Thursday 28 March 2013

XIKMADIYO XOG

¤Xaakim waa illaaheen,
¤Xaraf waa ka diimeed,
¤Xukuni waa ka islameed,
¤Xaqsooriyo xadkeenuna,
¤Xogtaan qoray weeyee,

¤Xafiidkenu ku sheegay,
¤Xisbiyada quraanka weye,

¤Xakiim illaaheen baa,
¤Xayn kasta dadkiisa,
¤Xogta qalbigooda ku jirta,
¤Xuub ka saarnayne,
¤Xaryarina ka qarsoomayne,

¤Illaah baa xaakimee,
¤Xuruufta qurankeena,
¤Xuquuqda ku xardhani,

¤Xisbi waa ka musliminta,
¤Xeerlaawe waa yuhudka,
¤Xadgudub waaka isra,iil,
¤Xawaariyinina xertii,
¤Ciise la xerooday weye,

¤Illaah baa xaakimee,
¤Xarbiyo jihaadkaan,
¤Marna laga xiiqayne
¤Xili ka xili taagnaa,
¤Xaasiyo caruuriyo,
¤Xoolba looga tagay,
¤Uxudiyo badar weeyaane,

¤Illaah baa xaakimee,
¤Jihaadka lo xaabo gurtay,
¤Xuseenow maanta tagani,
¤Xooga falastin joogiyo,
¤Xamaasiyo xisbulaahi,


¤Xeertooda weeyaane,

¤Illaah baa xaakimee,
¤Xag kasta adduunka,
¤Xaruntaad tagtaba,
¤Xiska inta maasha,
¤Xikmadiyo suugaanta,
¤Xadhiga qaafiyadeedu,
¤Xarafna ka jabnaynee,
¤Xareed biyo dahabiyo,
¤Xays da,ay la moodo,
¤Carab baa ........>>>>

♥By: Maanmaal Buureed♥
>>>>>27/03/2013<<<<<