Tuesday 25 June 2013

DARWIISH KHAATUMAAWIYA

√"Khalaaweyniyo been rag baa, Khabarkoodu yahaye.

√"Khalkhaliyo kala guur rag baa, Khadkoodu yahaye.

√"Waxse kha'da gabay ku dhigayaa, Khalqigaan ahaye.

√"Khaniyo faan maaha warkaygu iyo, Tookh lala khalamleeya'e.

√"Khariirada ragii xoreyey iyo, Khaatumaawi baan ahaye.

√"Gumaysiyo khalad ragii diidey iyo, Darwiish khusuusiya baan ahaye.

√"Wadanka ragii ukhamuuri jirey iyo, Darwiish khaasa baan ahaye.

√"Khalqiga somaliyed raga mideynayiyo, Somali kheyrle baan ahaye.

√"Suugaanta khabiir qotamiya oo, Loo khushuucay baan ahaye.

√By: Maanmaal Buureed√

Sunday 9 June 2013

JACBUR: ABDIRISAAQ MAANMAAL

¤Jiimka maansada waa inaan, 
Jidkeeda ka leexdaaye.

¤Jiiftiyo gabayga waa inaan, 
Jar ka xooraaye.

¤Jacburka johoradiisa waa inaan, 
Boodhka ka jaftaaye.

¤Sidii jookarki dhoodaan waa inaan, 
Janankiisi noqdaaye.

¤Balaan jidkiisi qaadsiiyo, 
Caawuu jaal leeyahaye.

¤Jacaylku waa jamhuriyad, 
Aan jago lahayne.

¤Waa jees aan ciriyo dhul, 
Jeex ku lahayne.

¤Waxse sebenkan jeel ku xidhay, 
Aalado jacroorsane (Internet).

¤Jiilka soo kacayow waa inaad, 
Jacayl la jirootaane.

¤Jacaylka facebuuga waa inaad, 
La Jalaabuteysaane,

¤Jaahiisa goortaad aragtan waa inaad, 
Soo jirfataane.

¤Weedho jeygaa ka badan, 
Waa inaad Ku jalbaabtane.

¤Xabiibtiyo xabiibi jirkaan leegna, 
Waa inaad soo jugeysaane,

¤IloveU jeeliyo haraad qabta hadii, 
La idinku soo jifeeyo.

¤Sidii jiir dhaxani jiidhay waa inaad, 
jidhiidhico la kurbataane.

¤Dabadeed jibbiyo qiiro jabaani waa, 
Iney idiin luqun jibaadhaane.