Friday 21 November 2014

Maqaal: Hiddo Jiidashaa Lagu Dhaxlaa, Gabayga Jaallowe-- WQ: Maanmaal Buureed Gurxan


Asalaamu Calaykum Mahad Oo Dhan Waxaa Iska Leh Allaha Dembi Dhaafaha Naxariis Badaneha Ah,  Nebigeeni Udgoonana Nabad gelyo Iyo Korkiisa Ha Ahaatee.

Idimka Eebe qormadani waxay daaran tahay oo ay qooranaysa kana ay dood celinaysa qormo abwaan Bootaan ku qoray mareegta Maskaxmaal, qormada bootaan waxay biyo dhaceedu ahaa halabuurida suugaanta haday tahay mid ah hibo hiddeed keentaya ama mid hawl keentaya ay noqon karaan isku tayo xaga curinta. Horta waa la baran kara taa kuma diidin, laakiin waxaan ka biyo diiday arinka ah inaanay jirin wax kala tayo wacan balse ay u jindhanayso kuna xidhan yihiin midhaha halabuurku hawl keentayda ahi hadba siduu u dadaalo taaso haduu halgamo uu gaadhi karo halabuurka hidde keentayda ah.

Haddaba anigoon cidna durayn, anigoo ka fog sida qof ku ekeekamaya wuxuu uu aamisan yahay uun, aanse doodiisa ubud dhigaynin cilmi ah  itaabsii oo itus(Scientifically), waxaa ila foolaadsan inaan bal marka hore qormada ku ibo furo waxaa uu yahay Hidduhu? Aqoontaa casrigan(Science) iyo Quraanku Hiddaha muxuu ka sheegeen?, Suugaanyahanadu Maxay ka aamisan yihiin? Gabyaayada soomaaliyeed maxay ka qabaan fikradaas?. Anoo idiin kala qaadi doona bal aan qormada idiinku jalbeebo. 

Hordhaca
Akhristayaal qof kasta markuu dhasho wuxuu ku dhashaa tilmaamo abuurkiisa guuud ahaaneed ku dhafan, waa astaamo ruuxa la kora oo ku talaalan, waxayna u badan tahay intuu nool yahay inay la socdaan. Dhismaha jidhkiisa ayeey qarkood ku saabsan yihiin qaar kalena awooda garaadkiisa iyo maankiisa ayeey la xidhiidhaan. Dhammaan tilmaamahan ku lammaan qofka  jidhkiisiyo garaadkiisaba habka u shaqeenaya, awoodoodu intay gaadhsiisan tahay iyo weliba qaabkay u ekaanayaan waxay u aanoobayaan hiddahoodu halkuu salka ku hayo waa qofka labadiisa waalidee iska dhalaye.

Haddaba sidee buu hidduhu saamayn ugu yeelanayaa tilmaamaha qofku leeyahay, tusaale ahaan qofku inuu noqdo 

  1. Mid dheer ama mid gaaban.
  2. Mid midabkiisu yahay mariin ama madow ama cad.
  3. Mid awooda garaadkiisu sarayso  ama mid ay yar tahay.
  4. Mid Aftahana oo weedhiisa deeqsiin kara kumaan kun ruux amase mid afgarooca oo aan hal qof waxba u sheegi karayn.
  5. Mid hal-abuura oo ay hawraartuba dibnaha ka saran tahay amase mid aan labo erey isu duwi Karin. 

Dhammaan weydiimahan iyo kuwo kaloo badanba waxaa hubaala inaad isku jirabayso. Haddaba intaynaan isku shideyn inaynu jawaab u helno siduu saamayn ugu yeelano hidduhu abuurka guud ahaaneed, horta waa inaynu wax ka ogaana aqoonta saynisku iyo quraankuba  waxay ka yidhaheen hidduhu wuxu yahay amase hidde-sidduhu siduu raad ugu yeesho abuurka guud ahaaneed ee qofka. Anaa kuu manqaxayee ila soco.

Waa Maxay Hidde-siduhu?

Haddaan haddaba u guda gallo aqoonta Barashada-nolosha(­ bayoolojiga) waxay ka tiri Hidde-sidduhu wuxuu yahay oo afka qalaadnna lagu yidhaaho Deoxyribonucleic Acid (DNA). Dood , hiddesiduhu ama hiddesideyaashu (DNA(s)) waa maxay? Hidde siduhu waa barootiinno ka kooban Ogsijiin, Foosfate, iyo afar bays oo kala duwan. Kuwaas oo noolaha ka dhiga waxa uu yahay marka la eego siday isu saarsaaranyihiin ama inta tiradoodu le'egtahay. Tusaale ahaan, jiirka, daanyeerka, muuska, dibiga lo'da ah, iyo dadkuba waxay leeyihin hidde side mid walba u gooni ah . hiddesiduhu waa waxa suurto geliya in lagu abtirsado xagga aabaha ee aan lagu abtirsan xagga hooyada arrimo aqoonta ku fadhiya daraaddood. Abtirsiinyadu waxay u tahay tixraac in la aqoonsado firka qofku meesha uu ka soo jeedo qoys ahaan si loo helo meel loo raaco dhiiggiisa iyo maalkiisaba iyo weliba xagga awlaadda la isku qabsado. 

Hiddesiduhu wuxuu kaloo xambaarsanyahay ama uu sababaa in awlaadda dhalata ay u ekaato waalidkood xagga muuqaalka jidhka iyo tilmaamaha abuurkooda ku xadfan naftooda. Haddii qofku gaabanyahay, dheeryahay, qof midabkiisu madow xig yahay, ama uu yahay mid maarriin ah. Dhegaha qalloocan, ama waaweyn, sanka dheer, ama gaaban, iyo weliba waxyaabo kale oo qofka jidhkiisa ku saabsan sida codka, fakarka, hal-abuurida waxaa ka mas'uul ah malakuyuulka (DNA) weliba marka la sii kala qaybiyo hiddeside (Gene). 

Qur'anku arrintan si cad ayuu u tilmaamayaa. Laakiin si qofku u dhuuxo oo uu si hufana ufahmo xidhiidhka u dhexeeya Qur'anka iyo aqoontan sidan looga warramay, waa in labada dhinacba qofku u leeyahay garasho gaamurtay oo dheeraad ah oo heer daraasaad ku salaysan. Waxaad eegtaa cutubka 35aad ee Qur'anka aayadda lamberkeedu yahay 28, suuradda Faadhir. Waxaad arkaysaa in aayaddu tilmaantay in midabbada dadka, wax kasta oo dhaqaaqa, iyo xayawaankuba ay kala duwanyihiin. Taasi waa mucjizo runtii lala yaabo arrimo dhowr ah daraaddood:

  1. Barootiinnada (proteins) sidaas ah ee xataa ay adag tahay in lagu fiiriyo indhaha qaawan (naked-eyes) ama weyneyso la'aan, waxay mas'uul ka yihiin wax kasta oo noole jira ah oo dhirta iyo xawawaanku noocay doonaanba ha noqdeene ay ka mid yihiin. 
  2. Barootiinnadani (proteins) ma aha wax la burburin karo ama la abuuri karo oo waxay khaas ku yihiin noolaha. 
  3. Haddii qof kasta oo inaga mida hiddesidihiisa (Gene) la kala fiilo, wuxuu 300 oo goor gaadheyaa oo ay halabsanaysa dayaxa oo haddana ka soo noqonaysaa sida silsiladda taxa ah oo kale!


Aayaddu waxay kaloo tibaaxaysa oo ay weliba taabanaysa in cilmigan uu huggaan u yahay in dadka aqoonta lehi ka baqaan Ilaahay si aan dadka kale uga biqin. Waxaa intaas sii dheer, gebegabada aayaddu tilmaantay magaca Ilaahay oo haddana xambaarsan tilmaantiisa, magac kale oo haddana xambaarsan sifada Ilaahay iyo dembiga uu u dhaafayo qofka arrimahan faraha la gala ee dambaaba ee haddana towbad keena. 

Haddii aad qoraalkan Aqristow ila dhuuxday sida cilmibaadhista qotoda dheeri ee laga soo shiilay mid science ah iyo kutubka quraanka ay inooga shaafinayso iyadoo inoo manqaxaysa hidde-siduhu inuu yahay ka ay u jindhanayaaan siduu u eg yahay muuqa duuleed ee qofku, habkay xubnaha qofku u shaqeenaya iyo dhammaan qaabkay u shaqeenaya unugyada jidhku, miyaanay inooga marag-kacayn in ay halabuurnimada dhabta ah ee aan lagu dhibtoon ay tahay mid ku timaada xaga hidde haday tahay xaga aabe oo laga hiddaysto ama hooyada ama xaga awoowgaba. Waxaaan filayaa inay jawaabtu tahay HAA.

Hal-abuurada sebenkan ugu caansan ee bulshada u maansooda haddaan mid ka mida tilmaamo waxaa inaga filan Maxmuud Cabdulaahi Sangub. Abwaan singub waa gabayaa awooda maanso curinta ka hida qaba qoysas kala duwan oo wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen. Wakhtigiii hore ma jirin waxbarasho Jaamacadeed, iskuuladuna dalka way ku yaraayeen, sidaa darteed sangub wuxuu ku dadaalay inuu barto quraanka ilaa uu quraankii dhammeeyey, xilligaasna waxyaabaha dhalinyaradu aad isugu taxalujin jirtay, waxaa ka mid ahaa gabayada. Sangub abtigii, wuxuu ahaa ninkii uu Timacadde ku hal qabsanayay ee uu lahaa; “Mudanihii Aflow iyo sidii Muxumed maw sheeg” Aflow, wuxuu ahaa, abtigii hooyadii la dhashay.


Hidda Jiidashaa Lagu Dhaxlaa, Gabayga Jaallow-e
Awooda maanso ama suugaan curintu waxay ka mid tahay awoodaha uu Aadanaha qaarkiis  ku dhasho qaar kalena aan wax laga siiin. waa tilmaan dadka qaar lagu galado qaarna laga qaadiyo.

Macnaheedu wuxuu yahay Gabyaanimada/Maanso Curintu waa hibo abuurka hiddeside ee qofka ku milan waa awood uurka hooyo laga la soo baxo. Astaan ruuxa hiddeesanaya uu iska dareemo goor hore iyo isagoon qaangaadhin.

Qoraayada Suugaanta Iyo Taariikhda Umada Soomaaliyeed sida Axmed Faarax Idaajaa siduu sheegayo in badan buu la kulmey Gabyaayo caan ah oo ku sheekeenaya tixihiisi ugu horeeyey kolkuu isku duwey inaaanu toban Gu dhamaysan.

Taasina waxay markhaati dheerada u tahay rayiga ah Maansoyahanku inuu ifka usoo baxo isagoo awooda Maanso Curintu ay ku talaalan tahay.

Sidaas oo ay tahay haddana waa la joogaba dadku kama daallaan iney isku jirabaan weydiinta ah Gabayga ma la baran karaa, oo sida kasmooyinka kale Aadamuhu u kala kororsado awooda maanso curintana ma loo kala kororsan Karaa.

Inkastoo taasi ay mar walba su'aal taagan tahay, yeelkeede jawaabta su'aashu (Waa HAA! Markaana Waa MAYA)

Waa HAA oo markii aad guud ahaan jacayl aada maansada u hayso, markii tix cusub laguu mariyo, hddii aad qaban karto ama inteeda badan aad ku celin karto. Kolkaad sheekaynayso haddaad is aragto adoo tixo maanso ku maahmaahaya. Haddiii aad wax badan ka xafidsan tahay maansadii ragii hore isla markaasna kuwa kula xiliga wax soosaarkooda aad wax badan ka gtahay. 

Haddii aad iska dareento inaad leedahay awooda kala soocida tixda hagaagsan, mida meel dhexaadka ahiyo mid dhacroorsanee liidata. Haddii meerisyada deelqaafka leh ama miisaan ahaan jaban ama dhud redeeban ay dhegtaadu dareemi karto. 

intaasoo awoodood haddii aad isku aragto waxaad udhawdahay inaad tirin karto: 

1-Maanso an deelqaaf  lahayn.
2-Maanso aan meerisyadeedu Kala dheerayn.
3-Maanso habdhaca maansooyinka kale leeyihiin laga dareemi karo.

Inkastoo arintu ay sidaa tahay oo dadka qaarkiis ay dadaal iyoo barasho awgeed wuxuun maanso SALSALAABA Ay kolka qaarkood wax tirin karayaan haddana marnaba lama sinmi karayso maansada ay hibada hiduhu soo Saarto..(Qoraa:Idaaj­aa)

In aanay sinaan karin ruuxa maansadiisu tahay mid hibo hide keentaya iyo kay tiisu tahay gurdan raac hawliyo barasho ah, waxaa heego inoogu maraya meerisyadan laaxiboon ee aan ka soo goldooxay tix la yiraaho Joog Hadeerba oo uu tiriyey Abwaan Xasan Bulxan Cali. Ciduu doonayaba abwaan ha u hanjabaye tixdu waxay ahayd mid goodis, haseeyeeshe wuxuu abwaanku tuducyada inoogu manqaxaya in jookhiyo sharafteedu fadhido ruuxa Idimka Eebe hibada hiddeed loo siiyey, ayna xikmad(murti) curintu tahay mid hoos jirta oo laftiyo dhuuxa ku aroorsan oo aan la iska soo dhuran karin. Abwaan Bulxan wuxuu yiri:-

❀Jarka booddo maahee xikmadi waa, wax hoos jira e
❀Jabqan xaraf jacburiyuhu ismood, jaamicii sara e
❀Hidda jiidashaa lagu dhaxlaa, gabayga jaallow e
❀Jubuqtaamin geed lalama tago, tuura kala jeede
❀Jidbaysanaha suugaanta jecel, garanna jiibteeda
❀Jeeqaaqe aan kala aqoon, tubaha loo jeexo
❀Jabqis badanle waxaan jirin sawire, jaantus kala nooca
❀Jumladiyo naxwaha kaa khaldani, leexi jihadiiye
❀Jirdin xarigga kaa soohayow, waan ku jaad garane 

Waxaa aan aad ula anfariiray in meerisyada abwaan Bulxan ay uga marag kacayaan kuwan aan idiin ku jalbeebi doono ee ku jiray tix abwaan Jaamac Kediye tiriyey. Abwaan jaamac wuxuu tuducyadan cudoon ku tibaaxaya inaanay sinay ruuxa hanaan raaca ku bartay iyo qofka hiddaha u leh ee ah murtiyahanka ay dhiigisa ku talaalan. Abwaan jaamac waxaa kaloo ku tibaaxaya meerisyadan in macnihii gabaygu lahaa uu dilay mid dhawr uu xafiday iyo qaar kaloo fadhataystay intuu isku soo ragcay markuu meel ka akhriyaba la odhanayo waa gabyaa. Wuxuu yiri abwaan Kediye:-


★Haddiise gabaygu madax leeyahay, Iyo mudane loo doorto

★Minister wasiir iyo haddii, Macalin loo yeelo
★Ama guurtii maamuli kartoo, Magac le loo dhiibo
★Ama uu maxkamad leeyaho, Xeer la marinaayo
★Murtiyahan, Abwaan muhindisa, Oo mariya suugaanta
★Iyo midaan majarihiisa marin, Amase maydhaama
★La iskuma masaaleen haddii, Ujiro wax miisaan
★Hayeeshee micnaha waxaa ka dilay, Waa muxaafiga


Maansoyahanka Hibada hiddeed uleh tiisu waa ay isku xidhan tahay oo ujeedada ay Xambaarsan tahay si buuxda ayuu ugu soo bandhigi karaa. Hayeeshee mida barashada lala laashadaa wey kala daloolshaa  oo si bey u xangabisan tahay waana mid dhacroorsan tahay, inkastoo la dheereeyona haddana aaybaheedu ujeedadii loo mariyey ma koobaan.

Maansoyahanka hidaha u leh ee ay ku ladhan tahay meerisyo tiro yar oo markiiba la qaybi karo ayuu mucda ujeedadiisa u xambaariyaa waxaana tixihiisa laga la soo dhex bixi karaa tuducyo cuddoonoo lagu halqabsadoo murti miidhan ah. Hayeeshe qofka barashada awgeed wax ku curiyaa tix gaaban kuma dan bogan karo, wixiisuna shiiqsi dambe ma yeeshaan.

Maansada barashada lagu dhaliyo waa lagu dhibtoodaayoo inuu ebyo maalmo badan ayeey ninkiiba ku qaadataa halka midka ku dhashay ay debnaha Ka saarsaaran tahay oo markii la weydiiyo goobtii lagu haybiyaba uu Sidii Sayid Maxamed, Faarax Nuur, Qamaan Bulxan, Ismaaciil Mire, Salaan Carabey, Cal Dhuux, Timo cade iyo kuwa sebenkan inoo maansooda sida Singub uu dadka kaga haqab tiri karo.

★In gabaygu maal adag yahay oo, meel fog laga doono
★Maqaamkiisu inuu dheer yahayoo, aan la iska soo miisan
★Maamuusna inuu leeyahay, marag u haystaaye
★Suugaanta nimankii mulkiyey, maydin maqasheene
★Sayid Muxamed baa lagu ogaa, midhaha waaweyne
★Maansadii Ismaaciil Mire iyo, mahadhaduu sheegay
★Murtidii Qamaan Iyo Salaan, maaxdii laga helay
★Cali dhuux wuxuu muujin jiray, mawjadaha culus
★Maskax Ina Sharmaakaa lahaa, miiganoo furan
★Lama mooga Raagena wuxuu, mariyey taariikhe
★Masafadii Gahayr wallaan, cidi ka maarmayne
★Master Aadan Iyo Maxamed shire, miiganow samatar
★Madhuudhyooday iyo Cali Afyare, amase Aw Muuse
★Haddii uu martabad leeyahoo, laga macaashaayo
★Ragaasaa ku meel mari lahaa, muhasho waa ceebe

Sidaa daraadeed anigoo niyad jebinayn cida gulufka ugu jirta inay hanaan raac wax ku curiyaan ama kuba doodaya in barashada ta lagu keeno iyo hiddo keentayda ta ahi ay isku tayo yihiin waxaan leeyahay inkasto farsamo ahaan aad wax badan ka ogaataan barashada sida maansada loo hidiyo oo la isugu duwo iyo xeerarkeeda, haddana adiga iyo maansoyahanka Eebe hibada hideed  usiiyey cirka iyo dhulku intay isu jiraan ayaad isu jirtaan marka lays barbar dhigo midkiin waliba tixaha uu curiyo..


Tixraac(Reference)

1- Qoraa Abwaan Axmed Faarax Idaajaa
2- Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman

WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan