Thursday 4 April 2013

XAFAAAR


  • Xiiqaayow Bir xawaare jartay, Xiin laguma gaadha'e.
  • Xabadiyo gumuc dhacay, Xodxodasho ma lahayne.
  • Cir xuub dhacsaday Xareed, Laga ma sugo'e
  • Naf xawl mariidka dhaaftay, Xanaano ma lahayne
  • Suugaantuna xagxagshiyo xarbi, Laguma xaadiye.
  • Adiguna xaraf laguu dhiibay baad, La xarakaadaysaaye.
  • Abris soo xankaakubay baad, Xerediisi timiye.
  • Kuwii hoyga xikmadiyo fadhiyey, Xaruntii murtida.
  • Adigoon xa'da gabay xardhi karayn, Baad xuruuf ula timiye.
  • Xisidnimadiyo xisti fogaaday Baa, Laabta ku xoodaye.
  • Xafaarna waad u ahayd kuwii, Xamasta leenaayey'e
  • Xayn libaaxyo ah baad dalbanaysaa, Xarbigoodiiye
  • Xadkaaga xidho yaanan, Xogta gaadhsiine.

  • ♥By: Maanmaal Buureed♥

♥♥DHEELIYO DHAB!♥♥


  • Mar hadday dhexyar,
  • Dheel dheel bilodow,
  • Dhabadaad joogtidiyo,
  • Dhankaaga soo aado,
  • Ooy Afka soo dhubtoo,

  • Intay labada dhaban,
  • Habsami ugu dhegto,
  • Dhunkasho yaab leh,
  • Dhab ku sii dibnaha,

  • Dhinac ka dhinac,
  • Dhowr minit gudahood,
  • Gacmaha is dhaafsataan,

  • Oo Xidida dhiiga qaadiyo,
  • Inta ku dhaaban wadnaha,
  • Dhab uwada dhaqaaqaan,

  • Dhuumaha dareenkiyo,
  • Dhuuxuna dhaqaaqo,
  • Oo dhididiyo reenku,
  • Daqiiqado sii dheeraadan,

  • Alleyle mashaqada dhacday,
  • Dhayal maha hawsheeduye,

  • Dhibtii ka timaadiyo,
  • Dheeftii laga helaba,
  • Hooy dhalinyarooooy,
  • Dhaxalkeeda yaa leh?

♥By:Maanmaal Buureed♥
♥♥Idimka Eebe Weeye♥♥
♥♥31/10/2012♥♥