Thursday 2 October 2014

Gabay---( Geedi )---Abwaan Jaamac Cali Xirsi Murtisame

27/06/2014 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi Oo Loo Yaqaan Jaamac Murtisame. Gabaygan Abwaanku Wuxuu Tiriyey Maruu Ku Jiray Safar Isagoo Ka Soo Kici Timay Bariga Dhexe Kuna Soo Socday Bariga Afrika...

Wuxuu Yiri:-

**Gonda wayne aarkuba wuxuu sebena gaajoodo

**Gaaroodi qiiqliyo wuxuu ayda galasleeyo

**Mar uun buu galoof naaxday Iyo goosan helayaaye

**Markuu guudka kaga boodo oo micida gaadhsiiyo

**Gudurkiyo markuu cuno hilbuhu galan galcoobaaye

**Geelii abaarsaday mar buu gugu u hooraaye

**Gal xareeda goortuu heluu caasha geliyaaye

**Geeduhu markii ay baxaan ubuxu gayn yeesho

**Gargarada markii uu cunu godolka muujaaye

**Naftaan go,in mar uun bay heshaa guusha nololeede

**Guri lagu negaadiyo marbay goolka helaysaaye

**Aniguna mar baan gaadhayaa tayda gaarka ahe

**Oo gacaladii aan jeclaa guri ku xoolayne

**Wali gibisha kama aanan dhigin awrka geediga e

**Guuloow adaan kaa baryee guusha ha i seejin

**Gacan cadaw allaaw yaanan mudan dunida guudkeeda

**Godka aakhirana yaan ku dhicin naarta guradeeda

Aaamiin Aaaamiin

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

No comments:

Post a Comment