Sunday 12 May 2013

Maanso: HILIB UGAADH

 

Silsilada Halgan Oo uu Furay Abwaan Hure Ayaa Maansadiisi koobaad Waxaa Usoo Jawaabay Una Hal celiyey Abwaan Farxaan Cumar Salwe Wuxuuna Tiriyey Maanso la Magac Baxday ( HILIB UGAADH ). Wuxuuna Abwaanku yiri:-


Hurroow hurinta maansada.
Hal abuurka gabaygiyo
Hindisaha dhamaantii.
Hobolada hadeerkacay
Adigaa horseed u ah.
Horyaal caan ah baad tahay.
Ana halabsan maayee
Waan kuu hibeeyoo
Hawsawjar baadtahay. 


Hayeeshee hal celiskiyo
Halkaan maalintaa rabo
Hagac baan kasiiyaa.
Hadal wada dah soonoo
Hoos laysu geliyiyo
Mid lasoo hadoodilay.
Hab la iima mariyoo
Hagoogtaan kafaydaa. 



Sida geel horwaynoo
Hawdsare kasookacay.
Oo isagoo haraad qaba
Habeen jalaqle soo galay.
Oo hiirta waaberi
Heelka ceel lasoo tubay.
Oo hanado xooglihi
Hawl yari ushubayaan
Heesna ay uqaadeen.
Haqabli i usiiyeen
Hormo gooyayoo kale.
Ana aan usoo horo.
Hawraarta aan galo.
Halka aad tebaysiyo
Hibashadu waxay tahay
Hoosta aan udhaadhaco.
Hadii aar libaax ahi
Hormuud waa ahaanjiray.
Oo habar dugaag iyo
Inta hoolifloo dhami
Hoostiisa joogeen.
Hada laga huleel yoo
Hab kalaaba loodhigay.
Haraad maalin jiilaal
Hogo iyo kaliil ba an.
Baa habardugaag helay
Haro biyo ka buuxaan.
Hayb guud dugaagii
 

Markuu heelka joogsaday.
Hilibyare atoorbaa
Hareertaa uboodoo
Wuxu yidhi heshiis iyo
Hagaag yeeli maayee
Hardan baan kaxigayaa.
Haradana anayska leh!
Waa la holin waayoo
Ka huleel dugaagii
Habaq leeye oo tage.
Hada waxa xukuma oo
Hoos looga jeestaa
Laga wada hamranayaa
Haragyare atoorkaa
 

Dhirdar hooliflaa xiga
Hanjabaad madaayoo
Hadba wuxuu hujuumaa
Handashada kuboodaa
Haldoorkiyo maroodiga.
Hadaad aar libaaxoo
Higta yeedha orodkiyo
Haragiisa lagabaqo
Hurroow waa ogayd beri
Hada waa mayeedhaan
Hebed aan xanaaqayn.
Halna aan dareemayn!


Afartaa hagoogtiyo
Hulaabtii ka qaadaye
Hoosna aan udhaadhaco.
Ninka geel hadhkeenaye
Haradii danood tubay
Hablo soohoraay yidhi
 

Halkaad sheegtay weeyee
Goblan heeran weeyoo
Hablahaa uciidana.
Hibo eebe weeyee
Hantidaan ragba lahayn.

Afartaa hagoogtiyo
Hulaabtii kaqaadaye
Hoosna aan udhaadhaco
Halka ay udhimatiyo
Halistana bal aan galo.
 

Hadii geel horwaynkii
Hawdka aad ku fulisaye
Hareedkiyo bisha lahaa
Intay soo hujuumeen
Hadhka weerar geliyeen
Oo haleela oonshiyo
Halkuu daaq u tiigsaday
Hurin ay kaqaadeen.
Oo hayaaydu yeedhoo
Halab caanaheedii
Kii hadhuubka sidijiray
Inta hayb wadaagtiyo
Hanadada kacaay yidhi
Hublaqaato daayoo
 

Hoosna aanba loodeyin
Halkii aarka weeyee
Himilada aduun iyo
Hanka jabay kasooqaad.
Hada iyo hadeertana
Halgan aynu qaadnee
Horwaynkii madoonaa?
Mise hawl yaraan iyo
Hadhkan baynu jiifnaa
Oo hilib ugaadh iyo
Haadaynu dabanaa???


By: Abwaan Farxaan Cumar Selwe