Saturday 10 January 2015

Cabdigii Illaah Doonayaa, Lagu Ciseeyaaye

**Caqiidadu ciyaar maaha oo, wey cudloon tahaye 
**Cid kastaaba lama siiyoo, caalamkan idile 
**Cabdigii Illaah doonayaa, laguu ciseeyaaye

Waa Maxay Caqiidadu?

Ereyga "Caqiido" macnihiisu
waa; rumayn iyo wax aaminid. (Caqiido waa Erey af-carabi ah oo dhuuxiisu tebinayo; adkayn, guntid, sugid iyo goyn. Haddii la sii tibaaxo waa; arrinka qofku aaminsani oo aanu ba ka shakisanayn. 

Xagga diinta, caqiiddada waxaa lagu manqaxa inay tahay arrimaha la aamino ee si dhaba qalbiga ugu guntan una degan, sida rumaynta Alle iyo Rasuulkiisa. Markaa caqiidada Islaamku waa lixda tiir ee iimaanka iyo wixii soo raaca.

Maxay Tahay Caqiidada Islaamku?

Caqiidada Islaamku waxa weeye rumaynta iyo aaminidda xeeriyo mabda'a islaamka. Haddii la sii manqaxo caqiidadu waa tiirarka "Iimaanka".  Tiirarku iimaanku iyagu waa lix (6) kuwaas oo kala ah:

  • (1) Inaad rumeyso si dhab ah u ictiqaadiso jirista iyo midnlmada Alla.
  • (2) Inaad rumeyso jirista malaa’ikta oo ah khalqi llaahay ka uumay nuur oo innaga duwan.
  • (3) Inaad rumeyso in llaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo dejiyay ee uu u dambeeyey laguna khatimay kitaabka Qur’aanka.
  • (4) Inaad rumeysid in llaahy rusut soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay nebigeennii suubbanaa Muxammad (S.C.W).
  • (5) Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah inay jirto, maalin la xisaabi doono dadka waxay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan.
  • (6) Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaaya dunida inay yihiin wax llaahay qaddaray shar iyo kheyrba.

Tiirarka iimaanku waa waxqabad(camal) ka imanaya kana soo foofaya qalbiga ku yaala qofka. Inkastoo wax uun laga yara daalacan karo waxyaaluhu qofku falayo(afiyo adinba) siday tahay ama inta ay leeg tahay taagta qofka caqiidadiisu(tiirarka iimaankiisa) haddana lama ogaan karo inuu run ka sheegayo iyo in kale, cidda kaliya aragta ee ogna waa Eebaha Caliimka ah ee aan waxba ka qarsoomi karihaynin.

Qofka Caqiidadiisu tahay mid toosan wuxuu yeesha tilmaan wanaagsan oo ah tilmaanta iimaanku leeyahay  taas oo ah waxyaalaha iimaanka haddii qofka laga helo lagu sheegi karo "qof muumin ah". Qofka caqiidadiisu(Rumaynta iyo Aaminida) haday tahay mid si dhab ah Alle iyo rasuulkiisi udgoonaa(NNKH) u rumeeyey, wuxuu noqon mid wixii Eebe ka reebey ka hadha, oo  cabsida uu Alle ka cabsoonayo ay tahay tu kashiisa biyo dhigtay.

Allena wuxuu yiri kor ahaaye: ‘Waa iyaga oo qura mu’miniinta dhabta ah kuwa markii Alle la xuso qalbiyadoodu baqaan, markii aayadihiisa loo akhriyana iimaanka uga kordho, Rabbigoodna ku kalsoon ee talo saarta’. ”Suuradda al-Anfaal: Aayadda 2”.


Eebe baa weyn qofkii aamina oo isku haleeya baa awood badan. Qofku kuma negaado kumana samaado waxaanu qalbigiisu rabin. Caqiidaduna waa rumeyn la aaminayo Eebe mooyaane inaanu jirin Alle kale oo xaq lagu caabudo, Muxamedna yahay rasuulkiisi(NNKH). Alle qofkii si dhaba u rumeeyey, dhab ahaantii qalbigiisu waa mid Eebe toos ugu xidhan, waana mid cabsanaya, dhawrsoon, sugaya xuduuda alle oo fulinaya waxay shareecada Islaamku farayso. 

Alle wuxuu yiri kor ahaaye:
Kuwa Alle rumeeyow! Haddii aad Alle ka cabsataan oo xilka iyo waajibka uu idin saaray gudataan wuxuu idin siinayaa iftiin aad ku kala saartaan xaqa iyo baadilka, wuxuuna asturayaa xumaanahiinna, wuuna idiin dembi dhaafayaa. Allaa dambi dhaafe deeq badane ahe.” (Suuradda al-Anfaal:Aayadda 29).

**Caqiidadu ciyaar maaha oo, wey cudloon tahaye
**Cid kastaba lama siiyoo, caamalkan idile
**Cabdigii Illaah doonayaa, lagu ciseeyaaye

**Calooshiisa ruuxay gashaa, caafimaad hela-e
**Camal wacan samayntiisa iyo, waa cabsi illaahe
**Cadaabka wey kaa laaxinoo, caaran bay tahaye

**Casuumad jannaa lagu helaa, maalintii culuse
**Cadaawaha in laga jiraa, camalku weeyaane
**Carruuriyo cirrooloba daddow, caadi u ogaada..( Abwaan Raage Axmed).

WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan