Thursday 2 October 2014

Gabay---( Sharcigaan La Sugi )---Abwaan Aadan Faarax Awjaamac Shuuriye

30/01/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Aadan Faarax Awjaamac Oo Loo  Yaqaano Shuuriye. Gabaygan Abwaanku Wuxuu Tiriyey Maruu Arkay Rag Intay Wax Uun Soo Salsalaabaan Odhanaya Waanu Gabaynay. Abwaanka Oo Bayd gaabyadaas Saluugay Waxay Soo Cantatabayaan Ayaa Waxaa Uu Leeyahay Sharcigaan La Sugaya Raga Gabayada Ku Falaadaya Ee Tixaha Fadhataysanaya. Wuxuu Kaloo Abwaanku Aad U Tebeyaa Una Calaacalayaa Ragii Hore Ee Murti Dheeriga Ahaa Ee Aanu Soo Gaadhin Sida Cali Dhuux, Sayid Muxamed, Maaweel Iyo Kuwii Ay Isku Gedaha Ahaayeen.. Waxa Kale Uu Abwaanku Berigaa Waayey Ragii Gabyi Jiray Ee Bulshada Sebenkan U Maansooda Ee Ay Wada Cadacadaysan Jireen. Wuxuuna Ku Alalaadaay Oo Uu Yidhi:-

**Shiinleyda maansada anaa shaacir ku ahaaye

**Shan jirkayga goortaan ahaa shalaydi aan dhaafnay

**Iyo sharaddan maanta ah murtida waan shakaalaaye

**Shaxda ragii ka geeraari jiray sheeda buuhoodle

**Sharaftiisa nimankii yiqiin sheegidiyo luuqda

**Aadana carab shedkuu meerin jiray sharadka doodiisa

**Shahiidkii ismaaciil miriyo shiikhi diinteena {sayid max"ed}

**Cali dhuuxi shaac baxay dunida tan iyo shiilaabo

**Cilmi carabkii shaanshaanka bari sheekadiis gaadhey

**Ina wallahl shisheeyuhu ma maqal sheegidiisiiye

*Maaweel intuu shucubka hawd shiraar ka geeraaray

**Laba gole markuu shaacin jiray shalayto maahayne

*Shiikh samatar maba mooganayn shicirka ciideede

**Intaas oo abwaan shaaciriyo qaarkaloon sheegin

**Ayaan dhaxal ka shaabahay murtida sheegidii gabaye

**Shakligiisa waa tirin aqaan shaykastuu yahaye

**Sheeg sheega iiguma baxdoo waan sharfi aqaane

**Shanta xaraf ragaa bawsadee loona sheegayoo

**Shaama reeray aniguye murtida gawrac lagu sheelay

**Oo xaraf midaan sheegi karin shaadhka xiranaayo

**Oo shiid sidiisii barqada shilinka loo joogo

**Shibka dhehe farxaan iyo hurrii shaanba dayn jitaye

**Bootaan sharkiisuu ka tegey shoodhka lagu xidhaye

*Cadceed wuu ka shiixoo beryahan wuu ka shaahtegeye

**Dhoodi meerna wuu shuufayoo sheeduu ka arkaaye

**Suuslena beryahan shay ma tirin sheeko iyo jiibe

**Ina kediye yuukay{uk}ka sheeg sheerka sababtiiye

*
Wuxuu yiri murtida way shideen way shilaysteene

**Jama yarine waakaa shib yiri shoog siduu helaye

**Sharaftii murtida nimanka dilay raxanta shaydaanka

**Shini malab heshaad moodaysaa way shamuumeene

**Hadii aan maxkamad lagu shirabin xeerna lagu shaacin

**Oon tiir shafkaa looga xirin laguna shaandhaynin

**Ama aan shantiyo loola tegin gacanta sheefteede

**Sharcigiyo dastuurkaan la sugi way shalaytoone

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

No comments:

Post a Comment