Tuesday 2 April 2013

¤Waxaan ishu qabanayn,
¤Maankuna qeexi karino,
¤Qarsoon Baa iheley,

¤Qaxarkiyo dhibaatada,
¤Qudhayda gaadhayna,
¤Adigaa qoobka uga xidhaye,

¤Nabsi lama qaatoo,
¤Qalad looma yeedho,
¤Waa Layska Qeydaaa,

¤Qalbigan dejiyoo,
¤Qofkii dhab ku jecel,
¤Waa lala Qaybsadaa........>>>>>

¤Nabsi lama qaatoo,
¤Qalad lama weheshedo,
¤Waa layska Qeydaaa,

¤Qalbigan qaboojiyoo,
¤Qofkii dhab ku jecel,
¤Waa lala Qaybsadaa....

By: Maanmaal Buureed
>>>>>29/03/2013<<<<<
¤Reexaan udgooniyo,
¤Neecaw nafta uroon,
¤Saxansaxo roob baa leh,

¤Sidii gu ramashay,
¤Ilmo dhaban roorta,
¤Ruux ku jecel baa leh.

¤Hadal lagu raftiyo,
¤Reen la samaysto,
¤Qof rucdiyaa leh.

¤Gabadhaan raaf dhigayn,
¤Kolba mid la rafiiqda,
¤Cidlo rafashaa leh.

¤Murti loo riyaaqoo,
¤Ruxda maankaaga,
¤Ruuxu rabi siiya leh............>>>>

♥By:Mááñmáál Búúrééd♥