Tuesday 9 April 2013

Gabay: Guuguulle


Ismaaciil Mirre
..........................................................................................................Gabayga aan kor ku sheegay,haddaan faallo gaaban ka bixiyo
sidii uu ku soo baxay: Ayadoo dalkii ay ka dhacay abaar aad u daran ee lagu baaba'ay ayuu Ismaaciil wuxuu harsanaayey geed. Kadibna shimbirka la yidhaahdo guuguulaha ayaa geedkii
dushiisii soo fariistay, dabadeedna wuxuu bilaabay in uu
halkii ka ciyo, isla markaas uu joojin waayey guuguudii.
Ismaaciil goortuu shimbirkii qayladiisii ka yaabay, wuxuu kula hadlay gabaygan. Gabaygu aad iyo aad ayuu u miro wanaagsan yahay, Soomaalida intooda gabayada jeceli way maqleen, Waa gabay qiimo badan, Marka Ismaaciil wuxuu yidhi:

  • Guuguulihiiyow haddaad guga u ooyayso, 
  • Oo aad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku, 
  • Oo aad gamoorahakan maran gama' la'aan diiday,
  • Ayna gocosho awgeed ilmadu kaaga gobo'laysay, 
  • Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaarsiiyo, 
  • Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye,
  • Giddigood addoomaha waxaa gaaray nabar weyne, 
  • Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e, 
  • Geelii adduunka u adkaa gobollo waydowye,
  • Golihii ka kici waa raggii gaydho hayn jiraye, 
  • Tuuladay ilgabadlaynayaan gobol barbaartiiye, 
  • Ninkii timirta goob dhigi lahaa jiingaduu geline,
  • Ninna uma garaabeen haddaan gaadhka laga hayne, 
  • Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye, 
  • Gumburigii bar baa joogsadiyo goroyo cawshiiye,
  • Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye, 
  • Wuxuu gooni daaqii habsaday gubaddadii Hawde, 
  • Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa haraye,
  • Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye, 
  • Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene, 
  • Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode,
  • Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye, 
  • Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye, 
  • Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye,
  • Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii maraye, 
  • Ahmigii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye, 
  • Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye,
  • Basaas bay timihii uga go'een gaaridii dumare, 
  • Galowgiiiyo fiintii naf bay giida la hayaane, 
  • Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye.
  • Garaad Faaraxiyo Maxamuud Garaad ma leh gammaankiiye, 
  • Cood kama gurxamo dooxadii garada fiicnayde, 
  • Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go'ayaane,
  • Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la'aaneede, 
  • Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye, 
  • Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e,
  • Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye, 
  • Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye, 
  • Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne,
  • Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo, 
  • Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye, 
  • Gaagaabso oo aamu yaan gaar lagaa qabane!!!
  •  


No comments:

Post a Comment