Monday 15 September 2014

GABAY-- ( ARDAY NOQO )-- Abwaan Cadceed Cadeysay




♤ Ogobey Murtidu waa Ii Irmaan Aydin Aan dhaqo e
♤ Waa Agab Dhulkani Leeyahoo La Intifaacaaye
♤ Waa oday kasoo gaadh U mudan Aradka Soomaale
♤ Waa dhaxal Afkii Kuunyaysoo Lagu Ilaashaaye
♤ Dhayalna Kuma Abqaale Murtida waw Abtiriyaaye
♤ Ubadkaan Sidiisii Naxwaha U Isir Raacaaye
♤ Ka Amuuma Caawana Tanaan Soo Abaabulaye
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
♤ Afartaa Sidii Aw muftiya Oog maka Cadeeyey
♤ Ma Asteeyey Suugaantu Waa Aalad Gooniya
♤ Ma Ekeeyey Arartaydu Waa Lama Ilaawaane
♤ Afarkale Aroosyada Sidood mawgu Alalaasay
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
♤ Waa Ayaamo Dunida Misana Laga Ordaayaaye
♤ Qof Aroora Joogaba Dhakhsaa Iilka Loo diriye
♤ Axad Iyo Arbaca Kama Badniyo laba isniinoode
♤ Arin Inaad Ku Reebtaa Haboon Idhanto Sooyaale
♤ Ajashaadu Goortay Dhacdee Laguna Aasaayo
♤ Astaan dunida Waa Inaad Dhigtaa Oofinta Horteede
♤ Hadiise aad Agnaan tahay Qalbiga Oodo Laga Saaray
♤ Ama Aadan Diintiyo Aqoon Maadi lagu iisho
♤ Cidi kuuma oydee Qabraa Lagugu Awdaaye
♤ Arday Noqo Markaasaad Ahaan ruux amaan mudane
°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
♤ Afartaa Sidii Aw muftiya Oog maka Cadeeyey
♤ Ma Asteeyey Suugaantu Waa Aalad Gooniya
♤ Ma Ekeeyey Arartaydu Waa Lama Ilaawaane
♤ Afarkale Aroosyada Sidood mawgu Alalaasay
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
♤ Oday Sii Gaboobiyo dhalaan Ababintii Jooga
♤ Arbiciin kolkii aad Tahay Amase Eytiinka
♤ Da' kastay Ahaataba Cilmiga Waa la ururshaaye
♤ Udgoonow rasuulkiyo Siday Diintu odhanayso
♤ Iglan iyo Ilaa Shiinaha Laga Ilbaadshaaye
♤ Orod iyo Guclaa Lagu Helaa Lagu Adkaystaaye
♤ Waa la ijtihaadaa hurdada kuugu iman waaye
♤ Arday Noqo Markaasaad Ahaan ruux amaan mudane
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
♤ Afartaa Sidii Aw muftiya Oog maka Cadeeyey
♤ Ma Asteeyey Suugaantu Waa Aalad Gooniya
♤ Ma Ekeeyey Arartaydu Waa Lama Ilaawaane
♤ Afarkale Aroosyada Sidood mawgu Alalaasay
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
♤ Qaaradahan Is Aayirahayiyo Uumiyaha jooga
♤ Orobada Galbeed Raashankiyo Aasiyada Hoose
♤ Amriikada Is taawinahaysee Aarmi Lagu kuunyey
♤ Ustareeliyada Barafkale Amase Ifriiqdeena
♤ Nin Waliba Aqoontuu Bartuu Soo Itaalsadaye
♤ Nukliyeerka Uunkij Jaree Eberka Qaar geeyey
♤ Aalaad Cajiibiyo Hubkoo Kuman Uluufaada
♤ Waa Igadh Salaaxii Cilmiga Waxad Arkaysaaye
♤ Aqoon buuran ruuxaan Lahayn Waa Ardaal Tabane
♤ Arday Noqo Markaasaad Ahaan ruux amaan mudane
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
♤ Afartaa Sidii Aw muftiya Oog maka Cadeeyey
♤ Ma Asteeyey Suugaantu Waa Aalad Gooniya
♤ Ma Ekeeyey Arartaydu Waa Lama Ilaawaane
♤ Afarkale Aroosyada Sidood mawgu Alalaasay
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
♤Islaam Weeye Soomaaliduba Wadar Ahaanteede
♤Hayeeshee Waxay Aamineen Eyo Dooralehe
♤ Amarkoodu Wuxuu Hoos tubmay Igad La sheegaaye
♤ Kii Loo Amaamudo Xilkee Aamin Loo Tiriyo
♤ Afarqaadka Jaantuu Tagaa Meel Agtooda ahe
♤ Sidii Igadh Maqaar loo dhigay Gaal u ololaane
♤ Shacabkiina Waa Kala Irdhow Eega maanta ahe
♤ Isumay Ugaan Baarqabada Idanka Haystaaye
♤ Iyagaaba Kala Oodayoo Kala Ahaysiine
♤ Adkaartiyo Haday Garanayaan Diinta Alabkeeda
♤ Ama ay shareecada Ogyiin Waxay Ku Oogayso
♤ Galbeed Abasax uma Ay Noqdeen Uurka Gaaladuye
♤ Idhankeenu Diintuu Ahaa Inaan Adeecnaaye
♤ Albaqriyo Watiinbuu ahaa inaynu oognaaye
♤ Amlaydaan wataan Gaaladiyo ubadka soo raacay
♤ Oofaha intaan lagu jarin lagu unuun goynin
♤ Ama Aysan Aakhiro Cadaab noqon Abaalkaaga
♤ Waa Inaad Ixsaankiyo Sharciga Ku Ismanaataaye
♤ Waa Inaad Aqoon Maadiyiyo Diinta Ulataaye
♤ Arday noqo Markaasaad Ahaan Ruux Amaan mudane °° الحمد لله °°