Tuesday 9 April 2013

Gabay:Gudban Ama Gaalo-leged

SAYID MAXAMED CABDULE XASAN 

-----------------------------------------------------------------------1898dii ilaa 1910 ayaa Sayidku dadka wuxuu ku waday waano iyo waxsiin si loo helo israac iyo wadajir, gaalana meel looga soo wada jeesto. Inkastoo xaruntii dad badani raacay xoogna ay yeelatay haddana dadkii daraash ku maageerraa aflagaado iyo adyad bey ka deyn waayeen iyo iney gaalada garab iyo gaashaanba u noqdaan. Markaa Daraawiish waxay la ahaatay haddii waanadii iyo wanaagii la diiday in waran caaradii lagu dayo. sagoo Sayidku Daraawiish gubaabinaya, wixii loo geystena faalo ka bixinaya dabadiisii la laayeyna gocanaya, waxay ka fali doonnaan tusaalaynaya, meelaha in nabarro loo gesto ku haboonaanna timaamaya wuxuu tiriyay gabaygan soo socda magiciisana la yiraahdo "Gudban" Daraawiishise wexey u tiqiinay "Gaalo lagad" ( 1 ) Gudban waxaa loogu bixiyay Saydkoo isu mariyay bari iyo galbeed. (2) Gaala-lagad waxaa loogu bixiyay niman aqooni Daraawiish ahyn, wuxuuna gabaygani ka mid yahay gabayada geyiga oo dhan ku faafay
  • Awel maanso waataan gudbo, gudhiyey waayaaye
  • Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye
  • Aan gaasheeyo tii xalay hurdada, gama'a ii diidday
  • Galladaha Illahay ka badan, geedahaas baxaye
  • Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine
  • Guddiyeey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye
  • Najiskii gurta xumaa hadduu, shalayto geeryooday
  • Godka lagu cadaabkii haddaan, gawrac ugu jiiday
  • Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene
  • Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede
  • Isagay gargaaroo dugaag, iiga goonniyahe
  • Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane
  • Gandaldheere waataan wax badan, guuyaduu maraye
  • Gef hadduu ku sii daray wixii, iiga goonniyahe
  • Anigu wow garaad qabay inuu, gigi waraabuuye
  • Giriirixis aan jirin waa wixii, gaabshay oo rogaye
  • Gaaleyska waataan la dhacay, gucurradoodiiye
  • haddeeyaan abaal gadin sidaa, uma gadoodneene
  • Godolkiyo kasnaantaan u qabay, kama galgaaleene
  • Kumana gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane
  • Waxse mowd ku gaardiyey markay, ganafka taageene
  • Gobeygii Shuxle ahaa haddaan, gowsihii jebiyey
  • Gegida Yuusuf Jiifaa tukuu, gabas-dhebaayaaye
  • Geesaaska dumarkaa sidii, galow la moodaaye
  • Geed-joogahoodii haddaan, gudurigii siiyey
  • Guska Taajir baa ii hadhaan, ugu gamuumaaye
  • Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye
  • Majeerteenka kale inaan ku gudo, wayga garanuuge
  • Garacyada Bahdira haatanaa, guuto loo wiciye
  • Waa lagu galaal xoorayaa, gurigi reer Nuure
  • gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu ganaayaaye
  • goobbay ku wada le'an sidii, goosan weer helaye
  • Gafuurraxun sidee Eebbahay, guuldarra u raacshay
  • Afartaa geddii aan bartiyo, gololo'daydii dheh
  • Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol naqaygii dheh
  • Madfac gow yidhaahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh
  • Guulaamo roob da'ahayiyo, gababaxdiisii dheh
  • Onkod guguguclayn iyo hillaac, galalacdoodii dheh
  • Gufaaciyo gudgude soo curtiyo, garamahoodii dheh
  • Guluuliciyo mayay laysku daray, galangalkoodkii dheh
  • Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh
  • Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl dheh
  • Shir la gooday waayeel gab yidhi, garangartiisii dheh
  • Xidhiidh lagu gimmaamadahayiyo, gola firaasheed dheh
  • Xaajada ninkii garanayiyo, gig iyo sheeggeed dheh
  • Gobo'kalana waa aniga iyo, ged iska sheeggayga
  • Galiilyoodayeey cadho miyey, gubatay laabtaydu
  • Gogoshii la ii dhigay miyaan, geydh la qaban waayey
  • Gabbal dhiciyo waaberi miyaan, socod ku gaaraaday
  • Gadiid maalin oo idil miyaan, gaafka sare meeray
  • Sidii awr gabraareed miyaan, gululubluu rooray
  • Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay
  • Ma geddaabadhabadkaa sidii, geri boodheeyey,
  • Gooxii aan yuururay miyaan, gibil madoobaadey
  • Raggii igu gadaannaa miyaa, aakhira u guuray
  • Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday
  • Gamiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laadlaadshay
  • Gelin haddii aan foororay miyaan, giirka kor u qaaday
  • Guhaad iyo calool xumo miyaan, geyrtayoo diriray
  • Hadba gees miyaan deyay intaan, gownaxyada buuray
  • Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyay
  • Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay
  • Ma genbaan u taagnahay intay, gaadho noloshaydu
  • War ma Dhooddi baa gaamuroo, garabku weynaaday
  • Ma galaasa miidaan ku shubay, gamashigii Dayrta
  • Gorgor kacey la moodyow durduro, ma igu gooraamay
  • Godobtaydu waa wada jirtaa, goonyohoo idile
  • Gashi niman ku leeyahayba waa, dabagelaayaaye
  • Waxaan goosan karo anigu waa, gurubsanaayaaye
  • Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye
  • Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye
  • Giyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye
  • Nin ganaananayaan ahaan, gabarna dhaafayne
  • Waxaan geysto oo idili way, gun iyo rayrayne
  • Giyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye
  • Anigaba geddey igu faleen, waa gaggaab culuse
  • Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode
  • Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene
  • Anaa gaafahaaygii nadhaye, geyste nabarkiiye
  • Anna waxaan rasaasta u gingimay, gini colaadeede
  • Gabagabaha Bari waxaa ku xigi, go'aha Iidoore
  • Guban iyo Burciyo Looyo waa, gaalib weerar e
  • Gooddiga Arooraa fardaa, lagu garmaamayne
  • Gaaroodi iyo waa la tegi, buurihii Golise
  • Galaayuubta Hagar-Aadan baan, gaaddow marine
  • Gembi wowgu ridi fulayadii, ganafka dheeraaye
  • Geeltoosiyaha waa la siin, guucurradoodiiye
  • Sidii garowhadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene
  • Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walbaba jooga
  • Inshaa Allaahu waa gurahayaan sida gal miireede
  • Gurraasiyo Iljeex waa la qaban, gooshka haatana e
  • Malahayga waa lagu galgalan, gaanka reer Dalale
  • Gaas baa ku caran reer-Subeyr, goborra wyntiiye
  • Kolaan Goora-cobolley ka dayo, amase Geel-loo-kor
  • Huwan waa ka gabangaabsan jirey, gelin ma waayaaye
  • Haaruun xaggee baa la geydayen, Goha miyuu dhaafi?
  • Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo
  • Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago
  • Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo
  • Gabgabtiyo galaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye
  • Ninkii goomman wow shubahayaa, galaxa caanoode
  • Gabbaan laguma sooree nin raga, balaan ganuun siiyo
  • Waa gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadaydiiye
  • Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye
  • Aan gafleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye
  • Xaajada nin gunaan ahee, aan u garraaddeeyo
  • Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guurreeyo
  • Meeshuu garraarkeedu jiro, gow aan kaga siiyo
  • Nimaan gedo yarayn baan ahoo, Gaaddaweyn jiraye
  • Waa ii garaad li'i dantay, inaan ka gaaftaaye
  • Gobo kalana waa Eebbahay, midaan galliimeystay
  • Eebow geyiga oo dhan waa , nala ka guulaaye
  • Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye
  • Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuunneeye
  • Go'na lagama qaadine dulmay, nagu gelaayaane
  • Gabbaad kale hadday noo helaan, waa gam'i lahaaye
  • Eebow waxay nagu garbeen, diinta soo gala e
  • Eebow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye
  • Eebow gammaan iyo waxaan, gini cas dhiibaayey
  • Eebow garow kagama helin, goolashaan wadaye
  • Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene
  • Eebow waa gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye
  • Eebow waxay gabawareen, Gaagguf iyo Xayde
  • Xirsigii garaaraha lahaa, gaarufkii dile e
  • Geydhaale Aw-Aadan bay, galowda taabteene
  • Eebow geesigii Ina-Dherey, ugu guduudsheene
  • Guxushaaga Baynaxa ilmadu, waatan gabaxleyne
  • Gorroska Muuse-Taaganaa wadnuu, ila gariiraaye
  • Eebow ways gamaamaa markuu, gaarka soo maro e
  • Guuleedku wuxuu noo ahaa, guurti loo hiranne
  • Nimankii garaaddada ahaa, waa gadow jabane
  • Eebow sidii gaanti maro, waa la gaasiraye
  • Eebow gaari bay reer Warfaa, guradiii saareene
  • Gubni baa ku dhacay reerihii, gaannanaan jiraye
  • Eebow goonni baa laga heliyo, guri qalaadeede
  • Gaaggii ka hadhay reer shawaa, caydh la golosleyne
  • Waxa goday sidii qaanso waa, gaajo iyo ciile
  • Eebow waxaa gorof ku raray, duul Geshiiishaaye
  • Caligeri sidii loo gondolay, gobolba meel aadye
  • Waa gelengal nimankii fadhiyay, guriga Ciideede
  • Eebow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede
  • Eebow goonji weyn iyo qax bay, naga gullaafteene
  • Guullow ma helayaan waxay, nagu gubaayaane
  • Eebow waxay naga gogtaan, waa galoof olole
  • Eebow sidii guun haween, giidu waa aniye
  • Eebow nin goba baan ahoo, guni rifaysaaye
  • Eebow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye
  • Ma garaysni Eebow waxaa, guufanneyska ahe
  • Eebow gabooddii dorraad, waan ka gara'layne
  • Eebow markaan geyllamey, guulmiyo biqiye
  • Eebow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye
  • Eebow kufriga gedeftaley, gacanta haystaane
  • Eebow anaa kugu garlee, guusha ha seejin.

No comments:

Post a Comment