Friday 26 September 2014

Gabay---(Saw Wax Ba'an Maaha)---Abwaan Farxaan Cumar Salwe

Gabayga saw wax ba'an maaha abwaan Farxaan Cumar Salwe waxa uu tiriyey hilaadu markay ahayd 23/2/2012. Gabaygan  oo ah mid aad u cuddoon oo dhaxal gal ah wuxuu abwaanku kaga hadlaya xaalado inta badan dadka ka dhaca.

Xaaladahaas oo ah in laba qof oo aad u kala fog fikiriyo garasho  ahaan ay doodaan ama isu faanaan, taasoo aad ka garan karto siduu  abwaanku ugu tibaaxayo meerisyada cuddoon ee tixda.

Waxaynu ka fahmayno haddaan wax ka yara taabto waxaa ka mida in nin hal abuurnimada ku caan baxay loogana danbeeyo uu u faano ama la doodo mid badhjab ah, mayacsile, ama bayd gaab ah taasina ay tahay wax lala yaabo ama aan la qaadan karin waxa uuna abwaanku yidhi.

**Birgaydh janan ah baalaha casaan buuxshay darajooyin
**Baarliin dagaalkii nin galay biladna sooqaatay
**Boodhigaadh midaan biid lahayn alifle biibaaye
**Inuu baab dagaal uga waramo saw wax ba an maaha?

**Boodada ninkii baacinjiray faras banaan jooga
**Bulshaduna taqaanaye inbadan biibshay orodkiisa
**Biyoolaha dameeraha wadee beledka gaadhsiiya
**Inuu bereten ugu baaqayaa saw wax ba an maaha?

**Burdihiyo qoraankaba wadaad baydkastaba sheega
**Bukhaarina warkiisii hayoo beenta ka ilaashay
**Baydgaab mid soo bawsadoo bilista faaleeya
**Inuu belelka naar uga waramo saw wax ba an maaha?

**Boqol sano ninkii soojiraye boqorku gaadh siiyay
**Ee bamkii taleex lagu ridayna beeg ugaranaaya
**Baaluqu midaan weli ahaan biidkan kacay haatan
**Beerdhiga inuu uga waramo saw wax ba an maaha?

**Barni gaariyoo diiranoo bayd qurxoon hoyata
**Boqol loo gugalo oo bulshado badi amaanayso
**Bassaridu inay caayaysaa saw wax ba an maaha?

**Ba’da gabayga nin bayaamiyoo baarkasare gaadhay
**Baalaqana ilaah siiyayoo baahin garanaaya
**Badhjab inuu la doodaa iyana saw wax ba an maaha?

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay--(Kala Mudan)--- Abwaan Jaamac Cali Murtisame

Tixdan la yiraaho ee Kala mudan wuxuu Abwaan Murtisame Curiyey 8/8/13 (Kala mudan)

**Marka hore allaa mahad iskale maalik kaligiiye
**Marka xiga rasuulkiisa mudan maxamed weeyaane (scw)
**Mar labaadna mawlaa iska mahad dhamaanteede
**Marka xigana kala mudan halqigu meela kala aadye

**Kala mudan abaar madhisay Iyo mayay arooryaade
**Kala mudan madawgiyo cadada maalintoo kale e
**Kala mudan madheedh faraqle iyo jeerin mudaciiye
**Kala mudan manqada soo baxdiyo jilifta maygaage

**Kala mudan mur daybaaqa Iyo malab sabiibede
**Kala mudan mugdiga laylka Iyo maalin geedigu e
**Kala mudan biyaha maaxdey iyo caraq lamiisaaye
**Kala mudan malkada xaysimiyo miidadaw sigu e

**Kala mudan mirtii xalay dadiyo magay wiyeeraaye
**Kala mudan mahiigaanka Iyo shuux marsoo kacaye
**Kala mudan magaaliyo dhulaan neefle matahayene
**Kala mudan mulkii saxarihiyo meel nabaad lihiye

**Kala mudan miskiin badawa Iyo macalin taariikhe
**Kala mudan qofkii muuminiyo kii munaafaqa e
**Kala mudan muftiga diinta Iyo gaalka maanacaye
**Kala mudan kufriga moogan Iyo caalin mehershaaye

**Kala mudan macnoow yaraha Iyo ruux masuulihiye
**Kala mudan tasfiir mariye Iyo kii murqaansaniye
**Kala mudan masiir qaranimiyo ruux maslaxadeede
**Kala mudan masoo jeeste Iyo fulayga maagaaye
**Kala mudan ninkii madaxa Iyo gocor is moodaaye

**Kala mudan marwada gaariyiyo baali maahsaniye
**Kala mudan maxjamad reer dhaqdiyo Iyo tii masayr badane
**Kala mudan ninkeed maqasho Iyo yalaqda muustaaye
**Kala mudan mikeed joogto Iyo gabadha meertaaye

**Kala mudan galoof madhatay Iyo igadh la maalaaye
**Kala mudan martida loolistiyo tii magaanyaaha e,
**Kala mudan sangaha miigan Iyo baqal madooboo e
**Kala mudan miciin ruuxle Iyo xaasid maanliye

**Kala mudan midkii lagu Hirtiyo kii maganta laayaaye
**Kala mudan macnaha dawlad Iyo qoon metelayaaye
**Kala mudan qabiil magac yar Iyo meenka qarameede
**Kala mudan nin mooryaana iyo mu'adin khayraade

**Kala mudan qof miisaanle Iyo kaan macna lahayne
**Kala mudan qofkii magacle Iyo meela kuma yaale
**Kala mudan jihaad mawle Iyo maxastii laayaaye
**Kala mudan mashaayiikhda Iyo miina'aasuhuye

**Kala mudan madhaafanka Iyo biri magoysaane
**Kala mudan nin marshaala Iyo kaan dhiboo marine
**Kala mudan murtada gabayga Iyo kaan midhka aqoone
**Kala mudan mawaahibada iyo kii maroorsadaye

**Kala mudan mad-habad diiniyiyo muusik tumayaale
**Kala mudan marduuf jaada iyo qare lamiirtaaye
**Kala mudan macaan Iyo qadhaadh meel kastay tahaye
**Kala mudan maseexiga lumiyo muumin toosaniye

**Kala mudan madiiniyo kufrigu meelu leeyahaye
**Kala mudan makiyo ruuxa tegay kaan marsoo arage
**Kala mudan manfaca shayle Iyo meela kuma toose
**Kala mudan makaan lagu degiyo geedi moorsaniye

**Kala mudan colaad lagu madhiyo miida nabadeede
**Kala mudan qofkii mu ayidiyo kii mucaarada e
**Kala mudan majare kaa xun Iyo marinka tooboone
Kala mudan mijilis qaadle Iyo goob muxaadiro e

WQ: Hal-abuur Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---(Taba-bare)--Abwaan Farxaan Salwe

27/02/2013 Ayuu Abwaan Farxaan Salwe Turiyey, Waana Gabaygii Ugu Horeeyey Uu Kaga Qayb Galo Abwaanku Silsiladii Talantaali Taasoo Ahayd Mid Ay Ka Qayb Galeen Abwaano Badan Sida Caaqil Dhago Jilic, Bootaan, Hurre Axmed Iyo Nuradiin...

Wuxuu Yiri Abwaan Farxaan:-

¤Ta’da maanso taabo qaadka gabay tuducyo miisaaman
¤Tanbareeri uma taabto oo waan tix geliyaaye
¤Toobiyaha markuu haysto baan toos umariyaaye
¤Tafsiir baan ka bixiyaa halkaan toos u weeraro e
¤Tabnigii ismaaciil miraan ugu taxaashaaye
¤Tamash laan umariyaa illeen taajir baan ahaye
¤Tibaax ama tilmaan baan baxshaa taan markaa rabo e.

¤Afartaa tusaaliyo tusmiyo tababarkaygii dhe
¤Tukalana tilmaan weeye iyo taan usookacaye
¤Toojaba nin maalaa yaqaan tay ku badisaaye
¤Tabta loolisaa buu yaqaan toosan kii lihiye
¤Taabashada ma yeeshiyo nimaan tuujin garanayne

¤Tuutaha ninkii loo xidhaye taangigana saaray
¤Tababare hadaan loosamayn taatikada siiya
¤Tabco cadawgu saw lama heloo tooray sudhi maayo?
¤Tuug iyo mid liitaaba saw toos uqaban maayo?

¤Tiyoo tahakan dheeraynayee orodka taakeeya
¤Ee tegaya meeshii fogayd toban daqiiqoodba
¤Hadaan teebka wiil kaa labaray toos uburinaynin
¤Ogoobeey tamuuxbuu galaa tiigsina ma yeesho

¤Todobbuu udhaxayaa halkii taabsin u ahayde
¤Turaabkaa qoyuu gelinayaa kaan taf ku ahane
¤Tixuhuna ninkaan marin aqoon waala tega yaane

¤Tabta nuuradiin bay taleex ula talaabaane
¤Isogoo tiyeelaw usocday ula taraareene
¤Tamar yari ma sheegeen haduu toosin karayaaye
¤Taargid uma abaarine malaa wuu la taaw yidhiye
¤Taageerayaashaa qaldoo toosi maygarane

¤Tuhun gelis ninkii tiriyayoow taadu waa habawe
¤Bal tilmaan halkaa tuurta lihi waa tolagantaase
¤Tafaraaruq weeyaan tolkay toos u kala goyne

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay---(Dhagahaan Furaystaa)--Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan

25/06/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan......

Dhaxantiyo kulaylaha jiriyo, dhidib diiraaceedka
**Dhumuc wayne jiilaal haddii, laysku dherersiiyo
**Oo dhaanka dalandooltamoo ay dhanqaran joogto
**Oo maalku wada dhuutiyoo dhimasho uu joogo
**Dhoobadiyo waxaa lagaa dhegaa dhanaqda ciideede

**Dhaqankooda weeyaan inay dhiriftamaan jeere oday
**Dhabaqtamaayaa waa markuu yara is dhaafaaye
**Dhaqmaatiga tuldaha jaan hadday dhinac u ciirowdo
**Markaasuu dhaqaaqaa sidii dhaahiyaha baase
**Oo ul uu maryaha dhinac dhigaa dhagaxna qaataaye
**Dhab ayuu u waashaa haddii geelu dhaqayoobo-e
**Dhibic roob markii uu helana waa dhuh-leeyahaye

**Umadaba inuu dhaafay buu dhimir u sheegaaye
**Mar hadduu dharaar helo biyaha balliyadoo dhaansan
**Mar hadduu ka dhaantayn yaqaan ceelka dhagax buura
**Markaasuu dhawaaqaa sidii dhidarki dooloode
**Markaasuu dhigaal maanso iyo ceebo soo dhuriye

**Markaasuu intuu caado dhigo dhaqan ka seegaaye
**Seedigii markaasuu dhibaa gabay dhaliilaaye
**Dhabqin iyo markaasuu qoraa reer wax loo dhimo

**Culimada ma dhaafee intuu dheesha baranaayo
**Dhebel buu u siiyaa afxumo oo ku marin dhaafa
**Dhaayaha ka xidho baa ku qaban heesta u dhigiye
**Dhegahaan furaystaa eegaduu meelka dhacayaaye
**Ala dhaandhaansanaa badowga jaan dhihid qalloocisa!!!

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

Gabay----(Saami Iyo Saa'id)--Abwaan Cadceed Cadeysey

Gabaygan Waxaa Uu Soo Baxay 17/07/2014 waxaana Tiriyey Abwaan Cadceed Cadeysey

**Sagal Waabar Muuqdiyo Saxaab Samada oo Foola
**Xili Seer Ma waydiyo Cirkoo Subax Da'oo Hooray
**Sinta Buurta Saaxdiyo Baliga Sabaradaa Jeexa
**Sanaag meela Sool Ay Ahoo Dhibicdu Saameeshay
**Saxansaxada Siidhiga Rahiyo Daadka Soconaaya
**Saw saami eebuhu baxshiyo Saa'id Bada Maaha

**Gu Samaaday Saracoo Baxoo Saacu Hamashoobay
**Sifaar Qawle Seelkoo Fufiyo Saarka Faraqaystay
**Sisintiyo Canbaha Soo Goiyo Midhaha Saytuunka
**Saladhkiyo Salaatada Macaan Garow Sabuulkiisa
**Siidh baxay Sareen iyo Geley Midho Sabiibeedka
**Saw saami eebuhu baxshiyo Saa'id Bada Maaha

**Sed baruura Hilib Saafan Iyo Sarar La Geedeeyey
**Sargaf Shiilan Jinay solay Ah iyo Daribta Oo Sooca
**Burcad Soora Sixin Iyo Labeen Subaga Oo Buuxa
**Sulux Dhay Ah Soofeen macaan Suusac Malaboobay
**Sidig Hoora Seenyoo Irmaan Sulub Karuurkeedu
**Saw Saami Eebuhu Baxshiyo Saa'id Bada Maaha

**Sindiyada Dhaclaha Soohan Iyo Idilba Saabaanka
**Subeeciyad Sitaac Iyo Xariir Siliska Qaabaysan
**Dibno Sugula Suuniyo Qorqoran Sagalka Jaaheeda
**Sanqaroorka Dhabanada Sisiman Saydhistaa Bidixda
**Suuban Edeble Sawd Debecsanoo Socodku Laafyoota

**Qaryad Samirle, Saalixo Marwa Ah, Sawjad lagu Siiyo
**Saw Saami Eebuhu Baxshiyo Saayid Bada Maaha..

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan