Tuesday 25 June 2013

DARWIISH KHAATUMAAWIYA

√"Khalaaweyniyo been rag baa, Khabarkoodu yahaye.

√"Khalkhaliyo kala guur rag baa, Khadkoodu yahaye.

√"Waxse kha'da gabay ku dhigayaa, Khalqigaan ahaye.

√"Khaniyo faan maaha warkaygu iyo, Tookh lala khalamleeya'e.

√"Khariirada ragii xoreyey iyo, Khaatumaawi baan ahaye.

√"Gumaysiyo khalad ragii diidey iyo, Darwiish khusuusiya baan ahaye.

√"Wadanka ragii ukhamuuri jirey iyo, Darwiish khaasa baan ahaye.

√"Khalqiga somaliyed raga mideynayiyo, Somali kheyrle baan ahaye.

√"Suugaanta khabiir qotamiya oo, Loo khushuucay baan ahaye.

√By: Maanmaal Buureed√