Tuesday 25 November 2014

Gabay---( Fooska Maansada )---- Abwaan Salwe

Gabaygan la yiraaho Fooska Maansada  oo curtay hilaadu markay ahayd 16/09/2014 ayaa waxaa tiriyey Abwaan farxaan Cumar Salwe. Arinta ka adeegtay inuu gabaygani ka yimaado rubadiyo laabta Abwaan Salwe, waxay ahayd dareen taabtay halabuuro badan oo suugaantooda ku shaaciya, kaasoona ka dhashay in murtidoodi budhcad suugaaneed holan qabta oo bogiyo beerku madaw yahay ay ka jilaabato meeriskay soo hooriyaan, iyagoo intay fadhataystaan oo ay wax badalaan hadhaw ku soo jalaadayaa hawraartii boolida ahayd ee ay soo xadeen.


Abwaan Farxaan Salwe in ka badan malaha lix jeer buu arkay rag suugaantiisi ay wejibuuga ka jilaabteen intay wax yar ka badaleen ku soo heesaya,.

Waxaan hayaa Abwaan Salwe dhawr tixood oo uu kaga cabanayo budhcad suugaaneed. Tixdanina waxay ka mid tahay tii ugu dambaysay ee abwaanku kaga cabanayo tuugadaas.

(Faasaxay inaan fac ka dhigo fooska maansada)

**Inkastoon farshaxan dheeriyiyo, Faalo qoray waayo
**Inkastoon ku foognaa murtida, Faylna ka diyaarshay
**Falanqayn waxaan faaqidoo, Fiiro wax usheego
**Ama aan falkii sookordhaba, Fayska hore keeno
**Ficil iyo waxaan foojignaan, Faalo curiyaaba
**Faasaxay inaan fac ka dhigo, Fooska maansada e

**Fikirkiyo markii aan murtida, Feedha kala raacay
**Fiidkiyo aroortii sidaan, Ugu faalaadaayay
**Suugaan facwaynayd sidaan ugu fasaadaayay
**Miyay faraq ku qaateen dadaan, Maalin falanqaynin
**Fal faliidh miyaa loo jabsaday, Faana lagu sheegtay
**Inta ila fadwootee murtida, Fiican lagu daabay
**Waxaan uga fariindirahayaa, Fawda daa badane
**Inta filinku saa uu yahee, Faashle ka qadhaabto
**Ha furfurina fiid meertu, Way faashtaa abide
**Farahana kadhiga Faasil baa, looga faa idaye!!

WQ: Maanmaal