Friday 16 August 2013

QUDHA JABAY IYO QARAN JABKII SOOMAALIYA(GABAY)


Qabiil ayaa ah isir, farac, abtirsiimo, ka soo bilaabanta aabbo, awow iyo awowyadii ka sii horreeye, waanna hab-qurux badan, marka laga eego caddaynta qofka ee ah tii qofka lagu dhalay hab-xalaal ah oo aan muran iyo marag-madoon ah oo dhaxla magacii  aabbihii.

Alleh (SW) wuxuu aayaadkiisa mid ka mid ah innoogu mana sheegtay oo yidhi; “Waxaan idinka dhigay qabiilo si aad isugu gartaan.” Haddaba iyadoo sida saxda ah ay tahay  sid aa, ayaa haddana waxa ku hoos jira xigmado intaa ka sii weyn oo ay ka dhashaan isu naxarisasho iyo isqadarin laysugu hayo qabiilka cidda wadata magaciisa.

Sida aynu ognahay umada soomaaliyeed waa dad isku af, dhaqan, midab iyo diinba ah, waxayna sidoo kale yihiin qabiilo kala faraca lakiin aad moodo inay ka soo farcameen hal oday. 

Hadaba waxaa jira in qabiiladii midba gaarkii qab loogu yeelay  taas oo soo dhiraandhirisay cudurka dilaaga ah ee aan daawada lahayn Ilaa diintoo lagu daaweeyo mooye, kaas oo loona yaqaan QABYAALADA, cudurkan ayaa abwaaniin faro badan oo soomaaliyeed dabuub ahaan uga digeen uma soomaaliyeed ee walaalaha af, taa soo  aaad moodo weli in aan dheg loo jalaqsiin murtida daawadiyo digniinta ka hor taga ah ee abwaaniintii qarnigii hore iyo kanba wali ayaa u gaasheenayaaan murtiiyo suugaan dhafan oo dheefiyo daawe lehba.

Waxaan halkan idiin ku soo gudbinayaa gabay xambaarsan xikmad sooyaalkii la soo maray ee qaran jabkii soomaaliya digniin, hogatusaaleyn, cibro, waano, iyo ducoba ah, Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xrsi(Jaamac Yare), Waxaana gabaygan la yirahaa QUDHA JABAY IYO QARANJABKII SOOMAALIYA.

Wuxuu yiri:


√"Qabtii yeedhay qoontii dhacdiyo, Dogoba qiiqaaya
√"Qudhac jabay sidiisii Markii qarankii lootuuray
√"Qamar dhacay qisaay xumo markii qoriga loo qaatay 
√"Qoys qoys markii aytagtiyo anaa qabkaa wayle
√"Quruxdii miyaa laga tegoo qamax laweecaanshey
√"Dhulkoo qaniya qayraadka yaal gaaja lalaqooxmay
√"Qabqabliyo miyuu qoofinkii nagu qaloobeyey
√"Qolqolkaad istaagtaba miyuu maydku qolofoobay
√"Qaaradaha aduunyada miyaa layga wada qayshay 
√"Qubnaan tayda nimankii jeclaa cadawgu may qaybshay
√"Qooqaan waxaan haysan jirey dacar miyaan quutay
√"Qadawgiyo miyaan shiday halkii qabado iitiilay
√"Qarihii intaan ololku shiday miyaan qalfoondiirtay
√"Qooqaanidii miyaan shidoo quule dubatoobay
√"Qabogiyo dhaxantii miyaa qayda igu reebay
√"Maqadiifadii iga xigtaan subax ku qayraanshey
√"Qolkii aan ku jiray Iyo miyaan qaraf dhulkii saaray 
√"Qaas Iyo miyaan qiiq ku shiday oo dab qabadsiiyey
√"Qaxarkiyo dhibatada miyaa qayrkay iga reebtay 
√"Qiimiyo waxaan magac laha, Subax miyaan qaaday. 
√"Ma qaraasinaa iibaxdoo, layla wada qeexay. 
√"Qasnadihii dalkaygii miyaa gaalku wada qaatay 
√"Qaybtaan lahaa dunida ee qaadir igu beeray 
√"Qorsha xumo intaan qarax ladhacay, qorofad maan qaatay.
√"Qaxarkiyo dhimaatada miyaan, qaybta sare yeeshay.
√"Ma qaxoontibaan qabaoga yurub qayna laysiinin 
√"Qushigaa miyaa laydhahaa waa qorkaan galaye
√"Ma qabyaalad Iyo waxa ihoday waxaan ku qayr beelay 
√"Qar qaar miyaan isu jaroo qalay jidhkay goodhan
√"Qonqon aduun yada rabaa qaaradaha joojey
√"Qoloqolona waa leeyihiin qoysas kaa badane
√"Maxaa qoorta iisudhay aniga inguna qaafeyey
√"Soomaalaay qaraabay nunahay, Qoys walaalahe.
√"Qoon wada islaamaynu nahay, Qiilawada haysta.
√"Qarnina Iyo nus weeyaan intaad, Dhiiga qubaysaane.
√"Miyaynaan qismiga diinta Iyo, Qaadir ka aqoonin?
√"Quraankiyo axdiistii mayaan, Qeexid nala siinin?
√"Qafaaroow allahayow adigu, Khayrka nagu leexi.
√"Qaadiroow quluubtayada geli, Qushuucdaada.
√"Qafaaroow qabiilkana kasaar, Waa wax qaab darane.
√"Qaaxiyo xanuun weeye Iyo qaado Iyo waali.
√"Qiila malaha aakhiro ilaa, Qalal naareede.
√"Qaadiroow qalbiga noo safee, Quduus baa tahaye.
√"Qafaaroow qastawnaye adigu , Qaab uwada jeedi.
√"Qaran eebow nasii iyo, Nabada lagu qaboobo.
√"Qawanaan ma dhaanee, Alloow adigu khayr kaaga.
√"Qabaw simada roobkiyo, Allaaw quruxda jeegaanta.
√"Qooriga qalalkiyo Allaaw, Wada qoyaa aagu
√"Qayraadka eeboow noo barakee, Adigu qaali baatahaye.

By: Jáámáç Múrtí$ámé Çálí