Sunday 14 July 2013

CILMIGA XIDIGISKA IYO MUCJISADA QURAANKA

Mucjisada Meeraha Mars iyo wixii uu Allah ka yiri 
Run buu sheegay Illaah markuu yiri
ﺳَﻨُﺮِﻳﻬِﻢْ ﺁﻳَﺎﺗِﻨَﺎ ﻓِﻲ ﺍﻟْﺂﻓَﺎﻕِ ﻭَﻓِﻲ ﺃَﻧﻔُﺴِﻬِﻢْ ﺣَﺘَّﻰ ﻳَﺘَﺒَﻴَّﻦَ ﻟَﻬُﻢْ ﺃَﻧَّﻪُ ﺍﻟْﺤَﻖُّ ﺃَﻭَﻟَﻢْ ﻳَﻜْﻒِ ﺑِﺮَﺑِّﻚَ ﺃَﻧَّﻪُ ﻋَﻠَﻰ ﻛُﻞِّ ﺷَﻲْﺀٍ ﺷَﻬِﻴﺪٌ 
ﻓﺼﻠﺖ53:

”waxaan tusin doonaa iyaga calaamooyinkayaga kamuuqda koonka iyo nafahoodaba jeer ay noqota wax cad inuu yahay Qur’ aanku) xaq. 

Ma waanu ku filleyn Rabbigaa inuu wax waluba ka yahay marqaati”? Suuradda Fusilat: 53.

Mucjiso cajiib ah ayaa lagu arkay meeraha Mars (Mariikh). Intaanse kuusoo bandhigin mucjisadaasi, bal wax ka ogow Meerahani kamidka ah sagaalka Meere ee koonkani.

MARS (Mariikh) Meeraha Mars oo ah meeraha ugu abtirsiinta iyo asalka dhow dhulka, Somaliduna u taqaano Faraare Carabtuna Mariikh waa meeraha ugu abtirsiinta dhow meerayaasha hab
qorexeedkeena, taasoo loola jeedo muuqaalka iyo samayska oogadiisa sare.in kastoo Mars uu cadceeda kaga wareego majiire kabaxsan ka dhulkeenu kaga wareego Qorraxda, baaxadiisuna
la’ egtahay dhulkeenna badhkii ayaa ilaa casru jaahiligii waxaa lagu mataanayn jirey dhulka.

Labadii sanadood iyo labadii biloodba hal mar ayay Mars iyo Dhulku aad isugu soo dhawaadaan waqtiyadaas oo kalena waxaa suurta gal ah in aaldaha fudud ee wax lagu jeedaaliyaa ay kuu suurta geliyaan inaad dushiisa wax kadheehan karto, xiliyadaas ay aadka isugu dhaw yihiin labadan meere waxuu Mars habeenkii oo dhan kamuuqda cirka isagoo xiddig casuus if weyn leh ah, isku soo dhawaanshaha laba Meere waxay xeel dheerayaasha culuumta Astronomy-gu ugu yeeraan opposition.

Marka laga soo tago waqtigaa ay aadka isugu dhow yihiin dhulka iyo Mars wuxuu isagoo aan sidii hore u iftiin badnayn waaberiga hore uga muuqdaa dhinacabari halka maqribkiina laga arko dhinaca galbeed, sababtoo ah masaafada ay xiligan dhulka iyo Mars isu jiraan ayaa ah mid aad ukala durugsan.

Ilaa hada waxaa gaaray dayax gacmeedyo xadi leh, waana meeraha loogu aqoonta badan yahay ama waxa ugu badan laga og yahay marka loo eego kuwa kale ee soo haray.

Mars guudkiisu waa lama degaan engegan oo aad u qabow badan, hawo aad khafiif u ahina kuxeeran tahay, mana jirto ilaa hada wax muujinaya in Mars nololi kajirto, waxaan iyana weli laysku waafaqsanayn hadii Cimiladiisa maanta oo balaayiin sano kahor u eg mid Rays lahaan jirtey in markay u yartahay Microbs kasuurtoobayey.

Inta Aadamuhu garanayo wuxuu Meerahan dhulka ugu soo dhowaadey sanadkii 2003 Mars oo lagu tilmaami karo lamadegaan qabow, heerkulkiisuna mar walba aad uga hooseeyo Eberka, hadana waxa sawirada ay dayax gacmeedyadu kaqaadeen muujinayaan Volkaanooyin laxaad lahaa oo haddeer xasilay Gebiyo aad udhaadheer iyo togag aad moodo inay mareen daadad wixii is hortaagaba xambaaranaya, dhul usansaan eg in daadad laxaad lihi kusoo rogman jireen iyo weliba dhu- dhubo iyo weliba ilo daad mareena ah, kuwaasoo lagu macnaystay in mudo haatan laga joogo 3 bilyan oo sano kahor inay meelahani ahaan jireen dhul qoyan.

Waxa hadaba jira qaybo kale oo kamida meerahan oo aan waxba kaduwanayn Dayaxa dhulkeenan kuwaasoo ay si aan xad lahayn ugasii muuqdaan haarihii ay gaadhsiiyeen Commets kudhacay, taana waxaa lagu macneeyey in qaybo kamida Meerahani aanay is doorinba taniyo maalintii Eebe dhidibada utaagey.

Iyadooy sidaa tahay ayaa hadana Meerahani dhanka kale aad uga duwan yahay Dayaxeena, sababtoo ah wuxuu leeyahay xilli waqtiyeedyo iyo weliba cimilo,mararka qaarna waxoogaa baraf ah ayaaba ka da’a.

Dayax gacmeedka Viking-2- Landers 1997 (© NASA, JPL), ayaa sidaasi soo sawiray.

Mars waa meeraha ugu mucjisooyinka badan Meerayaasha hab qorraxeedka, Johanes Keppler ayuu ahaa aqoonyahankii ugu horeeyey ee bartamihii qarnigii 17d ogaadey isagoo kashidaal qaadanaya baaritaano fara badan oo uu xaga xiddigiska kusameeyey inaanay Meerayaashu si masaafadoodu isku mid tah ugu wareegin Cadceedda ee marna ay kadheeraadaan marna kusoo dhowaadaan, markii lasoo gaaray qarnigii 19d iyo 20dna waxaaba dadka intooda badani aaminsanaayeen inay dur-duro waaweyn oo biyo mareena ahi kajiraan oogada sare ee Mars.

Haddii aad wax ka ogaatay meerahani waxad dawan kartaa videoga laga soo duubey oo mucjisada Rabbaaniya ay ku qoran tahay meeraahan, Waxaad arki doontaa in magaca sayidkeena Nebi Muxammed (NNKH) oo Carabi ahaan ah uu ku dul qoran yahay meerahan, taasoo caddeyneysa weynida iyo sha’niga uu Ilaahay siiyey. 

Waxay kaloo mucjisadani ayidaysaa xaqnimada risaalada Nebi Muxammad (NNKH).


WQ: Mohammed Tahir Abdi

No comments:

Post a Comment