Friday 5 September 2014

DHAQAN SOOMAALIGA DA'DA--(DUMARKA)

1: Gabadhu Mar Waa Cunug Yaroo Dhalatayoo Waa Delendel, Dhallaana Waa La Yiraaha. Markay Lix Gu Madaxa Ka Goysana Waxaa La Yiraaha Dhoocil Sidoo Kalena Waxaa Loogu Yeera Bilig-biligley Baraar Celisa.

♢Beri baan, beri baan

♢Wax la dhaloo dhulka jiifta ahaa

♢Beri baan, beri baan

♢Bilig bilig baraar celisa ahaa

2: Gabadha Inta Udhexaysa Da'ada 7sano Ilaa 13 Sano Waxay Uyeedhaan Soomaalidu Kuna Magacdhabaan Magacyada Kala Dhoocil Iyo Foodley... Hooyadii Soomaaliyeed Ee Suugaan Da'adaas Ku Tusmaysay Waxay Tiri:-

♢Beri baan, beri baan

♢Daba-jeex dabka qaada ahaa

♢Beri baan, beri baan

♢Rukun rukun, reeraha u wareegto ahaa....

3: Gabadhu Markay Qaangaadho(14 ilaa 15jirka) Waxaa La Yiraaha Waa Gashaanti Ama Inan. Waasaase Isla Da'da Qaangaadhka Ilaa inta u Dhexaysa Da'da Ay Soddonka Madaxa La Galayso Mar Waa Gashaanti Guur-doona Marna Waa Habloweyn. Hooyadii Soomaaliyeed Da'ahaas Ka Hadlaysay Waxay Tiri:-

♢Beri baan, beri baan

♢Raamaley riyo raacda ahaa

♢Beri baan, beri baan

♢Habloweyn had hadaafta ahaa

4: Guurka Calafka Eebe Qoray Baa Ka Adeege. Gabadha Da'da Qaangaadhka Ha Lagu Guursado Amase Hablo-weyn ‪‎Garmadowna‬ Waa La Yiraahaaye, Hooyadan Soomaaliyeed Ee Gabowga Ka Cabanaysa Ayaa Suugaan Ahaan Kaga Sheekaynsa Hab Dhaqankiyo Qurruxiyo Kartiyo Awooday Lahayd Xiligay Arooska Ahayd, Markay Mar Curada Ah, Labo dhalka Iyo Saddex Dhalka, Afar Dhalka Iyo Shan Dhalka, Lix Dhalka Ilaa Iyo Markay Gabowdaye Ee Ay Dhalfaluuqawday Noqotayna Hooyo Gabowdayo Laanjeerti La Taahaysay Waxayna Tiri:-

♢Beri baan, beri baan

♢Aroos indha-kuulan ahaa

♢Beri baan, beri baan

♢Mar curad marwo reerle ahaa

----------------****-------------

♢Beri baan, beri baan

♢Laba-dhal laafyoota ahaa

♢Beri baan, beri baan

♢Saddex-dhal sit sitaacda ahaa

------------*****--------------

♢Beri baan, beri baan

♢Afar-dhal afo aada ahaa

♢Beri baan, beri baan

♢Shan-dhal sheekaysa ahaa

-------------*****------------

♢Beri baan, beri baan

♢Lix-dhal liibaantey ahaa

♢Goblan talo aduunyoy

♢Ma hadaan ‪‎gabooboo‬

♢Laygu qaaday guro awr?!!...............

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan