Tuesday 2 December 2014

Sheeko Qaybtii Kowaad---(Jacaylkii Maalmihii Adkaa Iyo Midhuhu Dhalay)- WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Xiliga la joogaa waa jiilaaal, waa qorrax dheere diraac beerkeeda ah. Meeshu waa soolka xidhan waa biyo ka dheer waxayna soo joogaan ceel yalanyool loogu dhaadhaco.

Duud-caraale ah lama haybsadee waa nugaal godan. Raadsashada biyo doonku wey hawl badan tahay, cid walibana kama bixi karto oo kartida lama wada sinee, raxan-raadka jiilaalka adkaaday cidii dhabarka u ridataa waa dhawr qof oo gaara oo ku jiraban in hadiyo jeer loo ohoomiyo ubaxna loo saaro inay gutaan hawlaha culculus ee reerka,  waana kuwo ku takooran hawl karnimo iyo herdan aan nasasho lahayn.

Habeen reerka baa ooman, oo waa raadinta wixii la qurquuman lahaa,  waxna lagu bislaysan lahaa. Habeen waa adhi aroor, habeenna waa geel aroor. Maanta haddii meysi la ceel geeyo berina waa mid kale. 

Nugulshu iyadu halkaa ma haybsato oo meel biyo le baa la dul-geeyaa. Adhigu waa labo gelin gud ama waa guul. Geelu waa fiid-cab oo intaa ay qorraxdu soo jeedo fursad malaha. Dhaanku waa gudoodi, ama waa galab-caraw guure og. 

Gaadiidka u tabobaran samato-bixinta reerka iyo wixii qoyska jilicsanba waa Awrkii dhaban-madoobaha ahaaye ee Kalafoge ee Ina-Kuraas. Waa kii hogaan qaadka dheeraa ee tilmaanaa.

Dhaanku waa kowiyo toban saacadood oo jagi jagi ah. Intaas oo dhan dadka u dhabar adaygi kara ee hawshana sida gaarka ah loogu igmaday ee xilkeedu saaran yahay maaaha dadkoo dhan, waa wiilka barbaarka ah ee reerka ugu weyn, ama waa inanta guudka loo dabay ee gashaantida ee reerka. Kuwanina waa kuway hawshani gaarka ugu dhacdo.

Markuu dhaanka shinkiisu galo, waxaa la isku soo beegaa oo laysku soo kal-ridaa dhaamanka degmada hadba intii ood wadaaga oo isku tub ah amase  ceelka marka la aadayo hilin isku mida u wada mara. 

Waxay gabadhu mararka qaar isku soo beegtaa kalka geella oo si walaalkeed ceelka uga soo diro dhaankuna maalintaa ma daaho. Lakiin maaha kal walba oo inta geelu cokanka iyo oonkaba yahay dhawr jeer buu reerku dhaansadaa.

Maanta dhaanku waa galab-caraw, waxaana isdoortay hablo saaxiibiyo isku jaala ah. Hablahan isa soo xushay ee isku jaalka ahi waxa ay dhaankii jarmaadada ahaa ka doorbideen galab-caraw. Maalintani maaha maalintii ay geelashoodu kalanaayeen oo ma  jirto hablaha qaarkood wax ciddahooga ah oo ceelka kaga horaya.

Waa la boqoolay waana casar-dheere, waxaana ceelka lagu beegan yahay lana gaadhi doona, waa xiligu gabalku dumo waana hordhaca habeenka oo ah fiid-cawlka. Waa la isa soo wada raacay, waxay wadada cagta ku soo jafaanba waa la soo gaadhay. 
Ceelkii mudada saacadaha badan ah loo soo jeeday ma jirto hablaha cid heegan ugu ah, ciday ugu tagi doonaana waa geelleyda u qalab dhigtay shubaasha.

Wabxinta geela sodon qaska ah, waxaa awrtii la arumay meel aan sidaa uga fogayn kaalinka geelasha, waxaana laga rogay weel biyoodkii. Markii laga wada rogay waa la kaakiciyey awrtii waxay markan awrtu filatay in biyaha afka loo saarayo mase noqon oo waxaa la qabad siiyey dhawr geed oo hada ka hor ahaa kuwa ceelka dushiisa caan ku ahaa laguna tilmaami jiray. Laakiin markan waa kurtimo ama jirdo hadhaaya.

Waxaa baxaya codad laaxiboon oo dhegaha awrta si toosa ugu dhacaya waana hees shubaaleedka gaarka u ah waraabinta geela, waa jawaabta geela biyaha loogu soo saarayo laguna dhacsiinayo. Waxaa jirta qayb ka mida awrta oo hiyi kacay kuna cartamaya geedka lagu xidhay. Awrta mid ka mida siiba kuwii geedka ku xidhnaa ayaa wuxuu bilaabay inuu isku maro oo iscunid iyo dagaalba la galo awrta kale. 

Wuxuu cartamoba markii dembe ayaa waxaa awrkan aragtay gabadhii wadatay ee u rarnaa. Inantii waxay xoogaa cabaara iska yara dhago-marto gurxankiyo cartankiisa ba'an, markii dembe waa ay ku eegan kari weyday oo intay kasoo furtay halkuu ku xidhnaa bey meel banaana la taagan tahay iyadoo uga baqday inuu wax is yeelo. Waa mergi weyne waa kay ugu yeedheen awr yahaabur ama awr yuhuud, ninka raga ugu xoogga weyn mooyee cid kaloo u badheedhaa ma jirto. Laakiin gabadha gashaantida ahi sabaalo, maslaxo iyo gacaliye bay ku haysaa. 

Inkastoo oo ay mararka qaar ku qancin karto, hadana wuu iska dhufsanayaa wuxuunna kula dhowaanayaa darka geela, waxaa la baacbaacinaya wiil kuray oo aan weynayn oo ay ku halayn kari weyday. Waxse caawinaya oo uu awrku nin u aqoonsan yahay gabdhahana loogu soo daray oo daalin rageedka hablaha ku soo hunguri xumaada inuu kaga leexdo oo waa nin dagaal mooyee kaga filan humaajiga cabsi gelinta.

Ragga geela safka iyo dhexda u hayaa waa kuwo hawlan oo waxa ay ku horan yihiin kuna foogan yihiin duunyo ah tay ugu jeclaayeen waa geeliiye, waxaanse ka qarsoonayn ninka ama labada isha iyo biya culusta koowaad taagan. Ragga inta kale waxay wada dareensan yihiin oo aanay mooganayn awrta iyo haweenka oomani cidda ay sugayaan inay tahay iyaga uun.

Waxaa la wada jaleecay gabadha dhaban madoobuhu hadba soo dhufsanayo ee intay is ilawday foodadii garabka ku qaadatay. Waxaa dareemay oo su'aal deg-deg ah weydiiyey ragii kale ee ka sareeyey  barbaar qodobka koowaad ee ceelka taagnaa ahaana wiilka dhamasta la biya geliyey salka kasoo kicinayey, ee sidii cawaweertii gunta ceelka loo dhigay aan iftiinka iyo banaanka arag. 

Waxay ahayd su'aashiisu "war maxaad eegaysaan", waxaa loogu jawaab celiyey "waxaanu eegayna gabadh awr soo jiidanayo". Waaa nin gu'gaas hami guur ku jiro oo hablaha hanaqaaday ee jookha lulaya ay ishiisu ku maqan tahay. Ninkuna markuu dayday ama guurdoon yahay waxaa gabdhohoo dhan laabtiisa iyo wadnihiisa gurdamaaya ugu beeran naxariisiyo kalgacal baaxad leh oo ay soo hirayaan dano........

Lasoco Qaybta Labaad Ee Sheekadan Hadduu Eebe Idmo.................

WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Copyright: Maanmaal Buureed And Maskaxmaal.com