Friday 8 May 2015

Abwaan Jaamac Murtisame-- "Aniga Uun Baa Og!"

Gabay "Aniga Uun Baa Og!"

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi(Jaamac Murtisame), hilaadda miilaadigu markay ahay 15-04-2015

Abwaan Jaamac Murtisame wuxuu yiri:
❁In abeeso bahal hoose tahay, ruux ajalay baa og
❁Anuu aar libaax aadun yahay, aan usta aqoonin
❁Nin uu aawr ka laaya ogsoon, anafaduu gaysto
❁Arxan-laawe inuu yahay, wuxuu iligta saara og

❁In abaari oon iyo dhib tahay, lagu asqoobaayo
❁Ishin iyo qofkii daaqsada, nugul idaa baa og
❁In aroosku udug iyo nur yahay, la isreexaayo
❁Iskaabulo wakhtigu ulayo, iyo hebelo uunbaa og 

❁Inay diintu iimaan tihiyo, nalal iftiimaya
❁Qof Islaama uun baa ogsoon, udub dhexaad keeda
❁In colaadu alam iyo dhib tahay, oofna kugu reebto
❁Dad amuuri kala haysatiyo, ehel is-laaya og 

❁In anshuxu wanaag yahay, qofkii edeble uun baa og 
❁Inay quruxdu astu-raanta tahay, gabdh ayaanlaa og
❁Ayaan qudha inay dunidu tahay, laga arooraayo
❁Qof illahay garan baa ogsoon iil, in lays dhigi!

❁In laaxadku aaladdo yahay, lagu adeegayo
❁Adoon aan lahayn baa ogsoon, oo indha beelay!
❁Inuu caafimad uusi yahay, malab irmaan dhiiqa
❁Qof ay aafo kala gosey iyo, marad inkaara og!

❁Inuu waalid adhaxdaada yahay, unuga beerkaga
❁Qof agoon ku koray baa ogsoon, aabe iyo hooyo!
❁Adigana abaalkiyo xaqaaga, aniga uun baa og

Tixraaca
1- Maanmaal Buureed Gurxan(2015). Gabay "Aniga Uun Baa Og!". Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. Kampala. Uganda.

Tuesday 5 May 2015

Abwaan Muxamed Haykal Muxumed Cabdi--- Maanso "Ab-waanshe Iyo Wabiin Wadaad-diide"

Maansadan la magac baxday "Doodii Ab-Waanshe Iyo Wadaad-Diide", waxaa tiriyey Abwaan Muxamed Haykal Muxumed Cabdi tirsiga hilaadda miilaadigu markay ahayd 15-04-2015. Waa maanso aad ka dheegan doonta sida idiinka muuqata Ab-waanshe Muxamed Haykal habka quman ee murtiyeysan inoogu soo gudbinayo dooddii isaga iyo Wabiin Wadaad-Diide dhexmartay.  Ka bogosho wacan wuxuu Ab-waanshe yiri:

--Anigiyo nin waayadan
--Yara wabax taraaroo
--Lagu diray wadaaddada
--Ayaa dood wanaagnoo
--Weyddiimo dooriyo
--Ka jawaabid waafiya
--Isu wabinnay dhawr jeer;
                
--Wuxuu yidhi wadaaddadu:
--Ninyoow waayadii hore 
--Waxa ay ahaayeen
--Niman weyso qaatoo 
--Wardiyoo shallaadoo
--Markay reer ku weecdaan
--Wanan loo bireeyoo
--Wacdigiyo xadiiskiyo
--Waslad hilib ah mooyee
--Walax kale ku hawshoon!

--Waxaan idhi wadaaddada:
--Wacanoow Rasuulkii 
--Warasada Anbiyadiyo
--Wanaag buu ku sheegoo
--Waqood abadankoodii
--Rabbi weedhihiisiyo
--Waxyigiyo kitaabkiyo 
--Xaqa waadixiisiyo 
--Wacad Eebbe mooyee
--Ma wax lagu dhaliiliyo
--War xun baad ka haysaa?
-------------****---­--------
--Wuxuu yidhi wadaaddadu:
--Waagii colaadaha
--Haddii weerar uu dhaco
--Amma Wiido lala tago
--Dabadeed wisiisiga
--Warmo laysku dawdabo
--Waxba kuma filnaan jirin!
-------------****---­--------
--Waxaan idhi wadaaddadu:
--Caamada warkeediyo
--Weheshiga qabiilkiyo
--Walacsiga sharkiisaba
--Weynaa ka dhawroo
--Ma'hurtada is wiiqdee
--Waaxyaha is goysiyo
--Dakanada walaalaha
--Taariikh la weriyiyo
--Wax san uma rumaysnee
--Waddo kale ma haysaa?

--Wuxuu yidhi wadaaddada:
--Wakhtigeennan joogaa
--Shiddo iyo waxyeelliyo
--Muran iyo wareer iyo
--Wahan bay na geliyeen!

--Waxaan idhi wadaaddadu:
--Ma ogtahay walaaloow
--Markay kala warraaqdee
--Taladuna wansiixdee
--Waddankeennu baabba'ay
--In ay kaalin waafi ah
--Wadartood guteenoo
--Hadday tahay waxbarashiyo
--Waqafkiyo agoontiyo
--Waaxyaha dhaqaalaha
--Waxtar togan ka gaysteen?

--Wuxuu yidhi wadaaddada:
--Wakhtigeennan joogaa 
--Gabadhii wacnaatee
--Weji iyo hannaanlee
--Waqal iyo daruur u eg
--Intay waalidkeediyo
--Waaligeeda doontaan
--Woxogaa adduunana
--Warqad uugu laabaan
--Ayaa lagu wareejaa
--Hawl yaraan walwaashaan!

--Waxaan idhi wadaaddadu:
--Sidii weylo oon dilay
--Weyd socota maahoo
--Caleen lagu wareeriyo
--Qaadka kuma walfaanoo
--Waayirradu ma gubannine
--Hadba waajibkooday
--Werwer li'i gutaanoo
--Noloshaba intii wacan
--Ayay weheshadaanoo
--Waxaan Eebbahood farin
--Wakhti kagama baaqdee;
--Maxaad adigu wiiloow
--Waagii guduutaba 
--Wax xun uga qortaayood
--U dhigtaa Websaydyada? 

--Wuxuu yidhi wadaaddada:
--Adaa Weliyo moodee
--Diinta kama wakiil aha
--Aniguna warkoodiyo
--Wadar ceebahoodaba
--Wax kastoon ka qori karo
--Waan sii wad'wadayaa!

--Waxaan idhi wabiinyahow:
--Wanaag uuma jeeddide
--Sidii ruux wajaqanoo
--Beri waashay oo kale
--Walwalaaqo caydoo
--Ku waliimo murankoo
--Weligaa is yeelyeel
--Aniguna wed mooyee
--Inta weedha gabaygiyo
--Weeraarta maansadu
--Weelka iiga buuxaan
--Wallee kaama waabtee
--Waa innoo fagaaraha!

Tixraaca
1- Maanmaal Buureed Gurxan(2015). Maanso "Ab-waanshe Iyo Wabiin Wadaad-diidde". Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman.

Sunday 3 May 2015

Maanmaal Buureed Gurxan-- "Cilmaaniyiintu Waa Cawaan Sugane"

Cilmaaniyiintu Waa Cawaan
Sugane

Gabaygan waxaa tiriyey Maanmaal Buureed Gurxan tirsiga hillaadu markay ahayd 8-October-2014. Ka bogosho wacan.

Maanmaal Buureed Gurxan wuxuu yiri:

★Caynka gabay anigoo yar baan, caarif ku ahaaye
★Curinteeda waataan aqiin, camalka suugaane
★Camuudaa ka badan maansadaan, ceelka soo tubaye

★Ciyaarna uma aan tirshee, waw cug tiriyaaye
★Ciddad baan u dhawraa wakhtuu, coonka soo galiye
★Aan cadeeyo caawana mid bey, cugatay laabtaye

★Maandhow cilmaaniyiintu waa, cawaan sugane
★Waa duul caqiibiyo ka tegey,  caamka diiniga-e
★Waa duul caqligu rogan yahoo, caabudaad gabaye

★Waa duul aayadaha cadiimkeen fasilay, caad ka qariyaaye
★Waa duul caasiyoo kibroo, cunay jidhkoodiiye
★Waa duul qalin ku ceesho dafiray, caalimka illaahe

★Nin cilmaani caawiyaan marnaba, cidhib lahaanayne
★Waa duul camalkodu yahay, diin canjarafeeye
★Waa duul calaaniyo majnuun, caaq u taliyaaye

★Waa duul cascas lacaga dhaafsaday, qowl casiis yiriye
★Waa duul caalcalaha dhigtoo, gaalku ceeshimiye
★Waa duul cantuugoo bakhtiga, cunaya doonfaare

★Waa duul caqligu u bukoo, maanku caabuqaye
★Waa duul cindigu madhanyohoo, jooga ceel qudhune
★Waa duul sunadii ka caagoo, cawda loo jariye

★Waa duul xumaatada ku caan baxay, ceebna qaayibaye
★Waa duul tubaakada cantabo, calaashadoo ruugiye
★Waa duul kun caagoo khamriya, cabaya leylkiiye

★Waa duul ciqaabiyo nacliga, u casuun galiye
Waa duul ku caanoo kibriga, cuuf la gurayaaye
★Waa duul sidii caalle ey, carabyo dhaadheere

★Waa duul caaraystoo jahligu, cudur ku beeraaye
★Waa duul cilaaq iyo buuq, waqood cadhadhaqleeyaaye
★Waa duul cisho ninkii wacdiya, caasha galiye

★Waa duul culimiyo waayeel, caayi caaqilkii wacane
★Waa duul cid dhaafaynino, xumaha caadood tahaye
★Waa duul cadaabta u ordoo, cagagsan naartiiye

★Casiisow allahayow adaa, Caadiloo wacane
★Casaawajalah Eebow adaan, caawintaa rabiye
★Cadiimow naga najee waan, cabsanaynaaye

Tixraaca
1- Maanmaal Buureed Gurxan. (2014). Gabay "Waa Cawaan Sugan". Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. 
Kampala. Uganda

Saturday 2 May 2015

Abwaan Jaamac Cali Xirsi-- "Ma Og Tahay?"

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi(Jaamac Murtisame). Ka bogosho wacan.

Abwaan Murtisame wuxuu yiri:

☞Ma og-tahay hayaan baynu nahay, loo humhamay geediye?
☞Ma og-tahay horaan qaadki tegey, haabba laga waaye?
***
☞Ma og-tahay habaas meele baa, hiilin keen yahaye?
☞Ma og-tahay hanfiyo waa kulayl, halac abaareede?
☞Ma og-tahay halkaan beeganaa, hadhacla weeyaane?
***
☞Ma og-tahay haraad baa ka jira, lagu hanqaar maaye?
☞Ma og-tahay hilbiyo lagama, helo caanihii halabe?
☞Ma og-tahay inaan haybi jirin, aad u hoyataa?
***
☞Ma og-tahay habeen iyo dharaar, waan is-daba hayn?
☞Ma og-tahay waxaan sii hilayn, taniyo haabiil?
☞Ma og-tahay hal ruux oo kastaba, waa hogaan qabade?
***
☞Ma og-tahay hal door kaa tahaad, heeli geed guran?
☞Ma og-tahay hirdoog iyo abaar, oo is gudub hasta?
☞Hadba kaad adigu hiishataad, heeryadii dhigan!!!
***
☞Ma og-tahay abees halable iyo, halaq waxaa jooga?
☞Ma og-tahay cidkuu hiilisiyo, hooyo iyo aabo?
☞Ma og-tahay inaan hanado jirin, haybta kugu raacda?
***
☞Ma og-tahay hanyari waa inaad,  dib u hagaastaa?
☞Ma og-tahay hadaad habacsan tahay, waad hawiraantaaye?
☞Ma ogtahay jidkoo halaqle baad, ku hiran doontaaye?
***
☞Ma ogtahay hadhkii galabnimaan, haatan maranaaye?
☞Ma ogtahay hantiyi waa waxaad, maalinta heline?
☞Ma og-tahay salada horkicin, oo hub kuu noqone?
***
☞Soonka halaac kaga wacan, aad ku hirataaye
☞Ma og-tahy sakadu waa hu'iyo, shaal hadaafyale?
☞Ma og-tahay sadqadu hiil tolnimo, kaga wacan haatan?
***
☞Ma ogtahay hajjuna waa biyaha, hiifta kaa tira
☞Allahayoow hanuunkii jannada, hoy nimcadu taalo
Aamiin

Tixraaca
1- Maanmaal Buureed Gurxan (April-2015). Gabay "Ma Og Tahay". Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. Kampala. Uganda.

Copright: Naadiga Qalinmaal 

Tixo Gole-Ka-Fuula Oo Ay Is Dhaafsadeen Abwaan Ismaaciil Boobe Iyo Abwaan Buuni Fiqi Faatax

Waa labo tixood oo gole-ka-fuula oo ay is dhaafsadeen labada hal-abuur ee gaasobaxay ee la kala yiraahdo Abwaan Ismaaciil Cali Boobe Iyo Abwaan Buuni Cabdirisaaq Siciid(Fiqi Faatax). Waxay tixahakani Ildi-furteen 15-Sep-2014. Ka bogasho wacan 

Abwaan Ismaaciil Cali Boobe wuxuu yiri:
❄Indhoweyd ya'dii gabay ka tegey, yiha-shadeediiye
❄Ma yohoomin tixahaan, yaafadayn jiraye
❄Yeelahaan u xidhay Cabdoow, yoolka maansada e
❄Ka yabaalay goortay midhaha, yaahiyeen badiye
❄Yaacadaan ka joogsay markaan, yaab u soo baxaye

❄Marse haddii yaxyaxiyo xishoodiyo, wanaag yurantidii diiday
❄Oo yabadh iyo dilaaliyo, yuuqis lagu raadshey
❄Yeeli maayo anigu kufsiga, lagu la yaacaaye
❄Yeelaha haddii aan saaka jaro, hay la yaabina e

❄Yal qabow dabayl iyo, yalaxlihii dayrta
❄Yalawdii hilaaciyo gu'goo, curasho yoomaaya 
❄Yeelaha haddii aan saaka jaro, hay la yaabina e

❄Haddii aad yagleeshoo murtida yeedhin garanayso
❄Yafanuunka waa laga jiraa yaac sheyoo iriye
❄Yac yacoodka waa laga rawaa wayku yabaqdaaye
❄Iskana yoohi maahee tixaha waa gabayga yool siiye!!


Abwaan Cabdirisaaq Siciid(Fiqi Faatax) ayaa Tixdaas Abwaan Boobe uga halceliyey, tixdan Fiqi Faatax waxay ahayd mid iyana gol-ka-fuul ah wuxuuna yiri:


❁Ya'du way ka adag tahay xarfahaha gabay ku yeelmaaye
❁Inkastooy yar tahay oo abwaan qurihi yookeeyo
❁Anigu waan ku yuruurin halkay, yadada saaraane
❁Yamyaym iyo sidii Boobe baan, yoolka helayaaye

❁Maantana yalkaa xamar ka jira, yaabka laga sheegin
❁Yaahida hablaha boobaysiyo, yeyda guranaysa
❁Yaahuuda amison waxaa, yoomi baladkeena
❁Yabaal bayga galay dawladaan, aan yac oronayne

❁Waa yacayga bahal noo galoo, aan yurda aqoone
❁Xasan oo yabooh doonayaa, yaaq la hoos galaye
❁Yasmiina sharafteedi buu, yaabis dhaafsadaye
❁Yaxyaxi maayo ruuxaasiyoo, waa yalaalugo'e
❁Iga daaya yawdiina badan, qaran yatiimawye!!

Tixraaca
☞Maanmaal Buureed Gurxan(16-Sep-2014). Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman.

Friday 1 May 2015

Abwaan Jaamac Murtisame-- "Qudhac Jabay"

"Qudhac-Jabay", Gabaygan hilaaddu markay ahayd 24-Nov-2013 waxaa tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi loona yaqaano Jaamac Murtisame. Ka Bogasho wacan. Abwaan Murtisame wuxuu yiri:


❁Qabtii yeedhay qoontii dhacdiyo, dogobadii qiiqaay
❁Qudhac jabay sidiisii markii, qarankii loo tuuray
❁Qamar dhacay qiyaas xumo markii, qoriga loo qaatay

❁Qoys qoys markii ay tagtiyo, anaa qabka wayn le
❁Quruxdii miyaa laga tegoo, qamax la weecaanshey?
❁Dhulkoo qaniya qayraadka yaal, gaaja lala qooxmay

❁Qabqabliyo miyuu qoofilkii, nagu qaloobeyey?
❁Qolqolkaad istaagtaba miyuu, maydku qolofoobay?
❁Qaaradaha aduunyada miyaa, layga wada qayshay?

❁Qubnaan tayda nimankii jeclaa, cadawgu may qaybshay
❁Qooqaan waxaan haysan jirey, dacar miyaan quutay?
❁Qadawgiyo Miyaan shiday halkii, qabadu ii tiiley

❁Qarihii intaan ololku shiday, miyaan qalfoof diirtay?
❁Qooqaanidii miyaan shidoo, quule dubatoobay?
❁Qabogiyo dhaxantii miyaa, qayda igu reebay?

❁Ma qadiifadii iga xigtaan, subax ku qayraanshey?
❁Qolkii aan ku jiray iyo miyaan, qaraf dhulkii saaray?
❁Qaas iyo miyaan qiiq ku shiday, oo dab qabad-siiyey?
❁Qaxarkiyo dhibatada miyaa qayrkay iga reebtay?

❁Qiimiyo waxaan magac laha, subax miyaan qaaday?
❁Ma qaraasinaa iibaxdoo, lays la wada qeexay?
❁Qasnadihii dalkaygii miyaa gaalku wada qaatay?

❁Qaybtaan lahaa dunida ee, qaadir igu beeray
❁Qorsha xumo intaan qarax la dhacay qorofad maan qaatay?
❁Qaxar kiyo dhimaatada miyaan, qaybta sare yeeshay?

❁Ma qaxoontibaan qabawga yurub, qayna laysiinin
❁Qushigaa miyaa laydhahaa waa, qorkaan helaye
❁Ma qabyaalad iyo waxa i hoday, waxaan ku qayr beelay?

❁Qaar qaar miyaan isu jaroo, qalay jidhkay goodhan?
❁Qoon qoon adduunyada Rabbaa qaaradaha joojey
❁Qoloqolona waa leeyihiin, qoysas kaa badane

❁Maxaa qoorta noo sudhay inago inagu qaas yeelay ?
❁Soomaalaay qaraabaynu nahay, qoys walaalahe
❁Qoon wada Islaamaynu nahay, qiila wada haysta

❁Qarni iyo nus weeyaan intaan, dhiiga qubaynaaye
❁Oo waa is wada qoonsanaye, qira xumaanteena
❁Ceebna kama qaloonee horaan, ugu qamaamnaaye

❁Miyaynaan qismiga diinta iyo qaadir ka aqoonin?
❁Quraankiyo axdiistiyo miyaan, qeexid nala siinin?
❁Qafaaroow Illaahaaw adigu qayrka nagu leexi

❁Qaadiroow quluubahayaga, geli qushuucdaada
❁Qafaaroow qabiilkana ka saar, waa wax qaab darane
❁Qaaxiyo xanuun weeye iyo, aado iyo waali

❁Qiila malaha aakhiro illaa, qolalka naareede
❁Qaadiroow qalbiga noo safee qaali baatahaye
❁Qafaaroow qastawnaye adigu qaab uwada jeedi
❁Qaran iyo Illaahow na sii nabada, qayb fiican

❁Qawanaan ma dhaanee Allow saan ha nagu qaadin
❁Qabawsimada roobkiyo Allow, quruxda jeegaanta
❁Qooriga qalalkiyo Allow, wada qoyaa gu
❁Qayraadka Eeboow sii adigu qaali baa tahaye

Tixraaca:
Maanmaal Buureed Gurxan(24/Nov/2013). Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. Kampala. Uganda

Wednesday 29 April 2015

Abwaan Farxaan Cumar Salwe-- "Qaali Leedahaye"

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Farxaan Cumar Salwe hilaaddu markay ahayduu 29-Dec-2013. Gabaygani waxaa uu ka mid yahay 90 gabay ee aan keydiyey ee ujeedkooda maanso ee loo tiriyey uu ku qotomo "Ammaanta Hablaha" oo ka midda qaybaha Tilmaanta Maansada. Dhammaan gabayadaasina waa kuwo ay tiriyeen  "Hal-abuurada waayahan kacay ee bulshada Soomaaliyeed u maansooda". Ka bogasho wacan waa kan gabaygii "Qaali Leedahay" ee Abwaan Salwe, wuxuuna yiri:


**Qaab wacan, qureeshtii hablaha qaalida haweenka
**Qalanjada midaan qaayibaye, uu qalbigu raacay
**Hadaan qiro amaanteeda oon, qodobo sooqaato
**Qoor dheer qumaati u baxdiyo, qalanjo weeyaane
**Qarqarada ma waynee yartaa, qaadir baa qoraye
**Suuniyaha qiyaastii bishay, qaabad leedahaye
**San qaroorka geenyada qabiran, qawlo iyo dhoodi
**Qoton keeda waa lagu qaldaa, qun iyo joogeede
**Qiimana ilaah baa ku ladhay, qaali ladantaase
**Qorshe iyo markay sheeko tahay, way qaderisaaye
**Qaylada kuwaa laga maqlaa, qoyska derika ahe
**Qancintayda mooyee wax kale way qajilaysaaye
**Qoraxdoo aroortii intay, qaar ka sare keentay
**Qaybintiyo markay nuur qayaxan, qaansadu iftiinto
**Midab qaabadaasoo kalay, qaali leedahaye
**Qadartiyo ilaah oon ka dhigin, qaybka kuma sheegin
**Hayeeshee inaan qoys la galo tuu qalbigu raacay
**Qalinkaan ku duugaye Raboow, haygu qadin maanta

Maanmaal Buureed Gurxan. (December 29, 2013). "Qalwo". Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman. Tilmaanta Maansada". 

Tuesday 28 April 2015

Dareenkay Igu Taartay Qisadii Cabdul Seed--W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan

Dareenkay Igu Taarya Qisadii Cabdul Seed


Ibo-Furka Qormada
Qormadan waa qormo aan kaga falcelinayo dareen aan la wadaagay mid ka mid jaalayasha facebookgayga. Dareenkaasi aan la wadaagay jaalkayga wuxuu ahaa miday igu saaqay qiso aan ka akhristay darbiga wejibuugiisa, qisadaas oo ahayd mid sidday fariin dareemeed oo aad ii taabatay idina idiin taaban doonta. Qisada igu ijbaartay dareenkan itaabtay waxay  ahayd mid uu ina la wadaag Abwaan Cabdul Seed, waa qiso isagu u la kulmay, taas oo uu barkulantiisa facebookga uu ku soo shabaaxay. Haddaba anigoo jeclaystay in aad ila wadaagtaan waxaan qormada idiin ku soo gudbinayaa:

1- Qiimaha iyo xaqa hooyadu leedahay
2- Hooyada Soomaaliyeed in ay tahay hooyada ugu qaalisan hooyooyinka dunidatan ku nool
3- Qisadii Cabdul la kulmay ee igu saaqday dareenka gilgilay ruuxday. 
4- Dareenkay xambaarsan tahay ee aan la wadaagay iyo faaqidaada ka dareen celintaydii

Qiimaha Iyo Xaqa Ay Hooyadu Leedahay
Hooyo Waa Midaan Xaqeeda La Gudi Karin, Waxayna Mudan Tahay Qadarin Iyo Maamuus Aad U Weyn, Wax Kasta Oo Ay Diidan Tahayna Iyada Daraadeed Ayaa Looga Tagaa Aan Ka Ahayn Diinta!!

Runtii Lama hayo taariikhda diin ama nidaam kale oo u tix-geliyay hooyada sida ay diinta Islaamku u tix-gelisay, iyadoo u aqoonsan inay tahay xubinta ugu mudan in loo sama-falo, isla markaana leh xaqa ugu badan ee aan qofna gudi karin. maxaa yeelay, hooyadu waxay soo martaa dhibaatooyin badan oo ay kala kulanto calool-ku-qaadida, sidista, hawsha iyo xanuunka dhigitaanka ama foosha iyo barbaarinta ilmo kasta.

Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame-Hadraawi- oo in badan ka gabyay hooyada iyo doorkeeda ayaa tixdiisa “Anuun baa hooyadaa ah” waxa uu ku soo qaataa siday ugu dhabar-adaygaan hooyooyinku dhibta hooyanimada iyo hawleheeda, wax uu yidhi isagoo ku hal-qabsanaya hooyo la hadlaysa wiilkii ay dhashay:

¤Calooshu intay ku hoysey 
¤Hiyigu ku baxnaaninaayey 
¤Horraadka intaad jaqsiisay 
¤Dhabtaydu intay ku haysey 
¤Intaad huwanayd taftayda 
¤Hobeeya hobey hobeyda 
¤Intaan dusha kuugu heesay 
¤Intaan hanad kuugu yeedhay 
¤Hawraaraha kugu ammaanay 
¤Intaan hubin kuu xambaaray 
¤Dartaa u hoggaansanaaday 
¤Hadhuubada aan ku siiyey 
¤Habniin adigoo ku diidey 
¤Intaan hambo kuu daboolay 
¤Hammuun iyo gaajo qaatay 
¤Adoo haqab-beel ku seexday 
¤Intaan hurdo kuu illaaway 
¤Ilaashay hareerahaaga Diinta

Islaamku waxay aad u adkeysay isla markaana ku dardaaarantay, xaqdhawrida iyo u sama-falida waalidka gaar ahaan hooyada, iyadoo aayado badani ka hadleen xaqa waalidka iyo dhibaatooyinka ay la kulanto hooyadu, sidaa darteed xaqa hooyada ayaa aad looga adkeeyay ka aabaha, sida ku cad suuratu Luqmaan-aayada 14aad- iyo suuratul Axqaaf-aayada 15aad- u sama-falka waalidku waxa uu ku derajo xigaa caabudida Ilaahay.

Xadiisyada ku soo arooray xaqa hooyadu aad bay u badan yihiin, waxanse ka soo qaadanaynaa dhawr ay ka mid yihiin: Nin ayaa u yimid Nebiga-csw- isaga oo weydiinaya," yaa iigu mudan dadka inaan u sama-falo?" Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay," Hooyadaa", ninkii waxa uu hadana weydiiyay "yaa ku xiga?" Nebigu-csw- waxa uu ku jawaabay "Hooyadaa", ninkii waxa uu mar labaad ku celiyay "yaa ku xiga?" Nebiguna waxa uu ugu jawaabay,"Hooyadaa", ninkii mar sadexaad ayuu ku celiyay " yaa ku xiga?" markaas ayuu Nebigu ugu jawaabay "Aaabahaa".

Nin ayaa ku dawaafayay Kacbada isagoo dusha ku sida hooyadii oo uu dawaafsiinayo, markaas ayuu Nebiga weydiiyay "Rasuulkii Ilaahayow, ma guday xaqeedii?", Nebigu waxa uu ugu jawaabay " maya, xataa maad gudin mid ka mid aha hinqashooyinkeedii". xadiiskanina waxa uu cadeynayaa in inta waalid loo sama-falaa aanay marna waxba ka gudayn xaqa uu kaa mudan yahay, ee aynu ka garan karayno culayskisa inta aayado iyo axaadiis ka hadlay.

Nin ayaa isna u yimid Nebiga isagoo ku yidhi, "Rasuul Allow, waxaan rabaa inaan ka qayb qaato duulimaadyada Islaamka, markaa waxaan u socdaa inaad ila taliso". Nebigu waxa uu ninkii weydiiyay inay nooshahay hooyadii, ninkii waxa uu ku jawaabay, "haa", dabadeed Nebigu waxa uu ku yidhi, "u sama fal hooyadaa, Jannadu waxay hoos taalaa lugaheeda. U sama falka hooyada waxaan uga jeednaa wanaajinta la dhaqankeeda, xaq-dharkeeda, u furfurnaanta iyo u debecsananaanteeda, ku adeecideeda wixii aan ahayn macsiyo- ama denbi- iyo la socodsiinta iyo weydiisashada ogolaansheheeda dhamaan hawlaha aad ku kacayso, xataa hadii aad u baxayso Jihaad, waa inaad ogolaansho ka heshaa.

Waxyaabaha aadka u layaabka leh waxa ka mid ah, in diinteenu Islaamku ay ina farayso in loo sma-falo hooyada, xataa hadoo hooyadu tahay mid aan haysan diinta Islaamka, isagoo Nebigu-csw- faray Asmaa Bint Abubakar inayu sama-fasho isla markaana si fiican u xudhiidhiso hooyadeed oo aan ahayn Msuslimad. Islaamku si uu u ilaaliyo hooyannimada xaqeeda iyo dareenkeedaba, waxa uu cadeeyay in hooyada la furay ay xaq u leedahay haynta iyo xananaynta ilmeheeda, ayna ka mudan tahay iyadu aaabaha dhalay ilnahaasi, sida ay dhigayaan qisooyinkani: Sida uu werinayo Cabdilahi bin Cumar bin Caas-rc- gabadh ayaa u timid Nebiga-csw- iyadoo ku doodaysa in inankeedii ay dhashay, ee ay caloosha ku qaaday, ee naas nuujisay, uu aabihii oo iyada furay rabo inuu ka qaato. Nebigu-csw- waxa uu ugu jawaabay, "adigaa ku xaq leh inta aanad guursan". Sidoo kalea ayaa Cumar Bin Khadaab-rc- waxa uu furay xaaskisii Ansaariyadda ahayd ee u dhashay wiilkiisii Caasim.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cumar uu kula kulmay suuq ku yaala meel u dhaxaysa Madiina iyo Quba, iyadoo wadata inankeediina. Cumar waxa uu isku dayay inuu ka qaato wiilkiisa, waanu ka qaatay, kadib wiilkii yaraa waa uu ooyay, waxaanu ku yidhi,"Aniga ayaa kaa mudan wilkayga". Markii ay ku murmeen ayaa waxa la iskula tagay Abuubakar, si uu ukala xukumo. Abuubakar waxa uu go’aamiyay in wiilka ay xaq u leedahay hooyadii, waxaanu u sheegay Cumar in gurigeeda iyo gogosheeduba ay uga fican yihiin wiilka, inta uu korayo ee u gaadhayo heer uu kala dooran karo.

Hooyadu waxa ay leedahay xaqa ugu badan ee qof leeyahay, mana banaana in lagu kaco fal aanay raali ka ahayn, xataa hadii uu qofku dan u arkayo falkaa. Tusaale ahaan, hadii ay hooyo ka dalbato wiilkeeda inuu furo xaaskiisa oo uu jeclaa, waaa inuu furaa isagoo tix-gelinaya hooyadii, door-bidayana raali-ahaanteeda. Xadiis uu werinayay Abu Dardaa’ ayaa waxa ka hadlaya nin weydinaya waxa la gudboon, kadib markii hooyadii weydiisatay inuu furo gabadhiisa oo uu aad u jeclaa. Waxa uu kula taliyay inuu iska furo, madaama ay adeecidda hooyadu ka horeyso wax walba, uuna Nebiga ka maqlay isagoo ka hadlaya xaqa waalidka. Hooyo Allow Dhawr

Hooyada Soomaaliyeed Waa Hooyada Adduunka Ugu Qaalisan
Marka aynu dib u yara dhugano sooyaalka bulshada soomaaliyeed waayihii ka horeeyey intaanay colaadaha iyo masiibooyinku ku habsanka guud ahaan geyiga soomaaliyeed, bulshadu waxay lahayd hab nololeed kala duwan oo markaad si guro-fog u dhaado ku qotoma heerar kala takan, sida; Reer-guuraa xoolo dhaqato ah, Beeraley, iyo Reer Magaal. Haddaba nolosha ay haysteen bulshadaasi waxa ay ahayd nolol laaxiboon oo ay dadku ku qanacsanaayeen, hase-ahaate xaaladay markaas ku sugnaayeen ayaa waxaa noqotay mid mar kaliya isbedesha markii geyiga Soomaaliyeed ay ku gabaxleeyeen  inkaarihii ay dhaleen dagaaladii sokeeye. Dhab ahaantii waxay ahaayeen  kuwo saamayn weyn ku yeeshay nolosha qoysas badan, isla markaana dhaxal siisay in  hooyooyin badan ay ka tagaan noloshoodii hore, iyagoona u hogbaday in ay la hardamaan badbaadinta aayaha iyo nolosha ubadkooda.

Hooyooyinkaas Soomaaliyeed waxay noqdeen dhamaantood kuwo la hardama in ay ka soo dhalaalaan badbaadinta nolosha qoysaskooda. Dhab ahaantii hooyooyinka Soomaaliyeed waxay galeen geylan iyo dadaal weyn oo aanay gelin Aabayaashu. Hooyooyinkeen si ay u badbaadiyaan nolosha iyo baahiyaha taaganta ah ee qoyska,  waxay ku jirabbanaadeen inay iyagu inoo shaqeeyaan oo ka ay hooyooyinkeen  shaqooyinka kala ah:
Khudaar gedis, Harqaan(Dhartolis), Hilible(Hilib-gadis), Jaadle(Iibiya Qaadka), Shaaha, Dhar Dhaqista, Jaarinimada, Caanaley( Iibinta Caanaha), iyo qaar kaloo badan. 

Hooyooyinka Soomaaliyeed hardankaas dheer markay galeen waxay keentay in ubadkii Soomaaliyeed uu ka badbaado waxyaalo badan oo ay helaan nolol ka fiican nolosha ay ku noolyihiin ubadka ka soo jeeda dadyowga kale ee ay Soomaalidu deris yihiin, waxaana taas kaaga marag kacaya in aadan daliyo dibadba ku arkaynin dhalaan Soomaaliyeed oo ah caruuraha darbi jiifta. Intaas oo xaqiiqooyin markaad isu geyso hooyada dhiban ee hadiyo jeer qaxaysa waxa kuu soo baxaya in ay tahay hooyada ugu gaarisan uguna qaalisan adduunka ee ubadkeeda dhaqata. Sidoo kale hooyadaas Soomaaliyeed ee qaaliga ah waa hooyada ugu ayaanka daran waayo? Waa hooyo aan haysan cid daryeesha oo iyada ubadkeeda garab gasha, waana hooyo ragay dhashay ay ku noqdeen kuwa guba gurigay u dhistay, kuwa laaya oo gawraca ubadkii ay ku soo tabcaysay ee ay bacadka dartood sanado u fadhiday.

Haddaba qormadatan qisada igu dhalisay bal ila dhugta.

Durba Anuu Xilkeedu Dhakada Iga Koray!(Xildhibaan)!
Abwaan Cabdul Seed wuxuuna yiri: Waa duhurkii ama hadhkii qofba sida uu u yaqaanno. Qorraxdu aad bay u kulushahay, oo aalaaba marka roobku bilaabmanayo ee cirku curanayo wa sidaaas, qorraxda Addisabba waaba ka sii xaga jirtaa oo sida qabawgeedu u daran yahay baa kulkeedu u daran yahay. Aniga iyo Labo saaxiib ayaa shaqada ka soo rawaxnay, gaajo iyo daal waa la dareermayaa laakiin niyaddu ma xuma oo waxaan saaraahay baskii ugu danbeeyay ee guriga na hor dhigi lahaa. Si kadisa ah ayaa hal mar wax isu badaleen, basasku waxay istaagaan meelo cayiman oo ay dadka ku dajiyaan kana qaataan(jaaf) laakiin baskii wuxuu istaagay meel aan halkaa ahayn. Hal mar ayaa ishaydu ku dhacday caawiyihii darawalka(radhaat) oo si kadisa u dagay wuxuu daba ordayaa qof dumara oo maryihii soomaalida xidhan. Ma arkayn inay baska ka daadagtay laakiin xanaaq baa i galay oo waxaan mooday inay tahay qof lacagtii bas raaca aan wadin oo guri noo dhaw ka soo qaadasa, waxaan niyadda iska idhi "haddaysan lacag wadan may tidhaahdo iga dhiiba dhib malahee", marna waxaaba igu soo dhacday "war isaga ma u yeedhaa oo ma dhahdaa war anaa lacagta ku siine qorrax kulaylka naga wad", lakiin hadda sheekadu sidaa maaha.

Alle Qaadirsanaa! Wiilkii iyo islaantii hore bay guryihii ugu sii huluulanayaan oo wuu ba iga libdhay, anna dib baan isaga
fadhiistay. Mise in yar ka dib waa qof la siddo oo midna qaarka hore hayo midna qaarka danbe. Anfariir! Yaabiyo Amakaag naxdina! Mar qudha ayaanu isku qaylinay "war kuraas hal safa u banneeya si qofkan loo jiifiyo",  waa kuwaa durba qaar kaceen oo booskii la siiyay. Waa Soomali iyo haa waa Soomali, baanu hal mar wadaagnay. 

Kollay Soomalida meesha saaran ma badna oo waa aniga iyo saddex dumara. Durba in xil dhakada iga fuulay waan dareensanahay!! Haddana is idhi, oo waayo? War ma adaa dhalay? Mise waad garanasaa? Mise waa qaraabo? Annaa huba oo intaa midna maaha! laakiin xil wayn baa i saaran! Oo waayo? Mooyi! Waxaan u hinqaday inaan weydiiyo su'aashii koowaad oo ahayd; maxaa gabadha yar ku dhacay? Hase-ahaate dhibta haysatay iyo dad noo dhexeeyay oo badnaa awgeed jawaab waafiya kama helin.

Hadda illaawin halkii uu safarkayagu ku ekaa ma foga ee waatan noo muuqata oo hadda waaba joognaa. Dumarkii gaadhiga saarnaa waxay is-waydiinayaan oo cidi lama socotee? Oo ilmaha yar wali wuu miyir la'a yahaye! Oo waakan carrabka calaashanayee! Haseyeeshe, inay iska dagaan baan u sheegay oo aan hawshan ka war qabayo ilaa siday wax ka noqonayaan, oo taloow waa sidee? Mooji! Nasiib wanaag, waa iga yeeleen oo iyaba waa daallanaayeen wayna dageen.

Baskii wuu dheeraynayaa oo dadkii qaarba meeshii ay ku daadegi lahaayeen wuu dhaafiyaay. Dadku waa Aadanee qaybna way u garaabtay qofkan dhibban, qaybina way karhasanaysaa oo darawalkay hadallo caanan miidhana ku halgaadayaan. Dareeme kuwii meesha saarnaa ee Itoobiyaanka(Ethopians) ahaa in aan islaantan(Hooyadan) iyo inanteeda(cunugteeda) caawinayo, oo way arkaan inaan soo dhaafay meeshaan lacagta ku bixiyay ee ahayd inaan ku dego.

Waa jid gawaadhida qudha ah oo xawaaraha Kiiloomitirka(Km/hr) ee ay baabuurtu ku soconayaan yahay mid sare. Yeelkeed e' waxaan u sheegay darawalka inuu halkaa istaajiyo oo aanan sugayn inta uu juction (dhamaadka buundada ee jidka kale laga qabsanayo) ama exit (meesha haadka kale looga baydho) ka helayo, waayo? Cisbitaalkii baanu hormaranaa, in la soo kala wareegaana waqti bay qaadanasaa. Waa anigan inantii yarayd lugaha haya caawiyihii darawalkuna uu madaxa hayo. Waa na arkeen gawaadhidii meesha marasay inaan qof liita wadno oo way naga istaageen. Hooyada ilmahan yar dhashay ee na la socota annaga ayaaba iyada laftarkeeda wadna oo waxaad mooddaa inaysan ficilkeeda hadda iyadu hagayn oo jarihii miyirkuba ka lumayo.

Allxamdulillaah waan gudubnay oo dhakhtarkii ayaan orod ku galnay. Anigu waxaan xasuusta(ogaa) inaan ku qaylinayay kalmadda af-ingiriisiga ah ee "Emergeny! Emergency! Emergency". Markiiba sariirta ayaa la saaray labo kalkaaliye ayaana noo gurmaday. Anigu kalkaalayaasha kama fogi waayo? Hadda ayaa ba shaqadii aan usoo raacay ay si rasmiya u bilaabmatay, oo waa maxay taloow? Af-naqe! War aarmaan ereyga Af-naqe la ila fahmayninba? Af-naqe waa tarjumaan, oo Amhariyaaga miyaad ku fiican tahay? Ma badsado laakiin waxaan isku halaynayaa ingiriisi xoogaaya.

Hooyadu waxay ku halanhalaysaa "cirbadda ku dura, cirbadda ku dura haddii kale way dhimanasaa!". Naxdin iyo jahwareer weynaa! Meel agtaydana waxaa taagan oo iga la hadlaya dhakhtarkii oo i waydiinaya maxaa ku dhacay? Immisay sidan ahayd? Daawo miyay qaadataa? Waa immmisa jir? Xillimay miyir beeshay? Laakin anigu miyaan ka jawaabi karaa? Jawaabtu dee waa maya oo xittaa magaceeda ma sheeegi karo. Waxaanse ugu horeyn ku khasbanaa hadalada ay hooyadu leedahay in aan dhakhtarka u sheego si aan ugu laab qaboojiyo. Fayodhawruhu qaalisanaa! Dhakhtarkii wuxuu ii sheegay in ay hooyadu is-dajisoo iyaguna ay dadaalayaan. Anigu ba waan ogahay ilaa qofka heer kulkiisa, wadne garaciisa, neef qadashadiisa iwm, ilaa la cabbiro inaan wax dawo ah dhakhtarku siinayne hooyadaan tusayay in codkeedii uu digtoorka gaadhay, waxaana hooyada u sheegay inaan dhakhtarka amarada la siin ee uun looga jawaabo su'aalaha, wixii kuu muuqdana loo sheego haddeerna xaalku wanaagsan yahay.

Judhiiba waxaanu guda-galnay in aan su'aalihii dhakhtarka ka jawaabo oo aan hooyada waydiiyo; Hooyo immisay xanuunsanaysay? Hooyo saddex(3) sano, qalliin madaxa ah miyaa lagu sameeyey? Haa, waa immisa jir? Waa toban(10) sano jir, daawo noocee ah bay qaadataa? Hooyo anigu ma garanaayo! Allow hooyo ha cadaabin hooyo qaalisanaa. Dhakhtarkii wuxuu ii sheegay in ilaa la ogaado dawada ay qaadato nooca ay tahay in aanusan waxba siin karin, isla markaasna go'aanna uusan qaadan karin. Hadda inantii yarayd waa soo roonaanaysaa oo miyirkii waa ku soo laabtay. 

Alle naxariis badanaa! Daawadii gabadhu qaadan jirtay maadaama oo la rabo, oo la doonayo in qof soo qaado waaa in aniga ama hooyada mid kaayo doono oo soo qaado halka qofka kalena gabadha la joogayo. Hooyo tiiraanyeysan oo murugo darteed asqawday miyaa la diri karaa? Maya, bal waatane adna garan maysid gurigiiye yaa dooni? Dee waa hooyada uun. Anigoo xishoonaya inaan dhaho hooyo daawadii doon annaa inanta la sii joogaya, ayaan si naxariis intaan ula hadlay, waxaan ku qanciyay inay hooyadu gurigeedii ku laabato oo dawadii soo qaaddo si dhakhtarku hawshiisa uu u sii anbaqaado. Hooyo naxariis badanaa, wayna iga yeeshay. Cajiib! Anigoo u jeeda hooyadii tabcaanka ahayd ayaa mar kaliya waxaa gashay tamar hor leh oo firfircooni baa ka muuqatay, wayna kacday, balse waxay hadda xasuusatay inay caga caddahay oo aysan kabo wadan!! Runtii dareenkayga qofnimo ayay kicisay. Kalkaalisooyinka inan ka mid ahayd ayaa nagu caawisay kabaheeda, hooyadiina si degdega ayey u baxday oo dawadii bay raadisay.

Anigu haddaa waxaan dul fadhiyaa gabadhii yarayd oo sariir kale loo wareejiyay. Waxaan is weydiinaya su'aalo ay ka mid yihiin; taloow goormaa laga baxayaa hooyo meel qurbe ah ciyaal kula rafaadasa? taloow goormaa laga baxayaa jahliga(Aqoon-la'aanta) haysta qofka Soomaaliga ah ee daawada uu dhawr sano cunayay hadduu u dhimanayana aanu magaceeda sheegi karin? Taloow goormaa laga baxayaa innaga oo dad bukaan socoda ama bukaan jiifba wadanna oo aan anbalaasta inoogu dhaw lanbarkeeda aqoon? Taloow goormaa dhakhaatiirta wadankeenu noqon doontaa kuwo xilli kasta furan oo shaqaynaya? iyo suaalo kale oo badan.

Cabbaar waxaan murugiyo caloolyow dhex dabaasho, waxaa irida ka soo galay oo ii yimid dad qaraabada bukaanka ah, hooyadiina waa timi iyadoo xiiqsan oo bac lalansanaysa, dawadiina wey keentay. Waxaan weydiiyay inay dhakhtarka af garanayaan dadkii yimid, waxayna ii sheegeen inay la hadli karaan. Waan soo sagootiyay iyagoo faraxsan anna aan faraxsanahay. Hooyadiina aad bay iigu mahdnaqday anna waa la isku leeyahay baan hadalka ugu gaabiyay. Ismaanba ogaynee ileen nin gooman oo tabcana baan ahaaye, markii aan soo gutay hawshii garashadaydu guudka iiga saartay, ayaa waxaa igu soo baxay daal iyo dacaskaan qabay, balse tamar baa igashay oo niyadaan ka farxay, talaabadaan boobbay anoo leh "taaw taaw taaw(ii jooji baska)" waa aniga baska istaajistay ee gurigaygii aadayba.


Abwaan Cabdulow Ajar Gurubsatay Aniguna Ducaan Ku Cawilay
Alle ha ku barakeeyo baan leeyahay Abwaan Cabdul Seed, dhabtii qiso xanuun badan oo aad la kulantay iyo dareen kun wax nagu kicinaya oo ah mid laabahayaga iyo taadaba dharaar iyo habeenba ka hungumaya oo qodaya qalbiyadeena baad na la wadaagtay. Abwaan waxaa ku leeyahay Alle ha ku dhawro hana kaa abaal mariyo hooyada Soomaaliyeed caawinta aad caawisay, Allena ha u caafiyo hooyada ilmaheeda. Duco aan la soo koobi kari haynin baan ku soo cawilay.

Horta Cabdul booska uu kaga jiray qisadan uu la kulmay waa mid aniga si baaxadle laabtayda u daafadaysay, waa mid toos iigu sawirantay oo aan dhex muquuray,  Su'aalaha Cabdul isku jalbeebayey, iyo siduu ugu la'aa jawaab. Sawirka isaga istusayey ee murugada ku beerayey ee dhan kasta u baahay ee ay maskaxdiisu sameenaysay, sawirkaas oo ah mid maankiisu  suureenayey hooyada dhiban ee uu la kulmay inuu marba humaagyo kale barbardhigayey sida; halka ay joogaan ee ciirsi la'da ah iyo sida hooyooyinka kale ee Soomaaliyeed ee daliyo qurbaha jooga ula wadaaggaan uguna wada siman yihiin dhibkan haysta hooyadatan. Waxaan Abwaan Cabdul Seed leeyahay; Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "Alle fiirin maayo jidhkiinna iyo suuradihiinna toona, ee wuxuu fiirinayaa qalbiyadiinna iyo Camaladiinna", adiguna Cabdulow waxaad tahay kuwa Alle qalbiyadooda wanaagsan daalacanayo, dhabtiina waxaad ka mid tahay dhalinta damiirku noolyahay ee sebenkan Soomaali u kacday, hubaal Abwaan waxaad tahay qof damiirku noolyahay oo dubkiyo dubaaqiisu ku daabacan tahay naxariis iyo u damqasho walaalahaaga Soomaaliyeed, dareenka kugu mudan ee Soomaalinimo waa mid aan kula qabo in badan oo ka mida  dhalinta Soomaaliyeed ayna ina la qabto, Eebe ha ku dhawro hana kaa abaal mariyo waajibkaad gudatay". 

Dareenkay Igu Taareen Fariimihii Ay Qisadu Xambaarsanayd
Dhammaan dareemada fariimeed ay xambaarsan tahay qisadani waa kuwo inagu laabudan oo aynu qabno dhammanteen waliba sii gaara haddaanahay inta ah da'a yarta Soomaaliyeed  ee qalbiga nool leh, kuwaas oo dhibka haysta daliyo dadkooda ka gubyoonaya balse aan waxba ka qaban karin. Fariimahaas ay xambaarsan qisadan ee aynu iska indhotirno markaynu ka gibbaanownay in aynu wax ka qabano dareenkooda taban ee ina jafeefaya waxaa ka midda:

1- In aynu nahay dad isku isir iyo ab ah, oo aan seere kala oodin oo meel kasta ha joogaane is huran, laakiin inta dhan kasta laga tumaatiyey ay noqdeen dad kala firxaday oo maankoodu dayoobay, welina sii kala firdhinayo oo inta laysu sii bahalo gelinayo oo laga dhigay dad aan isku ab iyo sinji ahayn. Jahwareer weynaa! Balse ogaada markay qurbo tagaan inay walaalo yihiin oo uu jiro dabar hidde-birlabeed ah oo isu soo jiidaya. Tusaale qisadan baa kuugu filan sida Cabdul xil u fuulay una go'aansaday inuu guto  intii karaankiisa ah in uu wax ka qabto markuu arkay hooyo Soomaaliyeed oo murugaysan taas oo la halgamaysay ilmaha xanuunsanaya ee ku rafanaya dhabteeda. Ogow hada Cabdul iinsaanimo ma qaadin iyo muslinimotoona, wax kalena xaasha oo haba sheegin, balse dabar hidde-birlabeedkii ka isirnaa odeygii Soomaali ahaa ee unugyadiisa ku nabannaa baa jiitay, waana midka ruxay damiirkiisa ee dhiigisa dhaqaajiyey ee kaskiisa ku yiri "tani aday kuu taala oo ay dushaada saaran tahay! Maandhow waxba hawalaahoobine xilkeeda gudo Itoobiyaan iyo Aadane kale uma taal, hablaha kula socdana xitaa ma khusayso, oo waayo? Dee dhaqankiina kuma jirto inay gabadhi hawshan qabato iyadoo rag joogo, nin buu Alle kaa dhigiye raac hooyada". Ala yaa qalab ku eega oo dhagaysta unugyada cascas iyo kuwa cadcad ee dhiigiisa inay odhan lahaayeen sidaa aan ka daalacday hanaanka muuq ee dareenkiisu noo soo tebiyey! Hubaal weeye. Bal adba fakar oo dhaad. 

Haddaba bal ka waran adigoo saa u og in qofka Soomaali dhabba ah inaad u damqanaysid haddii aad ku aragto qurbaha isagoo dhiban, war miyaad ogalaan kartaa sheekooyinka niicda ah ee laynagu kala wareemay ee ah "dad kala qoomiyado ah baad tihiin oo qaarkiin Carab buu ka soo jeeda, qaarkiin kale Yahuud, qaarkiin kale Baantuu, qaarkiin kale Qoomiyada Itoobiya dega, iwm" Qoodhiin iyo xeradiin ma waxaas baynu yeelnaa war ma geedo baxay oo mid ba meel laga keenayo geeska lagu talaalay baynu nahay? Caqli maynaan lahayn? Ma sheeko xunta gumeystuhu soo afuufayo ee Xaaduqyadu soo waaridayaan baynu qaadanaa? Ma sidaas baynu aaminaa inagoo toos u aragna inaynu nahay hal qoys oo is huran? Miyeydan rumaysanaynin waxa Abwaaniinteenu inoo sheegayaan? Bal hadda xaalkeena maanta sida la inoogu kala wareemayo siyaasada sheeko xunta iyo sida aynu u ogaano marka cid kale aynu la joogo inaynu hal qoys nahay aan Abwaan Kediyeku kugu xasuusiyo kolay aqbali maysaan oo aamini maysaan wuxuu inoo sheegayo oo dad dayeysan baynu nahaye, bal dhugo; wuxuu ku ina yiri:

--Soddon qoysoo soon wada deegaan, seere kala ooddin
--Aan midabku kala soocminoo, diinni kala saarin
--Sinjiyo Ab-sawdiyo aqoon, sawrac iyo xaajo
--Iyo magacba siman dhammaan, tol iyo saaxiiba
--In siyaasad lagu qaybiyo iyo, sixir ku iiddaaman
--Oo siqiirkiyo ilaa kabiir sayn-cadduhu waasho
--Marna dhaqanka Soomaaliyeed, kuma sallaysnayne
--Waxay siddaan seben aakhirkan, waad la socotaane

Habaababaa iyo hawo beenna ma ku hawiranteen? Haa welise maanu garwaaqsan, meeyay dhaqankeeni ahaa mid ku dhisnaa hal sokeeye isku ah walaalo gacaliyo xigaala? Siyaasad baa shuf ka dhigtay iyo sixir ku iidaaman, maandhayaal hadaba dhaqankiini u laabta oo sooyaalkiini doona sidatan la yahay maanta marna dhaqanka Soomaaliyeed, kuma sallaysnee. 

2- Dadkeenoo xaaduqyo bireenayaan oo barakicinayaan inagoo og inaynu iska indho-tirno iskuna dhaafino xanuunkeeda sheeko raqiisa oo laabta laynoo galiyey waa sheekada ah Qabyaalad Bintu Qabiil Ibnu Kala Qoomiyad baad tihiin. Haseyeeshe aanu miyirsano oo aanu si dhaba u ogaanoo damqano marka aynu aragno dadkeenii iyo casabadeenii oo qurbaha qaar dacas ku laynayo, qaarna birta iska aslayaan iyagoo Ey intaa xabad isugu dhiibayo, qaarna niman afduubani gawracayaan, qaarna cudur laynayo, ubadkeeniina badaha doomo kula dagayaan, hooyooyinkeen dhakhtar iyo daawo la'aan u firganayaan,  qaaarna... qaarna ... qaarnaa. Haddaba haddii xaalkeenu saa yahay inaguna aynu sidaa ugu eeganayno oo aynaan garaadsanaynin ileen waano iyo waxsheeg inooma hadhine, waxase idiin odhan lahaa oo aan idiinku jalbeebi lahaa Abwaan Maxamed-haykal Muxumed dardaar-werintuu  idiinku meeray Jiifto uu tiriyey sannadkii hor jiifto, wuxuuna yiri:

¤In aad waafi noqotaan ··· Witig-witig ka suushaan
¤Qarannimo wadaagtaan ··· Sharaf aad ku waartaan
¤Waday oo intaan jiray ··· Waaniyo waxsheeg baan
¤Waa beryaba akhriyayee ··· Haddaad wadajir diiddeen
----------Waddi-caasi noqoteen

¤Widhwidhiigiiinniyo ··· Waqafkiyo qaxoontiga 
¤Waxa aad ka dheeftaan ··· Waa looba joogiye
¤Garashada waddacantiyo ··· Wayda aan dhammaan iyo
¤Weerkiyo colaaddiyo ··· Waa wareeydu waa guul
-----------Wantacoowga laasima!

3- In meel kasta laynagu bahdilayo iyadoo laynoo kala aabo yeelaynin oo la leeyahay "you are Somaali" adeer waxba haysu kaaya gurin. Laakiin kuma toosno ma garwaaqsano inagoo saa laynoogu sheegayo, hada xitaa karbaash baa laynagu sheegay. 

4- In dalkeeni jahli baraystay, aqoonxumo abaar ka darane, oo bulshadeenu 95% aan wax ba akhri karin waxna qori haynin, laakiin Soomaaliyow inteeni wax baratay way kala ilduufeen inay dadkooda wax baraan oo ay nafta u huraan si timaadada ay u noqoto bulsho dadkeedu aqoon yeesho. Ma waxaynu dooranay in aynu dad kale wax barno oo xoog iyo xiskeena u maalno, hadda ogow casabadaa waa taa indhaha isku haysta ee cid u bikaacisa la'a, adna Soomaaliyow cid kalaad u jeexdaa oo indhaha u fiiqda weliba toosh ileys weyna u dhiibta si xitaa ay gudcur aanay ugu cakaarmin oo ay hore usocdaan.
5- In aanay jirin cid ka midda dawladatan redeeban iyo uurgaslayaasha horjooga maamulada oo ilaalisa xuquuqdii iyo xaqii ay lahaayeen dhalaanka iyo hooyada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba ku tabaalaysan. 

Meeyey Mudanihii Ku Dhaartay Inuu Ilaalinayo Daryeelka Hooyada Iyo Dhalaanka Soomaaliyeed?
Daryeelka umada Soomaaliyeed wuxuu xilkoodu saaran yahay raggii ay bulshada Soomaaliyeed u caleemasaaratay ee  gudoonsaday xilkaas qarada weyn leh, raggaasina waa kuwee? Inaadeer Soomaaliyow waa ragga aynu isla naqaano ee aynu siinay magaca la yiraahdo Mudane xildhibaan, waana kuwii u soo istaagay xilka umada inay qabtaan ee aynu ka yeelnay dabadeedna kitaabka Alle gacanta intaynu u saarnay ku nidhi "Ku dhaarta magaca Eebaha Qaniga ah xilkaa aanu idiin dhiibnay inaad si daacad ah, garsoor hufan ah, sinaan iyo xuquuq dhawrid ah ugu gudanaysaan xilkaas", ee ugu dhaartay inay u gudanayaan sidaasna lagu dhaariyey maalin cad iyadoo Alle iyo dadkiisuba u jeedaan. 

Xildhibaanka ila dhashayow ee reer Soomaal ahow, ee muslimka ahow, inaadeer xilku waa wax culus ninka ah warac warac dhalay iskuma qaado haddaanu ka soo baxayn, wuuna ka cararaa kana fogaada dhaarta Alle magaciisa lagu dhaaranayo ee culus. Xildhibaanow bal ila dhugo xadiiskan tibaaxaya culayska xilkuu leeyahay, Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qof  caqli lihi waa kii naftiisa iyo jirkiis xaaraan ka dhowra iyo wax dhibaya, naftiisana wax xille leh ka fogeeya kuna dadaalo wixii anfacaya geerida kaddib. Caaquna waa kii naftiisa xarigga uga fura wax kastoo ay doonto oo hawa raaca ah, Allena ka sugaayo fulinta ididdillada iyo hawadiisa xun. (Tirmidi). Masuuliyadu maaha wax fudud waadna aragtaa xildhibaanow

Ha ilaawin  Mudane xildhibaanow in xilkaas aad noogu dhaartay in aanu kugu marag furi doono maalinta Alle la hor tagayee daran, Abwaan Jaamac Kediye Cilmi gabaygiisi la magac baxay "Masuul" ee uu ku jalbeebey xilka umada Soomaaliyeed rag loo doortay waatuu kugu cadeeyey ee uu yiri:

**Nin haddii masuul laga dhigoo, mudane loo doorto
**Madal laysu soo baxay haddii, maalin lagu dhaarsho
**Magacii Illaah iyo kitaab, midigta loo saaro
**Macbuudkiyo mushtamicii dadkiyo, malagyadii Eebe
**Munaasabaddii lagu dhaariyey, bey marag furayaane!!

Inaadeer Xildhibaanow aan ku weydiiye mee gudashadii iyo guditaankii xilkaas  aad ku dhaartay? Xildhibaanow maanad ogayn inaan ku aamineen oo aan ku ogolaadeen haddii aad ku dhaaran lahayd magac aan ka Eebe ahayn? Maanad ogayn markaad magaca Eebe ku dhaaratay inaan ku aaminay, oo waxaan kugu aaminay xilkaas culus ahaa magaca Eebe aad cuskatay kuna dhaaratay? Haddaad xilkaad ku dhaaratay sidii lagugu dhaariyey ka dagaagowday oo aan maanta waxba kaa qaban karin igana awood badan tahay, xildhibaanow maanad ogayn in Alle ku sugayo oo u laaban doontid dhawaan? 

Nolosha laacdamo-adduunyo ala yaraa oo raqiisaysanaa! Walaahay ama ka dharag xoolihii umada ama ha ka dhargin waxaa dhab kaala xisaabtamaya Alleha weyn ee Jaliilka ah, ogow xitaa haddii anigu inaadeertinimo kugu dhaafo oo aan shib kaa dhaho in Alle waxba kaa dhaafayn oo mid mid kaaga xisaabinayo Allena xaqa Aadane kugu leeyahay  kuu dhaafaynin oo uu Alle yahay garsoore caadil ah. 

Waa hubaal! Haa wallee waa marag-ma-doonto in lagaa la xisaabtamayo xilkaas aad ku dhaaratay ee aanu mudanaha kaaga dhignay. Mudane xildhibaanow waligaaba iska madax-mar, ama iska dhega-tir markaanu kula hadalno anagoo darandaraysan oo kugu leh meeyey garsooridii xilkaanu kugu dhaarinay? Wallee waxaanu kugu noqonaynaa dhammaantayo qiyaamaha kuwo kugu muducaya. Horeyna waatuu Abwaan Kediye kuugu sheegay ee uu yiri:

**Waajibkii haddii aanu marin, xaq iyo miisaanka
**Maamulkii laga rabey hadduu, maangal noqon waayo
**Muraadkii dad-weynaha hadduu, gaabto madhaxiise
**Ama uu midkii loo dirsaday, maydhabyada gooyo
**Umaddii markhaatiga ahayd, wey muducayaane

Walle macal cune muuqan doone! Xildhibaanow masuuliyadii aan kugu dhaariyey kaaga na dhigay masuul anigoo ku xushmeenaya, ku dhawraya oo cay iyo in lagu rifo dhimasho aan ka xigo, Inaadeerkay Soomaaliyeedow miyey tahay  xilkay lahayd masuuliyadaasi inaad dayacdo? Miyey tahay inaad xilkaas ugarsoori weydo si hufan? Ma wax kula quman baa inaad kala xigso dadka kuu siman ee xilka kuu dhiibtay ku dhaqdo? Dhalaanka Soomaaliyeed iyo umadoo nin daryeelkoodi qaaday kuna dhaartay inuu gudanayo waa adiga xildhibaanow ee ha ilaawin, ha ilaawin in la gaala xisaabtami doono. 

Bal eegga Meeye raggii ku dhaartay dastuurka umada Soomaaliyeed? Xildhibaanow xaqii uu lahaa qodobkan 29aad ee dastuurka Umada Soomaaliyeed meeyey gudashadiisi ma Cabdul oo ardayaa qaaday? Ma waanay ogayn xildhibaanadu inay magaca Eebe ugu dhaarteen inay ka soo dhalaalayaan oo ay dhawrayaan xilka ay guudka saarteen ee qodobkani leeyahay? Bal xildhibaanka Soomaaliyeedow ila dhugo mar kale qodobkan aan ku soo xasuusiyey; Qodobkan 29aad wuxuu odhanayaa:

Qodobka 29aad:
Caruurta

1. Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac suuban iyo jinsiyad.

2. Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.

3. Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda.

4. Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo war-geliyaa.

5. Ubadku waxay xaq u lee yihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga bedbaadaan dacwad kasta oo caddaaladarro u keeni karta...
  • Meeday xildhibaanow xuquuqdii aad ku dhaaratay ee qodob unugeedkan tibaaxayo? 
  • Haddii aan ifka lagugu weydiinaynin, Hogaamiyaha umaddow maanad ogeyn in Allaha aad magacii ku martay inuu ku weydiin doono?


6. Carruurtu waxay xaq u lee yihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan.

Bal xildhibaanow eeg qodob unugeedkan 7aad ee qodobkan 29aad ee aad ku dhaaratay, wuxuu kugu dhaariyey ku dhaaratay: 
7. Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kasta oo maslaxaddooda khusaysa. 
  • Allow xaqa nagu sug, war xildhibaanow meeyay xaqii qodobkan ugu dhaaratay magaca Eebe inaad danta ubadka Soomaaliyeed ugu mudan tahay wax kastoo aad qabanayso?).


8. Ereyga “carruur” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.
-

Allow kii xaqa qodobkaasi ku qotomo ugu dhaartay inuu gudanayo ee u gutay siduu ahaa Allow noo dhawr oo janee, Allow xildhibaankaan gudan ee uurkiisa ka dhaansaday xuquuqdii iyo gumaradii dhalaanka Soomaaliyeed loogu soo dhiibay Allow naga qabo adigaa awoodi karayoo waxba kaa qarsoomin e'.

--Xaqdaro raggii naga galyoo, nacabna noo xoorye
--Kursiga kuwaa ku xiiqsanoo, aan xal kale hayne
--Mar uun bay xisaabtoodu iman, xaakim hortiise( Abwaanad Qaryad Ciyuuni)

Gunaanad
Waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa dhawr qodob oo kala ah:
1- In hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed la badbaadiyo oo ragga xilka guudka loo saaray loona doortay inay umada gardaadiyaan waa inay Alle ka baqaan oo gutaan waajibaadkooda
2- In Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee qurbaha xareedinaya hadba meel ee mareegaha ka nacnacle inuu dalkiisa ku soo laabto oo dadkiisa wax u qabto oo uu waxbaro
3- In Alle loo laabto oo towbad dhaba Alle la weydiisto lagana tago Qabyaalad Bintu Qabiilka sida dedban loogu atixiyaadsanayo
4- Xildhibaanada Soomaaliyeed ee maanta 40jirku ugu yaryahay inay gartaan masuuliyadu inay tahay inaad bulshadaada u hagarbaxdo oo ay isxilqaamaan sida wiilkaas dhalinta waa Abwaan Cabdul seed e' isu xilqaamay markuu hooyo Soomaaliyeed iyo cunugteedi oo xanuunsanaysa arkay.

Alle Xaqa Ha Inagu Sugo, Alle Hooyooyinka Soomaaliyeed Ha Dhawro( Ifka Iyagaanu Ugu Jecelnahay Waa Wadnahayaga)

W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan

Surad-------- "Abwaan Muxamed Shiikh Shaafici( Muxamed Shaacir)"

Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Muxamed Shiikh Shaafici loo yaqaan Muxamed Shaacir. Gabaygani waa gabay aad u cuddoon oo dhud iyo dhaabad midheed oo culus leh. Sida aad ku arki doonta gabayga waxaa ku jira ereyo badan oo ku adkaan doona dhalinyarada maanta. Hadduu Eebe idmo gabaygan oo aan erey fur u sameeyey sidoo kale na manqax cokan wata waxaan dhawaan idiinku soo gudbin doona mid ka midda qormooyinkeena taxanaha ee "Hal-abuurkii Soomaaliyeed Weli Ma Dhiman". Ka bogasho wacan waakana gabaygii, wuxuu yiri Abwaan Shaacir:

❁Sagal hooray ciiddoo sayaxa samada oo gaaran
❁Gugiyoy samaaluhu curteen iyo sagaaloodki
❁Oo xaygu saynsaaban yahay salalafoo guuri
❁Iyo sayma roobiyo daruur sililidaynaysa
❁Oo qawyadii sulubka haa dhadadu seenyaysay

❁Saqafkii dabayloo dhan iyo sararti fiinjaawe
❁Ooy saaka uuradu fadhido sal iyo baarkooda
❁Oo seermaweydiyo intuu dirirku saameeyay
❁Oo xalay saqdii dhexe gudgude lagu sakuumeeyay

❁Oo dhibici saydhtamay intuu ciidda salabeeyay
❁Oo laagahoo soo gaddiyay sululayaan maanta
❁Salabbadi diglow iyo dalliyo sabadki baar-ooman
❁Oo laga sarriigtoo nafluhu suranyihiin taagga

❁Oo sumaca laylkii harruhu sawdka lalinaayo
❁Oo Ugubbidii sayaxa iyo xiiku salalaayo
❁Hadba suuradiiyoo kaley ii sawiran taaye
❁Sadaadoodayey xalay miyaan seexan kari waayay!!

❁Suubaanki buunney miyuu sarinki doogoobay
❁Saymaha cagaarkale miyuu daadku kala seexshay
❁Geedaha sawaalkaa miyuu saaqu gololeeyay

❁Salaalmaca udgoon iyo gahaydh-maanyadiyo saarku
❁Iyo laanta salwgaa miyuu geelu sariwaayay
❁Hadba suuradaayoo kaley ii sawirantaaye
❁Sadaadoodayey xalay miyaan seexan kari waayay!!

❁Surki baarqab sayndheere iyo surunti baarreeyo
❁Iyo seerihii gumar intii loo sardegay reerka
❁Saaxada bariiseed miyaa loogu sugay waaga?
❁Seddexdii arooryeed miyaa saaca lagu gaadhay?

❁Sidig iyo sac iyo wayl miyaa sooryo lagu maalay?
❁Sibraar caana geeloo irmaan oo sidkaha buuxa
❁Sabigiyo saqiirkii intii hoore lagu siiyay
❁Oo socotadii iyo martidi reerka laga sooray

❁Geelii sareedada ahaa seemantiyo hoorka
❁Siif-dacara iyadoo sinjiga soomal iyo may ah
❁Oo daraca oogada utuban oodda siribteeda
❁Surunkii dareer ugu habboon iyada oon seegin

❁Iyadoo suryadi baarqab-yare saaka lagu foofshay
❁Ama seeddiyow iyo dhankii culay u sii daayay
❁Ama ay dhambaca saaran tahay iyo sankii qawga
❁Iyadoo subaaneydi kore saayir lagu daajay
❁Oo meel sarmaan faraqle iyo soome lagu raacay

❁Bakaloo sabaannadan dihinaa seerihiyo luuqi
❁Inta lagu sagootiyay xidhkii loogu simay wiilka
❁Iyadoo ragaad saa ugalay aayar lga siibay
❁Oo suulka boogkule intii saydha laga gooyay
❁Sirsir dhagaxle siifaan burcada saafku yuun mudine
❁Sallax kalawle oo sarihayana saanta yuun jarine

❁Sulul ciida suubaan intii lagu saqaafeeyay
❁Balli subaga oo saaxiya oo sirqada jooga,
❁Oo suurka loo dhigay intii looga saxar qaaday
❁Iyadoo susuubiya intay sihatayooy reertay
❁Laamaha sarriigtale intay siibtay dhineceeda

❁Codka saafidaa iyo intay olalku sawdayso
❁Sii jeedka soo jeedka iyo socodka miisaman
❁Saansaanta muuqaalka iyo suufka dhogorteeda
❁Hadba suuradii geelu way ii sawiran taaye
❁Sadaadoodayey xalay miyaan seexan kari waayay!!

W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan



Thursday 23 April 2015

Saadaasha Cimilada: "Sabuux Jimce Laba Ka Weydaa Wankaa Qalad Leh"--W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan


Aqoonta Xiddigiska: 


Saadaasha Cimilada Ee Xiliga Guga(Bisha Sabuux)


Ibo-Furka Qormada
Bulshada Soomaaliyeed oo ah bulsho u badan xoolo-dhaqato ayaa intooda miyiga ku dhaqan ee reer-guuraaga ahi si ay uga badbaadaan ama ay u yaraato saameynta dhibaatooyinka yimaada roob-yaraanta iyo arrimaha kale ee ku gaydhama ee ah xilliyada adag, waxa ay bulshada Soomaaliyeed ee guuraaga ahi weelaysatay una toog haysay inay dhawrato aqoon hodonna taasoo ah midday soo kala dhaxlaysey ab-ka-ab, aqoontaas oo ahayd mid ay ku go’aan qaadan jireen. 

Bulshadan reer-guuraaga ah ee aan waxba qorin ama waxna akhrin, waxay aqoontan hodonka ah ku kasbadeen dhaxalkii waayo-aragnimo ee ka soo ildo-furtay hardankiyo geylankii ay la soo galayeen jiraabada waayihii adkaa ee hadba soo wajahayey, kaasoo ay tabiyo xeel gaara marba kaga gudbayeen tubta ay ku jeedaarnayd geedi-socodka noloshoodu. Aqoontani waa idimka Eebe waayuhu baray waa aqoonta la yiraahdo Xidiggiska(Astronomy) waana aqoonta loo yaqiinsan yahay inay tahay "Hooyada Sayniska". Aqoontan la yiraaho xiddigiska waxaa ka midda farac gaara oo ku dhidab saadaasha roobka kaliya, faracan ah odorosida roobka  waxay ahayd aqoon aad u horumarsan; waxayna ahayd aqoon ka dhalatay isku-dhafka xiddiginta dadkii reer Beershiya (Iiraan), Carab iyo Afrikaanka siiba faraaciinta iyo dhulkay faraaciintu ka soo unkameen ee reer boonta(Geyiga Soomaaliyeed). Haddaba qoontan oo ah mid Soomaalidu aad u taqaano, ayaa bulshada reer-guuraga ahi waxay Xiddigiyaha Soomaaliga ah u asteesay magac timaamaya milgaha uu leeyahay kaas oo ah magaca la yiraa Xidaar(Mutacalin). Xidaarna waa aqoonyahanka Eebe baray aqoonta xiddigiska(Astronomy), kaas oo ahaa mid oddorosi jiray gedgedoonka cimilo ee hadba goor cugtama. Inkastoo maanta ayba inagu yar yihiin dadka jaadkan oo kale ah haddana waxa ay bulshada dhexdeeda ka ahaayeen kuwo loo hayo maamuus iyo mudnaan xooggan. Xidaarka qaryaanka ah marka uu xiddigaha guurguurkooda ka mooreeyo cimiladu sidday noqon doonto, dhab ahaanti saadaashiisu badi waxa ay ahaan jirtay mid u dhawaata wax dhaca ama la arko – taas oo ay xoolo-dhaqatadu ku go’aan qaadan jireen si ay uga sii gaashaantaan howlaha ku soo fool leh ee geedi-socodka noloshooda ku jeeran ee ah arrimaha la xidhiidha cimilada (roobka, abaaraha, dabaylaha), hayaanka, colaadda (dagaallada), guurka iwm.

Golnuugsiga Qormada
Hadaba anigoo ka dab qaadanaya intaan ka bartay cilmiga xiddigiska ee Soomaalidu leedahay, waxaan qormadan yar idiinku meeraya isbedelka cimilada ee bishatan aynu ku jirno ee caawa ah 23ka bishii afaraad ee gu'ga miilaadiga 2015ka.

Sabuux Jimce Laba Ka Weydaa Wankaa Qalad Leh
Caawa oo ay bisha milaadigu tahay 23ka/April/2015, halka ay hijriyaduna tahay 2dii bisha 7aad(Rajab) ee sanada 1436 ayaa ah mid ku beegan xiligii gu'gu bilaami jiray, xiligaas oo marka laga eego maltirsiga Soomaaliga noqonaya 2da-bisha sabuux. Bishan Sabuux waxay bilataa maalin jimce ah, gu'guna wuxuu harqamaa oo dhibicdiisa ugu horeysa ay hoortaa 2da bisha.

Markay bishani curato Soomaalidu waxay dhahaan "Jimce laba ka weydaa wankaa qalad leh", taas oo ay ka wadaan bisha Sabuux labadeeda hadduu roobku di'i waayo in jilaalku dheeranayo, roobkuna raagayo, sidaa daradeed xilligii sumalka idaha lagu sii daayey waa mid aan loo kaltirin oo qaladda. Haddaba iyagoo qaladka iska fogeenaya ayey wanka u saari jireen marka xiligii gu'ga la sugayey hoori waayo. 

Haddaan manqax yaroo kooban ka bixiyo weedh murtiyeedkaas "dhaqan-ahaana, xoolo-dhaqatadu, si joogto ah sumalka uguma darto idaha, xilli go’an mooyee. Waxana ay sidaas u yeelaan in aaney iduhu dhalin xilli adag (Jiilaalkii oo kale), oo aaney isugu darsamin caatonimo iyo dhalid, ka dibna laga yaabo in ay ka soo doogi waayaan xilligaas adag.

Xiliga gaara ayaa wanka idaha lagu sii daaya, oo dadka xoola dhaqatada ahi waa u kaltiriyaan. Bal aan halka sii yara tibaaxee; Habeenka la yidhaahdo “Dambasame” ayaa ah amminta ay xoolo-dhaqatadu sumalka idaha ku sii daayaan si ay u rimaan. Habeenkaasi waxa uu ka horreeyaa 150 maalmood xilliga uu roobka gu’gu bilaabmo. Sidoo kale, Dambasamuhu waxa uu ku dhacaa ama galaa 120 cisho ka dib habeenka Dab-tuurka (Dab-shidka ama Nayruuska) oo Soomaalidu ku suntato habeenka 1aad ee Sannadka Soomaalida. Habeenkaas (Dambasame) waxa uu ku beegmaa badhtamaha Deyrta (bisha Nofembar), kolkaas oo (sida ay Soomaalidu u taqaan) dayaxu la jiro xiddigaha ‘Urur-ka” oo ay Soomaalidu u taqaanno “Laxo ama Idaha”. Odhaah soo-jireen ah oo ay Soomaalidu leedahay ayaa tiraahda: “marka ay lixo dhacaan, ayey laxo dhalaan”.  Sidaas bey iduhu 150 cisho ka dib dhalaan oo ugu beegmi jireen xilli uu roobku bilawday ama si fiican u da’ay (hilaadda 21ka April ilaa 15 May).

Xilliyada iyo Taranta Idaha Is-beddelladaas awgood, waxa ay xoolo-dhaqatadu gar-waaqsadeen in aanay habboonayn in habeenka Dambasame(Octoober dabaayaqadeeda) sumalka idaha lagu sii daayo, maxaa yeelay lama hubo in ay iduhu dhalin doonaan xilligii ku habboonaan jiray ee roobku di’i jiray. Waxaana sababay roobabkii oo aan isku halleyn lahayn. Saas daraadeed bulshadeena oo ah mid aqoonta-xidigiska eebe ku ilhaameeyay iyagoo aqoonta adeegsanaya waxa ay reerguuraagu door-bidaan in ay 30 habeen dib uga dhigaan habeenka Dambasamaha, si ay xooluhu u dhalaan badhtamaha bisha Mey. Wixii ka horeeya xiligii gu'ga ee loogu talogalay haddi iduhu dhalaan, qaladka badanaa wankay saari jireen. 

Lixo Markay Dhacaan Bey Laxo Dhalaan

Lixo: waa xiddigo isku jaala waana kuwa ugu horreeya xiddigo-bah wadaagta toddobadaba ah ee laysku yiraahdo "Habar Naaf". Laxuhu waa lix xiddigood oo dhexdooda ay ku cuf-urursan yihiin xiddigo badan oo kuwaas oo ay adag tahay in uu ku arki karo qofkaan haysan qalabka tiiro-fogaan arageed ee  xiddigaha fog-fog lagu dhaado. Xiddigahan la yiraahdo laxaha, Soomaalidu waxay kale oo ay u taqaan "Galgaali". Ururkaa (xiddigahaas) waxa la arkaa 14-bisha April ilaa 21-bisha April. Xiddigahakani xilliga ugu dambeeya ee iyagoo biligligle oo sii kaah liiqaya la arki karo ay tahay 21-bisha April, haddaba waxay arrintaasi caddeenaysa oo ay inoo daahfureysa oo run ka dhigaysaa xiliga roobkii gu'gu hooro in ay ku beegan tahay taasoo ay Soomaalidu tiraahdo wuxuu gu'gu hooraa oo ay iduhu dhalaan marka xiddigaha la yiraahdo lixo ay dhacaan, waata ayna ku jalalabaan "Markay lixo dhacaan bey laxo dhalaan". 

Haddaba hadday bisha april tahay 23 halka ay ta dayaxa loo kaltiriyana ay tahay 2dii sabuux( carabi ahaan, 2dii Rajab) waxaa inoo soo baxaya dhawr qodob oo xoojinaya inay saadashada gu'gakani xilligu harqami laha ay dhabawday, kuwaas oo kala ah:

1- Xiddigaha la yiraaho laxo inay dhaceen 21April-(1 Sabuux"1da Rajab). 
2- In uu bilawday xiligii gu'gu ibo furan jiray 
3- In caaro-hoorkii gu'gu durbada ka dul harqamays meelaha qaar markay ahayd bishu 1dii  ilaa 2dii sabuux( 21kii ilaa 22kii April)
4- In xiligii gu'ga ee loogu talo galay inay iduhu dhalaan ay dhabowday, taaso ku beegan dabaayaqada iyo bartamaha bishan sabuux.


In dhibicdii gu'ga ugu horeysey ay meelo badan ku hoortay 21kii bishan( April ) waxaan marag u soo qaadan karnaa tixdan yar ee uu doraad tiriyey Abwaan Maxamed Shiikh Shaafici(Shaacir) markuu roobkii dhibicda saaray wuxuuna yiri:

--Xaluu roobki da'ay,
--Xeeryuhu qoyeen,
--Xaabshaanki iyo,
--Xorodkii guntamay,
--Waxaan xoole iyo,
--Xamaan iyo da iyo,
--Xaas iyo ciyaal,
--Iyo xaymihii,
--Loo xeera dayay,
--Geelii xerraday,
--Xabawaray darraad,
--Aqallada xidhxidhan,
--Lagu xeeray ood,
(April 21 at 7:05pm )



Bilaha Xilliga Gu’ga = Months Of Spring Season:
Gu'gu waa 88 maalmood oo kala ah saddexda bilood ee la kala yiraaho:

1. Seermaweydo: Sabuux: April

2. Dirir-cawleed: May

3. Dirir-sagaaro: June

W/Q: Maanmaal Buureed Gurxan
Xubin Ka Midda Naadiga Qalin-Maal

Copright: Maanmaal and www.Maskaxmaal.com