Thursday 18 September 2014

SUUGAANTA FARDAHA( Xamr Weeye Faras Oo Nin Lihi, Daajey Xamashkiiye)

HORDHAC‬
Gammaanku Waxay Ka Mid Yihiin Bahda Loogu Yeero Nugulka Ee Aan Ka Qadi Karin Biyaha Waxay Ukala Baxaan Fardaha Iyo Dameeraha Haddaan Si Gaara Qalinka Ugu Madiixo Fardaha, Farduhu Waa Kuwo Ku Qaaliya Soomaalida Oo Ay Kaba Jecel Yihiin Xoolaha Kale Ee Ay Dhaqdaan Hadday Tahay Ishin Iyo Geelba.
Fardaha Waxay Waayihii Hore Ugu Jireen Kaalin Qaaliya Taaso Ka Qayb Qaadanaysa Hanaankiyo Geedi Socodka Nololshooda. Soomaalida Waxay Fardaha U Adeegsan Siyaabo Kala Duwan Sida
¤Gaadiid Ay Ku Baadi-doon Tagaan Ama Sahan Ay Ku Tagaan
¤Farduhu Waxay Soomaalidu U Ahaayeen Gadiid Gaashaaman Ooy Ku Gulfaan Kuna Dagaal Galaan Sida Birta Guuxda Waa Tiknikadee Ee Maanta Lagu Dirir Galo.
Fardaha Oo Ahaa Tiknada Waayahas Lagu Gulfi Jiray Ayaad Waxaad Ka Garanaysaa Xiligii Jihaadkiyo Gobonimadoonkii Darawiishtu Kula Jireen Gumaystaha Inay Ahaayeen Gadiidkay Ku Gulfayeen.
Taana Waxa Inooga Maragkacaysa Kaydka Sooyaalka Soomaalida Oo Ah Suugaanta, Gabay Sayid Muxamed(AUN) Uu Ku Leeyahay Aniga Iyo Farayskayga Maaddeys Waxaanu Dhigi Doona Masalooyin Mahadho Noqon Doona, Wuxuu Kaloo Sayid Muxamed(AUN) Meerisyadan Ku Tibaaxaya Xaragiyo Habku U Hardafayo Faraskiisu Isagoo Ku Misaalaya Gorgor Hawada Sare Cageenaya Wuxuu Yiri:- ‪
**Anigana‬ haddaan meleg i helin, soo maroorsadaye
**Waxaan mayllinkuu rabinayaa, cadho milaadkeede
**Masaafooyin kulul baannu marin, aniyo Maadeyse ‪
**‎Majiiraha‬ rogaalkaa wax badan, mowtigood geliye
**Korkiisaa magoolka u eg baa, dhidid madoobeyne
**Boodhkaa malleelkaa ku noqon, sida makhaayeede ‪
**‎Mar‬ kiciisa orodkuu kabtiga, muxubba rooraaye
**Sida mooladhaabuu carshiga, saray u moohaaye
**Gorgor samada meehaabi baa, lagu maleeyaaye..
¤Farduhu Soomaalida Waxay U Ahaayeen Kuwo Xaga Xaragada Nolosha Ugu Jira, Taasoo Aan Ahayn Uun Qurruxiyo Bilicda Habi Taxaashka. Waxse Xaragadaasi Ay Ahayd Wixii La Qiimanayee In Lagu Gaashaysto Sida Gabadh Qurrux, Karti, Sharaf, Dhaqan, Garashiyo Diinba Isku Darsatay Kana Dhalatay Qoys Fir Raacoodu Wanaagsan Marka La Doono Ee La Soo Ardaa Dhigo Ayaa Yaradka Gabadhaas Laga Bixin Jiray.

Waxaa Sidoo Kaloo Lagu Quweyn Jiray Laguna Maamuusi Jiray Qof Mahuraana Ha Ahaado Xidid Ama Qaraabada Kaleba. Waxaana Taas Inooga Markhaatiya Sooyaal Suugaaneedkii Ee Sayid Muxamed(AUN). Markuu Sayid Maxamed Doonay Faadumo Islaan Aadan oo La Dhalatay Islaan Faarax Aadan oo Madaxda Degmada Mudug ka Mid ahaa. Sayidku Xoolo Badan oo Geel iyo Fardaba Lah Ayuu Yarad Uga Bixiyey, Xurmo iyo Xididtinimo Wanaagsanna Waa Muujiyey.
Wuxuu Sidoo Kale Sayidku Bixiyey Faraskuu Aad Ujeclaa Ee Xiinfiniin Markuu Islaan Aadan Ka Dalbaday Inuu Siiyo, Waa Tuuna Sayidku Lahaa:-
♢Intii aniga lay xaman lahaa, Xil iga soo meerye
♢Aduu galabta kuu xoolo yahay, Xamarkii dheeraaye
♢Waa Xiin Finiin neefka aad, Xadhigga haysaaye
♢Xayawaanka oo idil naftey, Kala xaroodaane
♢Mar hadduu suldaan igu xil lihi, Igaga xayddaantay
♢Xariggiisa qabo aadmi kale, Kuma xurmeeyeene... ‪
‎FARAS‬ XAMAR IYO TIXDII ABWAAN JAAMAC MURTISAME
Inagoon Ka Geyoonayn Fardaha Sooyaal Suugaaneedka Lagu Xusay Kaalintay Soomaalidii Hore Noloshooda Ugu Jireen, Intaa Haddaan Ku Dhaafo Hordhacaa Tixiyo Tiraabeedka Isku Shaqlan Ah Waxaan Jeclaan Lahaa Inaan Idiinku Jalbeebo Tix Aad U Cuddoon Oo Murtiyo Aqoon Xambaarsan Si Gaara U Abbaaraya Nooc Ka Mida Toddobada Nooc Ee Fardaha Loo Kala Saaro. Kaasoo Ah Nooca Loo Yaqaan XAMARKA. Tixdan Waxaa Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi Oo Loo Yaqaan ‪‎Murtisame‬.
Waxaa Ila Quman Intaan Tixda U Gudbin Bal Horta Nooca Fardaha Ka Mida Ee loo Yaqaan Xamarka Bal Inaan Inyar Ka Sharaxo Midabkiisa Iyo Intuu Ukala Baxo. Farduhu Waa Toddoba Nooca Kuwaas Oo Awooda Iyo Qiimahoodaba Lagu Kala Saaro Midkastaa Midabkuu Eebe U Abuuray Ee Uu Leeyahay, Waxayna Kala yihiin:-
1: Bulaale
2: Caynab
3: Ashkir
4: Bood
5: Qaaje
6: Xamar Iyo
7: Baroor
Farduhu Waa Toddobada Nooc, Waxaynu Si Gaara Ugu Soo Qaadan Doonaa Mid Kasta Qormooyinka Kal. Balaynu Qormadeenan Aynu Ku Tibaaxno Faraska Xamarka Ah Xamarku waa faras Midabkiisu Yahay Casaan Oo Timihiisu Yihiin Madaw Oo Sayntiyo Baarkuba Waa Madaw.
Fardaha Xamarka Ah Waxaa Loo Kala Qaybiyaa Labo Nooc Oo kala Ah:
XAMAR MADAW‬ : Waa Faras Midabkiisu U Egyahay Bunka(Coffee) Oo Midabkiisa Waxaa Mooda In Madaw Ku jiro Hayeeshe Waxaa Liishaan Saglan Midabkii Casaanka Ahaa, Timuhuna Waa Madaw Taasoo Ay Ka Midaysan Yihiin Nooca Labaad ‪
XAMAR CAD‬: Waa Faras Midabkiisu Yahay Casaan Oo Cadaati Ku Jiro Huruudina Ay Ka Dhex Muuqato Kuna Saglan Tahay. Timahuna Waa Mid Ay Madaw Yihiin Kasoo Kala Mida Nooca Kale Faras Xamar Madawga Ah.
Intaa Waxaan Kaga Gudbaynaa Faraska Xamarka Midabkiisa Iyo Inta Nooc Ee Uu Kala Baxo, Waxaan Hadaba Udaadagaynaa Tixdii Abwaan Jaamac Murtisame, Tixdan Oo Uu Abwaanku Kaga Hadli Doono Faraska Awoodiisa, Qurruxiyo Bilicdiisa, Xarago Socodkiyo Orodkiisa Iyo Jacaylka Uu Qabo Faraska. Wuxuu Yiri Abwaan Murtisame
★Xamar weeye faras oo nin lihi, Daajey xamashkiiye
★Xarfo soo baxduu daaqay, Iyo xera ugbaad-wayne
★Xidigaale iyo buu hirqaday, Xooshka geedaha-e
★Xareedii da'aysuu wabxoo, Xaabshay ubixiiye
★Xayskii curtuu doogsadoo, Xiinkii baa helaye
★Xaysimuu guyaal daaqayoo uu, Mudkuna xoodmeye
★Farawga u xardhoobaad ka garan, Xaaladu yahaye
★Xusuus baad i galisiyo fardaha ku xaragood-koode
★Xoodaamin tii niman aqoon, Waa xanibayaaye
★Markaad jare kusoo xidhatidee, Koore u xambaarto
★Xakamaha markaad gelisidee, Jeedal ku xaluufto
★Xiisaanka goortaad sudhuu, Orodka xiimaaye
★Goortuu xubnaha kala baxshee, Xawliga u boodo
★Xabad aake laga tuuray baad, Moodi xafarkiiye
★Xiisaha markaasaad is oran, Xoola ma ahayne
★Ma xaraamo neefkii nin lihi, Xadhiga haystaaye
★Inaad xeer fardood Iyo taqaan, Dhaqanka xaalkiisa
★Oo aad xeryaha geela dhalay, Sebena xoodh jiiday
★Horaan kuu xaqiiqsaday ilaa, Xamasho waa ceebe
WQ: Hal-Abuur Maanmaal Buureed Gurxan...

No comments:

Post a Comment