Thursday 2 October 2014

Gabay----( Dhool )---Abwaan Jaamac Murtisame

11/06/2014 Waxaa Gabaygan Tiriyey Abwaan Jamac Cali Xirsi Oo Loo Yaqaano Jaamac Murtisame

**Adduunyada intii aan dhulmaray dumara aan dheehday

**Hal qof aan ku dhaaf sado maarag dhaban qurxooneey

**Sidii dhool gu oo hooryoo dhibicda miisamey

**Ama dhabarka geenyada shixnadan dheregna aan waayin

**Oo dhoodi Iyo xaysimiyo dharabka hawd joogta

**Ama ubax dhalaal badan sidii dheemankiyo luulka

**Dhaban kaaga curubkaa indhahad dhalaca moodayso

**Suunihad bishii dhalatay Iyo qaanso dhigan moodo

**Dhexda madagta laafyaha dhildhilan dhumucda loo yeelay

**Qoortada dheer jooga aad dhabiga moodayso

**Dhawr soonidiyo aamuskaad gaari dheer tahay

**Dhaqankii horaad raacdoo maadan dheeg marine

**Dhudi hooyadaaba ahayd xeeru dhaladkiiye

**Boqorkii ku dhalay baa tacliin kugu dhigay looxe

**Dhaclihii adaa wali sitiyo boqorkii dhooleey

**Dharaar taynu kulanaa qalbiga leeb la ii dhigaye

**Dhoola ka qosolkaga naftani dheefsata waliye

**Hay dhigin dhabtiyo meel ka dheer dhuuxa iyo laabta

**Ana kuma dhaliiloo Malyuun dhaar ayaan maraye

WQ: Maanmaal Buureed Gurxan

No comments:

Post a Comment