Tuesday 23 September 2014

MAQAL----DHIIRANAANTA WAA LAGU YAQAAN, DHAAL-WALAAQYADA-E

Dhaqanka Soomaaliyeed Waa Dhaqan Salka Ku Haya Diinta Oo Aanay Is Diidayn Shareecada Islaamku Siday Farayso. Haddii Aad Did Udhugato Cilmi Baadhis Baaxadlena Ku Samayso Dhaqankeenii Hore Umadda Soomaaliyeed Waxaad Ogaanaysa Dhaqanka Soomaaligu Inuu Yahay Mid Aad Wanaagsan Oo Aanay Is Khilaafayn Qawaanintiyo Hab Dhaqanka Wanaagsan Ee Diinta Islaamka.

Haddaba Qof Kasta oo Soomaali Ah Hadduu Dhaqankiisa Haysto Oo Aanu Ka Duflaalin Isagoo Oofinaya Siduu Alle Iyo Rasuulkiisu(SCW) Fareen, Waxaa Hubaal Ah In Ay Bulshada Soomaaliyeed Maanta Ay Horumari Lahayd Oo Aanay Ku Jirteen Dagaalo, Collaado Raaga, Abaaro, Cuduro Iwm. Soomaalidu Waxay Dhahdaa ; Dhaqan Xumo Waa Diin La'aan.

Waa Run Oo Ruuxii Dhaqan Xumi Waa Qof Diin Laawe Ah, Waayo Hadduu Dhaqan Soomalagi Fiicnaa Haysato Oo Suu Eebe Faray Raacayo Wuxuu Ruuxaasi Ahaan Lahaa Mid Diin Leh Oo Dhaqan Hagaagsan.

Bulsho Dhaqan Wanaagsan Hadday Qabsadaan Dad Dhaqan Xun, Waxay Bulshadaasi Noqotaa Mid Aan Ka Bixin Khilaaf Iyo Maandhaaf Dhexdeda Ka Dhashay, Ma Noqoto Mid Horumarta, Inta Badan Waxay Dadkeedu Noqdaan Kuwo Indhowgarada Oo Garabka Saaraya Oo Dooranaya Midka U Daran Ee Dhagraya Ee Kala Qaybqaybinaya Hantiyo Maalkoodana dhacaya, Halka Ay Ka Cararayaan Cadawna U Haystaan Kii Aaminka Ahaa Ee Dhaqanka Suubanaa.

Qawsaarka Ama Dhaal-walaaqyada Dhagraya Umada Ee Daliyo Duunyaba Baabinaya, Dhiiga Dadkana Darajada ku Helaya, Waxaa Dadka Ka Dhex Garanka Ashkhaas Yar Oo Indheergarada Kuwaasna Waxaa Ka Mida Culimada Diinta, Aqoonyahanka Cilmigu Biyo Dhigay, Gabyaaga Iyo Inta Waxgaradka Ah(Isimada).

Waxaan Si Gaara Maanta Qormadan Ugu Soo Qaadanayaa Tix Uu Tiriyey Gabyaa La Yiraaho Sadiiq Yaasiin. Abwaan Sadiiq Wuxuu Tixdan Inoogu Tibaaxaya Astaamaha Lagu Garan Karo Kuwa Aan Rag iyo Rabi Toona Aqoonin, Ee Tolka Soomaaliyeed(Gacaliy­o Xigaal) Dulmiyo Dhibka Ku Haya, Kuwaas Oo Ah Kuwo Aad Moodayso Daacad Aanse Ahayn Oo Ku Dhagraya.

Sida Ila Foollaadsan Tixda Waxaan U kala Qaadaya Saddex Qaybood Anigoo Qayb Kasta Meeriyadeeda Ka Horaysiinaya Sharax Kooban.

Abwaan Sadiiq Isagoo Araran Wuxuu Marka Hore Ka Bilaabaya Waxa Uu La Anfariirsan Yahay Taasoo Ah Sida Dhaqankii Haboonaa Ee Soomaaliyee U Baaba"ay Oo Ay Soo Baxeen Dhaqan Xun Oo Aafo Ku Ah Umada Soomaaliyeed Kuwaaso La Moodo Dad Wanaagsan Markaad Aragto Muuqooda Qurxoon Iyo Hadalkooda Macaan. Wuxuu Yiri:-

❁Waan dhabana haystaa beryahan, Dhaygag bay dilaye

❁Dheg ma maqal siday rag u dhaqmaan, Maaha dhalanteede

❁Niman aad dhalaalkiyo gadhkiyo, Dhumucda muuqooda

❁Dharkay xidhan yihiin iyo markaad, Dhererka qiimayso

❁Iyo hadalka aanl aga dhabayn, Dhihid wanaagooda

❁Loo qabo ikhyaar dhawrsan iyo, Shiikhyo lagu dhaato

❁Kana daran dhurwaa iyo dhuljiif, Dhawr ah baa jira-e

Inta Ka Dib Abwaanku Wuxuu u Dhaadhacaya Sifaha/Tilmaamaha Lagu Garan Karo In Uu Dhawr Ka Sheego. Abwaanku Wuxuu Inooga Tibix Siinaya In Ay Cadaw Yihiin Siiba Cadawga Ba'an Ee Dahsoon Ee Aan La Iska Garan Karin. Mar wuxuu Ku Tilmaamaya Inay Yihiin Rucdiyo Nuxuusyo Radeeban Iyo Masas Ku Cunaya Oo Dabino Kuu Dhigaya Haseyeeeshe Adigu aanad Garanaynin Oo Aad Dhaqaalaynayso Hiil iyo Hoo na U Harayso.

Marna Wuxuu Ku Sifeenaya Kuwa Dhuuni Qaatay Oo Meelaan Dhamamo Ku Jirin Wax Ka Dayaya. Marna Wuxu Ku Astaamaynayaa Kuwo Dhiiran, Oo Haddii Aadba Garato Oo Iska Jifayso inay Hadba Qolo Warmoog Ah Ay Meel Ka Helayaan Iyagoo Garab Ka Helaya, Wuxuuna Ku Soo Gunaanadaya Tixda In La Iska Ilaaliya Raga Dhaqanka Xun Isagoo Alle Ka Barayaya, Wuxuu Yiri:-

❁Mar haddaan dhugaagoo hubsaday, Dhagar badnaantooda.

❁Khatartooda lama dhawran karo, Dhoobo qaadka ahe

❁Sifohooda goortaan dhex galo, Dhaqan xumaantooda

❁Magacyada anoo dhaafayoo, Kuba dhawaaqaynin

❁Qof kastoo dhugtaa maansaduu, Kaga dhergaayaaye

❁Dheeldheel ninkii moodayoow, Dheeho gabaygayga

❁Cadowgu ka dheer iyo ka dhowi, Kala dhig weeyaane

❁Waxaa dhaawiciisu xun yahay, Ka'aadan dhaadayne

❁Adigoo dhaqaalaynayuu, Kuu dhigaa dabine

❁Markaad se ku dhacdaad, Sidii dhidarka toostaaye

❁Dhiiranina waa lagu yaqaan, Dhaal walaaqyada-e

❁Meelaan dhadhamo oolin bey, Dhiil ka deyayaane

❁Bulshada dhunkaal iyo sun bey, Dhama yidhaahaane

❁Dhan markaad ka saartana cidley, Dhawr ka helayaane

❁Dhaliilihiyo eedahana waw, Dhabar adaygaane

❁Ogaada dhurwaayadaa mamey, Dhicid ma daayaane

❁Sida la isu dhuudhuubayoo, Laysu dhadhinaayo

❁Saqda dhexe markaad dhaban, Dhigtay dhacanta jiidhaane

❁Markaasay dhamays kuu dhashiyo, Awrka lagu dhaansho

❁Mageydada intay kaa dhigtaan, Dhugux ka siiyaane

❁Dawacana dhigiisii beryahan, Dhiil afkaw tolaye

❁Dhuun-qabadyadaa ina dhibay ee, Dhebida saydhaaya

❁Dhufayskoodu waa dhira-garaac, Dhiilo joogta ahe

❁Isku dhaca tolkay ugu dhan tahay, Dhacar ma waayaane

❁Mar haddaan tilmaan aan dhinayn, Dhayga ka cadeeyey

❁Qof kastoo dhegeystaaba garey, Kolay dhallaan tahaye

❁Intii soomaali dhimir-qabtaa, Way dhagxinayaane

❁Ragan dhaqanka sii daayey oo, Dhalasho eegaynin

❁Oo wada dhanxiirkaa haddii, La iska dhicin waayo

❁Ceeb loo dhintiyo waa xanuun, waxaan ka dhawraaye

❁Dhan kastaba ilaahoow na dhawr, waanu dhutinaynaaye

WQ: Hal-Abuur Maanmaal Buureed Gurxan