Thursday 25 April 2013

Gabayadii: Abwaan Maxamed Aadan (Maaweel)


Abwaanka magaciisa la yidhaahdo Maxamed Aadan oo ku magac dheer Maaweel, wuxuu sanadkii 1942 ku dhashay magaalada Ceerigaabo, wuxuune ku soo barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yaman, wuxuu ka soo shaqeeyey shaqooyin kala duwan oo ay ugu badnayd maraakiib uu ugu kala gooshey meelaha ay ka midka yihiin Yurub, Asia iyo Carriga Maraykanka, wadamada Kuweyd iyo Sucuudi Arebiya ayuu iyagana Maaweel shaqooyin kale ka soo qabtay; Sanadadii sideetameeyadii wuxuu ahaa guddoomiyihii kooxdii shaqaalaha ee Xasuus. Maaweel hadda wuxuu ku nool yahay xerada qaxootiga ee Xagar Dheere oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.  
 

Maaweel wuxuu ka mid yahay magacyada ugu caansan gabyaaga soomaaliyeed ee hadda nool, wuxuu leeyahay gabay xagga murtida iyo dhinaca afka soomaaligaba hodan ku ah oo u qaybsama kuwo waddani ah, qaar kaftan iyo jareexo ah oo ay rag ay saaxiibo yihiin isku xifaaleeyeen oo ay dadka dhegaystaa si weyn u jeclaystaan, iyo kuwokale, waa abwaan waddani ah oo dalkiisa iyo dadkiisa iyo dhaqanka soomaalida iyo kan muslinkaba si aan la soo koobi Karin u qadariya, Maaweel waa abwaan dabci-san oo fur-furan, bulsheyna ah, isla markaana xishoodka iyo tixgelinta deeqsi ku ah…marka aad la joogto kama dhergaysid sheekadiisa xigmadaysan ee u badan suugaantiisa iyo dhulalkii uu waayo waayo soo maray.  
  
Maaweel wuxuu dhowaan socdaal gaaban ku soo gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa Maaweel ku booqday Hoteelka uu degan yahay, waxaana Ibraahim iyo Maaweel dhex maray xog waraysi ku saabsan Maaweel iyo suugaantiisa. Ugu horrayna Ibraahim wuxuu Maaweel weeydiiyey waxa uu ka qabto xerada qaxootiga iyo ujeedooyinka socdaalkiisa Nairobi, wuxuuna maaweel ku jawaabey:
 
Nairobi arrimo caafimaad ayaan u imid, waxaana taas ii wehelisey shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee la sheegay in halkan lagu qabanayo oo aan doonayo bal inaan xagga dhiiri gelinta kaga qayb qaato, waxaa labadaas ii raaca saaxiibaday iyo wixii qaraabo iigu toosnaa oo aanan intii burburku dhacay wax war ah ka helin wax dhintay iyo wax nool inaan raadiyo, inaan noolahahayna aan ogaysiiyo socdaalkayga waa ku jirtay. Taasi waa taas. Qaxootigana waxaan u shaqeeyaa hayad UN’ta hoos timaadda oo lagu magacaabo Peace education, hawsheeduna waa hir gelinta nabadda oo aanu bulshada cashar ahaan u siino. 
 
SU’AAL: Qaabkee ayaad casharada nabadda dadka ugu gudbisaan?
MAAWEEL: 

  Qaabka aanu casharada u gudbinaa waxa weeye, koox macalimiin ahi waxay qiimaha nabadda baraan ardayda iskuulada wax ka barata, koox kalena dadka waaweeyn ayeey nabadda ku hanuuniyaan oo waa Facilitators, masalan waxaanu weeydiinaa qofka; kumaad tahay?, maxaad hanti haysataa?, caruur ma leedahay?, markuu ka jawaabo, ayaanu haddana waydiinaa su’aal ah; Ma adigaa Illaahay kula gor gor-gortamay inuu waxaad haysato ku siiyo mise Isgaa kuu gartay, markuu yidhaahdo Illaahay baa ii gartay, ayaanu markaas ku waaninaa in sidiisoo kale dadku waxay haystaan uu Illaahay u gartay, haddaba uu dadka iyo waxay haystaanba u nabad geliyo,

isaguna iimaansado wax uu illaahay u gartay. Waxaanu bixinaa casharo ku saabsan la dhaqanka dadka, waxaa jira wax la yidhaahdo Better communication, soomaalida waxaad ku dhex arkaysaa toban qof oo sheekaysanaysa oo dhamaantood hadlaya oo aan is dhegaysanayn, marka waxaan barraa in qof keliyihi hadlo, inta kalena dhegaysato. Taasna waxaa loo adeegsadaa wax la yidhaahdo; Two ways communication, oo ah in qof keliyihi hadlo oo markuu dhamaysto mid kale hadalkii qaato, waa halka ay soomaalidu kaga maahmaahdo; Caanaa la wadaagaaye, hadal lama wadaago. Waxaa kaloo jira qaab ah; One way communications, sida raadiyaha, wargeeysyada iwm, oo ah wax aan loo jawaabi Karin oo adiga uun war kugu shubaya, siyaalahaas ayaanu wax u gudbinaa. 
 
SU’AAL: Maaweel, waxaad tahay nin gabyaa ah, haddaba gabayga ma cid baad ka hidda raacday mise waa wax adiga uun kugu bilowday?
MAAWEEL: Gabyga waxaan ka hidda raacay aabahay, labadaydii awoow, abtiyaashay iyo habaryarahay oo awoowgey Aabbe waa kii lahaa:
Talaabada guracan geelu waa tigintigleeyaaye
Uurka ha ka tawelin nin kuu taagan baan ahaye!. 
 
SU’AAL: Ma xusuusan kartaa gabay aad tiriso, tixdii kuugu horeeyey?
MAAWEEL: Haa, abtigay Cabdi Saalax oo Boqolle ku magac dheeraa ayaa annagoo 1964kii aroos Cadan ah joogna, aniguna aan 19 jir ahay wuxuu arkay gabdho badan oo I sal-salaamaya, dabadeedna subaxii ayuu ii gabyey oo wuxuu yidhi:
Cishihiyo aroortii haddaad daba carraabayso
Sidii Caynaboo kale haddii calan laguu saaray
Oo ay taagtan kugu caashaqeen ma lihid caaqiibe!!. 
 
Markii uu abtigay tixdaas igu ridey ayaan tuhmay in abtigay la igu diray dabadeedna waxaan tiriyey tixdii ugu horraysey gabay aan tiriyo, waxaan idhi:
Cabdillaahiyoow hadal rag kale ha igu ceebayne
Casho keliya meelaan maraad igu cadhayseene
Caddaana uma hubtide awgayoow ways cunsuriseene
Cadri baad I saarteen abtoow adiyo cuurkaaye!!!. 
 
Xiligaas aan Cadan joogey, waxaa soo baxay dhaqan cusub oo ay dhalinyardu la timid oo ay cayaar Twice la yidhaahdaa ka mid ahayd, markaasaa aroosyadii aanu ka gabyi jirey ee ku caweeyn jirey naloo diidey oo waxaa la yidhi: “Laba iyo toban wiil iyo laba iyo toban gabdhood baa ka ciyaaraya oo Team Party baa loo beddelaye idinku raali naga ahaada…kolkaasay xoogaa haantaa haduub la’ ahi nagu dhacday, dabeed waxay ila noqotay inaan ciyaalka gaafka naga qabsaday gabay ku muquuniyo ilayn hubkii ugu weeynaa ee markaa la isu adeegsan jirey gabay buu ahaaye, waxaan mariyey tix ay meerisyadani ka mid ahayd: 
 

  • Inta wiil tabaadi u dhashay oo maantana is taagey
  • Oo ay turuqyadiisii madheen taharihii jiidhku
  • Oo aan waalidiintiis wax tarin tacaddi mooyaane
  • Oo ay tolkii kala samreen laysna taakulinin
  • Oo cudur Tuwiistiya dhamaan lagu tabaaleeyey
  • Todobaatan waa lagu hubaa tiinkan soo baxaye
  • Timahaa ka badan inamadaan wada tebaayaaye
  • War hooy Timir laf baa lagu arkee taa ha la ogaado!!. 
Gabaygaa markaan mariyey ayaa Baararkii ay ku ciyaari jireen laga wada xidhay, halkaasayna ku baaba’day.  
 
SU’AAL: Silsiladaha gabaydaada loogu jecel yahay waxaa ka mid ah gabaydii adiga iyo Khaliif Xasan Walah idin dhex maray, haddaba, maxaa sabab u ahaa inaad Ina Walah isu gabydaan?  
 
Maaweel: Waxay ku biloowdeen, annagoo aan is aqoon, oo aan Sucuudiga joogo, isaguna uu Muqdisho ku sugan yahay ayaa Khaliif Xasan Walah lagu yidhi: “Maaweel iyo Barre Cilmi Dable ayaa sucuudiga isugu gabya oo adigana kuma yaqaaniin…halkaasna iyagaa gabay ku haysta”. Waxaa loo geeyey gabayo siinley ah oo aanu aniga iyo Barre-yare isu marinay, Khaliifna waa naga da’ weeynaa, halkaas ayuu xin qooq iyo nin toocsi ka soo diray, tix dheer oo uu noo soo tiriyey waxaa ku jirey meerisyadan: 
 


  • Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday 
  • Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey 
  • Oo labada buuroode siman maanta kala saaray 
  • Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay 
  • Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo 
  • Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo 
  • Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey 
  • Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay 
  • Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay 
  • Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey 
  • Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele 
  • Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele 
  • Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye 
  • Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo 
  • Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye 
  • Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!. 
 
Markii aan helay tixda Ina Xasan Walah, anigu ninka ma aqoon sidaa darteed waxaan xuuraamay inaan dabeecadihiisa wax ka ogaado, waxaana ii soo baxday inuu Kenya joogi jirey oo qaadka iyo hawlihiisa ku xun yahay, markaasaan u diray tix ay tuducyadani ka mid ahaayeen: 
 

  • Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey 
  • Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya 
  • Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka 
  • Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin 
  • Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya 
  • Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.
 
Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka mid ahaa gabaygii uu ii soo diray:
 
  • Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey 
  • Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka 
  • Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey 
  • Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka 
  • Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey 
  • Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha 
  • Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaada’ahe 
  • War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!.  
SU’AAL: Qaar badan oo ka mid ah dadyoowga suugaanta lafa guraa sida ay qabaan, gabayda waxaa ugu xiiso badan kuwa la is weeydaarsado,sida kuwa aad saaxiibadaa ku xifaaltanteen, hadaba, Maaweel, yaa kale oo aad foodda is darteen?
MAAWEEL: Waxaannu foodda is gelinay oo aannu silsilado badan isla soo maray abwaanka la yidhaahdo Barre Cilmi Dable (Barre-Yare) oo ka mid ah saaxiibada aan baafinayo oo aanan xog ka hayn halka uu ku sugan yahay.
 
SU’AAL: Maxaa sabab u ahaa inaad Barre-yare isu gabaydaan?

MAAWEEL: Anigoo Kuweeyd jooga, isaguna uu Dahraan ku nool yahay ayuu nin iigu soo dhiibey fariin ahayd Maaweel waxaad ku tidhaahdaa dirayka Lee la yidhaahdo ayaa noo daran, taas daandaansi baan u qaatay waayo wuu shaqeeyaa, dhaqaalihiisu waa ladan yahay, marka waxaa ii soo baxday inuusan Lee waayine uu ilaaq u jeedo, dabadeedna waxaan u tiriyey gabaygan:
 
  • Dadqal yahow hunguri daamadaa dawgalkaa yahaye 
  • Dibnahaa Illaah kaaga dhigay dararti maandeeqe 
  • Ninkaan dabaqa kuu buuxinayn waad dudubisaaye 
  • Sida aarka Doollo iyo fadhiya daarsi iyo Faafan 
  • Oo wiig intuu soo dib jirey digi ka yeedhayso 
  • Oo daacuftiisiyo wejiga laga dedoonaayo 
  • Oo debedda soo yuururaan cidi danqaabaynin 
  • Dawo ma leh naftaad maalintaa daanka gelisaaye 
  • Sida roob intuu dirin cuskaday doog ka bixi waayey 
  • Ama Diiri meelay gashay oo daaqi ka idlaysay 
  • Ama bohol dalooshoo cirkii da’ayey qoyn waayey 
  • Durdur lacaga, duufaan nimca ah ah, daaro wada Luula 
  • Deeqii Illaaheen haddii lagu dabaalsiiyo 
  • Kolba adigu kii diif lahoo duud xun baad tahaye 
  • Hadba ruux dal dheer kaa jiraad doona leedahaye 
  • Dahraan iyo Xijaas iyo intaad Khobor ka soo duushey 
  • Daman maysidoo waxa ku galay damac magaalada’e 
  • Dayrkii Sucuudiga intaad duhur ka soo boodey 
  • Dadkeenii anaa kuu hadhaye ma igu soo duushey!!. 
 
Saaxiibkay Barre-yare kolkuu tixdayda helay ayaamihiiba wuu ka soo jawaabay oo wuxuu ii soo tiriyey tixdan, wuxu yidhi:
 
  • Daldalyohow af xumo duur xuluu dawgalkaa yahaye 
  • Dibnahaa Illaah kaaga tiray sun iyo deebaaqe 
  • Nikaan dabar lugaha kaaga xidhin daqarna kuu geeysan 
  • Amaan daanka feedh kaala dhicin waadan dayn karine 
  • Haddii duunyo cay lagu helo oo dawlad lagu gaadho 
  • Daarood ku sii hadaladaan daahirka ahayne 
  • Dadka kalena waa kuu fasaxay adiga deelqaafe 
  • Duqsina wuxuu gubtaa maalintuu maraq dabaashaaye 
  • Daf uun baad I soo tiri sidii xaabo daad sido’e 
  • Nina haddii dabaakh lagu ismo uu daasadaha maydho 
  • Danba wuu isaga yeelan jirey damaca naagoode 
  • Inaan maraqa kaa daadiyaad igu diraysaaye 
  • Sida aarka Doolliyo fadhiya dabaqyadii hawdka 
  • Dadkoo iga fajacay xoolohoo didaya xiinkayga 
  • Waxaad iiga daba qaylisaa Dawac sidiisiiye 
  • Buuraha dubaaq xaajadaan geeyey dabadooda 
  • Maadaa duwadey dhawr ninoo doonayaa jiraye!!. 
 
Gabayo badan ayaa aniga iyo saaxiibkay Barre-yare na dhex maray, mar dambe ayaanu heshiiney oo is deeyney.
 
SU’AAL: Ma jirtaa cid kale oo aad gorodda isla gasheen?, hadday jirta’se maxaad isku gasheen?.

MAAWEEL: Haa, waxaa jirey nin Sheef la odhan jirey oo aanu isu gabaynay, waxaanuna isku gallay anigoo Kuweyd ku cusub ayaa la damcay in la I mu’aamaradeeyo, markaasaan wax iska rabey, markaasay reer Kuweyd igu yidhaahdeen: “war ilayn suxufiga soomaalidu waa gabyaagee todoba bilood baad nala joogtaye maad wax na tidhaahdid, aroosyada uun baad hablaha ka amaantaaye, miyaadan juq kale hayn”, reer Kuweydna masayr iyo wax bay ku xamaan jireen, markaasaan ku idhi war gabaygiinaa meel xun ka furan, waxaad arkaysaa qof dumar ah oo guriga kor lagaga xidhay, mar dambe ayaan tixdan ku sii daayey, waxaan idhi:
 
  • Nimankii qurbahan laasimoow aaxin soo noqoye 
  • Leedada fardaha kuma galaan odayo liitaaye 
  • Leexada markuu tiigsadiyo laashimo u muuqda 
  • Laafyaha markuu kala baxshood leeb la galay mooddo 
  • Laxaadkiisa wiilkii qaboo labaca mooyaane 
  • Lawyadu ninkii ay debceen loodin kari waaye 
  • Lixdan idinka oo wada jiruu liicay dhabarkiinu 
  • Lanleebadu markay idin gashaad luufka barateene 
  • Haddaydaan hablaha laylyanayn haysku laalina’e 
  • Lebis fiican waw iibisaan laasin qaayo lehe 
  • Ha yeeshee halkaan laabtu jirin kuma lulmoodaane 
  • Leeleelka dumarkii Kuweyd looxa lagu duugye 
  • London bay ka faalaynayeen maanta labadiiye 
  • Wax la yidhi libdhada soo baxdiyo laydha ma arkaane 
  • Wax la yidhi lamaanaa ka xidhe lug iyo waaxdeede 
  • Haddayna le’anayaan gacalka jare umana laabtaane 
  • Siday Luul ka gurayaan dhulkay laan ku qodayaane 
  • Lafse qaloocan baa laga alkumay liisha naagaha’e 
  • Hadba meesha lagu laynayuu ladh uga muuqdaaye 
  • Lalabaha hadaydaan ka dayn laadka iyo hiifka 
  • Amaad laamiyada raadisaan waydin lurayaane 
  • Lo’ miyaa gabdhuhu qoob ka xidha waad ka lulataane!!. 

Markaan tixdaas tiriyey bay xaaladdii cirka isku shareertay oo ay aniga iyo reer Kuweyd noqotay, waxaa ugu horayn ii soo jawaabay gabyaa la yidhaahdo Sheef, wuxuu yidhi:
 
  • Xasaradow miyaa Maxamedoow xarafki kaa weecday 
  • Xigaaliyo qaraabiyo tol iyo xidid ma ceebaysay 
  • Miyaan xaal ku qabanayn af waa lagu xujoobaaye 
  • Nin magaalo wada xaasidaa waa xaqiirnimo’e 
  • Waxa aan xogtii helay inaad xaasna leedahaye 
  • Taadaba xoriyad sii haddaad xumo la doonaysid 
  • Anagana xijaabkaa u daa xaydka lagu meershey!!. 

Ninkaas waxaan ku idhi xaasid baad tahaye adigaa iga helaye maxaad nin gabyaa ah ugu geeyn weeydey. Gabayga Sheef ayaan isagana soo xuuraamay waxaanna soo helay inuusan xaasba lahayn, dabadeed tixdan baan u mariyey, waxaan idhi:
 
  • Xisaabtayda Sheef kuma qorayn mana xusuusnayne 
  • Inuu aniga ii xaydan yahay ma xusbadaynayne 
  • Lugtooday riyuhu xaabadiyo xanan ku doontaane 
  • Xaruurigan magaalada degsaday ways xanibayaaye 
  • Goortay xamaasadi dhacdoo la isku xayraamo 
  • Xisbu mucaarad sida uu yahoo Harar xoraynaayo 
  • Xusul duubka iyo guuraha iyo xawligiyo diifta 
  • Xididka iyo sokeeyahaba waa inuu xujeeyaaye 
  • Sidii habar xinaha iibisa oo xaafadaha meerta 
  • Oo xoogag diirdiiran oo xeegada ciyaarta 
  • Xagaasuu u sii qaadayaa waruu xambaaraaye 
  • Muxuu xaal igaga doonayaa xilo miyaw jooga!!. 

Markaanu aniga iyo Sheef labadaa gabay is dhaafsanay ayuu gabyaa Bashiir Ismaaciil la yidhaahdaa bardoodankii soo galay, waxaa ka mid ahaa tix uu ii soo tiriyey meerisyadan:
 
  • Halkii lagu dhintaa buu nin ragi guul ka dhaliyaaye 
  • Midse dumar dhexdoodiyo haween qaad ku dhilanaayey 
  • Inuu golaha dhinac joogsadaa waa waxaan dhicine 
  • Dharaarahanse Maaweel haddaad hadal la soo dhooftay 
  • Dhamaan baa diyaar loo ahaa kaan dhaliil geline 
  • Haddaanu dhaawac kaa yeelanayn waanu kaa dhuriye 
  • Dhowaanse reer Margaab1  sheekadaad kula dhex meeraysey 
  • Ogoobeey dhankaad ula qasdiday nooma dhaadhicine 
  • Dhabaan kuula wadayaa hadduu dhaamo kii hora’e 
  • Haddiise xarafku kaa dhaaban yahay lagu dhaleecowye 
  • Aniguna inaan kula dhigdhigo haw dhursugin taase!!. 
 
Gabayga Bashiir Ismaaciilna waan ka jawaabay oo waxaa gabaygii aan u tiriyey ka mid ahaa tuducyadan:
 
  • Bashiiroow warkaad soo dhurtee igu dhaleecaysay 
  • Dhawdaad lyeedhiyo dadkood dhiilo gelinaysid 
  • Sidii dhagax qof waalani ridoo dhiibshey gacantiisa 
  • Dhab-darro iyo is yeel yeel inaad dhalada ii xaadho 
  • Oo aadan ii soo dhabacan cidi ma dhaadayne 
  • Dhayalse hadalku iigama tago iyo magane dheel dheele 
  • Dhuuxiyo laftaan kala sugay iyo seedahaw dhigane 
  • Dhulkana waxaan u doojaa sidii dhibicda roobaade 
  • Inuu gabaygu kaa dheeliyaa waa dhirrici weeyne 
  • Raganimada waa loo dhashaa lalana dhoofaaye 
  • Dhacadiidka guudiyo ma aha dheehan kugu yaale 
  • Waa dheefta maankiyo caqliga la isku dhaamaaye 
  • Waxyna abeeso kugu dhaawacdaa dhul ekaansha’e 
  • Waa dhabana hays Dhidar libaax dhaar u soo diraye 
  • Dharkayna caanihiis lama dhamoo waad ku dhimataaye 
  • Dhunkaala waxaad cantuugtaa markaad dheelmo leedahaye 
  • Hadday nabadu waa lagu dhergaa kuu dhadhami weeydey 
  • I dhegayso caawaan tixaha kuu dhambalayaaye 
  • Markase suuqa laysula dhaco iyo dhaantadiyo jaadka 
  • Dhan kaluu jiraa dumar ninkii laga dhex waayaaye 
  • Ha dhabqinina afsoomaaliga oo haysu dhiibina’e 
  • Haddaad hadalka dhiiftaad u tidhi kaga dhabaynasid 
  • Ha dhuumaalaysanine maad halkaa horay u soo dhaaftid!!. 
Rag kale oo tiro badan ayaanu isu gabaynay oo ay silsilado kala duwani na dhex mareen, laakiin kama gaadhayno inaynu ka wad sheekayno maanta.
 
SU’AAL: Waa yahay, waa gabayo kaftankooda aan laga xiiso gooyn Karin, waxaa jira gabay waddani ah oo aad tirisay oo aad loo jecelahay, laguna magacaabo: Aan isku dhoobnaano, kaas maxaad maanta ka xusi kartaa?.
MAAWEEL:  

Gabaygaasi wuxuu ka mid yahay gabayada aan midnimada soomaaliya iyo wax wada qabsashada bulsha weeynta somaaliyeed ku guubaabiyey, waxaa ka mid ahaa:
 
  • Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane 
  • Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine 
  • Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine 
  • Dhuuryaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!. 
  • Col la dheelmay meel lays dhigay iyo guluf dhalaan dooxa 
  • Dhinacyada hayaayda u baxday iyo dhiilo dami weeydey 
  • Adigoo dhabiibyey oo jilcay oo dhoombir kugu yaalo 
  • Dhakhtar kula tegyaa iyo si kale kuula dhididyaaba 
  • Nimaan dhidid adoogaa ku jirin dhaqana kuu keenin 
  • Hadday dhahato waa kaa tagaa kuuma dhiidhiyo’e 
  • Dhabar baan ka soo wada baxnay iyo dhayso habaraeede 
  • Wuxuuna dhabarku ii daalayaa yaadan dhaxamoone 
  • Dhabbo keliya aan wada marroo aan isku dhoobnaano!. 
  • Dhafrkii tidcani aqalka waa dhidib adkeeyaaye 
  • Shan dhagaatiyaal wada jirkood dhumucdu weeyaane 
  • Hadday dhudiba meel taagan taahay dhiil ma hayn karo’e 
  • In kastoo dhufeeciyo xaskulo dhuub leh laga diiro 
  • Lama kala dhuftee xadhiga waa la isku dhawraaye 
  • Inaguna dhiggiisaan nahee aan isku dhoobnaano!. 
  • Dheeriyo dhowiyo jooge iyo dhaafi iyo qaayib 
  • Dhedig iyo labood ceebtu waa ina dhex taallaaye 
  • Dhalinyariyo waayeelba waa ina dhibaysaaye 
  • Dheg la jaray daloolkaa hadhiye aan isku dhoobnaano!. 
 
SU’AAL: xiligan ay dagaalada sokeeye iyo dawlad la’aantu ummadda soomaaliyeed daashadeen ma ka gabayday?
MAAWEEL:  

 Haa, ilaa 1992kii gabayaan marinayey, waxaa ka mid ah mid aan ugu magac daray xanaf Kaneeco oo ay midhahni ku jireen:
Soomaali xidid baa furraa tan iyo xaataaye
Waxaana xawl marriidada ka galay xeer qabiil dhigaye
Xanjareeridaasay tolimo ku xejinaayeene
Ilaa kaas la xidho Baanday2 uma xasilaayaane!.
Waxaa kaloo jirta tix aan dadkan dhoofaya ee dalkoodii ka sii cidhib go’aya ka tiriyey, waxaana ka mid ah meerisyadan:
 
  • Dhul shisheeye dhacadiidsi iyo ma laha dhaax jooge 
  • Dharaar iyo labaa lagu sugaa dhaanka kuu maqane 
  • Haddaad dhaaftid noloshaadu way kala dhantaalnaane 
  • Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!! 
  • Dhurwaayada dad quutaa jiroon dhaafin oo cuna’e 
  • Dhinacyaa u wada kaydsan iyo Dhidar baruur weeyne 
  • Dhudhun dhaylo Khaansiir kuwaa dhuuxayaa jira’e 
  • Dhegsin Haram-cad, dhay jeex Dawaco hilib la dhuundhuunshey 
  • Daayeer dhuguugucay haddii Dhiishka lagu siiyo 
  • Waxaan waalidkood dhaawan jirin waa ku dhegayaane 
  • Dhira dhabato iyo caano aad dhirin dhir moodaysid 
  • Ama dhiil khamriyahoo la furay wayska dhamayaane 
  • Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!!. 
SU’AAL: Ugu dambayntii, Maaweel, dalkeenii weli ma xasiloona oo dagaalo ayaa meelaha qaar ka socda, burbur ayaa beled iyo baadiyeba ku baahay, dalkiina weli dawlad dhexe oo siyaasadda dalka hogaanka u qabata ma leh, in badan oo soomaali ah ayaa goonyaha kala fog fog ee dunida qaxooti ku ah, wax waliba waxay u muuqdaan inay sidii caadiga ahayd ka fog yihiin; marka maxaad maanta soomaali ku odhanaysaa?.
MAAWEEL:  

Waa run waxyaabahaas oo dhami way jiraan, waana tiiraanyoodaa marka aan soo 
xasuusta halka ay maanta qaranimadii soomaaliyeed taallo, waxaan soomaali maanta ku odhan lahaa afartan hal:
 
  • Soomaaliyeey talo cid kale kama sugaysaane 
  • Mana soo socdaan qoom kaloo idin saxaayaaye 
  • Idinkuna sidaad wax u waddaan waa silloon tahaye 
  • Sawir fool xun baydiin bixiyo ceeb sujuura lahe 
  • Inta aan silsaal idinku dhicin sigate dhawr jeere 
  • Amaydaan u sayn go’in sidii qaramadii suulay 
  • Ka siq-siqa mar uun ceebta waa laga sariigtaaye 
  • Kana saami gala nabad gelyada sare u qaadkeeda!!. 

Xigasho:   www.SomaliTalk.com

No comments:

Post a Comment