Friday 13 March 2015

Gabay---( Tahriib Weeye Xaalkooduye )-- Abwaan Fiqi Faatax

Tixdan gaaban waxaa tiriyey Abwaan Fiqi Faatax. Wuxxuna yiri:

**Tobankoo la labanlaabay iyo, tiro barkiisiiya
**Tashan wayday soomaalidii, toosna laga waaye, 
**Tareen ay qabyaaladi waday, tigidh u gooysteene

**Tuuladuu istaagaba kuwuu, tuurayaa diliye
**Toora-toorahaa laayay iyo, tuutaha ibliise
**Toogashada intii ka hartayee, nolol ku taamaysay

**Talaamiidii yaacdoo badahay, tiimbadeen badiye
**Tahriib weeye xaalkooduyoo, sii tilaabsade'e
**Tacadigaa waxaa noogu wacan, tolanna noo raacshay

**Taalada midkaan saaranee, talada loo dhiibo
**Tacab iyo qabiil buu korshaa, timirna miistaaye
**Taminaadii qarankuu lunshaa, turuntureeyaaye

**Tabaaleeye shacabkii ka rabay, horumar toolmoone
**Illaahoow na taakuli aday, taada noqotaaye......

Waxaa Qoray Maanmaal Buureed Gurxan Hillaaddu Markay Ahayd 14-Sabuux-2014

Tixo Gole ka Fuula--( Amarqaado)

Amarqaado

Amar Qaado waxay ahayd tix uu Abwaan Ismaaciil Cali Jaamac(Boobe) ku halgaadiyey Abwaan Shuriye dhamaadkii bishii labiyo tobnaad gu'gii 2014 ee aynu soo dhaafnay. Tixdani waxay ahayd midii u ildo-furtay tixo kaftana oo gaabgaaban in ay is-dhaafsadaan hal-abuuro dhawra oo inta badan moorada maansada ku wadaagga gabayga. 

Tixahakan dhawrka ah ah ayaa waxay yihiin kuwo ujeedooyinkoodu kala dawan yihiin sida goodis, gardhigasho iyo qabasho, garwaaqsiyo gudoon, faan iyo amman, iyo dardaaran. Inkastoo ay yihiin kuwo ujeedadoodh ay kala takan yihiin haddana waxay isugu biyo shubanayaan hal ujeedo taaso ah 
1- In boqorka maansada la ilaaliyo oo aan lagu falaadin milgihiisa
2- In aan la ag dhigin qaybaha kale ee maansada oo aan loo mooraysan in loogu halceliyo haddii uu halabuur soo madiixo tix kale oo aan gabay ah sida; guuroow, geeraar, hees, shirib, dhaanto iwm. Anigoon rabin in aan mid kasta si gaara idiinku manqaxo bal idiinku jalbeebo. Ka bogasho wacan.

Amar Qaado Jeedal Baan Hadeer, Ku Abaabulaye

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe:
**Arin oday lahaan jirey hadii, inamo loo daayo
**Ambaday lahayd iyo ka tage, idibil keediiye
**Ambaqaadka geediga ku fure, meel ayaan darane

**Aduunyaba nimaan dhaqan, abid intuu joogey
**Adhi iyo geel hadaad siiso, kuna amaanayso 
**Ayaantaa wixii dhaca aday, oogadaa tahaye

**Alifka iyo ruuxaan aqoon, aayadaha diinta
**Oo aan axkaantiyo xadiis, lagaba eegaynin
**Aadanow tafsiil inaad ula tagtaa, waa afkala qaade

**Orka gabayga ninkii aan aqoon, ababin suugaanta
**Xarfaha midkii ugu adkaa, haddaad afarle weydiiso
**Irdeheeda maansda adaa, meelku awdalaye

**Shirib baad ag geysiyo waxaan, ayni la ahayne
**Afar-qaadka meel kalaad, ooga roor tahaye
**Amar qaado jeedal baan hadeer, kuu abaabulaye!!

**Anshaxeeda adigaa ka tegey, lagu ilaashaaye
**Ibtilooyin adigaa ku falay, aad u fara-weyne
**Amar qaado jeedal baan hadeer, kuu abaabulaye

Amarkaaga Qaataye Soo Afmeer, Xaajada Oodan

Abwaan Aadan Faarax Aw-jaamac Shuuriye:
**Asaraarki maansada markaan, ooda jebinaayey
**Ololaha murtida baan lahaa, yaan la aayirin
**Allayl dhaxe anoo leddey markuu, uunku kala seexday

**Gabay baa andaco iigu yimi, ooda gurigayga
**Askhatiyo waraaq buu la yimi, eedna ii sheegye
**Wuxu yiri sidii ood-rogada, aayar lay tuurye

**Aa-gaan sideedaa duleed, laygu aabudhaye
**Ehelkaygii waayo dadkani, waa i oonsheene
**Arrad-beel ma helo maalintaan, aayar joogsado-e

**Indheer-garad ma arag waayadaan, odayo waaweyne
**Inamada yar yari iyo habluhu, waygu oriyaane
**Eedyayga galay waan arkaa uubta lay qodaye.

**Amakaagi goorta xanaaq, aayar joogsadaye 
**Ushii iyo budhkii aan la kacay, laygu eedeeye
**Iin-tayda waan qiranayaa, eegan aan galaye

**Andacadu haday kuu timoo, adi kusoo gaadhay
**Oday baad ahayd waayadaan, geedka ka agdhowe
**Amarkaaga qaataye soo afmeer, xaajada oodan.

Odeygeeda Noqo

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe:
**Sida ayro geeloo ningaha, laga ulaynaayo
**Oo eeri dhabanoo saqliyo, orodku dheeraatay
**Oo ololka reentoo gooha iyo, awda laga yaabay

**Andacooyey gabaygu beryahan, waana la ogaaye
**Arad iyo in badan buu ahaa, sida agoontiiye
**Aniguna in badan baan ku jirey, ololihiisiiye

**Ilaashada markaan idin lahaa, maydinba ogayne
**Adna eeda waxaan kuugu raray, waa amuur culuse
**Amar Qaado goortaan ku iri, kuma ilaaweyne

**Oday sare inaad tahayna waan, ogsoonahaye
**Anafoodna maahayn waxaan, kuu abaarsadaye
**Awrkaaga raro baan lahaa, saaro agabkaaye

**Adiguna ajiibtoo hadeer, waa is aragnaaye
**Odaygeeda noqo suugaantu, waa adhiyo geeleene

Maamuus

Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan:
**Malkadeeda kama soo horaan, maarka loo dhigaye
**Murtisame sidiisaa tixaha, uma madeeyaane
**Manka sida Cadceed kama gurtaan, meeriskii adage
**Shuriye midhkiisiiyo sidii, Boobe may mudine

**Marwo luul sideediyo ciyuuni uma madiixaane
**Maanmaal sidiisaas naxwaha, uma macneeyaane
**Mansab iyo maqaamkuu lahaa, uma muddeeyaane
**Maamusna kuma ay lehee, way macmacayaan dheh 

Muunad
Abwaanad Suunaari Muxamed(Geenyo):
**ku madiixnay oo gabay muglaan, madasha keenaaye
**Mashraxaa intii joogta way, wada maqsuudaane 
**Xadiis baa la moodaa markaan, midigta saaraaye 

**Magaceena waa laga yaqaan, mudanka Soomaale
**Macne li'i ma sheegnee runtaan, idiin ku miisnaaye
**Marka aydin murantaan ayaan, idin macsuunaaye

**Golahay habluhu maqan yihiin, malaha maamuuse
**Maandhow mugdi iyo iftiinku, muunad kala roone

**Madashena maqaawirta joogtiyo, mudanoo dhan
**Muuqdheerta Luuliyo hadaan, mudan Ciyuuni joogin
**Maydinkaaba miin qori lahaa, magane Suugaanta!!!!!

Ka Ilaasha Aafooyinka

Abwaan Sadiiq Xaaji Yaasiin 
**Alifka gabay ikhyaareey beryahan, laga ilmaysiiye 
**Imtixaan waxaa lagaga dhigay, oon ma-tirayaale 
**Iyagaan oraahdiyo macnuha, aad isugu eegin

**Iyagaan iskuba aadinayn, ereyadii oodhan 
**Iyagaan asluubtiyo xurmiyo, dhaqan akhlaaqeedka 
**Midna iyagoon ku ismanayn murtida, oog ku shidayaane 

**Odaynimo adoo ula hadloo, wada asxaantooda 
**Il markay ku saaraan dagaal bay, olkomiyaane 
**Sidaad aabayaashood dishay, kuu arjimayaane 

**Amar qaadan maayaan haddaad, aad ubaridaane 
**Awood iyo haddaad haysataan, uliyo shaabuugyo 
**Ka ilaasha aafooyinkiyo, ululka yaacaaya

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Thursday 12 March 2015

Tixo Gaabgaaban Oo Gole-ka-Fuula--(Cilmigaad sheegtay iyo cadceedow, Camalka Weeyaane

Abwaan Cadceed Cadeysey
--Caam ahaan aduunyada, cilmaa lagu tanaadaaye
--Codkaago shaqeeyiyo  sharafiyo, cisaa lagu helaaye
--Cidla haddii aad joogtiyo, haddaad meel camiran joogto
--Haddaad cararto oo buura dheer, 
fiinta ku carceerto
--Waa hal aanan ciddi kaa dhacayn,
cadawna kaa qaadin

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe:
**Cimrigaaga waxaad haysataan, lagugu ciilaynin 
**Cara-edeg meeshad joogtoba ee, calan walaynaayso 
**Marna aan caydh lagaa baddin, cududi kaa qaadin 
**Cilmiga aad sheegtiyo cadceedow, camalka weeyaane

Abwaan Cadceed Cadeysey:
--Codkaad tidhi ismacil warkaad, caalamka u sheegtay
--Markhaati cad inuu yahaan, cidina diidayne
--Caku ka waran meeshaad baryahan,
calanku ku yaalay

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe
**Carigaan ku nooliyo halkii, calanku
íi yaalay 
**Nabad baan ku ceeshaa, anoo
caafimaad qaba-e
**Cudar-daar yar mooyee, ceeb ma aan arage 
**Caadilkaan baryaayaa inaanu, caasi iga yeelin

Waxaa Qoray Maanmaal Buureed Hillaadu Markay Ahayd 13/Fuushane/2013

Wednesday 11 March 2015

Tixo Gaabgaabna Oo Gole-Ka-Fuul--( War Orodoo Dhaanka Gee )

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe:
**Dhoomaha markii loo safee biyaha, dhaamin laga yeelo
**Habluhuna dhankaa iga jiraan, dheeman iyo luulba
**Oo aan dhawrayoo balani, iguba dheeraatay
**Dhab markaan u fiirshana halqigu, dhooban yahay meesha
**Inaan dhaanka raacana faysaloow, way u dhowdahaye

Abwaan Jaamac Cali Murtisame
Jiilaal hadduu dhocoo, Dhaanku laba guulo
**Dhararaba hadaad sii wadoo, Lahelow soo dhoobto
**Dhoomaha markaad buuxisee, awrta dharaqsiiso
**Ee ay faruur dhabad biyaha, dheeg isaga saydho
**Oo aad rarkii dhuujisee, ku dhuyucdee seerto
**Dhabadii hadaad saartoo, dhudi hogaan qaado
**Balantii ay kala dhinayd, jaanisku is dhaafo
**Raac dhaanka boobe fursadi, waa dhalaal mara-e

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe
**Dhaadane jaamacoow adaa, dhigay saxeexiiye
**Abaaruhu markii ay dhacaan ee, dhaanku labo guulo
**Dhulkuna oomane yahay, Soolka dhiniciisa 
**Degmaduna dhawr tahay aqaloo, dhooban tahay beeshu 
**Dheelalawga guurahana, aad dhabada qaado 
**Xidhiidhkeeda dheer awrtuna, dhabu raqlaynayso 
**Dhool iyo ay kula wadaan, dheeman iyo caasha
**Dhaldhalaalka waa bari hadaad, ceelka wada dhoobto
**Isna dhurayo weeyee biyaha, dhoobo laga tuujo
**Waxaad laba dhanlaysaba markaad, dhaanka wabax-yeesho
**Dhabadaad ku taagtaa sidii, dhaadanow farase
**Saacadaa waxaad dheelaysaa, xaajo kuu dhigane 
**Haasaaawaha waxaad dhaabaysaa, xeelad dherer weyne
**Balamaha waxaad dhiibaysaa, dheel kuwaan geline
**Dhidib baad u taagtaa, dhaafay yay orane
**Dhab waw tilmaantaa, dhibicda roobaade
**Sidaasay asxaabtuna dhacdaa, dhaax ku jirisaaye 
**Inaan dhaan raacaa sow may noqon, danaha dhiilkayga

Abwaan Faysal Goohe:
**Sanka dhididka waa lagu yaqiin, dhadanaha doobe
**Dhinnacuu ka eegtaa hablaha, tii dhalaal wacane
**Hadii uu dhab kaa yahay ninyahaw, dhudi dareenkeedu
**Dhabbaa loo abbaaraa ismaaciil, adoon daba-dhusleyneynin-e
**Dhumaalaysigu ma fiicniyo inaad, dheeg gashaa socode
**Dhaqan aan jabayn baynu lahayn, dhaabadoo adage 
**Dhool iyo hadii ay wada socdaan, dhiima iyo suuban
**Dhiiranaha wiil aan baqayn, dhiibay eraygise
**Dhoollo ka qosolkaa uga dhigaa, dhumuc salaaneede
**Dhaqaaq joogsiguu dantii uu lahaa, ugu dhameeyaye
**Balankay dhidbaan bay la sugi, dhibicda roobaade
**Dhacadiidkase waa lagu dhintaaa, dhudi la eegtaaye
**Dhabadaa hadadan garanahayn, dheeg kalaa furane
**Dhoomihiyo hadaayicin wixii ehelku kuu dheebtaye
**War orodoo dhaanka gee maatadii way dhanqarantaaye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan
Hilaaddu Markay Ahayd 18-Waabariis-2014

Gabay--( Miyaqn Kimis Ka Soo Raadshay)--Abwaanad Suunaari Geenyo Muxamed

**Kulunbaawi waxan qaato iyo, kaba dhawaaqaaya
**Waxaa ann karuur daadiyoo dhayda kaydsaba
**Waxaan kayn cidlaa Adhi jiroon, kodo-kodeeyaaba 
**Kurus iyo waxaan kadabsan, iyo badhi kaboodaaba
**Ahmin waxaan kaxeeeyoon, xero ku kuusaaba
**Kibir baan ku noolaa hadaan layga kala tuurin
**Maantana kobtaan joogo waa karin ciriiryoone
**Ma qurbaa kadeedkaan i baday koorkan igu giigsan
**Karbaash iyo miyaa laygu raray Kabad an awr qaadin
**Milatari Karuud aaday baad moodi kabahayga
**Barafkaa karoortaa miyaan kimis kasoo raadshey

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gole-Ka-Fuul(Tixo Gaabgaaban Oo Sarbeeb Ah)


Abwaan Faysal Goohe:
**Gawlaliyo galoolkiyo ninkii guraya geed jiica
**Wuxuun lagu gujeeyiyo hangool garabka soo saaran
**Gacmahaa gulaalmee ogaw geedo haliseedka!!
**Gafanaha gurguurtiyo halkii garab-cad ay joogto
**Garan-goori yaacdiyo halkii dulinku guuraayo
**Gurigi qaniin lagu arkana ogaw geedi laga qaadye

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe:
--Goohow geediga hayaankee galab caraabaaya
--Geestuu u jeediyo halkuu socod ku gaadhaayo
--Goobta lagu furaayiyo. Jabada yaana garan siiya

Abwaan Faysal Goohe:
**Guuraha habeenimo halkii galawgu foodhyaayo
**Gorgor samada meeriyo galaydh geed ku dagi waayay
**Guumaystu waxay sheegto baa goorxun la arkaa dhe
**Garbo-raar afyuubka u waramay gees uun uga leexo

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe:
--Gubtaniyo afyuubkaa garamay goobna wada jooga
--Garba raarka qoofee cuqlaha daba guclaynaaya
--Waxa ay gorfeeyeen anigu waanka gaabsadaye
--Gediyoo ku celi mar kale, goob xun buu degaye

Abwaan Faysal Goohe:
**Gudban iyo afyuub iyo cuqlaha, goobta wada yaala
**Garbo-raarka caytamay ximraha, waan ka gaabsadaye
**Isu gurid min guursiga jamiic labada goor jooga
**Yulkhadaa gafuurada ka xidhan, bay galbinayaane
**Wax gediya ninkaan garan aqoon, gawga uu maray
**Girgir bay falaadhu u baxdee, gaabi madaxaaga

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe:
--Waa loo gu tiriyaa ximruhu, hadduu kugu gulaalmaaye
--Gees kale ka eegtaa iyo ,si kale ula gorfeysaaba
--Gediyoo ku noqo yulkhadi, waa gooba badan jooge

Abwaan Faysal Goohe:
**Gabal-gaabka waan dhigi aqaan, geed intaan tago'e
**Goobo loo asteeyaa jiriyo, dhuluu gaar uleeyahaye
**Geesta furan gafuurku baxshaan, garan aqaanaaye
**Guudka sare markii laga tirshuu, mooro galayaaye
**Gorfeyntiisa dhaaf baan ku idhi, yuu ku soo galine!

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe:
**Galabtiyo waxaad dhigi taqaaan, goor habeen dumaye
**Moorada isu Kaa godaad ganaf wareer taaye
**Aroor gibinta wiilkii ganaa, aaga guluc dheere
**Gud-guduudka waa-bari ku eeg, ways gediyayaaye!!!

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan
Naadiga:::: Qalin-Maal

Tuesday 10 March 2015

Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman--Qormadii 16aad--Tilmaanta Maansada

Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman---Qormadii 16aad 

(Tilmaanta Maansada )


Ku Baraarujinta Bulshada (Waxbarashada)



“Caadil baa gargaar laga sugaa,

“Cibaado baa Jano lagu galaa,
“Caqli baa duni lagu gardaadshaa,
“Cilmi baana darajo lagu gaadhaa( Maanmaal Buureed)

Ibo-Furka Qormada


Magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar


Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Eebbaha Alwaaliyu-ga ah –( ﺍﻟﻮﺍﻟﻲ..) ee wax kasta lahaanshohoodu dhab ahaan ugu sugnaaday oo xikmadda ku tagriffalkooda na aan cidi ku lammaanin, Allaha weeye Deeq badanaha ah ee aanu ku mahadinayno, gargaar ka barino, dembidhaaf weydiisano. Guullaha Albaadin-ka (–ﺍﻟﺒﺎﻃﻦ ) ee dháb aháán u ogsoon amuuraha qarsoon iyo waxa uurka ku jira; allah aan adduunka lagu arage uumiyihiisa laga dhex dhaadto, waxaan ka magangeleynaa sharka iyo sheydaanka nafteenna ku lammaanan, falalka aan qumanayn iyo inay innaga dhacaan arrimo goddo'aya sharciga daahirka ah – kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulkiisii (SCW).


Qofkii uu Eebe hanuuniya, habow iyo heehaab kala baqoole, kiise silic iyo saxariir ka doonna sarreeye Ilaah ee siraadka toosan aan raacin, diidanna inuu hannaanka noloshiisa iyo habdhaqankiisa ka qaato Qur’aanka cadiimka ah iyo Sunnada Rasuulkii caddaaladda Maxamed (SCW), Rabbina u qoro habow iyo heehaab, qofka sidaa ah hanuun iyo hooraarsan kala tage, ba’ iyo hoog buuna hirgeli, adduunka waa u jahwareer; aakhirana jeebado iyo jahannama.


Waxaan qirayaa in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla mooyee, Ilaah keliya oo ayan cidna wax la wadaagin, waxaan qirina in Maxamed yahay addoon iyo rasuul Ilaahay soo diray, nabad iyo naxariis Ilaah dushiisa ha ahaato nebigeennii, ehelkiisii asxaabtiisii, iyo cid kastoo xaqa ku raacday (aamiin).


Qormooyinka taxanaha ah ee Hal-abuukii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman ee aan ku soo daabaco mereegtan ama degelkan  Maskaxmaal.com oo aan todobaadkiiba hal-mar idiinku soo gudbin jiray oo aad ka dheehan jirteen suugaan badan oo dhinacyo kala duwan taabanaysa, ayaan  toddobaadyadii u dambeeyey idiin soo tebin  waxyaalo xagayga ila soo gudbanaaday awgood. Idimka Eebe waxaan sidii hore idiinku soo gudbin doonaa todobaadki hal mar saad iga barateen.


Dhudka Golnuugsiga Qormada


Qormadan oo noqon doonta qormadii 16aad  ee qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman waxaan ku oo qaadan doonaa Maansooyin dhaxalgala oo ay hal-abuurada sebenkani bulshada u meereen. Waana suugaan xula taas oo bulshada ku baraarujinaysa in waxbarasho iyo heer cilmi kor loo qaado.



Waa Maxay Cilimi(Aqoon)


""Aqoon baa cilmiga kaa sandahan, loogu sahanshaaye
""Caqligaa wixii sogordoh galo, lagu sar gooyaaye
""Ishu waa macallin saaxiyiyo, suurad iyo kayde..(Abwaan Sakariye Saxardiid Axmed)

Aqoon baa cilmiga kaa sandahan, loogu sahanshaaye, Haa waa run, Mar kasta oo la damco in la higsado hormar waxaa haboon in la isla qiro wadada kaliya    ee lagu gaari karo hormarka loo hamuunka qabo in ay tahay waxbarasho oo kaliya , runtii faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah  ma ahan  mid lagu soo koobi karo maqaal iyo wax la mid ah , sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay hormar dhinac maskaxda ah oo ah runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo. Dhammaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo asaas u ah hormarka maskaxda oo hadii la waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun hormar ah.

Waa saase, intaan idiinku jalbeebin tixaha cuddoon ee ku saabsan dheefta aqoontu leedahay iyo sida ay bulshada horumarkeeda uga qayb qaadato, bal aan idiin meero qeexido iyo manqax ku saabsan cilmigu wuxuu yahay.

Cilmigu waa yaqiin-kasbasho, ogaansho ama garasho qof  ama walax, sida dhabo(xaqiiqooyin), xog, qeexido ama xeelado, kaaso lagu helay hab waayo-aragnimo ama hab waxbarasho haday tahay dheegasho, daahfurid, ama barasho.(Maanmaal)

Cilmigu waa waxii aad xog ka heshay iyo waxa aad garatay ee aad ku hantay waxbarasho ama waayo aragnimo.


Cilmiga waxaa kaloo lagu tibaaxaa inuu yahay garashada(aqoonsashada) maado  loo yaqiinsaday si dhaba taasoo waxay gasho iyo waxay gudo lagu kasbaday hab aragtiyeed ama hab falgal gacaneed ah, waxayna noqon karaan aragtida laga haystiyo la falgal gacameedkaasi mid ka timi gudashooyinka, xirfadaha, xeeladaha iyo waayo-aragnimada Aadanuhu maalinba ayaanta ka dambaysa helayo.


Aqoontu waxay ku godlataa oo lagu helaa saddex qaab:

  • 1 – Aqoon guud oo la isla gartay oo la wadaago, taaso ah mid laga barto dugsiyada waxbarasho. Aqoontani waa mid hawliyo dadaal badan lagu leho. Aqoonta habkan ku godlata, dheefteeda waxaa hanta oo dhaxla dadka ay  soomaalidu ugu yeerto dhagmaalka ee baruhu quudiyo, waxaa kaloo dadkan la yiraa Qalinleef. Ereygan qalinleef ee qoladan loogu yeero waxaan ku tusmayn karnaa labadan meeris oo aan ka soo goldooxay gabay uu lahaa Murtimeere Cali Mooge Geeddi. Wuxuuna yiri:

**Qalin-jabay ishaan qaban karayn dhegina waa qaaqe
**Qalin-leef hadduu maro,  hadhow qalin-ful weeyaane

Isha aqoontani ka imanayso ee dadka habaysa kana biinaysa jeelka, haraadka iyo harjadka jahligu baday waa isha eebe inoo darbay ee iska gaaxsane  ee aan inaga gaagixin, waana isha loogu yeero maskaxdii dunida, waana maskaxda sida shamac ubaxaysa ee kaaha weyn ee uu leeyahay Ina Aadane(Macalinka). Waana taan idhi:

**Maskax looshan oo
**Milgiyo maamusloo
**Manfaciyo hindise keenta
**Macalin maahirraa leh

  • 2 – Aqoon gaara oo ka soo maaxata awoodaha iyo taagta xirfadeed ee ku duugan abuurka jir ahaaneed ee qofka.  Waxay aqoontani ahaan kartaa mid ku qaadhan oo ku lammaan abuurka aadanaha, sida xubnaha jirka hadday tahay gacmaha ama lugaha. Tusaale ahaan; inaad noqotid kabo-tole, darawal, makaanik, nijaar, harqaanle, iwm. Aqoontani oo mid hawl lagu kasbado ah ayaa ah mid ay leeyihiin dadka la yeero muruqmaal.
  • 3 – Aqoon gaara oo ku timaada tuujinta maanka. Aqoontani waa mid ku timaadda hibo dheerada oo eebe siiyo qofka. Waa mid qofku maskaxdiisa maalayo si uu u halabuuro waxaan horaba loo aqoonin oo laga ahaa agafaar. Dadka aqoontan leh waa kuwa loogu yeero maskaxmaalada(thinkers) sida saynisyahanada, murtimeer-yahanada, abwaaniinta, qaryaaniinta, culimada iwm.

Ruuxu wuxuu aqoonta ku helaya saddexdaas hab, haseyeeshe waxaa laga rabaa qofku inuu dadaalo oo uu amin badan u huro si uu hanto aqoon kor u qaada tayada naftiisa iyo ta bulshadiisa. Dhibadeed bay dheefi timaadaaye, waa inuu u dhibtooda una tooghayaa qofka ardayga ah. Abwaan Cadceed Cadeysay  maruu bulshada ku baraarujinayey inay waxbartaan ayuu tixdiisi la magacbaxday Arday Noqo watuu laha:


♤ Oday sii gaboobiyo dhalaan, ababintii jooga 

♤ Arbiciin kolkii aad tahay amase, Eytiinka
♤ Da' kastay ahaataba cilmiga, waa la ururshaaye 


♤ Udgoonow rasuulkiyo siday diintu odhanayso 

♤ Iglan iyo ilaa shiinaha laga Ilbaadshaaye
♤ Orod iyo guclaa lagu helaa lagu adkaystaaye 
♤ Waa la ijtihaadaa hurdada kuugu iman waaye 

Aqoonta Maxaa Loo Bartaa Oo Ay Dheef Leedahay?

Barashada Cilmigu waa mid ku waajib ah in qof kasta oo muslim ahi barto (Rag iyo dumar). Waana mid diinteenu ina farayso. Waxaynu arrinkaa garan kartaa in Eebe uu  rasuulkeeni(NNKH) uu faray inuu ku jalbeebto "Rabbigayow ii kordhii Cilmi".

Cilmigu waa mid qofka u noqda ileys uu wax ku arko, Eebena uga ma deeqo qof aanu raali ka ahayn. Cilmigoo la bartaa waa midaa kuu sahlaya inaad qaadid marinka jannada loo maro. Nebigeeni udgoonaa(NNKH) waxaa laga soo wariyey inuu yiri: "Ruuxii doorta ama mara dariiq uu cilmi ku raadinayo, Ilaahay waxa uu u sahlaa dariiqa Jannada".

Agafaarnimadu(Jahliguna) waa midka kugu hagaya wadiiqooyinka yaryar ee toos kugu ridaya wadad weyn mugdiga iyo mahlakada ah ee jabiyo halaaga leh taasoo ah midda say kuu sii wado dambeetada kugu ridaysa naaraha ba'an ee Jahanama iyo  jaxiimada.

Arinta ugu wayn ee waxbarashada laga dhaxli karo ayaa ah sida aan tibaaxay, waana horumar dhinaca maskaxda ah oo ah furaha ileyska ee nolosha. qofku wuxuu nolol maamuus iyo karaamo ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo. Sidoo kale dal wuxuu koraa oo uu hormari karaa, waa marka ay jiraan bulsho dhaqan iyo dun ahaan u suuban oo hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay hidin karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen, waana taas sababta kaliya ee uu geyigeena soomaliyeed uga bixi la’yahay burburka una noqday guri ba'ay 25 gu.

Dheefta weyn ee cilmigu leeyahay ee Aadanuhu ka dhaxlo markuu barto, haddaan dhanka suugaanta aan mar kale ku tibaaxo waxa ila quman inaan soo qaato dhawr meerisoo cuddoon oo ku jiray tix la magac baxday Caqliga Kaasho oo uu tiriyey hal-abuur la yiraaho Abdiraxmaan Xiiray. Meerisyadan laaxiboon wuxuu Abwaan Xiiray bulshada ugu meeray murti dhaxalgala, wuxuu Abwaanku bulshada soomaaliyeed ee jahligu xangabiyey, ku baraarujinayaa inay waxbartaan oo ay aqoontu waxay farayso ku dhaqmaan si ay uga baxaan dhibta ay ku jiraan. Sida ka muuqata ibo-furka ararta ayuu meeriska ugu horeeya ee tixda inoogu qeexaya wuxu yahay cilmiga, intaa ka dibna haddana wuxuu u dhaadhacaya dhudka golnuugsiga ararta isagoo si laaxiboon heego ugu maraya waxa ay ka dheefeen dadyowga aqoonta kasbaday dabadeedna raacay oo fuliyey waxay aqoontu fartay. Abwaan xiiray wuxuuna yiri:

**Cilmigaa adduunyada kaboo, lagu kifaaxaaye
**Kaah madowga lagu suuliyoo, weeye kaafiya’e
**Rag inay kor fuulaan dayaxa, sheegtay kanigooda

**Raga kaligood qoondaystay ee, gobal yar kuu reebin
**Ee inay kor uga sii socdaan, raba karaankooda
**Iyo sida kaluun kuwa baddaha, kor iyo hoos maaxa

**Cilmiga markay korodhsadeen, kaartadaa baraye
**Duulkaan aqoon kobocsan, baa kaalintood gabaye
**Kufitaan ma waayaan hadday, kubabka qaadaane

**Kob cagaarle reer kuma furaan, kamana baaqaane
**Kala durugsan xeel iyo kartiba, labadan kooxoode
**Kuwaa yaydun keefiyad la noqon, boodhka kuududa’e

Aqoon xumo abbaar ka darane, Aqoondaridu, agafaarnimada(jahliga) ayaa ah alhuumiyo cadowga ugu wayn ee qofka baraysan kara inta uu noolyahay. Jahligu wuxuu qofka u jeebbeeya markasta in uu ka maankiisa maalo oo uu ka fakaro siduu dantiisa iyo ta umaddiisa uu toobiyaha quman ugu hagi lahaa, sidoo kale  aqoon la’aantu  waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee xal loo keeni karo loona noolaan karo, aqoon daraadaasina waa ta Soomaali haysata ee ay marba isu goominayaan guhaadana ugu wacan. Hal-abuurada soomaaliyeed siiba kuwa gabyaayada ah oo runtii ah kuwa ugu ildheer bulshada waxay ku tibaaxeen dhibta soomaali ku baraahsatay inay ka timi aqoon daro hadday tahay mid aqoon diiniya ama mid dunawiyaba (Saynis iyo dhaqanba). Haddaan soo qaato meerisyo inoo manqaxaya in dhibta soomaali haysata ay tahay xaga aqoonta waxaa ila foolaadsan inaan idiinku jalbeebo meerisyadan cuddoon ee aan ka soo goldooxay tix uu tiriyey Abwaan Cadceed Cadeysey wuxuuna yiri:

*Islaam weeye soomaaliduba wadar Ahaanteede 
**Hayeeshee waxay aamineen eyo dooralehe 
**Amarkoodu wuxuu hoos tubmay, igad la sheegaaye 

**Kii loo amaamudo xilkee, aamin loo tiriyo
**Afarqaadka jaantuu tagaa, meel Agtooda ahe 
**Sidii igadh maqaar loo dhigay, gaal u ololaane 

**Shacabkiina waa kala irdhow, eega maanta ahe 
**Isumay ugaan baarqabada, idanka Haystaaye 
**Iyagaaba kala orodayoo, Kala Ahaysiine 

**Adkaartiyo hadday garanayaan, aayadaha diinta 
**Ama ay shareecada ogyiin, axay ku oogayso 
**Galbeed abasax uma ay Noqdeen, uurka gaaladuye 

**Idhankeenu diintuu ahaa, inaan adeecnaaye 
**Albaqriyo watiinbuu ahaa, inaynu oognaaye
**Amlaydaan wataan gaaladiyo, ubadka soo raacay 

**Oofaha intaan lagu jarin lagu unuun goynin 
**Ama aysan Aakhiro cadaab noqon abaalkaaga 
**Waa inaad ixsaankiyo sharciga, ku ismanaataaye 
**Waa inaad aqoon maadiyiyo diinta ulataaye
**Arday noqo markaasaad ahaan, ruux ammaan mudane 

Markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo  aqoon la;aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu jirin, sida in lagu xiiqo wax aan la dhaadsanayn.

Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu door roon ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah . Qof kasta oo aqoon leh  waxuu sameen karaa fakar uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidatouu ku tiirsanyahay marwalba  fakarka ama aragtida dadka kale. Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed.

Qofku aqoonta ugu weyn ee ka koryeelaysa kurbada iyo kadeedka noloshan gaaban iyo nolosha dambee lagu waarayo, waxa weeye aqoonta diinta ee alle inoogu soo dhiibay Rasuulkeeni suubanaa(NNKH). Markuu qofku  barato oo ku dhaqanto aqoonta diinteena dahabka ahi inoogu meeran, wuxuu dareemaya raaxo iyo negaashan sugan. Aqoonta diinteena muslimka ah ku duugan waa mid nafta, maalka, deegaanka iyo wax kasta oo dunidan eebe ku abuuray korinaysa. Maadiguna waa aqoon kabitaanna waana mid door roon, wixii aqoon maadiya laga soo dhalaaliyana waxay ka isiran yihiin oo ka yimaadeen sunada iyo kutubka Eebe ee quraanka oo aan waxba ka maqnayn. Waa kan Abwaan Xiiray oo inagu jalbeebaya mar kale aqoontu dheeftay leedahay iyo say nolosha u kaabto. Wuxuuna yiri

**Dadkeygow caqliga kaasho, oo kori aqoontaada
**Jiiddo iyo dhacan bays koryaal, kadinka xoolaa’e
**Labadooda kaalmood mid baa, dhowrta oo kaafida’e
**Midna feejigaa loogu kabay, lagana kaaftoonye

**Kala mudan aqoontuna kolkaad, kaasho leedahaye
**Markay noloshu karah aawadii, kuu dhadhami waydo
**Ee kulayl qalbiga kaaga jira, madaxu kuu kaaro 

**Kurbo cudurna shaybaadh, wuxu sheego kugu waayo
**Kitaabka alle goortaad akhrido, iyo kalaamkiisa
**Naxariis ku koobtiyo raxmaad, kaamil noqotaaye 

**Noloshiyo cilmiga waa ka kow, diintu kaligeede
**Maadada kalee lagu kabaa, korodhsi weeyaane
**Idinkoo sidaa ugu kalsoon, boqorka kaalmaysta

Aqoonta weeye ta shida uu ka yimaado iftiinka nolosha. Haayoo waa aqoonta. Dhabtiina waxaa kuu cadaynaysa labada qof ee mid yahay mid agafaara halka ka kalena yahay aqoonyahan milgo leh, inay kala yihiin labo ruux oo dadnimiyo, tamariyo kala tayasiimo duwan.

Aayado quraanka ka mida iyo axaadiis badan ayaa tibaaxaya qiimiyo iyo dheefta uu u leeyahay qofka iyo bulshadaba kasbata. Taasina waxay inoo daahfuraysa qofka Cilmiga bartey inuu ka qiimo badan yahay qofka aan waxba baran ee agafaarka ah

Allaah kor ahaaye wuxuu aayad Quraan ah ku yidhi Nabi Muxamedow ku dheh: (( Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoonin, waxa ku waansama uun kuwa garaadka u saaxiibka ah)).Zumar/9.

Xaga sunnadana haddaan ka eegno waxay ka tibaaxday Axaadiista ka hadlaysa door-roonta ay leedahay barashada Cilmiga waxa ka mid ah, Nabigeena Muxammed(NNKH) inuu yiri: "Barashada cilmigu waa ku waajib Qof kasta oo muslim ah- Rag iyo dumarba".


Haddaan dhanka suugaanta idiinku tusmeeyo, dhawr tuduc oo si laaxiboon inaguu tibaaxaya inay kala qiimo mudan yihiin qofka aqoonta leh iyo midka ka ardan, bal aan soo qaato  meerisyo aan ka soo goldooxay tix la yiraaho kala mudan oo uu tiriyey Abwaan la yiraaho Jaamac Cali Xirsi Murtisame. Wuxuuna yiri:

**Kala mudan qofkii muuminiyo kii munaafaqa e
**Kala mudan kufriga moogan Iyo caalin mehershaaye
**Kala mudan muftiga diinta Iyo gaalka maanacaye
**Kala mudan miskiin badawa, iyo macalin taariikhe.

Dheegtayaal qormadeeni maanta oo ahayd tii 16aad ee qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman, intaas bay inoogu joogaysa, hadduu Eebe idmo waa inoo iyo qormadan ta xigta iyo suugaan ku saabsan jacaylka iyo xodxodasha.

Tixraaca
1- Maanmaal Buureed Gurxan."Murti Iyo Maan-gaaxday". Xikmadmaal.blogspot.com. Kampala. Uganda
2- Maanmaal Buureed Gurxan (July 2014). "Waxaa waxbarashada loogu foogan yahay, waa furihii noloshe". http://maskaxmaal.com/waxaa-waxbarashada-loogu-foogan-yahay-furihi-nolosha-weeyaane-wq-maanmaal-buureed-gurxan/.
3- Sakariye Saxardiid Axmed. "Gabay Sahan Dhawr". https://xusuuso.wordpress.com/2014/10/30/xusuuso-wordpress-comgurigasahan-dhawr-gabay-mug-leh-iyo-gabyaaga-sakariye-awaare/
4- Cabdiraxmaan Xiiray. "Gabay Caqliga Kaasho". https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1544381439175672&id=100008114917984&refid=17&_ft_&__tn__=%2As

WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan



Naadiga: Qalinmaal

Copyright: Author Maanmaal Buureed Gurxan and Maskaxmaal.com

Saturday 7 March 2015

Aqoonta Xiddigiska-- Godka Lixaad Ee Dayaxa: Aggaalli-Cad(Sirius)--WQ: Maanmaal Buureed Gurxan


Aqoonta Xiddigiska Ee Soomaalida: Godan 6aad ( Aggaalli Cad)

Ibo-Fur Qormada


  • Faaliye sidaan ahay adduun, waan ku foognahaye
  • Faynuus iyo ilays baan sitaa, dibada fiirshaaye
  • Fiidkii maseexdee intaa waan, fekerayaaye
  • Falagga iyo xidigahan qoraa, fasalka jiilaale
  • Farsamada ilaah baan intaa, saw fajacayaaye
  • Fahan buu aduun kaa rabaa, lagaga faaiidye
  • Farshaxamada cirkiyo dhulkaan, fiiriyaa abide
  • Fasaaxaadka samadaan arkaa, shay ka fara dheere
  • Fadaagiyo cirjiidhaha intaa waan, la faqayaaye
  • Intaan aaamus faydnahay malaha, waad fatahaysaane
  • Anse farax ma dooonee wax baan, faaqidaa weliye
  • Fasax iyo diraasaba intaa waan, la fooraraye
  • Fariimaha ilaahay qoraan, faais ku ahaye
  • Fasiraaada aan sheegayaa, maaha shay fudud!...(Hal-abuur Muxame Cabdicasiis Bootaan)

Soomaalida oo ah bulsho aad u fac weyn ayaa waxay yihiin bulsho Eebe ku galaday cilmiga xiddigis-aqooneedka. Soomaalida siiba kuwa ku dhaqan miyiga ayaa waxay yihiin kuwo aad u kala yaqaana xiddigaha. Bulshadan miyiga ku dhaqan ayaa ah kuwo reer-guuraya oo geedi socodka waayuhu ku jirabay waxyaalo badan inay ka fakaraan. Waayuhu wuxuu reerguuraaga ku ijbaaray inay si guro-fog ugu fiirsadaan una maamiyaan say noloshooda saamayn ugu leeyihiin waxa kastoo guudkooda iyo guntoodaba Eebe ku abuuray. Soomaalida reer guuraaga ahi si ay nolosha waayaheeda ula hardamaan waxay  adeegsan jireen xiddigaha inay ka sahmiyaan, kana dabqaataan kalguurka iyo guurguurkooda, si ay uga odorosaan timaadada suu xaal noqon doono.


Golnuugsiga Qormada

Cilmigan xiddigisku waa hooyada scienceka, waxaana uu u baahan yahay in si dhaba loogu cafaaragsado sidii loo uruurin lahaa aqoonta baahsan ay soomaalida reer-guuraaga ahi ka hayso. Aqoonta xiddigisku waa mid kakan, haseyeeshe waxay u baahantahay guluf badan oo loo galo. Sideedana  Aqoontu hardan iyo halgan laxaad leh bay u baahan tahay si uu u kasbado ruuxa goobaya. Gabyaa aan gabayadii jeclahay oo ka midda halabuurada sebenka bulshada u maansooda ayaa mar uu bulshada ku baraarujinayey inay waxbartaan ayuu yiri:

♤ Oday sii gaboobiyo dhalaan, ababintii jooga
♤ Arbiciin kolkii aad tahay, amase eytiinka
♤ Da' kastay ahaataba cilmiga, waa la ururshaaye


♤ Udgoonow rasuulkiyo siday, diintu odhanayso

♤ Iglan iyo ila shiinaha, laga ilbaadshaaye
♤ Orod iyo guclaa lagu helaa, lagu adkaystaaye
♤ Waa la ijtihaadaa hurdada, kuugu iman waaye(Hal-abuur Cadceed Caddeysey)

Waxaan guyaal badan isku dayey inaan barto cilmigan xiddigiska siiba midka ku duugan dhaqan soomaaliga, idimka Eebe markaan ka bartay waxaan saa u sii buurnayn oo iniqa yara, ayaa waxaa igu abuurmay hamiyo dareen xoogan, kuwaas oo naftayda galiyey inaan jaclaado barashada cilmigan. Waxse dhab iigu sii liqaaray inaan ka hadhi waayo oo aan ku jirabbanaado sidaan dharaarba ayaanta ka dambaysa u sii kororsan lahaa, waxay ahayd markaan dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ka qalin jabiyey ee aan isla dugsigaas ka noqday barre ka dhiga maaddada Physicska. Wax badan oo aan odayaal reer guuraaya ka gurubsaday iyo aqoonyahano aanu isku degel joognay, aqoontaan ka kasday waxay keentay in aan u sii talaabo afafkii kale waxay ka qoreen inaan dhugto bal  si aan wax uga sii ogaado, taasina waxay dhashay in aan ku cargeegtamo inaan iswaafajiyo aqoontan afkayga ku qoran iyo ta afafka kale ku qoran siiba ingiliishku wuxuu ka sugay. Dadaalaa xaaji cabaas waa gaadhaaye, waxaan la dabandeebaba kolba aan la dhafaroba waxaa ii suurta gashay in iriddo badan ay ii furmaan. Waxaan ogaaday aqoonta xiddigiska ee soomaalidu wax badan ka taqaano, soomaalidu inay kaga horaysay wax badana ay ka ogaal rooneyd dadyowga kale intay ka yaqaaneen, waa xiliyadii casrul jaahiliga ahaa e.

Waxaa la yaab leh Soomaalida reer-guuraaga oo ah dad aan haysan agab horumarsan oo loo adeegsado in cimilada lagu sahmayo ama in wax lagaga ogaado isbedelka ku dhaca meerayasha iyo xiddigaha guudkeedna sare meeraya siday saameyn ugu yeelan karaan nolosha ka jirta meerahakan aynu ku noolnahaay, ayey haddana waxay yihiin dad aad u kala yaqaana oo kalguurka xiddigaha ku dhacay ka sahmiya isbedelkoodu saamaynt uu ku yeelan karoo cimilada meerahay ku nool yihiin ee dhulka(Earth).

Aqoonta ay reer-guuraga Soomaaliyeed u leeyihiin xiddigaha waa mid aan qornayn balse waxay aqoontaasi ku qoran tahay
1- Maskaxaha Xidaarada ku dhaqan miyiga iyo
2- Af soomaaliga sii afka qaybtiisa ah hawraartanka.

Qaryaannada idimka Eebe waayuhu baray aqoonta xiddigiska maalinba maalinta ka dambaysa sebenkan, waa kuwo sii yaraanaya oo godgalaya. Bal xaga Afka marka la yiraaho waxaa in badan oo  aqoontan ka mida laga helaya afka soomaaliga siiba qaybtiisa hawraartanka, hadday tahay soobaanta ama suugaanta, sida sheekooyin dhaqameedka, halxiraalayaasha, maansada iwm.

Inkastoo afka soomaaliga iyo haday tahay xidaaro ku dhex nool laga heli karayo aqoontan xiddigiska, waxaa dhib iyo jirab badan laga kulmayaa in loo roggo afafka shisheeye si bal la isu barbar  dhigo  aqoonta xiddigiska soomaalidu leedahay iyo ta ay dadyowga kale kasbadeen. Waxaa isweydiin mudan maxaa dheef ku jirta in aqoonta soomaali xiddigiska lagu tibaaxo afafka shisheeye sida Carabiga ama Englishka? Waa weydiin mudan in laysku jalbeebo, Aan kuu sheegee aqoontan ay hayaan dadkeenan reer-guuraga ah marka loo roggo afka Englishka iyadoo lala kaashanayo dadyow yaqaana cilmigan oi soomaali ah, waxaa suurta galaya :
1-  Aqoonta xiddigiska ee la jaanqaaday casriga ee horumartay ee wax  badana laga ogaaday, ee ku qoran afafka shisheeye in ay jiilalka dembe ee soomaaliyeed afkooda loogu tebiyo, waxna ku bartaan.
2- Aqoonta Xiddigiska oo ah hooyada Aqoonta Scienceka, waxaa hubaala haddii labada af laysku turjumo  in ay dadkeenu ku baranayaan ta inglishka afkooda hooyo waa af soomaalige, taasoo keenaysa inay si guro-fog ufahmaan  cilmiga scienceka.

Waa marag-ma-doonto inay dhib badan ay  kala kulmayaan maddina ay ku noqonayaan cidda u harareenta aqoonta xiddigiska ee faraha badan ee ay soomaalidu hayso inay cilmigeeda u rogaan kuna seemmaan afafka shisheeye.

waxba yaan ararta qormada ku sii taraarixine Idimka Eebe waxaan qormadan ku soo qaadan doona oo aan intii itaalkayga ah idiinku soo gudbin doonaa aqoonta xiddigiska ee soomaalidu waxay ka tiri una taqaan xiddigta afka ingiriiska lagu yiraaho(sirius) carabigana lagu yiraaho(shi'ciraa). Waxaan ugu hogbaday inaan xiddigtan si gaara inaan cilmi baadhis ugu sameeyo bulshadayda soomaaliyeedna ugu faa'iideeyo waxay ahayd su'aal uu soo dhex dhigay Abwaan Cali Illeeye degel la yiraaho Madasha Af-Soomaaliga oo ah gole  ku yaal facebookga kaas ah mid kulmiya buuniyo af soomaaliga iyo dhaqanka iyo cilmiyo kaleba in badan Eebe ka garansiiyey. Weydiintu Abwaan Cali Illeeye ku soo shabaaxay gollaha waxay u dhignayd sidatan "Raggii Cilmiga falaga iyo xidigiska yaqaanay meeyay?
Xidigtan caanka ah maxaa ay soomaalidu u taqaanay talow
Sirius Star.....? Su'aashani waxay ahayd mid kakan oo cilmi baadhis u baahatay, anse wixii karaankay ah balaan ku jalbeebo iyadoon si waafiya aann u manqaxay Abwaan Cali Illeeye iyo dhammaan bulshada soomaaliyeed intii ka agafaarsan. Ka bogasho wacan.

Waa Tuma Xiddigta Sirius(Aggaali Caannood)
Aggaali-cad(Sirius) waa xiddigta ugu iftiinka weyn xiddigaha habeenkii dusheena ka bilig-biligleeya ee iyagoo koox-kooxo ah hadba dhan u kala gooshaya cirka. Xiddigtani waa mid iftiin kaaheed keedu uu yahay midka ugu kaahid badan inta xiddigo eebe dusheena sudhay. Xagga araga waxaa laxaad muuqeeda dhammaystirani lagu qiyaasaa inuu yahay −1.46, waxayna laban laab xaga kaaha iftiinka ay ka weyn tahay xiddigta la yiraaho Xoor-rey(Canopus), xiddigtanina waa midda xaga kaahfal cadaannaanta ku soo xiddigta Aggaali-cad(Sirius).

Inkastoo xiddigtani tahay mid iftiinkeedu aad u badan yahay, haddana maaha mid ka nuur badan sida Dayaxa, ama Cirjiidha (Jupiter), sidoo kale meerayaasha kala ah Mercury(Dusaa) iyo  Mars(Faraare/Mariikh) waa kuwo ka iftiin badan xiddigta aggaali-caannood.

Magaca ugu caansan ee si guud loogu yaqiinsaday ee  loo asteeyey in loogu yeero xiddigtan, wuxuu ka yimi erey Laatin oo la yiraaho Sīrius, wuxuuna  ka soo foofay Greekgii hore, kaasoo afka giriiga loo qoro sidatan "Σείριος". Haddii ereygan lagu tibaaxo afka ingiriiska wuxuu macnihiisu noqonaya ( "glowing" or "scorcher"), af soomaalina macnahoodu yahay:


  • Glowing: . Iftiinal ama nuur.
  •                    Waa casaad ama gaduudad.
  •                    Midab diiran ama furan.


Scorcher:

  • Maalin aad u kulul
  • Tuuro xooga siiba kubbada 


Inkastoo Greekgii hore ereygan laftiisa ay ka soo qaateen meel kale oo waayo  hore la adeegsan jiray, halka qoraal kale tibaaxayo in ereygani ka yimi lana xiriiro masaaridu sanam ay illaahay u caabudi jireen oo ay ula baxeen Osiris.

Dhanka dhaqamada kale ee dunida, Waxaa jira dhaqmo kala duwan oo badan kuwaas sooyaalkoodu si gaara u tibaaxayo door-roonaanta ay u leedahay xiddigta la yiraaho Sirius, gaar ahaanna inay la xiriirto caabudid iyo waxyaalo kale sida eyaha ay dhaqdaan.

Xiddigtan la yiraaho Aggaalli Caannood(sirius) waxa ay inta badan lagu magacdhaba oo loogu yeeraa "Xiddig ey". Maadaama ay xiddigtani tahay midda ugu iftiin butaac badan  bahda malluugeedka la yiraaho Goosha Haaweyda (Canis Major), ayaa iyada si gaara waxaa loogu magacdhabaa Eygii-Weynaa "Great Dog" ee malluugga.

Waxay xiddigtani si aan mutulin lahayn ugu muuqan jirtay sida xiddiga la yiraaho  Aggaali-cas ama loogu yeero Ey-Nin-la-gigay  (Orion's dog).

Aqoonta Xiddigiska Soomaaliyeed Maxay Ka Tiri Xiddigta Aggaalli-Cad

""Dul-baxreen wuxuu yiri
""Xiddigaha dushaada iyo
""Kala baro dabaylaha
""Yaan dariiqu ka lumine!!(Abwaan Singub)...

Soomaalida oo ah dad aqoon waafiya u leh aqoonta xiddigiska(astronomy), ayaa waxay intooda karaankooda ah ka tilmaameen xiddigta afka shisheeye loogu yeero(Sirius).

Aan idiinku jalbeebe, 28ka god ee dayaxu maro ayey xiddigtan la yiraaho(Sirius) waxay dhacdaa godka lixaad. Waxaa xiddigtan soomaalidu u taqaana uguna yeerta dhawr magac kuwaas oo kala ah,

  • 1- Aggaalli-cad
  • 2- Aggaalli-caannood
  • 3- Aggaalli-guduud iyo
  • 4- Saca-ka-dambeedyo


Sidda ka muuqata magacyada soomaalidu u taqaanay, waxayna ka aragnaa magacyo iyo tilmaamooyin is huwan kuwaas oo kala ah midabyo sida, Guduud(Red), Cad(White) iyo Caanno(Milk) oo ah midab cad (White), iyo magac tilmaan sheegaya ah koox sida saco-ka-dambeedyo. Xaga middabyada soomaalidu u taqaanay xiddigtaas inay dhab yihiin waxaa ka marag kacaya aqoonyahanada adduunka ee kala takan ee si xeeldheer u yaqaana aqoonta xiddigiska. Bal aan soo qaato tusaale marag-fur irmaan ah;

Muddo laga joogay 150 gu AD, ayaa xidaar reer Greek ah oo noola waayihii Romankii Claudius Ptolemy wuxuu mar ku tibaaxay in  xiddigtan Sirius midabkeedu yahay mid guduud-balayax balayax ah, sidoo kale wuxuu kale oo sheegay in midabkaas iyo mid huruud-sibaaqeedka ay leeyihiin shan xiddigood oo kale, kuwaas oo kala ah Aggaalli-waranley(Betelgeuse), Lib-cas(Antares), Aldebaran(Galgaal/cadaad), Dirir(Arcturus) iyo Foocaar(Pollux). Dhankan midabyada ee ah noocyadan isu dhaw, waxay ka marag kacayaan, magacyada soomaalidu u taqaanay xiddigahaas inay is waafaqayaan, oo aanayn is burinaynin, taasina waxay heego u maraysaa  inay soomaalidu ahayd dad ilbax ah oo aqoonta xiddigiska aqoon badan Eebe ka baray.


Soomaalidu Xaga Ka Mooraynteeda Maxay Ka Sheegeen?


Soomaalidu say aamisanaayeen habeenka dayaxu godanka lixaad mirayo, waxay odhan jireen, "qoska habeenka aggaalli-caannod dayaxu la maddaaxayo, waxaa uu noqonayaa mid ayaan badan oo barwaaqooba, wiilka dhasha wuxuu noqon doonnaa mid maalqabeena oo geel badan yeesha, xooluhuna way u tarmaan oo hoodhka saboolnimadu marna isma arkaan.

Xagga ka mooraynta burjiga xiddigtan Aggaalli-caannood(Sirius) waa xiddigga saddexaad ee Habar Naaf, waana labo xiddigood oo cadcad oo kuwa la
Ammaano ka mid ah. Qofka dhasha naaska hooyadii laguma anqariyo ee caanaha geela ayaa lagu anqariyaa. Xilliga xiddiggu soo baxo waa marka sumalka edegga laga soo saaro. Caadooyin badan baa xiddigan loo adeegsadaa. Waakii oday hore lahaa : “billoo ugubkuba, Afagaalliyo, Agaalli orgoo, oo Isniin curay”. Wuxuu soo baxaa hillaada miilaadigu markay tahay 22/06 ilaa 4/07.

Saamayn Ma Ku Yeeshaan Xiddigaha Kale Xiddigtan Guulguulkeeda
Haa, waa ku yeeshaan, say yiraahaan qolyaha ku xeel dheer ka mooraynta kalguurka iyo isu guulguulka xiddigaha waxaa dhacda mararka qaar rajaddii laga filanayey inay qaarto oo ay isu rogto dhanka madhanta ah. Tusaale suugaanna haddaan soo qaato waxaa in roon wax inooga bidhaaminaya tusaalahakan irmaan.

Tix halxiraale ah oo la magac baxday  Culuum oo uu tiriyey Hal-abuur Ismacil Cali Boobe ayaa waxaa ku jiray su'aal ku saabsan ka mooraynta xiddigaha markay guulguulaan. Waxaa tixdaas heego umaray oo furay labo halabuur. Anigoon hadaba soo wada qaadanayn waxaa ila foolaadsan in aan ka soo qaato dhawr meeris oo mid ka midda ka hadalayo cidhiidhi galka burjiga aggaali cadda, waxayna meerisyadani  ku jireen tix la magac baxday Cooshash Faaruqa oo uu tiriyey Xidaar Abwaan Xasan Bulxan. Wuxuuna yiri:-

★Naaf madoobe marku cayn jaroo, Dirirki caal waayay
★Jid dhiriqlana cillaalmoo arlada, Cayshki ka idlaaday
★Agaalli-cad inay curato waa, Loo calaamadaye
★Afqayskii codkiisiyo fahmada, Lala cajiibaayey


★Inuu xoorku cayrsado waqtigaa, Caawiyoo sidaye

★Cayn warreega falaggii ku dhacay, Caabuqiyo yaabka
★Aakhir sabanka caadidiisi iyo, Waa ciriiriga-e
★Caqli taliya waagii la helo waa, Cawiyo khayre..!!

"Alle waa rabiga xidigta Shicraa(  ( وَأَنَّهُ هُوَ رَبُّ الشِّعْرَى )  )
Xaga diinta islaamka xiddigtani waxay ku taala aayadda 49 ee suurada Najm(xidig). Xaga tibaaxida sababta aayaddan loogu xusay, saan ka soo xigtay tafsiirka quraanka Shiikh. Dirir wuxuu ku tibaaxay
In ay Xiddigtani ka mid ahayd mid carabtii hore ay caabudi jireen. Sida sooyaalka diinta Islaamka ku sugan, waxaa la yiri in qolada la odhan jiray reer khudaaca ay caabudi jirtay xiddigistaa la yiraaho Aggaali cad(shicra). Qoladatan reer khudaaca inay xiddigtan(Aggaali Caanood) caabudaan waxaa u sabab ahaa oo u aassaasay nin la odhan jiray Ibnu Abii Sarsar. Siddaa darteed markii Nebigeeni Suubannaa ee Muxamed(NNKH) diin cusub u la yimi, ayey carabtii Nebi Muxamed(NNKH) u bixiyeen uguna yeereen Ibnu Abii -Sarsar. Carabi inay Nebigeeni suubannaa(NNKH) ugu yeeraan amaba ku naanaysaan magacaas uu lahaa ninka la yiraaho Ibnu Abii Sarsar waxay uga gol lahaayeen in Nebi Muxamed(NNKH) uu u la yimi una keenay diin cusub sidii ninkii xiddig caabudka ahaa ee Ibnu Sarsar.


Tixraaca
1- Flammarion, Camille (August 1877). "The Companion of Sirius". The Astronomical Register 15 (176): 186–189.

2- Muuse. Galaal(July 1970). "Stars, Seasons, Weather In Somali Postoral Traditions. Mugdisho. Somalia

3- Benest, D.; Duvent, J. L.; Duvent (July 1995). "Is Sirius a triple star?". Astronomy and Astrophysics 299: 621–628.

4- Bonnet-Bidaud, J. M.; Pantin, E. (October 2008). "ADONIS high contrast infrared imaging of Sirius-B".

5- McCluskey, S. C. (January 1987). "The colour of Sirius in the sixth century". Nature 318 (325): 87.

6- Shiikh. Dirir. "Tafsiirka Quraanka". Hargeysa. Somalia

7- Maanmaal Buureed Gurxan(2014). "Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman, Hal-xiraalaha Suugaanta". Kampala. Uganda http://maskaxmaal.com/hal-abuurkii-soomaaliyeed-weli-ma-dhiman-qormadii-5aad-hal-xiraalaha-suugaanta-wq-hal-abuur-maanmaal-buureed-gurxan/



WQ: Maanmaal Buureed Gurxan
Xubin Kamida Naadiga Qalinmaal


Copright by: Maanmaal Buureed Gurxan And ww.Maskaxmaal.com