Thursday 25 September 2014

Gabay---( Miinaanle )---Halyeey Darwiish Sh. Sayid Muxamed

Geela la baxay Miinaanle oo geel Daraawiish laga dhaco ugu badnaa gumarna u ahaa, tiradiisana lagu qiyaasay 25,000 illaa 30,000, ayaa waxaa loo xerriyay dhulka la yiraahdo Iyax oo deexda Ayl iyo Bayla u dhaxaysa ah, wax dakana ah oo markaas looga baqaayana jirin.

Hase yeeshee hud-hud iyo diradiraale dad lagama waaya Hobyaa gabay laga tirshay oo waxaa waxa loo geeyay boqor Cismaan iyo reer Bari, waxaana la yiri gabaygaa Sayid Maxamad baa idiin mariyey. Gabaygaas halkudheggiisu wuxuu ahaa:

(F)
Dayrtiyo diraacduu dhaloo, Deex u soo degaye
Dakanooyin badan buu qabaa, daafta kuu yimiye
Bal car didi kalluun lama dabtee, waa la diriraaye!

Usagoo awelba reer Barigu geelaas booca ugu tukubaayey haddii marmarsiinyo loo helay ayaa guuto camaaryalay ah lagu soo bixiyey, garwade waxaa colka u ahaa niman Daraawiish ka fallaagoobey. Geela xagga Daraawiisheed waxaa looga yiqiin Miinanle, nimankii dhacayna waxay ula baxeen Soo-dadab. Gabayo, heeso iyo maahmaahyo badan buu leeyahay, aan ka soo qaadno gabay dhaar iyo hanjabaad ah oo dhinaca Daraawiishta laga mariyey.

In kastoo aan hubinna waxaa la yiri Sayid Maxamed baa mariyey.

Geel Miinanlaan ugu jeclaa guuyad oo idile
Usba gacaliyii buu ahaa galax qaboobiiye
Gungunaafyadii baa la tegey guunki reer bariye
Gurigii la geeyaba haddaanan gaas dhan ku afuufin
Geelii la eedyeey haddaan lagu guraabaasin.

Daraawiishtu dhowr col oo kala daran bay ka daba geysay, waxaana ka mid ahaa labada col oo la kala baxay Casar-dega iyo Isu-mara. Taariikh dheer ayuu geelaani reebay. Iyagoo gabaygoodii sii watana waxay yiraahdeen Daraawiishi:

Geelii carrada buuxayee, calaggu saanyoodey
Caqli nimaan lahayn baa yiri, waa cantoobsadaye
Cidlaa laga kaxaystaye ma waa, cudud la ii sheegtay

Majeertccn caddaan uguma dhaco, culus hashaydiiye
Waxay caadadood tahay inay, cidaha gaadaane
Nabad caabuquu igu dagaye, col uma keeneene

Gaalada careef kale markii, carabta loo fuulay
Markii ciidankii uga birmaday, badaha coonkooda
Daraawiish caysani markay, ciira ugu duushay

Cabsi kama baqaynine markii, cunugga loo reebay
Goortii carruuraha la yiri, celiya oo foofsha
Goortii cirkii curanayey, Cal u hayaansheene

Ciilow ba’ay! talo xumaan, cudur ka weyneyne
Markaan soo ceshooy iri, rag bay caasiyoo raraye
Cabdul1 iyo waxaa igala tegey, caabuqii wadaye

Haddeeyan cadceed subax u rarin, cidi ma qaaddeene
Ceemaad2 agteediyo hadday, cirifka noo joogto
Curcuraha Nugaaleed3 hadday, caday ka foofeyso

Cashaday galeen baan dagaal, iga cillaalmeene
Kun caynaba kun coofaar huullaa, kuman cudbaawiira
Kun caddaana kuman caarle iyo, kuman baroor ciida

Kuman calasa kuman bood carfileh, kuman cillan miida
Kumanyaal cirbiid iyo ashkira, kuman casaawiira
Kuman Xamarcas iyo may lahoo, wada cawiifaaya

Kun calowa kumanyaal calcala, kuman dhalaal cawra
Kun carwaajis iyo boor lahoo, midab casuuraaya
Kun carowle kumanyaal curboon, kuman ciriifaada

Kun cawlcawla kuman cawmisila, kuman caruusaada
Kuman cawlan caacaanniii kuma, kuman caddays maaga
Kuman caana kuman cayn silloon, kuman cajiibaada

Kun caqiiqa kun caarsan oo, dhogor cureejiina
Kuman calanle kuman shaal cas iyo, kuman cutuubaada
Kuman cawra kuman caadaqaad, caadka laga saaray

Kun cooshcoosha kuman laysku carin, kuman cawaarguunle
Kun cahsmiira kumayaal cashara, kuman camaajiir leh
Kun cunaaba kuman cayn silsila, kuman cusayb fookha

Kun cowtara kun caysuub galgala, kuman casuf noora
Kuman cirif sufura siif cambara, kuman cadduur saara
Kun casiira kumanyaal casala, kuman casuusaaya

Kun cayuufa kuman caycadoo, ciiif sadaadooda
Kun cambaabul kuman ceegma iyo. kuman cayaayiira
Kuman cooma kuman coobirraa, cobolos tiigaala

Kun caysuuba kuman caara boga, kuman cayuuf dheera
Kun cawlaalin kuman ceegma iyo, kuman dul ceegaaga
Calmad gacalo kumanyaal cubtami, kuman cushaaq raaca

Kun cigaalan caynaan yaqaan, kuman cadood meera
Kumanyaal cishiyo fiid durduro, haadda la cayaara
Kumanyaal carbeedintoo ka dhiga, ceelashiyo gaarka

Kuman calafsan kuman cawadii, cayshka miranaaya
Kun carshaanle kumanyaal calqadan, kuman cilluu naaxa
Kumanyaal caddiin iyo baruur, cooddi balaxoobey

Kuman cududan kumanyaal cadfoon, kuman cillaan duuba
Kuman cawska loo duubahayoo, cimilka loo waabay
Kumanyaal cadarka iyo doog, cobolka daaqaaya

Kun calaacal lagu xoodsho iyo, caaraddiyo suulka
Kumanyaal cimiil iyo cimiil, la carbiyeynaayo
Kumanyaal cilaaq iyo farsamo, lagala caal waayey

Cabbannaan kun cadanyoonhayiyo, kuman culays diida
Kuman carari kuman caymanoo, cida ka buubaali
Kuman caabbigii wada jaroo, dabada ceeraanshey

Kun cartanaya kumanyaal cartoo, cara wiriiraaya
Carmaari kumanyaal caqlila’, kuman cisaarbooda
Carwiriiri kumanyaal cartami, kuman cayaar waalan

Kuman sii ciddiya laabatoo, cadowga hoomayda
Kumanyaal caddada weerartoo, cimil u dooyeeya
Kumanyaal ciriiriga rogaal, caaradka u jooga

Kun cagaagi kumanyaal carriga. diro kicinaaya
Kun coomaadi kumanyaal carshiga, cirir u rooraaya
Kun cubbaalan kuman caadda kore, cagaha duubaaya

Kun cigaalan kuman caynsanoo, ciiro iyo qiiqle
Kun cidaaran caadooti kuma, kuman cafaariida
Kumanyaal wixii carar isyiri, lagu ceshiimeeyo

Intaasoo kun wada ceynabaan, soo cirmi lahaaye
Ceeryaamo anigoo watoo, ciiro iyo qiiqle
Casar baan u soo dhigan lahaa, caga daruurreeye

Carey iyo wirey maalintii, lagu carbaabyo
Sidii aar cargaagtamay markaan, camal guhaadoodo
Cabaadka iga soo baxahayaan, cidi u joogteene!

Waxaan ciiska weyn dari lahaa, caadaqaataha e
Cawgiirta waa noqon lahaa, cooflihii bariye
Coomadahaan siin lahaa, cooddi iyo jiire

Cirinciir fog baan jirey markay, iga caweefteene
Calafsade dharaartii hadday, cid iga waayeene
Casiisow Allahayow bal maan, cagidi taagnaado!

Awjaamac Cumar Ciise: Waxaan ka soo qoray Xaaji Maxamad Cawl sannadkii 1955kii, wuxuu ahaa ninka kaliya ee Daraawiish ka noolaa ee gabayga kor ka hayay.

1.Cabdul: Cabdul Suldaan Cilmi Xaasey, waxa dilay ciidamadii Ingiriiska, waxaana lagu dilay Ceeldheero 1919kii.
2.Ceemaad: Waa dooxo soolka Iyaaxeed ah Qardhana koonfur ka xigta.
3.Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo cayn iyo saraar ka soo rogmada, xeebta Eylna badda Hindiya kaga dara.

Awjaamac Cumar Ciise(AUN)..

Tixraac
Diiwaanka Gabayada Sayidka

Gabay--(Bal Dayooy)--- Halyeey Darwiish Sh. Sayid Muxamed Cabdulle Xasan

1919kii, markuu Ingiriisku Daraawiish daayuuradaha kula dagaallamay ayay Nugaal ka carareen oo waxay u qaxeen koonfur-galbeed. Ingiriisku wuxuu xoog lahaa ayuu gees walba kaga keenay. Dhaawici ugu xumaana wuxuu ahaa markii la dilay boqollaal madaxda Daraawiisheed ahaa (qusuusuddii) iyo toddoba wiil oo ilma Sayid Maxamad ahaa. Dad iyo duunyo wixii maalintaa adduun rogmaday ama daar la burburiyey iyo dab wixii la taabay lagama sheekeyn karo. Waxaa ka darraa goortii la hubsaday in Daraawiishi jabtay ayaa dad oo dhami xoolahoodii sidii haruur daatay u boobeen.

Ka sii darane, rag badan oo Daraawiishtii ka mid ah ayaa ballan furay, dariiqaddiina ka bayray, intaa oo dhan waxaa u dheeraa digasho iyo ku diigdiigsi, dawixid iyo bal dayooy waxa ku dhacay.

Haddaba gabayga soo socda waa calaal iyo xogwarran, adduunku inuu yahay harka labadiisa gelin. Ujeeddada u weyn waxay ahayd taariikh danbe inuu ahaado, Sayidkuna wuxuu yiri:

Cirkaan di’in abaar daalliyaad, dunida oo qiiqday
Dayax ururta daariga ka maray, dirirka oo liiqday
Maruun baa daruuraha cusayb, soo dibbiriyaaye

Deyraanka curashaa ku xigi, daacigii sebene
Maruun buu darroorraa
Intuu, daadka soo roga e
Bal dayooy duraabtaa horuu, daafta mariyaaye

Dumaa hoolmay diin xaalufay, dooxadii noqotay
Maruun baa daliigaha dhulkaa, doog ka soo bixiye
Bal dayooy dunqaaraha baxa, dell ka dheeraa

Nin dalleesan intuu duukhayey, doqontu mooddaaye
Inkastuu dunqaarahakan dhacay, dulugle cayroobo
Haw dayrin deeqii Alluu. Dooc ka sugayaaye

Rabbibow dawari kaan lahayn, duunyo iyo maale
Asagoo dirriga jiifsaduu, dayrdhal soo heliye
Bal dayooy maruun buu darfiyi, deeqa caanaha e

Nin dayoobay deyrdeyr hadduu, dawyada u jiiro
Maruun baa daryaankii ka bi’i, doorshay madixiiye
Bal dayooy dalkuu fiiriyuu, dib ugu labmaaye

Sengihii dirrow laga dhigee, dibintu boogoowday
Maruun buu dakaamaha jaraa, soo durduriyaaye
Bal dayooy dabrada weerar baan, daaqad loo heline

Dakankiis nin dowlada haddii, duudsi laga yeelo
Maruun baa dawaarkii is rogay, diiqalyuu socone
Bal dayooy dawaaraha mar bay, daa’iruu kiciye

Nin la dagay sidii doqon hadduu, dacayda laalaadsho
Maruun buu dareemaa inaan, derajo loo hayne
Bal dayooy markuu dido inuu, deyrka jebinaayo

Rayid wuxuu ku dabandeebayaa markaan, dirir u qiimaaye
Dabatoobka Iiddoora baan, deyrka ka eryoone
Bal dayooy maruun baan dawixi, digasho geeraare

Ninkii diricyadiisii kufrigu, daabaca u qaaday
Maruun buu dirramayaa intuu, duubiyaal dhalo e
Bal dayooy da’ uun bow kacdoo, dooyo geliyaaye

Nin ku dilay adoo dagan hadduu, digasho kuu raacsho
Maruun baa dedaddu kaa ba’adaa. diifihiisa cudure
Bal dayooy dawaa’iga marbuu, diirsimaad heliye

Doonyaha shammaalka ah haddii, dakhalka loo laalo
Maruun baa dabaylaha sidaa, kor u dandaanshaane
Bal dayooy dunjiga fuushan baa, daraxu caynshaaye

Dad qaraab nin kuu xigay hadduu, kugu dugaagoobo
Maruun baa dafaarkii fakday, dabin ku rooraaye
Bal dayooy nabsigu waa wixii, daaha yuuraraye

Hadduu daawadii furay nimaad, deris-xigaal moodday
Maruun ba mid duunkaaga jecel, daw ka soo bixiye
Bal dayooy daruun baad heshaa, daacad kuu noqone

Hadduu diinta caasiyay, wixii Dir iyo Daarood leh
Maruun baa jannada deexda weyn, daalibkeed imane
Bal dayooy Darwiish nin u ah, baa loo diyaafadine

Tol dulloobey oday dooralaa, loogu dowgalaye
Maruun baa duqeydii xummad, danabba dhaafaane
Bal dayooy rag caro duuban baa, dib u guhaadoone

Ogaadeenka dulaalayee, degaya meel ay ah
Maruun buu dallaaddaan ku furo, degi ishaalleeye
Bal dayooy shir doonyaale, mar buu soo dabbaldegiye

Doongaha Ammaadina Cabdaa, loogu daw galaye
Dabbaraarihii baa khatalay, daadufka ahaaye
Bal dayooy dalkii lagu galay, deleb ku dhibaane

Duudyaalka reer Cumar Ugaas, duunka kuma hayne
Maruun bay dubbada maalinguur, soo digiigixiye
Bal dayooy dannaaniga mar baa, deexda loo rogiye

Huwan baa darxumo quursateen, damac Alluu naarye
Dillaalkiisa Ina-AwCilmaan1, duxi ka raacayne
Bal dayooy dubbihii lala dhacay, daqarka hoorshaane

Usna daacad dhiib kuma samreen, degaha Haarune
Nimankii dalkoodii la dhacay, uma dagaageene
Bal dayooy dacluuskii qabsaday, kuma danqaateene

Inkastuu jinnnigu duufsadee, Doh iyo Buur geeyay
Marna door intuu ciirsi bido, Dalal ma yeeleene
Bal dayooy dawaaraha mar buu, daw ka soo dhiciye

Cawlyahanka daraf baan lahaa, diifta kula roore
Goortuu Makaahiil dujeey, iga danaysteene
Bal dayooy shisheeye i dafay, an iga doorteene

Aniguba dudmiyo ciil waxaan, dibedda meeraaba
Waxay deyraday igu faleen, deris ahaadaanba
Bal dayooy mar buu iga dubnixi, duunka baahala e!

Awjaamac Cumar Ciise(AUN) wuxuu ka soo guuriyay Aw-Cabdille Ibraahim, dabadeed waxaa laaxin tiray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad. 1.Ina Aw-Cilmi Geeseey.

Tixraac..
Awjaamac Cumar Ciise "Diiwaanka Gabayada Sayidka"