Thursday 28 August 2014

GABAY-----(RAFIIQ MALE QABYAALADI)----HAL-ABUUR MAANMAAL

☆Ruuman la kala ootiyo, Qaran riiqmay dihataaye

☆Reero reero laysu diliyo Colaadiyo riyaatey keentaaye

☆Sokeeye iyo gacal is rabey, Raran dhex dhigtaaye

☆Rufiyaan mooryaana iyo, Rixin goys bey dhashaaye

☆Ragrif iyo rayi-gaab bey, Uunka ku raaftaaye

☆Midan rabiyo ragba aqoonin, Bey rayidaaye

☆Rabshad ooge aan naaxayn, Bey rabaysaaye

☆Munaafaq raabakh odeya, Bey ka reemisaaye

☆Ruqufraaquf qalbiga ka bukey, Soo riixdaaye

☆Qudhuniyo quudhsi riimayey, Soo rushaysaaye

☆Rucdiyo naxli huursaniyo, raad xun bey ka tagtaaye

☆Raxan walaala oo isjecel bey, Kala rookeesaaye

☆Saqiiriyo raqayo waayeela bey, Ruud-biraysaaye

☆Raaliyo seygeedey kala geysaa, Ruuxda qaybsadeye

---------★Soomaaalaay★--------

☆Rafiiq malaha qabyaaladi waxay rogto mooyaane??

....Continue....

Sunday 24 August 2014

HALXIRAALAHA SUUGAANTA IYO TIXDII CULUUM EE ABWAAN ISMAACIIL BOOBE

Hal-xiraaluhu Waa Su'aal Maldahan Taaso Lagu Guntay Masalo Furitaankeedu Ku Sargo'an Yahay Cilmi(Maadiyo Diiniba), Aqoonta Dhaqankiyo Hidaha, Ama Wax Kastoo Garasho Iyo Aqoonba U Baahan.
Hal-xiraaluhu Waa Labo Nooc Oo Kala Ah:-

1: Hal-xiraale Mutaxan:- Waa Mid Mutaxan Oo Aan Lagu Hidin Suugaan, Kaasoo Ah Mid Tiraab Uun Lagu Gaasheyey Oo Qaawan.

2: Hal-Xiraale Dhafan:- Waa Mid Lammaan Oo Masaladiisi Maldahnayd Lagu Taashay Laguna Soo Dhiraandhiriyey Hab Suugaaneed Dhudiyo Dhaabad Sarbeebeed Ku Qotoma.

Halxiraalaha Noocan Kan Ahi Waa Mid Aad Iyo Aad U Adag, Waa Mid U Baahan Maskax Iyo Garasho Eebe Ku Manaystay Aqoon Iyo Hibo Maansoba. Hal-xiraaluhu Wuxuu Kobciyaa Hab-Dhiska Fakar Ee Maskaxda, Wuxuu Sidoo Kale Maanka Ka Yeelaa Inuu Fahamkiisu Looshanado, Noqdana Mid Aad U Awood Badan.

Hal-xiraalaha Dhafan Waa Ka Lagu Gaashyeey Tixda-e, Waxaad Moodaa Inay Dhifiyo Naadir Tahay Inaad Aragto Ama Maqasho Tixo Hal-xiraale Ah Oo Ay Isku Jalbeebayan Hal-abuurada Sebenkan Bulshada Soomaaliyeed Umaansooda.

Maansoyahanadii Hore Gabayada Iyo Geeraarada Isku Hal-xiraalayn Jiray Kuwii Ugu Caansanaa Waxaa Ka Mid Ahaa, Weerar Bulxan Iyo Faarax Caytame Iyo Qaar Kaloo Badan.

Maansoyahanada Da'ada Yare Ee Hada Bulshadeena Umaansooda Siiba Kuwa Kuwada Xidhiidha Barkulanada Galshooyinka Sida Facebookga Waxad Aad U Jeclaysanaysa Hababka Ay U Maansoonayaan Iyo Murtida Cuddoon Ay Tirinayaan Ee Dhaxalgalka Ah, Malahayga Hadana Intaan Arkayey Hal-Abuuro Faro Badan oo Tixo Isku Madiixaya Weli Maan Arag Kuwo Isku Xidha Tixo Hal-xiraale Ah Marka Laga Reebo Dhawr Maansoyahan Mooyaane.

Maansoyahanada dhammaantoodba Ha Isu Dhigmeenoo Hibada Maanso Curinta Gidigoodba Ha Ka Wada Sinaadeenee, Waxse Jira Qaar Ay Wax Fiican Uga Bilawan Yihiin Qaar Kamida Kasmooyinka Kale Ee Culuumta Maadiga, Diiniga Gaar Ahaan Fiqiga Shareecad Islaamka, Mandiqa Iyo Xidigo Aqoonta Taasna Waxad Ka Garan Kartaa Gabayada Hal-xiraalaha Iyo Xujooyinka Miidhan Ah Ee Ay Isku Jalbeebayan Si Gaara Ama Si Guudba...

Tixo Hal-Xiraale aha Oo Bishii Hore Aan Ku Soo Qaatay Qormooyinkii Taxanaha Ahaa Ee Aan U Bixiyey (HAL-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhimman)... Qormo Ka Mida Oo Ku Saabsan Hal-xiraalaha Suugaanta Wataan Ku Soo Qaatay Labadii Tixood Ee Mid Hal-xiraale Ahayd Midna Jawaabteeda Kuwaas oo Ay Isdhaafsadeen Abwaan Boobe Iyo Abwaan Bootaan.

Caawana Waxaa Isoo Gaadhay Tix Hal-Xiraale Ah Oo Uu Tiriyey Abwaan Ismaaciil Cali Boobe. Tixdan Isoo Gaadhay Waa Mid Cuddoon, Murti Weyn Xambaarsan In Door Ahna Ina Baraysa, Indheer-garadnimada Maansoyahankan Tiriyey Tixdan Hal-xiraalaha Ah Ee Abwaan Ismaaciil Boobe Curiyey Ma Jirto Cid Uu Si Gaara Ugu Xidhay, Haseyeeshe Halabuurada Soomaaliyeed Bey Si Guud Uqooranaysa Inay Furaan Xujiyo Hal-xiraalaheeda.

Tixdani Waxay Ka Koobantahay Afar Suaalood Oo Midiiba Dhawr Suaalood Isugu Jirta, Bal Ila Wadaaga Iskuna Daya Inaad Ka Jawaabtaan Suaalaha Uu Ismaaciil Ina Leeyahay Cara Oo Noo Sheega???

☆Adduunyada wax baad caariftaa, Caalimkeed tahaye
☆Culuumtana badh baad haysataa, Ka cokanaa taaye
☆Nin waliba cilmiguu bartaa, Lagu la ceeshaaye
☆Dhawr haloo cimaara ah, Cara e yaa sheega?.............­.

☆Dheregsane ku cashaqay, Ximraha caasha soo geliyey
☆Caynsane afyuubkii la degey, Lana caweynaaya
☆Garba-raar ku caasiyey tukaalaha, Kugu cilaalaaday
☆Cuqle kugu rakaatiyo bayaad, Ciiro kaa qarisay
☆Cabdada mugdiga jiifsatee, Cayn ubixi waayey
☆Moorada cidhiidhiga gashiyo. Dunida cawlaatay
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara-e Noo sheega??????.....

☆Xidigaha calaankii hor kacay, Saxala cawlaaday
☆Ee dirirkii cidhiidhiga galoo, Naafka la caweeyey
☆Ee cirjeexdii suurtayee, Cag dhigi weyday
☆Ee awrkii cirku indhaha iyo, Caasha kor u taagey
☆Ee ururtii cishaha foorortee, Ceelka lagu guuley
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega??????

☆Dabaylaha cartamayee, Calan walaynaaya
☆Ee ciiriyo habaas dunidu, La Cawlaatay
☆Ee Jahada koonfureed cugtee, Galab caraabaaya
☆Ee aan cawayskii go'ayn, Cuudka laga maalin
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega?????

☆Cooflaha libaaxiyo shabeel, Caydigu eryoodo
☆Casarkii waraabaha ciyiyo, Ciyowga naaq daayey
☆Duhurka guumays cabatiyo, Haad cishaha duulay
☆Coomade hilib diiday, Iyo galaw Cataabaaya
☆Baqalyohoo waxaro casumay oo, Cunada daayey
☆Cawa weerta subixii tukaha, Ceelka laga waayey
☆Ciriqeeda yaa garanayoo, Cara e Noo sheega???

WQ: HAL-ABUUR MAANMAAL BUUREED GURXAN

Thursday 21 August 2014

Gabay----(BAAWAR KALA ROON)--HAL-ABUUR ISMACIL CALI BOOBE

★Bulbulow libaaxiyo dawaco, Baawar kala roone

★Jeneraal birgaydhiyo askari, Baawar kala roone

★Barasafooriyo ardaygu, Baawar kala roone

★Geesi beer adagiyo fulaygu, Baawar kala roone

★Badaw iyo macalini, Baawar kala roone

★Nin buraashad liyo shiikhu, Baawar kala roone

★Nin burhaanliyo tuugu, Baawar kala roone

★Baalida iyo gaaridu, Baawar kala roone

★Bada jawle iyo laaska yari, Baawar kala roone

★Baasaha colaadiyo nabadu, Kala bar weeyaane

★Nin badrooya iyo fiqiirku, Kala bar weeyaane

★Baqalka iyo sanguhu, Baawar kala roone

★Bayd gaabka iyo abwaan, Buundo kala dheere

★Nin bakhayla iyo deeqsigu, Way kala boqooleene

★Bidhikaale iyo anigu waa, Kala boqoolaaye

★Ka bariista maansada, Waad burburiseene

WT: Abwaan Ismaaciil Cali Boobe

Monday 18 August 2014

Gabayo--( Baroor/Afar Midable)--

Abwaan Smacil Ali (Boobe):-
♤Baroor ciidku goortuu fidsado, Baabacada xooga
♤Butaacadiisa ruuxii arkaa, Boholyow qiirooye
♤Burjigiisa wiilkii yaqaan, Beerka ka amaanye
♤Subaxaa ninkii badhi yaqaan, Waa beratansiiyaaye
♤Baal-goray haldhaaloow Eebahay, Boos xun kuma geeyo....
Abwaan Faysal Goohe (Buuni):-
★Bahda reer gamman ilaah baa ibaray, Badi ahaantoode
★Boga waxaan ku haystaa fardaha, Kii ilwaaad badane
★Boodkiyo bulaaluhu saw is kuma beegna
★Baroor qadadle baa boqorkooda oo waan uboholyoobaye
★Barbariiji wiil badhiyaqaan, Baratankiisiiye
★Baashaalka boodada markuu, Budulka tuuraayo,
★Burjigiisa wiilkii yaqaan beerka ka higooye
★Boqorad gabadha waa wax laga baxshaaye..... Belo Ku Fuushay?!!!

Abwaan ‪#‎Ismaaciil‬ Cali(Boobe):-
♤Bidhan goray haldhalow neefkani, Waa biinad gooniyahe
♤Barihiisa wiilkíi yaqaan, Budulka raacsiiye
♤Butaacada goortuu hinqado ee, Beeg usoconaayo
♤Boqol gaadhi ma uu dhafsadeen, kii lahaa bixine waa geeriye
♤Bela ha iga saarin faysaloow wa ubalwanayaaye!!!!

Abwaanad Culimo Luul Cumar (Luul):-
☆Baroorkii nugaal iyo ku nool, Badhaha siixawle
☆Boholaha mar kuu jiidhayee, Booda lalinaayo
☆Barqo weerarkii dhaca markuu, Budulka saydhaayo
☆Waa boqor ninkii maalintaa, Bidix u haystaaye
☆Hub baroona wuu ka wacnaa, Beri samaadkiiye
☆Boqolaal halaadiyo iiga wacan, Baar-cadii geele
☆Iga bixi alaylehe arooskeenu waa, Bili midkii roone......

Abwaan #Ismaaciil Cali(Boobe):-
♤Bilaneey baroorkaan wadee, Baayiraye naaxay
♤Baroorka boodada ku wacan, Baacis iyo weerare
♤Inaan kaa bixinayo waa hubaal, Bood xoogsadaye
♤Bogaagiyo laabtaba ku hay, Balanteena weeyaane

Abwaanad ‪#‎Caasha‬ Cumar Jaamac(Luul):-
☆Baashoow rag soo baxay hada oon, Bili fardood yeelan--
☆Oo Boqnaha jaraaya jiroo, Buur ka soo degeye
☆Adigaa buruud iyo lahaa, Baawar iyo sharafe
☆Ka baacsoo ka baydadi waqaa, Kaa ma badiyaane
☆Ana beerka waan gelinayaa boobow, Binada reerkeena!!!!!
Abwaan #Ismaaciil Cali(Boobe):-
♤Burjigooda wiilkaan aqoon, Baraha uu yeesho
♤Buurtiyo wiilkaa ka yimi, Babacyadaa teedsan
♤Berina inaanu taaban karin, Waa balamayaaye
♤Ka bariiso baan iri ninyohow oo, Biicso riyahaaga......???!!

Wednesday 13 August 2014

GABAY--(YAA SUBAX INTUU XAMAR KA TAGO, SOOL KU HOYAN DOONA?)--Abwaan Farxaan Salwe

★Sunta halista saaqeedu gaadh, Seedohoo idile

★Sanbabada calooshiyo intaa, Saabley lagu daahay

★Ee saliim subxaan uu ka dhigay. Saxarna loo diiday

★Sakaarkii kolay tahay haday, Sii susumaysaaye

★Waa sixir qabiilkani ku sugan, Sabada soomaale

★Waa waxa sabool inaga dhigay. Suubirkiyo caydhe

★Waa waxa sukeeyuhu dagaal, Ugu saraaf maane

★Waa waxa samooy dawladnimo, Looga saahidaye

★Waa waxa siqiir iyo kabiir, Loo sub cinayaaye

★Waa waxa mid aan suuf guntayn, Saami lagu siiyo

★Ee sacabka loo tumahayee, Lagu saboodaayo

----------:::::-----­--------

★Sumcadii waxaa dilay miday, Qolo sibaaqdeene

★Iminkayse sabo oodashiyo, Siriqdii gaadheene

★Seeraha haday kala xidheen, Soohdin aan jirine

★Saf saf bay ukala qaybiyeen, Saami goboleede

★Toloow Yaa saqaafaha kumari, Saylac iyo raasi?

★Yaa subax intuu xamar ka tago, Sool ku hayan doona!!!

WT: Abwaan Farxaan Salwe

GABAY--(BOQORKA FARDAHA)-- HAL-ABUUR FAYSAL GOOHE

♢Barada laysku galo maaalintii, La'is biraynaayo

♢Baaruud waxlaysi iyo markii, Balalku duulaayo

♢Baacsashadu markii ay dhacdee, La'is birburinaayo

♢Babacyada iyo halkii bohol le baa, La'isu buriyaaye

----------♤♤♤♤♤♤---­--------

♢Baxdaw farasaa baa kuu galood, Ugu badheedhaaye

♢Baabuurku bankuu kuu ordaa, Buurse gali waaye

♢Halkii an baroon kuu marayn buu, Ka baxayaaye

♢Boodo waynaw senguhu waa, Biimo neef gala-e

♢Wax kaloo la buun buuniyaa, Buruud mayeshaane

-----------♤♤♤♤♤♤---­--------
♢Baadhashada markaan ugu kace, Kala binaynaayo

♢Baandhada hadii aan ugalo, Kala bahabahayn tooda

♢Barashada gamman waan aqaan, Waana badiyaaye

♢Caynabkiyo bulaalaha ma rabo, Waa budh sugayaale

♢Ashkirkuna bidhaansiga qurxoon, Bilic la eegtaaye

♢Qaaje ballaskiyo boodkaa u daran, Bacad dharaarede

♢Badheedhaha dagaal iima galo, Belo Markay joogto-e!!

♢Xamarkaa butaacada ku wacan, Baratan goorteede

-----------♤♤♤♤♤♤---­--------
♢Boqorkooda waan xulan aqaan, Beegsi kaan rabo-e

♢Waa ii bidhaamaa ubaxluhu midkii, Baro ku yaalaane

♢Burjigoodu waa baroor qadadle, Oon kala baxayaaye

♢Baal-goray haldhaalow markuu, Beeg u suconaayo

♢Bidhiqdiisa haadkiyo la mood, Shay baalaloo tagaye

♢Bar kastay ahaato ba isagu, Baasid ku ahaaye

♢Boga waan ku haysta wax badan, Inaan ku boodaaye

♢Boholyawgu haygaba go'ee waa, Inaan boqoolaayoo

♢Bandarki nugaaleed iyo aan tago, Baladka uu joogo.....

WT: Abwaan Faysal Goohe(Buuni Goohe)

Tuesday 12 August 2014

Gabay---(NAFTA HURA)--Hal-Abuur Maanmaal

☆Nimanka khaliijka numbacanee, Nibiriga la moodo

☆Ee nimcadiyo nuugaya, Naasaska shiidaal

☆Ee naare madfaciyo haysta hubka kiisa nool

☆Nalashyo weeye niyadiyo qalbiga, Naxli jiifaaye

☆Nacladluhu falastiin ma nabriyen, Haday naf leeyihiine
------------******------------
☆Jihaadkaa naallo iyo lagu helaa, Naciimiyo fardawza-e

☆Nasab maha kii gabada Maantay, Nadiya gaalo tahaye

☆Nolosha adduunyo ruuxna kuma negaadaye

☆Nafta hura ninkii diinta ujihaada, Aakhiro najaxi doone

Gabay---(DAYMADA UROON)--HAL-ABUUR MAANMAAL

☆Onkod reemay, hilaac ridmay gugo, Aliga ku ramashay

☆Reexaan udgoon, Raysiyo doog, dhulkoo ku ramaasay

☆Ruqub bislaatay, rucubyada laamahoo, Neecawdo ruxayso

☆Rahoo uugamay, Roobla dhacdo, Rutub rutub useeman

☆Cawshiyo Ugaadhoo raxan raxaniyo, Rafiiq ujalabuteenaysa

☆Dhankad isha kala raacdaba carigoo, Raxmaanku janeeyey

☆Raxma Rayaaneey adaa iga dhigan oo, Daymada uroone...........
Continueee.....

GABAY---(WAA WADA XARUURI)---HAL-ABUUR MAANMAAL

★Xasanow Xaawaleyda soomaliyeed waa, Wada xaruuriye
★Waa xamdiyo xadiyo miidhan oo, Xubi loo qaadaaye
★Waa wada cambe xarakaadayo, Xalwad ka macaane
★Waa Xuralceyno nuriyo ilwaadle oo, Xaakim dhawraye
★Waa gabdho xadka diintiyo, Xeer kena lagu dhalaye
★Waa darmaano xijaaban oo, Xishoodiyo dhaqan lehe
★Waa geenyooyin xayaato lehoo, Guur loo xushaaye
★Xag kastoo aad ka eegto waa, Hablo xariiro qumane
★Xashaa lilaah dumar kale inaan, Xubi uqaadaaye............... .........
★Eebow xumo ka dhawr iyagaan, Xiska ku hayaaye......

-------(CAWIYO AYAAN ROON)-- HAL-ABUUR MAANMAAL BUUREED GURXAN

♢Qofba dookhiisu waa cayn gaaroo, Cajabiyo yaab lehe

♢Cabdow Hablaha carabiyo cajami lehee, Caamkan kacay

♢Midba waa cuud gooniya hadana, Kala caraf roone

♢Casiiskuna ma wada simin hadan, La is cilaaqayne ??!!

♢Dabeecad cudoon, Cibaado suubaniyo, Camal wanaagsan

♢Cindi fiyow, Xubno cuduriyo, Macsiyi curyaamin

♢Laab culaniyo, Qalbi curdin aho, Caashaq taaban

♢Caqli taamoo Cilmiyo Quraan, Lagu soo canqariyey.....

♢Intasoo cosoban inanta cirshiin ahee, Caadil ku ilhaameyey

♢Ee Rabi cisiyo sharaf ugu daraye, Ceeb laga ilaashay

♢Ee Xijaabkiyo hidehena ku cimamate, Cawrala loo bixiyey

♢Miyan caanyo qurxoon la simi kara, Waa cawiyo ayaan roone?

Sunday 10 August 2014

GABAY--(BUDHLEY MAANSO)--By: Abwaan Faysal Goohe[Buuni]

❀Barta laysku galo maaalintii. Balladku qiiqaaabo
★Baaruud wax laysiyo markii, Balalku duulaaaayo
★Geesigii badheedhaha yiqiin, Beerka soo dhigaaye
★Babac buu uboodaa fuluhu, Waa bardadayaaye
★Beegsiguu haween ugu tagaa, Buuqna dhaliyaaye
★Bawdyahaw qaracan iyana, Ba'ayda yedhshaan-e
------------********­--------------
❀Afartaa bilawgii naxwaan soo, Balleysimay dheh
❀Afar kalena bidhamaha jira aan, Beerka ka higadsho
------------********­--------------
❀Buuriyo cun candhuuftuu waqiii, Kaga bashsiiyaaye
★Bulshaduna markas bey bakhtiye baal, Ka martaaye
------------********­--------------
❀Ruux busaarad haysaa naflaha, Baacsay kii ladane
★Bakhaylku ma fiicnoo waqii, Baydad ka ahaaaye
------------********­--------------
❀Nin shaxaad bariinsaday dadkuba, Ceebsay badidiise
★Bidhaantiisa goortay arkaan bey, Bidix ubaydhaane
------------********­--------------
❀Beenlawgu wuxuu soo tabshoo, Beledka mershaaye
★Buun buunis waxuu ugu jiroo, bellada sheeegaaaba
★Maruun lagu bartaa buuu isanah, Beerta galiyaaye
★Tuke baalcad sidiisuu khalqiga uga bidhaamaaye
------------********­--------------
❀Afartaa bilawgii naxwahan soo. Bellaysimay dheh
❀Afarkalana bidhamaha jira aan, Beerka ka higaadsho
~~~~~~¤¤¤¤¤~~~~¤¤¤¤¤­~~~~
❀Bucshirada marki lo balamo ama, Trub la booleysto
★Baandhaduu ku waashaa ninkii, Badisku fuulaaye
★Bushucluhu wuxu baal kamari, Bayd lasoo dhigaaye
★Badhtirayn ayuu caan ku yahay, Baashe soconaya
------------********­--------------
❀Sange barratan kiisiyo markii, Baaacsi lagu eego
★Bar-bariiji maaantaa ninkii, Badhi yaqaaanaaye
★Bar-baradkase boodada horuu, Baal karidayaaye
~~~~~~¤¤¤¤¤~~~~¤¤¤¤¤­~~~~
❀Afartaa bilawgii naxwahan soo, Balleysimay dheh
❀Afar kalena bidhaamaha jira aan, Beerka ka higaadsho
~~~~~~¤¤¤¤¤~~~~¤¤¤¤¤­~~~~
❀Birtan socota baabuuradaa, Buuba arad keena-e
★Bostomadu midkii ay jabaan, Beeg u socon waaye
★Birreeguna midkii uu go'aa, Biimmo waw hallise
------------********­--------------
❀Waxba yaan butaacada naxwuhu, Beeg usii socone
★Barta aan ujeeediyo haddaan, Boogta sarayaaaye....???!!!­!
------------********­--------------
❀Abwaankii buruudkeed le murtida, Beeg usoo tiriye
★Buunigaa habeeynteed yaqaaaan, Bilic usooo yeeelye
★Barta uu ka jeedshaaa khalqigu, Wada buseelaaye
★Burji weeye ilaaahay baxshoo, Beecna lagu waaye.....!!!!!
★Bayd-gaabku waa burruriyaa aan, Habked barrane
------------********­--------------
❀Ba'leyda socota wax baa ba'shoo, buriyay suugaantiiye
★Bushuclaha hadeer soo baxee, Baasha kaga boodey
★Bidhikaaleyaal baaa ubalamay, Bawsi ku adeeegta
★Budhlay maanso bi'yaha naxwaha, Bugta wada dheegta
★Baadhashada ragaa ugu kaceen, Biidna garanayne
★Baladii timaadaba wax baa lagu, Baxnaan shaaye
★Badhaxsiga kadaayooy murtidu waa, Bundo aan jabine!!!!

WT: Abwaan Faysal Goohe(Buuni)

Thursday 7 August 2014

XAQA HOOYADU LEEDAHAY IYO MAANSADII HOOYO EE ABWAAN FAYSAL GOOHE(BUUNI)

Hooyo Waa Midaan Xaqeeda La Gudi Karin, Waxayna Mudan Tahay Qadarin Iyo Maamuus Aad U Weyn, Wax Kasta Oo Ay Diidan Tahayna Iyada Daraadeed Ayaa Looga Tagaa Aan Ka Ahayn Diinta..

Runtii Lama hayo taariikhda diin ama nidaam kale oo u tix-geliyay hooyada sida ay diinta Islaamku u tix-gelisay, iyadoo u aqoonsan inay tahay xubinta ugu mudan in loo sama-falo, isla markaana leh xaqa ugu badan ee aan qofna gudi karin. maxaa yeelay, hooyadu waxay soo martaa dhibaatooyin badan oo ay kala kulanto calool-ku-qaadida, sidista, hawsha iyo xanuunka dhigitaanka ama foosha iyo barbaarinta ilmo kasta.

Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame-Hadraawi- oo in badan ka gabyay hooyada iyo doorkeeda ayaa tixdiisa “Anuun baa hooyadaa ah” waxa uu ku soo qaataa siday ugu dhabar-adaygaan hooyooyinku dhibta hooyanimada iyo hawleheeda, wax uu yidhi isagoo ku hal-qabsanaya hooyo la hadlaysa wiilkii ay dhashay:

¤Calooshu intay ku hoysey
¤Hiyigu ku baxnaaninaayey
¤Horraadka intaad jaqsiisay
¤Dhabtaydu intay ku haysey
¤Intaad huwanayd taftayda
¤Hobeeya hobey hobeyda
¤Intaan dusha kuugu heesay
¤Intaan hanad kuugu yeedhay
¤Hawraaraha kugu ammaanay
¤Intaan hubin kuu xambaaray
¤Dartaa u hoggaansanaaday
¤Hadhuubada aan ku siiyey
¤Habniin adigoo ku diidey
¤Intaan hambo kuu daboolay
¤Hammuun iyo gaajo qaatay
¤Adoo haqab-beel ku seexday
¤Intaan hurdo kuu illaaway
¤Ilaashay hareerahaaga Diinta

Islaamku waxay aad u adkeysay isla markaana ku dardaaarantay, xaqdhawrida iyo u sama-falida waalidka gaar ahaan hooyada, iyadoo aayado badani ka hadleen xaqa waalidka iyo dhibaatooyinka ay la kulanto hooyadu, sidaa darteed xaqa hooyada ayaa aad looga adkeeyay ka aabaha, sida ku cad suuratu Luqmaan-aayada 14aad- iyo suuratul Axqaaf-aayada 15aad- u sama-falka waalidku waxa uu ku derajo xigaa caabudida Ilaahay.

Xadiisyada ku soo arooray xaqa hooyadu aad bay u badan yihiin, waxanse ka soo qaadanaynaa dhawr ay ka mid yihiin: Nin ayaa u yimid Nebiga-csw- isaga oo weydiinaya," yaa iigu mudan dadka inaan u sama-falo?" Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay," Hooyadaa", ninkii waxa uu hadana weydiiyay "yaa ku xiga?" Nebigu-csw- waxa uu ku jawaabay "Hooyadaa", ninkii waxa uu mar labaad ku celiyay "yaa ku xiga?" Nebiguna waxa uu ugu jawaabay,"Hooyadaa", ninkii mar sadexaad ayuu ku celiyay " yaa ku xiga?" markaas ayuu Nebigu ugu jawaabay "Aaabahaa".

Nin ayaa ku dawaafayay Kacbada isagoo dusha ku sida hooyadii oo uu dawaafsiinayo, markaas ayuu Nebiga weydiiyay "Rasuulkii Ilaahayow, ma guday xaqeedii?", Nebigu waxa uu ugu jawaabay " maya, xataa maad gudin mid ka mid aha hinqashooyinkeedii". xadiiskanina waxa uu cadeynayaa in inta waalid loo sama-falaa aanay marna waxba ka gudayn xaqa uu kaa mudan yahay, ee aynu ka garan karayno culayskisa inta aayado iyo axaadiis ka hadlay.

Sidoo kale ayaa Abwaan Careys Ciise gabaygiisii “Hooyadu waa lama huraan”, uu ku lahaa”

¤Hantida aad leedihiyo
¤Wixii aad haabataa
¤Haddii loo siiyo hibo
¤Abaalkood lama helee
¤Hooyadu waa lama huraan

Nin ayaa isna u yimid Nebiga isagoo ku yidhi, "Rasuul Allow, waxaan rabaa inaan ka qayb qaato duulimaadyada Islaamka, markaa waxaan u socdaa inaad ila taliso". Nebigu waxa uu ninkii weydiiyay inay nooshahay hooyadii, ninkii waxa uu ku jawaabay, "haa", dabadeed Nebigu waxa uu ku yidhi, "u sama fal hooyadaa, Jannadu waxay hoos taalaa lugaheeda. U sama falka hooyada waxaan uga jeednaa wanaajinta la dhaqankeeda, xaq-dharkeeda, u furfurnaanta iyo u debecsananaanteeda, ku adeecideeda wixii aan ahayn macsiyo- ama denbi- iyo la socodsiinta iyo weydiisashada ogolaansheheeda dhamaan hawlaha aad ku kacayso, xataa hadii aad u baxayso Jihaad, waa inaad ogolaansho ka heshaa.

Waxyaabaha aadka u layaabka leh waxa ka mid ah, in diinteenu Islaamku ay ina farayso in loo sma-falo hooyada, xataa hadoo hooyadu tahay mid aan haysan diinta Islaamka, isagoo Nebigu-csw- faray Asmaa Bint Abubakar inayu sama-fasho isla markaana si fiican u xudhiidhiso hooyadeed oo aan ahayn Msuslimad. Islaamku si uu u ilaaliyo hooyannimada xaqeeda iyo dareenkeedaba, waxa uu cadeeyay in hooyada la furay ay xaq u leedahay haynta iyo xananaynta ilmeheeda, ayna ka mudan tahay iyadu aaabaha dhalay ilnahaasi, sida ay dhigayaan qisooyinkani: Sida uu werinayo Cabdilahi bin Cumar bin Caas-rc- gabadh ayaa u timid Nebiga-csw- iyadoo ku doodaysa in inankeedii ay dhashay, ee ay caloosha ku qaaday, ee naas nuujisay, uu aabihii oo iyada furay rabo inuu ka qaato. Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay,”adigaa ku xaq leh inta aanad guursan”. Sidoo kalea ayaa Cumar Bin Khadaab-rc- waxa uu furay xaaskisii Ansaariyadda ahayd ee u dhashay wiilkiisii Caasim.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cumar uu kula kulmay suuq ku yaala meel u dhaxaysa Madiina iyo Quba, iyadoo wadata inankeediina. Cumar waxa uu isku dayay inuu ka qaato wiilkiisa, waanu ka qaatay, kadib wiilkii yaraa waa uu ooyay, waxaanu ku yidhi,”Aniga ayaa kaa mudan wilkayga”. Markii ay ku murmeen ayaa waxa la iskula tagay Abuubakar, si uu ukala xukumo. Abuubakar waxa uu go’aamiyay in wiilka ay xaq u leedahay hooyadii, waxaanu u sheegay Cumar in gurigeeda iyo gogosheeduba ay uga fican yihiin wiilka, inta uu korayo ee u gaadhayo heer uu kala dooran karo.

Hooyadu waxa ay leedahay xaqa ugu badan ee qof leeyahay, mana banaana in lagu kaco fal aanay raali ka ahayn, xataa hadii uu qofku dan u arkayo falkaa. Tusaale ahaan, hadii ay hooyo ka dalbato wiilkeeda inuu furo xaaskiisa oo uu jeclaa, waaa inuu furaa isagoo tix-gelinaya hooyadii, door-bidayana raali-ahaanteeda. Xadiis uu werinayay Abu Dardaa’ ayaa waxa ka hadlaya nin weydinaya waxa la gudboon, kadib markii hooyadii weydiisatay inuu furo gabadhiisa oo uu aad u jeclaa. Waxa uu kula taliyay inuu iska furo, madaama ay adeecidda hooyadu ka horeyso wax walba, uuna Nebiga ka maqlay isagoo ka hadlaya xaqa waalidka.

Hooyo Allow Dhawr, Qormadan Waxaan Ku Soo Af-meerayna maanso aad u cuddoon oo kuna saabsan hooyada waxaa maansadan tiriyey abwaan Faysal Goohe. Maansadani waxay koobsatay midho milgole, Farshaxanimo, iyo Xeeldheeri suugaan curinimo. Waa maanso ma.akubyadeedu yihiin tusmayn xaqa hooyadu leedahay iyo uducayn hooyo. wuxuu yiri abwaan Goohe

Hooyooy aduunkaba
Hadaadan hortaydiyo
Hareertayda taagnayn
Haqab beelli maayoo
Hibashaan ku nooloo
Waan kuu haamiyaa
Kugu soo hiilloobaa....

Sida geed hadhacaan
Hadhka loga dootaan
Hooyo kugu hirtaayo
Higilkaaga doonaaye
Hawlaha aduunyada
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaamari.....

Hadii maal aduunyaad
Laygu hoorsho galaboo
Hanti laygu guud furoo
Lay hirabsho waxa yaal
Haqab beelli maayoo
Hibashada adun baan
Hadal kaaga doonaa....

Hooyoo ababintaydii
Habistaydii hooyooy
Hawshiyo dhibkaygii
Hadaaqiyo bantaydii
Han-jaleeladayduna
Ka halaysay maradoo
Hohna aadan odhanoo
Hadba hees walwaled
Hoobay sabaalo ah
Igu haysay hanaqana
Ma hilmaami karayee
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaa mari
Sida hogol hilaacdoo
Lagu wada hayaamoo
Hilaad loogu kacayoo
Dadku haybso leeyad
Hooyo iiga dhigantee
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaa mari......
Hadii aanan hooyooy
Horsedkayga noqono
Soo hagin naftaydoo
Hadal-bare usonoqon
Hal-abuurka maansiyo
Hindisa farshaxankiyo
Hobolnimo mashegten
Higaadana ma kiciyeen
Hawlaha aduunkiyo
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaa mari.....
Hareeraha aduunyada
Inta hebel ku noolee
Hanad wada ordaaye
Halyay loogu yeedhe
Hanaqaad kufaaniyo
Hablo wada quraysho
Hobaan lamoodooo
Hidahana kucaanoo
Haashaarka loobogay
Laguwada hiraayana
Haybadaada weeyoo
Adigaa habeeyeee
Hawlaha arlada iyo
Halistiyo dhibatada
Hareer eebe kaa mari......

Hooyooy geeridaduna
Hoogayga weeeyoo
Wadka lama huraayee
Hadaad iga horaysoo
U huleesho aakhirana
Duco aan hadhayn ban
Hooyo kuu hibeeyoon
Hanti kaaga dhigayaa.....

Ilahay hoggaaga iyo
Kuu hagaaji aakhiro
Hilibkaaga naar iyo
Holloc kaama leefoo
Hallistiyo dhibaataa
Hareer eebe kaamari
Inta hoyga raaxada
Hagaag logu hooyee
Ka hirqata naciimada
Illaahay hakaa dhigo....

AAMIIIN AAMIIN

Wednesday 6 August 2014

Gabay(-----DUNI RIFANTEY-----)

★Ra'da gabay indhaweyd ma tirin, Ruudiyo murtideediiye
★Riinka kama yeedhin suugaantaan, Rasayn jiraye
★Raadbarad kasta gortu radeebiyan, Raarayoo nacaye
★Rubadayda un baan ka helay, Inaan ka raagaaye
☆Balaan kaga reemiyo caawoo kalay, Rasaamaal leedahaye!!!

★Dunidan rifantay ee aakhiru seben, Raadkeedu joogo
★Ee reerba reerku u dhawyahay, Ka raran gubyoonayo
★Ee Ruuxba ruuxuu gacal uxigay, Rubada goonayo
★Ee soomaali labadii iska raacday, La kala reebaayo
★Ee diimuqraadiyad gaal rabaystay, Loo riyaaqayo
★Ee xaduudu raxiimku dhigay, La iska reedey
★Raga u rafaadayee jano modaya Kuwo rogan weeyaane
☆Rashiidow naga samato bixi, Adaa raxmaan ahe

★Dunidan raabakhdayee raqdeeda, La kala riixanayo
★Ee siduu Rabiyo Rasuulku ina fareen, Laga rooraayo
★Ee rukni sako iyo laga tagey rukuuciyo salaad
★Ee rufuciyo la baacsanayo midan, Raasamaal lahayne
★Raga u rafaadayee jano moodaya, Kuwo rogan weeyaane
☆Rashiidow naga samato bixi, Adaa Raxmaan ahe

★Dunidan xumaanta loo rigrigan yahee, Samihi la rukaasay
★Ee risiq xalaala la quudanayne, Ribada la ruugo
★Dunidan runtu fanto noqotayee been, Lagu raaxaysto
★Ee shakigu ku raamaystaye, Malle lagu raafaayo
★Dunidan xantiyo rufiyaanimada, Lagu raynaayo
★Ee riyaatiyo colaad raagta Loo ruqaansanaayo
★Eebow Raga dabo-rabaacaya Kuwo rogan weeyaane

☆Rashiidow naga samato bixi Adaa raxmaan ahe
★Dunidatan samofare raage iyo shiikha, La rideenayo
★Ee ruqufraaqufkiyo rixin goynka, La dabo-rabaacayo
★Ee rufiyaankiyo nacladlaha, Lala rafiiqaayo
★Ee ibleyska raafafka xumi, Ruumankeedii rafacayo....
☆Raga urafaadayee jano moodaya, Kuwo rogan weeyaane
☆Rashiidow naga samato bixi Adigaa Raxmaan ahe.........

☆Afartaa ra'leyda maansiyo, Raaye gabay dheh
☆Raandhiis male tixdii macno la'aan, Loo rakibaaye
☆Markay raasyoon tahay taan, Ratibi jirey dhe
☆Risaalooyinkii maanmaaliyo, Murti Ruugcadaa dhe

☆Ribixa hawraarta ruxii fahmadle baa, Dhuuxa ruudeede
☆Laamo raaracay iyo ubax ragaxley, Laydhi ruxdaaye
☆Rubadiyo laab fiyow bey waano, Ku raasuqdaaye
☆Ruuxii iimaanle baa raaca suu Rasuulku faraye
☆Rabow qaluubtayada hanuuni, Ada qalbiyada rogrog-e

☆Raaliyo haween reer dhaqaniyo raas bey ka tagtaaye
☆Maansheeye mahiigaan roobi, Reys buu ka tagaaye
☆Raguna taariikh qorantiyo rayi buu ka tagaaye
☆Riima adduunyo ragiyo dumar ruuxna ku waari maye
★Dunida ragii raad wacan ka tagaye, qaaday tubtii rasuulka
☆Rabow rankoodii naga yeel adigaa, Ra'uufoo awoodle............

WT: Maanmaal Buureed Gurxan

Monday 4 August 2014

Gabay(----RUUG CADAA----)


☆Ra'da gabay nimanyahow anigaa, Ruugcadaa ku ahaaye
☆Anigaa hoorsha murtida raaran, Ruudeediiye
☆Meeriskaan xikmad risaalaynin, Loo ma riyaaqo-e
☆Anigaa raseeya tixaha cuddoon, Ribixyadoodiiye
☆Ruxan dhaanto Raaye guuroow, Amase risaalka geeraar
☆Aniga rakiba suugaanta riman, Raasamaalkeediiye
--------------¤¤¤¤¤¤--------------
☆Cidlo kama rogan hawraartaan, Riinka u xidhaye
☆Waa midaan rabi deeqdiyo ku helay, Raxmadiisiiye
☆Waa midan ka hido raacay Gurxankii, Rijaalka ahaaye
☆Afartaa arar raasyoon iyo, Raad shaacir reebey dhe
☆Maansada rag baa radeebee, Tix raandhiisle dhe
^^Ribixa hore iigu ma baxde balaan, Ka dul rukaamo
-------------¤¤¤¤¤¤---------------
☆Nin faan la reemaa Ri is nuugtay Weeyaane
☆Hayeeshee hadii lagu riiqo, Runta lagu rafacaaye
☆Oo inaad raaib buuniya tahayba, Dhab loogu rusheeyaaye
-------------^^^^^^^^------------
^^Rucdi nimuu uurka fadhiyoo, Rabakhay Qalbigu
^^Oo Muuqa rajal fiyow uga egoo, Rufiyaaniyo ibleysa
^^Raagow seben aakhirkan Ragu u badaye
----------------¤¤¤¤¤¤-------------
^^Rixin goyskiyo rabshad oogaha, Rubadaa la gooyaaye
^^Ruuxa ruux gacal ku xiga ee, Ka Raran gubyoonaya
^^Iyo Ruguufka ku rifaya  weliga waa, La iska rookeeyaaye
----------------^^^^^^^-------------
☆Ragrifiyo rayi gaabiyo intaan runta aqoonin
☆Saaxiibtinimo raagtiyo male, La rafiiqide
----------------******--------------
☆Marse haddaan ceeryamada iska rogoo, Riigeeyo ruuxda
☆Sidii raxan libaaxyaan afarta jiho, ka soo reemaaye
☆Riinkaan ka yeedhin rubaxyada caleene, Rucubtu bislaataye
---------------*******--------------
☆Rafaad buu la kulmi raygalkaan, Ridada saaraaye
☆Rigta danabka horuu rawixi, Raadbaradkuye
☆Sidii gu ramashaan u rushayn, kii soo roorayey-e
☆Rasaasiyo nabaal baan kaga jiidi, Rubadiyo laabta-e
☆Ana Ra'da maanso ku xidhay, Tuu maanku rabeeyeye
☆Ka rakaado ninkii raxanraadka kaliileed, Idabo rabaasaayow.....

WT: Maanmaal Buureed Gurxan