diin beesho
  • Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda
  • Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso
  • Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda
  • Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin
  • Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin
  • Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona
  • Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo
  • Gani lacagyo gunud howgu xilan qiimo gaar malehe
  • Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto
  • Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo
  • Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso
  • Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye
  • Haddaad diini guri raaxaloo aan dhib kugu gaarin
  • Iyo guur wanaagiisa iyo gogol macaankeeda
  • Iyo gibil asturan oon rag kale gaarin aragiisu
  • Iyo hadalka oo gaabanoon dariska gaareynin
  • Iyo guud wixii aad fartaba gabar adeeceysa
  • Oon dibada gaareyninoo joogi gurigeeda
  • Oo goorti aad fiirisaba garan muraadkaaga
  • oo gacan ku siinee haddii dhibi ku soo gaaro
  • Oo guulahey kaaga barin in uu ku guuleeyo
  • Oo aan maseyr galin haddii guurka aad badiso
  • Oo goor walbaba raali ku ah guulle wuxuu keeno
  • Oo aan ganbiyo kala jecleyn gani midkaad siiso
  • Oon biilki wuu go’ay laheyn amase wuu gaabtay
  • Oo guriga gole diin ka dhigi gibi ahaantiisa
  • Ku gardaadin guud ubadka oo diinta garansiini
  • Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
  • Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah
  • Guri wacan gabdhiyo wiilal badan diinta garanaaya
  • Oo guulle tii uu nafaray goor walba u taagan
  • Oo goorta leylkii saqdhexe sama ku gaaraaya
  • Oon gama’ hameenkii aqoon gabal yar mooyaane
  • Oo kheyr ku guda jira iyagu goor walbood aragto
  • Oo maalka gacantooda galay aan gadaal marinin
  • Ee goobuhuu faray sharcigu ugu gargaaraaya
  • Oo guud qaraabada xafida oon midnaba gooynin
  • Oo aan macaasida dhex galin garabna aan siinin
  • Oo quraanka garan gabarya wiil oon ku kala gaabin
  • Oo heer ka gaaroo sunada goor walba ilaalsha
  • Oon gadanin diintoodi oon gaala raac noqonin
  • Oon goobti uu kheeyr ka jiro goorna laga waayin
  • Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
  • Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah
  • Tusaalooyin gaagaabanbaan soo gudbinayaaye
  • Nuxurkooda garo geelle waad garasha dheereede
  • Waxaa badan gaduud miro ah oon timirta gaareyne
  • Gabalkooda badanina sun yahay bari ma gaartaaye
  • Oo aan dadkuna garan kareyn gabal yar mooyaane
  • Waxaa badan sun gibilkeeda sare malabka giirkiis leh
  • Oo gooyn naftoo idil markaad gacan la aadaaye
  • Waxaa badan mas iyo good markaad giirka sare eegto
  • Ul garuuna loo moodo iyo geel kaxeys wacane
  • Markaad gacan u qaadana khatari kula gudboonaane
  • Waxaa badan gawaan aad is oran waa xareed galahe
  • Markaad goobti gaartana hadhoow waa galaangaline
  • Waxaa badan gammaan faras ahoo guri markaad joogto
  • Galeyrka iyo haadda u dhigmoon cidina gaareyne
  • Goortii xaqiiq loo gudbiyo cadawga goobtiina
  • Gidaadaaya oon gara riyeed qiimaheed galine
  • Waxaa badan nin aad gacal u qabi gaalna kaa necebe
  • Oo godkaadi soo qoday misana gowrac kuu raba’e
  • Hashii boowdo ey kala go’dee golaha aan dhaafin
  • Geeley ka tahay kow markey gaarto fiidnimo’e
  • Subaxdiina golahey ku hari geeli oo tagaye
  • Libaax oo lawada garan qawida guulle ugu deeqay
  • Iyo guluf dawaco goorti aad sheeka soo galiso
  • Duur joog guruubkeeda bey wada galaayaane
  • Mid waliba wuxuu galena waad garan kareysaaye
  • Waxba hadalku yuu ila gudbine waan gunaanadiye
  • Tusaalooyinkaa soo gudbaye gaarya maqalkaaga
  • Iyo kuwaan kasoo gaabsadee aanan wali gaarin
  • Waxaan uga golleyahay kolley garatay geellowe
  • Gabar dumarna saa weeye oo gabalba waa ceyne
  • Nin walibana geedkuu fashuu goosan mirihiise
  • Inta aadan gabi dheer ka dhicin gaararka u fiirso
  • Oo midab inaad goobto yuu noqon go’aankaagu
  • Oo garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah.


HADUU GUUR QALBIGA KAAGA DHACO:

Waa erayadii abwaankii waynaa ee Maxammed Nuur Fadal, mid ka mid dhidabyadii calanka u siday maansada soomaalida qarnigii hore, gabaygan oo isna bulsha waynta caan ka dhex ah wuxuu ka dhashay jacayl dhalinyaranimadiisii ku habsaday, iyo wacaashii fallaadihiisa, ugu danbayna hilaadinta naalada guurka ee mida uu qalbigiisu raacay, wuxuu yidhi:-

  • Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso
  • hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye
  • dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye
  • dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise
  • hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane
  • meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay
  • dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay
  • dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda
  • dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo
  • dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso
  • cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda
  • dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile’e
  • saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda
  • sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay
  • waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay
  • dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho
  • ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto
  • dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso
  • kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo
  • dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe
  • dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade
  • inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye
  • dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye
  • dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde
  • sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere
  • inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya
  • dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa
  • dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya.


WAA INAY:

Gabaygan waxa tirshay Axmed Maxammed Cabdalle, wuxuu ku laqimayaa astaamaha gabadha habboon ee guur loola hollan karo, dhana waa amaan ku aadan gabdhaha soomaaliyeed , wuxuu yidhi:

  • Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane
  • Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye
  • Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
  • Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye
  • Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
  • Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
  • Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
  • Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye
  • Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
  • Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
  • Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye
  • Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
  • Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
  • Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye
  • Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
  • Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
  • Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye
  • Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
  • Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
  • Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
  • Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye
  • Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye
  • Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe’
  • Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye
  • Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye.


CIDLO LAGAMA BEERMEEN:

Boqorkii jacaylka soomaaliyeed, Cilmi Ismaaciil Maxammed (Boodhari)oo isaga iyo sheekada jacaylkiisii karkaar-jabiska ahaa bulshada si wayn ugu caanbaxeen, aya wax la wariyay in labadiisii saaxiib ee ugu dhawaa ku canaanteen xaalada uu ku jiro, waxay ku tiigaaleen in waxiisu xeerarka raganimada ka baxsanyahiin liidnimo iyo nacasnimana way ku dhaliileen, waxa la kala odhan jiray Muuse iyo Tabaase, isaga oo caddaynaya yoolkiisa kama danbaysta ah wuxuu ku taagsanayaa dumarka iyo guurka isaguna aanu ladayn ilaa aqalgalkiisa. Wuxuu yidhi:

  • Caashaq haween waa hora Caadil soo rogaye
  • Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
  • Caruurtay sideen meesha iyo ciise nabigiiye
  • Cidla lagama Beermeen dadkoo cuuddi waaxida e
  • Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene
  • Soomaalida caado xune iguma caydeene
  • Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
  • Kuwii ii calaacalayey baan camal tusaalayne
  • Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
  • Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
  • Curuuqdiyo maxa kale dhex geli cadaha hoostooda
  • Ma cidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda
  • Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho lay diidye
  • Caqliga yaa ka biin tuu Illaah ku cir-cadeeyey
  • Cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey
  • Mugga inaan caddaadaan ka biqi canab daraadede
  • Cududuhu ma naaxaan qofkay talo ku ciirtaaye
  • Casharkay wadaadu qoreen cudurkan goyn waaye
  • Cilmi iyo daawaba doontay oo waayey cilinkiiye
  • Jeeroonse canabeey ku helo caafimaad dhimaye
  • Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
  • Illayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay.


ASLI MIDABKII LEEY:
Qisadan oo lagu baran jiray dugsiga sare ee manhajkii soomaalia waxay dhex martay abwaankii waynaa ee Saahid qamaan iyo Faatin, waa sarbeebtii ku saabsanayd gabadhii soo ag martay Saahid iyo faatin iyagoo shaxaya ayuu uidhi saahid:

  • Gamaankiina badan Feetinoow, gabalba waa cayne
  • Qaarbaan garmaamada la barin, gaalibna aqoone
  • Qaarbaan kagoor iyo kagoor, godalka daynayne
  • Gabxa lagu shakaalyoow sanguhu, gaabi oradkiiye
  • Gacalnimo haddaad naga rabtaan, go’aha noo doorsha .


Markaas ayuu faatina godkiisii dagay, dabadeedna gabaygii qaatay isagoon ka bixin xeerkii sarbeebta ee u yaalay, wuxuu yudhi:

  • Hal garawsho leey Saahidoow, gobi la yeedhaaye
  • Waa gu’ iyo laba deyr jiroo, neefku waa gibinee
  • Nin gamaan yaqaanaa dhal waa, gaaso bixiyaaye
  • Haddii nadigu gubo neef yar, waa jaro gariiraaye
  • Maxaad nagu galaysaa haddaad, fuulmo garan weydey?

Halkaas waxa looga gar helay ninkii Saahid, dabadeedna Saahid waa guddoomay waxna go’aansaday inuu gabaykale u tiriyo afadii uu qabay (tii uu ka cawday) wuxuu gabaygan ugu sheegayaa dhaliilaheeda, wuxuu ku hoga-tusaalaynayaa dhaqammada ku haboon lamaanaha iyo dhaqashadooda, iyo sida guurka la iska qabtaa u dhismo.

Waxa la wariyaa in gabaygani caan ka noqday gayigii Hawd (ogaadeeniya) ee uu Saahid ku noolaa, gabdh kastaa oo gayigaas guur tanaadayna way xifdisay si ay ugu dhaqanto, waxaabu noqday gabay iyo xeerar ay ku dhaqmaan gabdhaha rab in gurigoodo guryaha kale ka billaado, waa kan gabaygii:

  • Afka Adari reer Ugunji iyo, nimanka Eedoole
  • Isahaaq irdaha Maalinguur, Edega Ceel Dhiinle
  • Ilig iyo Awaare iyo Jeed, aradka Buuhoodle
  • Oodweyne reeraha ku jira, nimanka Iidoor ah
  • Afarta beynujaho uumiyaha yaal, odayga Daarood ah
  • Intaasaan ilaalo u dhexmaray, dumarna eegaayey
  • Asli midabkii leeyeey haddaan, adiga kaa doortay
  • Oon wada anfiyey naago kale, odayna kuuraacay
  • Arday iyo siddii macallin baan, kuu af-barayaaye
  • Naahooy aan eray kuu dhigee, qaado odhaahdayda
  • Ma udgoona naag ina-gumeed, uudna shidan mayne
  • Kol haddii ay ubad yeelatana, lagaba aanyuus ye
  • Afka iyo ilkaha cadayga mari, oo indha kuulo
  • Usgag naag leh waan necebnahaye, yuusan kugu oolin
  • Haddii aro la guursado tolkay, waw abtiriyaaye
  • Abjad iyo waxay kuula iman, agabo naagoode
  • Afarta inqadood iyo murriyad, aqalka kuu taala
  • Aradbaxa asliga kuusha iyo, xidho alaabtaada
  • Adigoon ilwaad quruxsanayn, yaanay kuu imanin
  • Amin galab ah aaskoo dam’ yidhi, niman aguugaaya
  • Adduunyadu halkay soo martiyo, adhiga raadkiisa
  • Arwaaxooda way uga ba’aan, Reer Ugaas Magane
  • U tag oo il garo inay yihiin, awrta Bah Xawaadle

Dadka uma ekee yaan la odhan, lama aqoonaynin
Anoo maqan islaan idin martiyey, niman i aanaystay
Ha ku odhan Ilaah baa jiroo, aabahood ma hayo
Anigoon ogayn yey anfaco, igaga eed sheegan
Ul haddii aan kula dhaco adigoo, meelo ka ilduufay
Hana ooyin aaboow ha odhan, hana ugaadhoobin
Adoo uubatayn reero kale, yaanay ku ogaanin
Haddii Eebaheey kugu anfici, waa kitaab idile
Haddii aadan aqbalin waanadaa, lagu ogaysiiyey
Midkaloo Ilaah kuu idmaba, kalaba eedoownay.

INAAD GUURSATAA:
Gabaygan waxa la yidhaa maan galool, waxa tiriyay abwaankii Cabdilaahi Suldaan Timacade. Wuxuu yidhi:

  • Inaad guursataa maalintay kula gudboonaato,
  • Goortiyo alleylkii hadaad guuro bahallayso,
  • Sidii gaal ugaadhsiya waxaad gelida meertaaba,
  • Hadaad mid aan gu`geeduba badneyn garato soofkeeda,
  • Oo haasaawiyo kala geysataan hadalladii guurka,
  • Ninkii kaa gu` weyn xaajo waalagu gargaaraaye,
  • Waa inay guddida reer tolkaa golaha joogaane,
  • Waa inuu gabbaatigu baxaa xaal gobeednimo e,
  • Waxaad gaadhka haysaba haddii dadab laguu gooyo,
  • Galabtaa haduu qaaddigii meher ku gawsiiyo,
  • Adigoo gayaan quruxsan aroos ku soo gaadhey,
  • Gelbiskii waxay culimadii socodka gaabshaanba,
  • Guriga markaad soo gashaan bay indhaha galac ka siisaaye,
  • Markaad gooni noqotaan yartaad giniga moodeysay,
  • Ee ay gogosha kuu soo dhigtee joogto garabkaaga,
  • Ee aad marada gees uuga rogtee gelin ciyaarsiiso,
  • Wixii guunyo hore kaaga baxay waad ka gama`daaye.


HABLAHA GEESKA AFRIKA:

Maansadan caanka ah ee Hadraawi qaybo ka mid ahi dul istaagayaan muhiimada gabadha iyo guurku nolosha aadanaha ku leedahay iyo guulaha ay xanbaarsanyahiin.

Haddaan guudka laga jarin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon ma leh.
Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Ged-geddoonka dhalisoo
Adigiyo go´aagaa
Hadba dhinac u guuroo
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa
Haddaan guud haldhaaley
Kolba gacan la saareyn
Illayn gogoshu wehel ma leh.
Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illaa noloshu guul ma leh.


QAYBTA NOLOSHA (1988):
Abwaanad Canab Guuleed Maxamed, waa gabdhaha doorkan gabya, sanadkii 1988 ayaa nin gayaankeeda ahaa haasaawe u bilaabay, guur iyo gaabsi kuu rabayba Canab waxay ahayd gabadh u foojigoon oo u dhug leh damaca inan rag. Dabadeedna waxay tirisay gabay la siiqad ah ama shabaha gabaygii Aw Yuusuf Barre (Guur aan ka la’aado, 1922), waxay dhowr qaybood u kala qaadaysaa inan rag falaadkiisa iyo dabciyadiisa kala duwan, qaar badan ragas ayay ka ducaysanayaa, midna way ku ducaysanaysaa. Waxay tidhi:

  • Adduun waa qisiyo yaab, quusayoon gudhine
  • Marna waa qaflado iyo naxdino, qaawan abidkoode
  • Qorraxdii dhacdiyo waagu, way kala qalloocdaane
  • Qosolka iyo farxadeheedu wa, qaaban soconayne
  • Marna waa qabow iyo nimcado, laysku qoofalaye
  • Qof waliba wixii loo qoruu, qayb u helayaaye
  • Qiimo ma laha barashadu haddaan, lays qaddarinayne
  • Qalbigaan la dhawreyni dhaqsuu, qanac u gaadhaaye
  • Qayrkaa haddaan kuu jeclaa, waan ku qoonsadaye
  • Ka qawedeyna qoyskaan lahaa, aysla qabataane
  • Qormadaan yagleelaayey oo, qiimo gelinaayey
  • Qaban qaabadii aan watiyo, qaradkii beenoowye
  • Qosolkiyo sasabadaad waddaa, ka qoto dheer xaale
  • Qof liita illayn lagu hodaa, qaladkan ii dhaafe
  • Haddaad qaafil ii haystana, dhowr qarnaan jiraye
  • Sharaftaydii anigoo qabaan, qooni igu oollin
  • Oo aan qal qaalina u socon, qubinna diintayda
  • Naftoon qisaasaa waa midaan, meesha qabanayne
  • Allahayow adaa qaaddiroo, qaybshay dunidaase
  • Adigaa quruumaha ku nool, quudshey keligaaye
  • Qalbiyada adaa daalacdoon, qodob ku seegayne
  • Geesi qiimo weyn lagu ogyoo, qayrkiba u haysta
  • Soddonkii quraankiina ay, qabatay laabtiisu
  • Oon qallayn salaadana siduu, Caadil ugu qeexay
  • Qaxar iyo dhibaatiyo midaan, qaladba ii geysan
  • Qarki aad ka eegtaba midaan, meela laga qoonsan
  • Kaasuu qalbigu doortay oon, qaadan kari laaye
  • Qaaddirow Allaahow isii ways, qaddarin layne.


DHAMMAD

Xigasho: Daljire