Sunday 30 November 2014

Gabay--( Wedkaa Galiye!! )-- Abwaan Bootaan

Negaad 11kii/Dembarsame/2013 ayuu gabaygani curtay waxaana tiriyey Abwaan Muxamed Cabdulcasiis Bootaan.


**Waqay iyo waqay baan yartaay, kaa war sugayaaye
**Rajo wacan ayaan kaa lahaa, taniyo waagiiye
**Jacaylkaan i wiiqee haddeer, weheey igaga siiyey


**Wiigag badan ayaan mooganaa, wadar ayaamoode
**Iminkuuse warankiyo hubkii, igu wafiifaaye
**Weji adag haddii aan lahaa, oo wadnaha giijay


**Wadhaf iyo jigraa ila tagiyo, danabyo waawayne
**Dagaal weerarkii cishqigu, igu wareemaayey
**Adigaaba taakulo u waday, waysar iyo maale


**Marna miyaad ka waantoobaysa, axdiga inaad waxyeelayso!!
**Walaahowga aan soo tirshiyo, wey'da iga yeedhay
**Waydiimahaygii Fiqigu weer, u bixin waaye
**Wadaadadii ka quustoo anay, igu wareereene!!


**Wallihiyo billaha aan maree, kuu waddaxay qawlka
**Wixii jira iyo waxaan jirin, adaan kuu waramaaye
**Meel ku sheeg waxaad wacad gasheed, beenta warinaysay!!


**Wacadalla jacayl waaxid galay waa, wis iyo hooge
**Keligay wadeecada maxaa, iga dhigay waabta?!


**Haddaad weedha hadalkayga, iyo diido waanadaba
**Iga wallee waxa ku xiga naftaba, inaad ku waydaaye
**Oo waran wadnaha kaa geshaa, oo wedkaa galiye!!

12/09/2013 WQ: Maanmaal Buureed Gurxan