Sunday 24 August 2014

HALXIRAALAHA SUUGAANTA IYO TIXDII CULUUM EE ABWAAN ISMAACIIL BOOBE

Hal-xiraaluhu Waa Su'aal Maldahan Taaso Lagu Guntay Masalo Furitaankeedu Ku Sargo'an Yahay Cilmi(Maadiyo Diiniba), Aqoonta Dhaqankiyo Hidaha, Ama Wax Kastoo Garasho Iyo Aqoonba U Baahan.
Hal-xiraaluhu Waa Labo Nooc Oo Kala Ah:-

1: Hal-xiraale Mutaxan:- Waa Mid Mutaxan Oo Aan Lagu Hidin Suugaan, Kaasoo Ah Mid Tiraab Uun Lagu Gaasheyey Oo Qaawan.

2: Hal-Xiraale Dhafan:- Waa Mid Lammaan Oo Masaladiisi Maldahnayd Lagu Taashay Laguna Soo Dhiraandhiriyey Hab Suugaaneed Dhudiyo Dhaabad Sarbeebeed Ku Qotoma.

Halxiraalaha Noocan Kan Ahi Waa Mid Aad Iyo Aad U Adag, Waa Mid U Baahan Maskax Iyo Garasho Eebe Ku Manaystay Aqoon Iyo Hibo Maansoba. Hal-xiraaluhu Wuxuu Kobciyaa Hab-Dhiska Fakar Ee Maskaxda, Wuxuu Sidoo Kale Maanka Ka Yeelaa Inuu Fahamkiisu Looshanado, Noqdana Mid Aad U Awood Badan.

Hal-xiraalaha Dhafan Waa Ka Lagu Gaashyeey Tixda-e, Waxaad Moodaa Inay Dhifiyo Naadir Tahay Inaad Aragto Ama Maqasho Tixo Hal-xiraale Ah Oo Ay Isku Jalbeebayan Hal-abuurada Sebenkan Bulshada Soomaaliyeed Umaansooda.

Maansoyahanadii Hore Gabayada Iyo Geeraarada Isku Hal-xiraalayn Jiray Kuwii Ugu Caansanaa Waxaa Ka Mid Ahaa, Weerar Bulxan Iyo Faarax Caytame Iyo Qaar Kaloo Badan.

Maansoyahanada Da'ada Yare Ee Hada Bulshadeena Umaansooda Siiba Kuwa Kuwada Xidhiidha Barkulanada Galshooyinka Sida Facebookga Waxad Aad U Jeclaysanaysa Hababka Ay U Maansoonayaan Iyo Murtida Cuddoon Ay Tirinayaan Ee Dhaxalgalka Ah, Malahayga Hadana Intaan Arkayey Hal-Abuuro Faro Badan oo Tixo Isku Madiixaya Weli Maan Arag Kuwo Isku Xidha Tixo Hal-xiraale Ah Marka Laga Reebo Dhawr Maansoyahan Mooyaane.

Maansoyahanada dhammaantoodba Ha Isu Dhigmeenoo Hibada Maanso Curinta Gidigoodba Ha Ka Wada Sinaadeenee, Waxse Jira Qaar Ay Wax Fiican Uga Bilawan Yihiin Qaar Kamida Kasmooyinka Kale Ee Culuumta Maadiga, Diiniga Gaar Ahaan Fiqiga Shareecad Islaamka, Mandiqa Iyo Xidigo Aqoonta Taasna Waxad Ka Garan Kartaa Gabayada Hal-xiraalaha Iyo Xujooyinka Miidhan Ah Ee Ay Isku Jalbeebayan Si Gaara Ama Si Guudba...

Tixo Hal-Xiraale aha Oo Bishii Hore Aan Ku Soo Qaatay Qormooyinkii Taxanaha Ahaa Ee Aan U Bixiyey (HAL-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhimman)... Qormo Ka Mida Oo Ku Saabsan Hal-xiraalaha Suugaanta Wataan Ku Soo Qaatay Labadii Tixood Ee Mid Hal-xiraale Ahayd Midna Jawaabteeda Kuwaas oo Ay Isdhaafsadeen Abwaan Boobe Iyo Abwaan Bootaan.

Caawana Waxaa Isoo Gaadhay Tix Hal-Xiraale Ah Oo Uu Tiriyey Abwaan Ismaaciil Cali Boobe. Tixdan Isoo Gaadhay Waa Mid Cuddoon, Murti Weyn Xambaarsan In Door Ahna Ina Baraysa, Indheer-garadnimada Maansoyahankan Tiriyey Tixdan Hal-xiraalaha Ah Ee Abwaan Ismaaciil Boobe Curiyey Ma Jirto Cid Uu Si Gaara Ugu Xidhay, Haseyeeshe Halabuurada Soomaaliyeed Bey Si Guud Uqooranaysa Inay Furaan Xujiyo Hal-xiraalaheeda.

Tixdani Waxay Ka Koobantahay Afar Suaalood Oo Midiiba Dhawr Suaalood Isugu Jirta, Bal Ila Wadaaga Iskuna Daya Inaad Ka Jawaabtaan Suaalaha Uu Ismaaciil Ina Leeyahay Cara Oo Noo Sheega???

☆Adduunyada wax baad caariftaa, Caalimkeed tahaye
☆Culuumtana badh baad haysataa, Ka cokanaa taaye
☆Nin waliba cilmiguu bartaa, Lagu la ceeshaaye
☆Dhawr haloo cimaara ah, Cara e yaa sheega?.............­.

☆Dheregsane ku cashaqay, Ximraha caasha soo geliyey
☆Caynsane afyuubkii la degey, Lana caweynaaya
☆Garba-raar ku caasiyey tukaalaha, Kugu cilaalaaday
☆Cuqle kugu rakaatiyo bayaad, Ciiro kaa qarisay
☆Cabdada mugdiga jiifsatee, Cayn ubixi waayey
☆Moorada cidhiidhiga gashiyo. Dunida cawlaatay
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara-e Noo sheega??????.....

☆Xidigaha calaankii hor kacay, Saxala cawlaaday
☆Ee dirirkii cidhiidhiga galoo, Naafka la caweeyey
☆Ee cirjeexdii suurtayee, Cag dhigi weyday
☆Ee awrkii cirku indhaha iyo, Caasha kor u taagey
☆Ee ururtii cishaha foorortee, Ceelka lagu guuley
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega??????

☆Dabaylaha cartamayee, Calan walaynaaya
☆Ee ciiriyo habaas dunidu, La Cawlaatay
☆Ee Jahada koonfureed cugtee, Galab caraabaaya
☆Ee aan cawayskii go'ayn, Cuudka laga maalin
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega?????

☆Cooflaha libaaxiyo shabeel, Caydigu eryoodo
☆Casarkii waraabaha ciyiyo, Ciyowga naaq daayey
☆Duhurka guumays cabatiyo, Haad cishaha duulay
☆Coomade hilib diiday, Iyo galaw Cataabaaya
☆Baqalyohoo waxaro casumay oo, Cunada daayey
☆Cawa weerta subixii tukaha, Ceelka laga waayey
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega???

WQ: HAL-ABUUR MAANMAAL BUUREED GURXAN