Tuesday 9 April 2013

Gabay: Waxaad Tiraa Weeye


SAYID MAXAMED CABDULE XASAN 



Koox Daraawiish ah baa waxaa loo diray ilaalo. Habeenkii danbe ayay degmo ku taal Saraarjiidan ku soo hoydeen.Ammin dadku haasaawayo ayaa nin wadaad ah oo la odhan jiray Aw-cabdi Walabban wuxuu yidhi "Weger war armaad Daraawiish tihiin!"

Nimankii markay xaruntii dib ugu noqdeen oo la waraystay bay sheegeen hadalkaas Dabadeedna, Sayidku wuxuu mariyey gabaygan wuxuuna ugu hal daray Ina-Walabban waxuu yidhi:-


  • Xuseenow war baan kuu hayaa,waxaa tiraa weeye
  • Walaalow wacdiga layna faray,ila wanaag weeye
  • Waanadii astaadkeennu yiri,weer aan rabo weeye.
  • Walbahaarka aakhiro inaan,wax u tabcaa weeye
  • Wax sanoo aan dooniyo inaan,wax xun nacaa weeye
  • Wahabnimo ma fiicnee inaan,warac noqdaa weeye .

  • Diintaan wadeecada ka dhigay,inaan wallayn weeye
  • Wahsi baa naftii iga jaree,inaan warfaa weeye
  • Wiilnimo wixii igaga tegey,waha sideed weeye .
  • Werdigiyo shahaadada inaan,weheshadaa weeye
  • Weysada salaadeed inaan,waaxidsado weeye

  • Waannahaarka soon inaanan soor,waana cunin weeye.
  • Waxaddayda maal inaanan dago,waxar ku dayn weeye
  • Wixii waajiboo idil inaan,wada gutaa weeye
  • Waqfigii saxaabaha inaan,waafaqsado weeye.
  • Waayeelka xaajada inaan,ugu wacaa weeye
  • Haddii ay walaacan inaan, wari iraa weeye
  • Xaqa lagama waabtee inaan,waa kan oran weeye .
  • Wacad Eebbe iyo dhaaraan maray,inaan wafeyn weeye
  • Walle beena abidkey inaanan,walafadeyn weeye

  • Haddii aanan waallayn inaan,waabsanahay weeye .
  • Walleys iyo nin weyn inaan xurmada,wada simaa weeye
  • Nin isoo waciidsaday inaan,wax u galaa weeye
  • Wayi iyo waxsiin inaan islaan, ugu wadaa weeye.
  • Wadaadkii kitaabbale inaan,wan u qalaa weeye
  • Walaanqihiyo dheyada inuu,walafsadaa weeye
  • Weylaalis meel wacan inaan,ugu wadhaa weeye .
  • Ina-Walabban oo kale inaan, weger dhahaa weeye

  • Wax i sii haddu yadhi inaan, walacsadaa weeye
  • Walasaqo wixii igula jira,inaan wireyn weeye.
  • Ina-shixirigii wagarsanaa, weled nijaas weeye
  • Warraabkii karreysaha xumaa,waraq la gooyo weeye
  • Warqadduu magaalada u diray,talo wahaab weeye.
  • Iidoorku weligiis inuu, wadal ahaa weeye
  • Walandaadi kheyr daran inay,wax u yihiin weeye
  • Waxba inuusan garaneyninoo,waalan yahay weeye .
  • Wardigiyo shareecada inay,wada neceen weeye


  • Nin jahaad u weyraxay inay,wahan geshaan weeye
  • Sidii fule wadnii go'ay inay,waranwarayn weeye.
  • Weliyada shahiidkaa kuwii, waafka jaray weeye.
  • Waleecaad ha raacee Ibleys,warasadiis weeye
  • Waqood abadankood inay kufriga,daba washlayn weeye
  • Usaguna walaabuu helaye inuu,wasaa weeye
  • Weligood jannada inaan yibruhu,waana urin weeye
  • Waddada naarta loo maro inay,walashtamaan weeye.
  • Raggii dunida waaqeelin jiray, igu waliil weeye
  • Sidii wabarradii loo ajaley, oh iyo way weeye
  • Inuu caro wiriirkeed qalbigu,ii welweli weeye.


  • Wed hadduusan ii iman inaan, wax u liilleyn weeye
  • Wasiirtii xigaalkey inaan,wadar u layn weeye
  • Weysaaq colaadeed inaan,webi tagaa weeye.
  • Ninkii gaal u wisiisiyin Ilaah,welef u keen weeye
  • Wecelkaas cadaabeed inuu,weera yahay weeye
  • Anna inaanan weligay canjeel, wadeecadayn weeye.
  • Ninkii gaal u waasiya inaan, wabaddaraa weeye
  • Warammadiyo hootada inaan,kaga websiin weeye
  • Sidii weer wadaal helay inaan, wiif ka dhigo weeye.
  • Waraabaha dugaagihi inuu,wabaxsadaa weeye
  • Goortuu wirriijiyo inuu,waada guro weeye


  • Wayaaggii ka soo hadhay inuu,haad waywayo weeye.
  • Wannaskii galbeed jiray inaan,weer u xiran weeye,
  • Wejigoodu gubagaas inaan,col u waddayn weeye
  • Sangootida wacdowgaa inaan, wegaradeyn weeye.
  • Wareegada inaan qalahayoo,weerar ahay weeye
  • Winnifiirle reer Hagar inaan, wagac ku siin weeye
  • Hadday soo wiriiryaan inaan,wirif ka siin weeye.
  • Baqahay wajiiraan inaan, walamsadaa weeye

  • Walkadaadka aan bado inay,walashtamaan weeye
  • Warriiskooda cayreed inuu,Webi tagaa weeye.
  • Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye,
  • Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye
  • Aniguna watiinkiyo xamdiga, inaan naqaa weeye.

    

No comments:

Post a Comment