Monday 20 April 2015

Qaybtii Shanaad Ee Sheeko Suugaaneedkii ( Jacaylkii Maalmihii Adkaa Iyo Midhuhu Dhalay)--W/H: Maanmaal Buureed Gurxan

Tusmada Qaybta Shannaad Ee Sheekada

5.1. Baadi-doonkii  Caasha Cuddoon Ee Samakaab U Hubqaatay
5.2.  Kulankii Caweyska Iyo Hees Ciyaareedkii Haanta
5.3.  Halxiraalihii Sureer Heelo Ee Samakaab Furay
5.4.  Erey-Furka Sheekada


Qabta Afaraad Intii Ugu Dambeysey: 
Waxaa bilawday miliq-shaanle sahan beenaale ah iyo baadi doon xoolo aan maqnayn, fardo raadis iyo qaalin diraacda luntay yaboohiskeed. Dhex karkiyo dhusluhu baday waase wax ku caana bulshadaa dhexdeeda ahna tilmaamaha lagu garto guurdoonka ama daydayga ah, oo waa layska dareensan yahay la mase oga meesha yoolku haysto……..

Dhanka kastaba waxaa ka bilaabmay goglaale iyo galti haween iyo ragba leh. Nin kasta oo dayday ahaa oo gu'ga-kan laabtiisu ka dhex guuxayey hungun iyo hami guur ahi guntiga ayuu dhiisha iskaga dhigay.

5.1 Baadi-doonkii Caasha Cuddoon Ee Samakaab U Huqbaatay

Samakaab waa nin abbaar leh oo hiraalka yoolkiisu aanu ahayn mid haddeer soo hankaabsaday, waa se' nin qalbigiisu liifka iyo diiradaba uu ku hayo meel mar hore cindigiisu raacayoo sahansadey, dhabtiina ma'aha warkiisu nin labalabeyniyo uu ku jiro  halabsi-heedadow ah sida nin dookhu ka baahay oo mar ba odhanaya "War talow ma waxaan guursadaa Saluugla? Mise Xaawo? Talow mise Bilan? War mise talow Milgo baan guursadaa? Mise Xaali Dhool? Mise talow Falxado?". Ninkaan hankiyo hamigiisu yooliyo abbaar hiraal dhaba lahaynin baa heedadow iyo dookh-faluuqow ku dhacaaye, Samakaab waa nin warkiisu iska cad yahay oo shiishkiisa Cuddoon ku haya, meel kalena aan isku ladaynin, qalbigiisuna halabsan karayn.

Sida caadada ahna waxaa jirta haddii ninka guur-doonka ahi uu marba halabsanayo meeshii farta loogu fiiqo, inuu ku dhaco cudur la yiraahdo dookh-dhanqalan1 ama dookh-faluuqow, marka la arko qof dookhu ka arbushmo, waxay dadkii hore odhan jireen "hebel wuu halabsi-heedadoobay oo inta geyaankiisa ee jooga gabadh uu ka doorto ba garan waayo oo waxaa ku dhacay dookh-faluuqow, amase hebela dookhii baa ka baahayo wey dookh-dhanqalantey oo waxa rag geyaankeeda ee Alle badshaye ee hareerteeda maraya barbaar ay raacdoba garan mayso, xaalkeeduna waa Geedi jantay, Warfaa u golongolay, Geeldoonna jeclaadaye kee baan raaca".

Nimay meel u cadahay, meel kale ka madowe, Samakaab wuxuu toos u soo aaddey uguna jihaystay dooxadii loogu sheegay reerkii ay Caasha-Cudoon ka dhalatay. Samakaab wuxuu dhex qaadayaa oo uu kolba ka gudbayaa dooxooyinka qowraarimada ah ee Nugaaleed, waana dooxooyin Alle balaadhiyey oo gu'gii intuu digdhabay ay dhirtu si aad ah u baxday. Wuxuu kolba soo dhex jibaaxo dhir sulaacaysa udugga iyo careefka ee wada bixisay ubaxyo kaambuli mooddo iyo raayaha ubax ee hadba midab gaara soo hiraya wuxuu ugu dambayntii soo gaaray dooxadii ay Cuddoon reerkeedu yaalay. Dooxadatan reerka Caasha Cuddoon yaalo waa mid qawraarrimo ah oo weyn waxaana degan reero badan, Samakaabna garan maayo dhanka ay ka degan yihiin Caasha Cuddoon reerkoodu, haddu garan lahaana kuma dhaco inuu aaddo reerka oo isba garan maayaan. 

Samakaab muu nasane wuxuu haddana u holaday sidii uu ku ogaan lahaa halka Cuddoon reerkeedu ka degan yihiin, sidoo kale wuxuu mashqac-baadhaya ciddii uu garabsan lahaa ama jaal-dhow ka dhigan lahaa ooy Caasha Cuddoonina ku xidhan tahay ama ay is yaqaanaanba. Waxaana taa ku kaliftay oo keenay, meesha Caasha reerkoodu degan yahay oo ah dooxo  dhir badan oo oosha ku taxan. Sidaa daraadeedna, inta qorraxi soo jeedo iyo habeenba uma fududanaanayso dhalinta haasaawe doonka ah, inay si sahal ah ay u kulmaan oo aad baa loo kala ilaaliya, taasina  waa sababta ku ijbaartay ee keentay, Samakaab inuu goobo oo raadiyo, meel uu gabaad ka dhigto iyo saldhig uu ka duulo. 

Samakaab wuxuu maamiyo oo uu maankiisa marba u diro laylis ah sidduu ku heli lahaa, cidduu u sii mari lahaa Caasha Cuddoon, waxaa goor aan fogayn qub ku soo yiri, inuu Saxiibkiis gabadhuu la sheekaysto uu ugu diro kana caawiso arintiisa. Kuma adkaan ee wuxuu gabaad ka dhigtay gabdhii saaxiibkiis la sheekaysanayey oo la yiraahdo Yusur.

Waxaa la dirray Yusur oo ah gabadh ay is-garanayaan Caasha-Cudoon. Yusur sirtii lagu aaminey ee loo xilsaaray iney ka soo dhalaasho, waxay ahayd inay soo ogaato baxaan-baxa Caasha-Cudoon iyo sidii loo heli karo, nasiib xumo se' lagu ma guulaysan in la helo Caasha habkii lagu arki lahaa. Waxaase la sugayaa oo soo foolle amintan oo kale caan ah, ciyaaro caweyska ay dhalinyaradu dheesho oo dhawr ah. 

5.2.  Kulankii Caweyska Iyo Hees Ciyaareedkii Haanta

Sidii la wada sugayey caweyskii dambe, waxaa mar qura yeedhay rugta iyo gigta riigaan haameed. Kaliifka jabaqda durbaanka ee dareertay, maqalka loo taag lana dhega-nuugsay. Dhalinta aaga ka dhaw oo dhan isu tilmaantay, soo na wada abbaare dhankay kaga aaddan tahay, jabaqda reemaha haantee bulxamaaya meeshay ka baxayso. 

Ciyaartan la yiraaho haanta ee ay dhalintu aaddey halka uu ka jalwanayo durbaankeedu, waa hees ciyaareed ka mid ah kuwa dhaqanka ah ee deegaanka laga ciyaaro, sida magaceedana ka muuqata waxaa dhacda qofka aan garanaynin in uu soo xasuusta magaca weelasha qabada ah ama argeegta mid ahaan laga tolo ee reer miyiga Soomaalidu mid ahaan biyaha iyo caanaha ku shubtaan kuna dhigtaan. Hees ciyaareedan ay dhalintu u hogbadeena, taas qudheeda ayey ku magacaaban tahay, sababtuna waa xiriirka dhaw ee labadooda ka dhexeeya. Ciyaartan oo ah mid laga ciyaaro degaanka, waa ciyaar sida midhaheeda laga dhadhansan karo hiddaha Soomaalida xididdo fog ku leh. Ciyaartan ayaa ah mid ragga iyo dumarku wada tuntaan, haseyeeshe ciyaarta qaban-qaabadeeda hore waxaa iska leh dumarka. Haanta cidda ciyaarta inta badan waa haween, haween oo dhana maahee waa kuwa madaxa banaan, dhif beyna tahay, haweeney reer leh in ciyaartaas lagu dhex arko. Gaashaantimaha iyo garoobada ayey gaar u tahay ciyaartani, had iyo jeerna marka la maqlo waxay dhalintu ka kala yimaadaan qoysaska isu dhaw ee ah kuwo deegaan ahaan ku kala fogayn. 

Ciyaartan ay dhalintu hugunkeeda u baxeen, waa mid aan sacab iyo jaan lahayn, waase mid durbaan luuqda lagu jaangooyo, hayeeshee maaha mid u daryaan eg durbaanada kale ee la tumo marka ciyaaraha kale la ciyaarayo lagu sar-gooyo. Waa durbaan ay dadka reer-guuraga ahi u farsamaysan jireen oo ay ciyaartaa kaliya loogu talogalay, waa haanta! Haanta ay biyaha iyo caanaha qudheeda ku shubtaan ayey ciyaartan ku tamayaan, waana halkaa meesha ciyaartan magaceedu ka raacay. 

Aqalada iyo meel aan ka durugsanayn ayaa waxaa yimaada haween kooxa midood baa waxay soo qaadataa haan madhan oo gocoyo ah, haan dhowaan la tolay oo aagaankeedii guriga looga soo kacay, gabadh kale ama isla iyadii ayaa waxay soo qaadataa harag qoyan oo kol dhaw laga bixiyey neef yar oo ariya.

Goobtii ay habluhu ku balameen markay isugu yimaadaan, ayey habluhu god yar qotaan, oo ay haanta salka u galiyaan, afkeedii banaannaa ayaa haragii yaraa ee orgiga ama waxarta dhalatay oo kol dhow laga bixiyey oo markaa kafafay ayaa lagu daboolaa oo si xoog lehna loogu giijiyaa, iyadoo gabdho dhawr ahi marba mid inta ay tafta ku dhagto aad u xejinayso. Kolkay sidaa isu diyaariyaan oo ay shanta farood foodooda iyo haanta isla helaan ayey ciyaartu bilaamataa, dhawaaqana markay sayax tahay waxaa laga maqli karaa ruumanka habeenka lagu tumaayo kuwo aad uga fog oo gelin socod waxba ka yarayn. Dhalinyaro badan ayuu riigaanka dhawaaqaasi soo jiitaa oo ka soo dhaqaaqda halkii ay reerahoodu degnaayeen. Dhalinyaro rag iyo dumarba leh, oo maaweelada ka sakow doonaysa inay meesha ku kulmaano intii isku calaf lihi ay isku aragto. Taasina waa sababta keentay inay dhalintu isla garatan durbaanka jalwanaya inuu yahay kii haanta ee aadi jireen habeenkii intii maaweelo iyo guurdoonba u jeedkoodu yahay.

5.3.  Hal-xiraalihii Sureer Heelo Ee  Samakaab Furay

Dhalintii deegaanka isku dhow ahayd soo wada aadde. Samakaab iyo jaalkiisi iyaguna kabta suunka u xidhe, waxayna u siii deg-degeen meesha riigaanka haantu kaga imanayo. In-doora oo xoogay ah haddii jaanta hoosta laga boobbey, waxaa durba dhagahooda ilaaqay oo si toos ugu soo dhacay, codka laaxiboon ee gabadha haanta ku lulaysa. Codka dhalintu ay wada maqlayaan waa gabadh ka midda hablaha laashimada ah ee halabuurka hibada maanso-curinta Eebe sida gaarka ugu xudumay. Cajiib! Iyadoon laba gaadhin goobta dhalintu isku jalbeebe weydiimo "war tolow waa tuma qoftaasi?" Dhalinta isku oosha ahayd in badan oo ka midda gartey, kuwii aan garanaynin uga jawaabe, waxayna yiraaheen "waa gabadhii Sureer ee midho cuddoonida iyo cod macaanida daraadeed loogu bixiyey Sureer Heelo". Sureer Heelo waa gabadh laga wada yaqaan deegaanka oo ah hal-abuurad Eebe ku manaystay hibada maanso-curinta, balse gu'gakan kii ka horeeyey ayaa la guursaday, oo iyadu waa marwo. 

La wada yaqiinsay inay tahay Sureer Heelo iyo koox kale oo wehelisa, kuwaas oo gabdho gaashaantiyo ah. Wax kale la ismaba weydiin e' waxaa la soo gaadhay goobtii Sureer Heelo iyo hablihii gaashaantimaha ahaa ee haanta kaga diyaaminayeen. Dhinaca laga soo wada gal, waxaa dhegaha ku dhacay heestiii Sureer Heelo oo ragga goobta yimi si toos ah u qusaysa, balse maxay ahayd heesteedu oo ay tiri? Sureer Heelo waxay tiri:

❀Haddii gu'gii hoorayoo 
❀Dhulkii geedihii bexeen 
❀Habloow geeliina dhalay 
❀Golihii caweyska iyo 
❀Gigleeyeen haamihii 
❀Miyaan guurdoonki iman?
❀Miyaan hadalkii gobeed
❀Gabadh iyo wiil dhex marin?
❀Miyaan gaafkii aroos 
❀Garaacmayn reemihii?

Intaas markay tidhi Sureer Heelo, ayaa meel halkaas ah oo ka yara durugsan halkay Sureer taagnayd ayaa waxaa ka soo halabsadey Samakaab oo ahaa xaga halabuurnimada nin sida Sureer Heelo oo kale ah halabuur gaasobaxay, kaas oo ah barbaar macalin ciyaareedda oo goobahakan oo kale looga bartay inuu  ruxo. Samakaab oo awalba ahaa guurdoon baadi-goobaayey tuu hablaha ka jantay ee uu guursan lahaa, ayaa isu daruuriyey, muxuu se' ku jalbeebay oo u yiri? Wuxuu Samakaab yiri: 

✰Haddii gu'gu hoorayoo 
✰Dhulkii geedihii bexeen 
✰Habloow geeliina dhalay 
✰Gigleeyeen haamihii 
✰Haduu guurdoonkii yimi
✰Adaa noo gole furaye 
✰Maxaa gabdhihii ku dhacay?
✰Sureerey miyey naga gaabsadeen?

Sida caadadu ahayd Sureer Heelo waxay ahayd af-hayeenka hablaha ee u fadhidaa meesha, waana mid u taala inay Samakaab jirabbaad ku samayso, wayna u halcelisay waxayna tiri

❀Haddaad guurdoon ahayd 
❀Geyaankaa aad rabtoo 
❀Ninnoow golihiina timi 
❀Adaan gabdhihii u bixin 
❀Sidii dhaqan guun ahaa 
❀Intaan haasaawe go'in 
❀Giraamihi hadal la furin
❀Xujaa goob lagu maraaye 
❀Miyaad gool dhalin kartaa?

Samakaab waa nin aad loogu yaqaano inuu furo xujooyinka halxiraaleedka ah ee laysku jalbeebo marka la joogo goob ciyaareedkan oo kale ee ay dhalintu isugu timaado, balse caweyskan waxaa Samakaab haysa gabar   xujooyinkay ay xidho aan si fudud lagu furfuri karin. Samakaab isagaa ilaaqda dalbadaye soo-daa mooyee hadal kale uma yaal, wuxuuna yiri:

✰Waxaan ahay geesiyoo 
✰Waxaan ahay gaatamaa 
✰Waxaan ahay guuta-wade 
✰Haddii geedka loo baxana 
✰Waxaan ahay wiil garrama

✰Haddii gable iyo ciyaar 
✰Balwada geesteeda iyo 
✰Geyaankii gagi u baxo 
✰Hadii goortaa la xidho 
✰Xujiyo goobaleey su'aal
✰Annaa goortaba furee 
✰Yareey goobtaba wax keen!

Markuu Samakaab intaas ugu halceliyey ee ay dhagihii Sureer ku dhaceen weedhahaasi, dhabtii Sureero Heelo way ka yaabtay dhiiranaanta wiilkan, maxase keenay inay ka yaabto? Sureer inay ka yaabto wiilkan waxaa keenay, sida horeyba goobtan looga bartay weli lama arag cid iska dhicisa oo furta xujooyinkay ku xidhato inamada barbaarta ah, waana laga wada gaban jiray. Sidaa daraadeed iyada laguma soo degdegi jirin, waana ta keenay inay ka yaabtay wiilkan hore u soo fadhiya ee ilaaqaya. Balse caweyskan Sureer waxay la kulantay wiil carcartiisa qaba, oo isagoo wax isku tuhmaya oo yareysanaya ku yiri " Annaa goortaba furee, yareey goobtaba wax keen!". 

Madaama Sureer Heelo ay tahay af-hayeenka gabdhaha, gole-furaha iyo gardaadshaha goobta tan ay dhalintu cadaloolka ku kulmaan, sidoo kalena ay tahay gabar in badan jirabtay wiilal barbaara kuwaas oo ka huleelay goob ciyaareedkan markay xujooyinkeedi furi kari waayeen, haddaba Sureer caweyskan waxaa la gudboon inay Samakaab ku madiixdo xujooyin adag. Af aammusan lama xujeeyee, Sureer Heelo waxay ku jalbeebtay Samakaab halxiraale dhawr xujo isugu jira; wuxuuna halxiraalaheedu ku saabsan deegaanka sii ba dhirta ay xooluhu daaqaan xiliga raxan-raadka kaliileed ah ee jilaalku dabo dheerado, xiligaas oo ah mid dhirta badankeedu caleen lahayn in yar mooyaane. Waa xiliga abaartu dhacdo ee baadiyo biyoba gabaabsiyaan. Haddaba iyadoo ka rabta inuu sheego dhirta xiligaas xooluhu daaqaan iyo  geedaha magoola ee xayga yeesha ee aanay abaartu karin ee lagu baxsado, ayey Sureer Heelo ku halgaaday oo ay tiri: 

❀Inaadeer geesiyoow 
❀Garaad wiil uu dhalow 
❀Annaa goobaleey su'aal 
❀Hadeer kuu soo guntiye 
❀Waa inaad kala gurtaa 

❀Haddii gu la waayoo 
❀Abaar gaatama la galo 
❀Gabaabsiyo baadkii jiray
❀Intii geed magoosha'iyo 
❀Intii guudkooda xay
❀Gadaashii lagu arkee 
❀Gurtaan xooluhu gurtaan 
❀Garo oo goobta keen?

Dhalintii goobta joogtay oo ahaa barbaar markaa kacday oo wada aha wiilal hanqaada iyo hablo guudka loo dabayo gaashaantiya ah, ayaa mar kaliya waxay ka wada anfariireen adkaanshaha hal-xiraalihii Sureer Heelo ay Samakaab ku jirabtay, iyagoo qaar ba qaar kale ka xan qarsanaya oo hoos u wada xanshashaqaya bey isku yiraaheen "war caawa wiilkan soo haasaawe tagey siduu yahay maanu garanaynin Sureer-Heelo?! Walle kani caawa wuu soo haasaawe tagey lakiin bal ogaada wadhida ka raacda qof laga wada oo'ay buu ilaaqay oo dalbaday inay xujaysoo oo ay waxba yahay ka dhigto, war bal aynu eegno kolay halxiraale xujadiisu kakan tahay baa horyaale".  Samakaab waa dareemay in ay dhalintu ka yaabeen xujada hor taala ee Sureer ku madiixday, hayeeshe isagu wax sidaas u adag lama aha.

Xujada Samakaab la weydiiyey waa mid dhirta ku saabsan, waa halxiraale u baahan in uu furo qof  waayo-aragnimo, aqoon iyo garasho dheeraada u leh dhirta, maxaa wacay? Aqoonta dhirtu waa mid adag, haddana iyadoo awalba kakanayd ayaa waxaa la weydiiyey dhirta qayb ka midda kuwaas oo ah dhirta abaarta magoosha iyo geedaha intii dhahrisa ee lagu baxsado ee ay xooluhu gurtaan. Samakaab waa nin is huba oo aqoon iyo garasho dheer u leh dhirta oo xiliyo badan oo abaar iyo doogba leh kadimo geela dabo maluugnaa, sidoo kale waa nin Eebe ku ilhaameeyey hibada maanso-curinta oo ay maansaduba dibnaha ka saarsaaran tahay. Muddo gaadhaysaa godol  haddii hoos loo yara guuxayba, Samakaab markiiba wuxuu gudoomey jarihii halxiraalaha, wuxuuna u guda-galay inuu furfuro isagoo ku qaado dhigayaa codkiyo midhihiisi cuddoonaa ee looga bartay.

Samakaab waa nin yaqaan xeerka suugaanta, waa nin hibada maanso-curintu ay laf iyo ludba ugu aroorsan tahay, wuxuu ku ildo-furtay arar laaxiboon hees ciyaareedkiisi haanta ee uu ku kala daadinayey xujadii Sureer u gunuday. Samakaab ararta heestiisa wuxuu ka kala dhiganayaa labo. Marka hore wuxuu ararta ku ibo-furanayaa magaca Sureer  oo uu ugu halqabsanayo magac maamuseed loo hibeeyo hablaha marka la magacdhabayo, marka labaadna wuxuu golnuugsiga arartiisa ku xusayaa oo qiraya in Sureer tahay qof qaryad ah oo laga wada oo'ay, sidoo kalena in aanu arag intuu goob u soo taagnaa halxiraale isaga  lagu xidhay weli ruux la mida iyada, oo ku jiraba halxiraaleheeda oo kale. Wuxuuna Samakaab yiri:  

✰Inaadeereey Gobaad 
✰Waxaad tahay gabadh khatara 
✰Waxaad tahay geed adayg 
✰Intaan gole soo lignaa 
✰Intaan gaaf soo camiray 
✰Intaan googooyey hees 
✰Runtii gabadh kula midiyo
✰Ma arag Ruux kula guntina 

Intaa markuu heego u maray Samakaab wuxuu ka dabo-geeyey, dhawr meeris oo kale kuwaas oo uu ku la hadlayo Sureer, isagoo leh anaa ku kala gurayoo kaaga jawaabaya weydiimahaad igu jirabtaye bal adiguna iga dhagayso oo ii garoow. Wuxuuna yiri: 

✰Anaa goobaleey su'aal 
✰Anaa giigsaneey xujada 
✰Anaa googooya oo 
✰Anaa kuu kala guriye 
✰Adiguna garawso taa

Samakaab arartii heesta markuu intaas kaga gudbay, wuxuu u guda galaya xujooyinkii laga sugayey inuu furo. Hal-xiraalaha Sureer Heelo ay soo halgaaday, wuxuuna halxiraalahaeedu ahaa mid lammaan oo aanu dhaadin karihaynin qofkaan aqooniyo fahmad looshan lahaynin. Samakaab waa nin garasho dheer e' isagu wuu iska gartay, wuxuuna halxiraalaha u kala qaadayaa labo xujo oo uu mid kastaaba uu u furayo gaarkeeda. Talow labada xujo ee lammaan ee ay Sureer weydiisay maxay kala yihiin? Labada xujo ee hor-yaala Samakaab lagana rabo inuu furo waxay kala yihiin:
1- Xiligii gu'gu di'i jiray marka la waayo ee cirka caad yamiiro ee baad iyo biyona gabaabsiyaan ee abaar ba'an la galo waxaad sheegtaa dhirta dhammaanteed inta geedo magoosha ee xay guudkooda lagu arko?
2- Waxaad sheegta xili abaarreedkaas dhirta magoosha ee guudkoodu xay yeesho inta geed ee ay xooluhu daaqaan laguna badbaado?

Dhab ahaantii Sureer Heelo waxay ku jirabtay Samakaab xujo kakan oo mid lammaan ah, balse Samakaab waa nin ka dabaalan kara, waayo?  Samakaab waa nin reer-guuraaya oo aan abidkii beled tegin. Geel-jiruhu gabanka ugu yar buu gaawaha ku rartaaye, Samakaab waa barbaar geel-jir ahaa taniyo maalintuu sagaal jirsadey ee qawsaarka geela la jiray uu ku yiri "war gaawaha soo qaad". Nimaan dhul marin dhaayo malaha e' sidoo kale waxa uu ahaa nin guyaal badan hadba meeshii daaq iyo biyo leh geela ula hayaamayey. Sidaa daraadeed waa barbaar geedi-socodka noloshu ay tab iyo aqoonba bartay oo aad u kala yaqaana noocayada dhirta ee uu xiliyadii kala duwanaa geela soo daajin. Jiray. Sidaa darteed xujadaas kakan ee ay Sureer u gunaday Samakaab waxba lama ah waana nin aan u daahaynin oo Alle gunti furkeeda baray. Haddaba isagoo ku faraya tixda heestan haanta ah, ayaa macnaha tibaax ahaan wuxuu leeyahay "marka gu la waayo ee jiilaalku dheeraado ee dhulka intiisa badani  cawskii ka idlaado ee loo gudbo qaybta dambe ee jiilaalka  ah, waxaa dhacda  dhirtii mudhuxsanayd ee cawlayd in qaarkood uu ka soo baxo wax lagu magacaabo dhahris ama magool kaa soo markii la arko la yiraahdo waxaa lagu jiraa daba-lulkii jiilaalka, markaas oo dadka iyo xooluhuba ay gasho nayaayiro cusub. Haddaba magoolkaasi waa xay ka soo baxa dhirta qaar sida; qudhaca, gud-yicib, maraaga, galoolka, bilcilka,  gaalow-gaalowga, higlada, maygaaga, qalanqasha iyo dhamaanba wixii geed madaw ah iyo intiii xanjo leh sida, cadaadda, qadhoonta, xagar-madow, waraabe-kacaacis iyo qaar kaloo badan" . Samakaab isagoo intaas meerisyada cuddoon ee heesta si kooban ugu tibaaxaya xujadana furaya ayuu yiri:

✰Haddii gu la waayo oo 
✰Gaatama abaar la galo 
✰Gabaabsiyo baadkiyo 
✰Dhulkii gorofkii ka go'o
✰Intii geed magoosha'ee
✰Yabaal guudkooda laac 
✰Sureereey geedo lagu daniyo 
✰Miyuu geed madaw ahayn?

✰Gadii kale waxay ahayd
✰Intii geed xay lehee 
✰Cadaan Guudkoodu yahay 
✰Gadaal Gooluhu gurtaan 
✰Annaa kuu garanayee 
✰Intii gaasaar lehee 
✰Galool ugu weyn yehee 
✰Garqaad qudhicii ahaa 
✰Maraaguna gudub dhignaa 
✰Intaasaan soo gartaye 
✰Miyaan gees kale ka maray?

Markuu Samakaab intaas uga shagaxsiiyey oo uu furay halxiraalihii Sureer ku jirabtay, ayaa Sureer lala hadlay, iyana kala may muudalin inay libta u diido ee guusha wey  siisay Samakaab.

Sida dhaqanka ah Sureer Heelo maadaama halxiraalihii laga furay ayna tahay marwo reer leh waxaa la foolaadsan  inay ka hurdo tagto oo ay uga baydho wiilashu hablaha gaashaantiyada ee ay doonayeen ee iyadu ka hor-qabataynaysay. Sureer kama cago jiidine sidii bey yeeshay, warkana shaaca ayey ka cadaysay oo halkii guurdoonku u guuxayey ayey ku dhufatay, waxayna tiri:

❀Haddii guurdoonki yimi 
❀Barbaartii goobta timi 
❀Garaaceen heeladii
❀Waxay goortaba rabaan
❀Inay gabdhihii helaan 
❀Geyaankood wada hadlaan
❀Cawayskii gaabayoo 
❀Anigu gurigaygi iyo 
❀Runtii geesigiaan u dhaxay
❀Ayaan garabkiisa tegi 
❀Habloow soo gala hadaba

Halkaas bay inoogu joogaysaa qaybtan shanaadi, hadduu Eebe idmo qaybta lixaad dhowaan la socda.

5.4. Erey-Furka Sheekada

1- Dookh-dhanqalan: Dookh-faluuqow; waa cudur niyada ku dhaca qofka markuu dhawr qof oo dhigiisa la haasaawo, taas oo uu garan waayo markuu is yiraaho guurso ruux uu geyaankiisa ka raaco, waxaana la yiraahaa "Dhookhaa ka baahay oo wuu dookh-faluuqoobay".

2- Jirabtay: Imtaxaantay

3-Qowraarimo: waa dooxada bedkeeday ku fadhidaa weyn yahay ee dhirta faraha badan leh taaso ah dooxada dhirta waaweyno hareerahana ay ka xigaan ee roobku markuu da'a biyaha badani ku soo hiraan ee dhulka jeexjeexaya

5- Soo sulaacaya: soo sii daynaya ur 

6- Kambuuli: waa ubax guduudan oo ka baxa geedka la yiraahdo lebiga. Ubaxan waxaa loo gooyaa hasha dhashay, geela irmaan. Waana kay geelleydu ku xuseen heestan: 
--Geelu lebi ku ladanaa, 
--Kaambuli ka daaqyaa, 
--Loo dhego komaaleeyaa, 
--Koor looga gooyaa. 

7-Daba-lulkii jiilaalka: waa xiliga  jiilaalku dheeraado ee dhulka intiisa badani cawskii ku yaalay ka idlaado ee loo gudbo qaybta dambe ee jiilaalka 

8- Magool: waa ubax iyo xay cadaan ah uu ka soo baxo xiliga abaareedka  dhirtii mudhuxsanayd ee cawlayd, waxaa sidoo kale lagu magacaaba oo la yiraahaa dhahris(magool). 


9- Xay: waa magool ka soo baxa dhirta qaar sida Qudhaca Maraaga, Galoolka, Bilcilka, Gaalow-gaalowga ka soo baxaa Higlada, Maygaaga, Qalaanqasha iyo dhamaanba wixii ah intiu Geed-Madawa iyo intii geed xanjo le. 

10-Magool: magoolkaa waxaa loo yaqaan magacyo badan sida, Yabaal; Dhahris; Gaalow; Ruqur.  Dadka reer miyiga ahina waxay dhahaan "wataa dhirtii magoolkii saartay; dhahrisay yabaashay".

11-Lebi(Delonix Elata): Wuxu ka baxaa geedkaani waddamada Afrika iyo Aasiya, xooluhu caleentiisa iyo mirihiisa waxay ka helaan nafaqo aad u sareysa, wuxu dhalaa ubax aad u qurux badan dhammaadka dayrta iyo jiilaalkaba.

12- Gud- Yicib(Cordeauxia edulis): Waa geed ka baxa xad beenaadka Soomaaliya iyo Ethiopia, iyo dhulal kale, caleentiisu xiili kasta waa cagaar doog iyo abaar, xooluhu markey cunaan caleentiisa lafahoodu waxay yeeshaan midabka cassaanka ah, mirihiisa nafaqo aad u badan baa ku jirta. ururka cunnada aduunku(WFO) waxay ku tilmaameen inuu ka mid yahay geedaha abaarta lagaga bixi karo, maa daama aanu biyo badan aanu u baahneyn.

13- Maraaga: (Acacia nilotica): Wuxu ka mid yahay geed qodaxleyda ka baxa deegaano badan ee dhulka Soomaaliya

14-Qalaanqasha(Cadaba Somalensis, Cadaba Glandulosa): Wuxu ka mid yahay geed qodaxleyda ka baxa deegaano badan oo ka tirsan dhulka Soomaaliya, iyo Afrika,

15- Cadaadda(Acacia senegal) : Wuxu ka mid yahay geed qodaxeedka xabagta laga gurto ee ka baxa dhulka Soomaaliya, Xabagtiisa waxa loo adeegsadaa daawada, cunnada iyo farsamooyin kale. Cadaaddu waa geedka ugu fiican ee  ay xoolo dhaqatadu ood ka goosato, cadaaddu markay yaryahay waxaa la yiraahdaa sogsog.

16-Qudhac(Acacia tortilis): Waa geed qodax Somaaliya ku caan ah, Afrika iyo Asiya ayuu ka baxaa, Waa geed abaareed biya yaraanta, kuleylka iyo qabow ba u adkeysta. Qudhucu waa geed koriimadiisu afarta heer uu maro ay Soomaalidu u kala taqaan:

  1. Xannan: qudhacu marka u horaysa uu a soo baxo waxaa uu noqonaya xanan, waana mid kun meelood ka baxaya oo ruux markuu ku joogsado uu markiiba lugta boodo.
  2. Diimcad: heerkan waa markuu qudhacu xooga yaro koro ee u noqdo xooggaa aanse uu noqon mid bixiya Abqo(Qabco).
  3. Qudhac-gorow: waa qudhacu markuu abqo yeesho.
  4. Damal: waa markuu noqdo geed weyn ee uu midho, hadhac iyo hoosba yeesho.
Qudhacu waa geed abaar iyo doogba caleentiisu tahay cagaar, waana cimri dheer yahay, xilliga abaarta caleentiisa geelaa cuna, mirahiisana markii dadka gaajo u geyso waa cunaan. Waxaana kaloo laga gooysta daab-guddinka.

17-Galool: waa geed laga goosto ood, mayrax ulaha lagu tukubo hangool iyo daabka godintaba waa laga helaa.

18-Bilcilka:  Geedkan waxaa loo adeegsadaa sidii Culay si aad u nadiifiso maacuunta sida Haan, Hadhuub, iwm. Geedkan xooluhu waa jecel yihiin.

Waxaa Halabuurey: Halabuur Maanmaal Buureed Gurxan
Xubin ka midda Naadiga Qalinmaal

Xuquuqda kareebta waxa iska leh: Maanmaal Buureed Gurxan Iyo Mareegta www.MaskaxMaal.com