Friday 5 April 2013

Difaac Qaran: Kaariye


Qof ba dareenkiisa buu hadlaa; maansooluhu na dareenkiisa ayuu maansoodaa. Maansoolaha damiirka lihi waxa u wanaagsan kurti, duudduub ahaan, dadkiisa ayuu ka maansoodaa—meel kasta iyo mar kasta oo la joogo ba. Waxaa se jira maansoole dadkiisa kala sooca, qabyaalad ku kala sooca, siyaasad ku kala sooca, deegaan ku kala sooca, oo adduun (lacag iyo martabo) ku kala sooca—meel kasta iyo mar kasta oo la joogo ba. Maansoolaha hore degganaan iyo dhulkoo beeluhu si nabad ah u wada degganyihiin, oo aan sinnaba loogu kala durki karin, ayuu is dareensiiyaa, oo danta walaalaha (waa dadkiisa oo dhan e) u dhaxaysa ayuu si diirran ugu dabuub-xirtaa maansooyinkiisa.  Maansoolaha dambe se kala-duwanaanshaha (dhan abtirsiinyo, dhan hub iyo dhan tiro ee) dadkiisa ayuu uga faa’idaystaa isku-dirkooda iyo kala jajabintooda. Labadaas maansoolayaal marka ay afka is daraan, waxa haddii aynu “dadkii” nahay nala gudboon in aan xigsanno maansoolaha hore, ee damiirkiisu midnimadeenna iyo wanaaggeenna ka dab-qaato. Waa se haddii aynaan maansoolaha dambe ugu deeqaynin dareen qabyaaladeed, oo uu maanso diredireed ku furto, innaga na maskaxda innooga qabsado.
Haa! qof ba dareenkiisa buu hadlaa, oo maansooluhu dareekiisa ayuun buu maansoodaa. Bal se waxa dareenkan beera oo bacrimiya waa dadka uu qofku ka soo dhex biqlo, maansooluhu na ka soo dhex muuqdo. Waana in ay dadku ka maydhnaadaan xumaan haddii la doonayo in qofka iyo maansooluhu ba ay xumaanta ka maydhnaadaan. Marka, maansoolaha ka maydhmay xumaato, maansooyinkiisana laga ogaaday sidaas, waxa uu tusaale ka yahay dad iyaguna ka maydhmay xumaaato—dadkani na intay doonaan ha le’ekaadeen, oo ha ahaadeen qoysaska amma qofafka uu maansooluhu ka dareen qaato, ee uu la nool yahay, amma uusuugaantooda ku noolyahay. Haa! qof ku nool suugaanta Timacadde, ee marka ay jibbo qabyaaladeed qabato ba isku dhawra suugaantaas, lagama dhawro inuu dadkiisa qaar ku xumaado, oo uu qaar kale na xaqdarro ugu soo hiiliyo. Ka ma taliyo gumaadidda dadkiisa qaarka uu nactooyada daxalaysatay u hayo qof ay ku soo duxayso murtidii Maxamed Cali Kaariye (AuN), ee ahayd: Iska daa rag dooroo dhintiyo, dumar la laayaaye / Hal waraabe dilay baan ka nixioo dalkeenna ahe. Haa! qof ku tiirsan suugaan toolmoon iyo dad toolmoon kuma dhaco kala dirka iyo isku dirka dadkiisa. Maansooluhu na sidoo kale.
Hasayeeshee, dadkeennu ma wada fiicna, suugaantiisu na ma wada toolmoona. Sidaas daraaddeed baa loo helayaa qof xumaato walwaalaya iyo maansoole xumaato dhaaminaya. Waxaa se qofkan iyo maansoolahan ba—had iyo gooraale—ka hor jeeda, oo lid ku ah, qof iyo maansoole kale oo wanaag- iyo toolmooni-wade ah. Si haddaba loo shiiqiyo sharwadayaasha, waa in dadku uu ku celceshadaa, isku na boorriyaa waxa u wanaagsan iyo suugaantiisa wanaagsan. Tan ayuun baa lagu gaari karaa in xumaha la yareeyo, qofka xumaha wadana ay saamayntiisu yaraato. Waana innaga oo is xasuusinna gabay uu Maxamed Cali Kaariye tirshay, oo la yiraahdo “Difaac Qaran.” Sida uu Kaariye u dareensanaa aafada uu leeyahay maansoolaha qabyaaladda ku tiirsan ayey tahay innagu na in aan iska garanno qof kasta iyo maansoole kasta oo qabyaalada iyo kala qufka dadkeenna u xayd-xayta. Waxaanan qofkan iyo maansoolahan ba ka hor geyn karnaa afkaaraha iyo gabayada toolmoon, ee uu gabaygani kamid yahay. Xumaha iyo samuhu waligood ba ha is daba ordeen sida Yin iyo Yang, se ku soo dhawaada gabayga Kaariye (AuN), ee samaha inoo xambaarsan, samaheenana ka soo dhex baxay:
Gudcur damuug ah daw laga cabsado, iyo dalluun jeexan
Miiraale dooxyada rogayo, daadku mulucyeeyay
Aar diiqa leyl iyo mas iyo, daallunkiyo tuugga[?]
Amma Dayladhaafoo qabow, Diqimti Jiilaal ah
Dubatada cadceeddiyo hanfiga, diiran hilibkaaga
Dantii nimay waddaa baa dhex mara, diimadiimaha e
Hurdo wayga duuf waayadaan, umal daraaddiiye
Diilalyoodayeey xalay maxay, dihatay laabtaydu
Dawliskaa dhexdii laga jaree, dalawga laallaada
Darka jabay biyaha hoos ka da’ay, dakhalka iimoobay
Cirka da’ay dufaanka ku kacee, deeqdi gaaggixiyey
Geeddiga dib loo raray ciddoo, degi lahayd rayska
Daacuunka darayada noqdiyo, daafka iyo boogta
Ee dabakarruufkiyo kudkiyo, dugato daacaayey
Gabayada qabiilkoo duma-y, tahay dabuubtoodu
Ee duuddi kala qaaday baan, dood ka leeyahay e
Dumaal xumi walaalkoo dhintay, kugu diraysaaye
Ka darsoo hadday dibi dhashiyo, neef dalliigya lehe
Oo “Dooh” na waa lagu dayaa, awr haduuu dido e
Damiirkay canaantaye ma rabin, inan ka doodaaye
Soomaalinimadaa dayacan, yaan ka diir naxaye
Sheeko aanan doonayn bal aan, geliyo diiwaanka
Durub baa la faadhfaadhayaa, digo xabaallayde[?]
Dakhar holob lahaa baa ciddida, lagu damqaayaaye
Dakanaa ba loo yeelayaa, sheekadii Dura e
Doqon baa wax loo sheegayaa, dhaga daboollayde
Daa’imo carruuraa waddada, laga duwaayaaye
Duul aan lagaranaynin baa, loo dardaarwarinne
Tacab aan ku soo daalnay baa, daatay oo lumaye
Mid ka durug midna u durug is ma leh, dawlad iyo reere
Ninka gabayga doogta leh tirshow, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Geel se duqdii u weynayd hadday, orodka deyn weydo
Inu aarrankiisii durdurin, uu ka sii darayo
Dabadeedna kala lumi barkina, uu dibjiri doono
Oo aan dib laysula heleen, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Danwadaag waxaan rabin Allaha, Daa’imaa dila e
Haddaan daarta dhagaxweyn mid fudud, laysu dacal saarin
Darbiga sibirka ciid lagu dharfiyo, didibka hooseeya
Inta diilin laga saara iyo, daaqadda albaabka[?]
Dalays quruxsan diib lagu rinjiyo, midabka loo dooro
Haddii aan intaas laysku darin, inay dillaamayso
Oo aan dugsoon laga helayn, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Dixda hadalku meel lehe anoo, kaagi daba taagan
Iska daa rag dooroo dhintiyo, dumar la laayaaye
Hal waraabe dilay baan ka nixi, oo dalkeenna ahe
Dubbahaa innagu wada dhiciyo, duubiyada naarta
Ey laba da’ood oo is xigay, daabacays galisay
Dubkeennaa la qalayaa wadnuu, ila dubaaxshaaye
Dadka kama xigtide ula sinnow, taa ma dayi weyday
[Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid]
Duddada kii u horaa haddana, didiyey geeliiye[?]
Dabka wuxuu ka qaaataa shacbigu, dood abwaan yiriye
Carrab dalab leh iyo way gartaan, kii dantooda ahe
In la dala’san karo haw malayn, daa’in abaidkaaye
Dadweynuhu waxay leeyihiin, duun u hadalkooda
Lama arag dameer geeso lehiyo, dawlad reer qudha e
Waxay doonayaan wada jirkee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Dab haddii lahaystiyo haddii, gudin la daabaayey
Iyadoo an dawladi ba jirin, deyn u kala goysa
Dilku abidki waa toogo iyo, duunyo kale qaade[?]
Dorraad kii la jabiyaa berrina, daahya goyn jiraye
Inan qolona duub loogu xirin, waranna loo deebin
Ay dabar go’een uun ahayd, taas ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Hadal kama dammana baa la yiri, doqon habowdaaye
Sidaan damacsanaa iyo sidaad, adigu doonaysay
Kala durugsan oo waa Docmiyo, dibirki Ceelbuure
Soomaali oo duuban baan, deji lahaa meele
Diraacdaa ku raagtaan lahaa, roobku haw da’a e
Ha durduurataan lahaa nimcada, dararta xoolaaye
Ha is daadahaysaan lahaa, waa duntaa qudha e
Duud qaybsama sakaaradu ma lee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Dur iyo daabac kii loo ridaa, Naasaweyn dihine
Dabraceliska geeddiga xigeen, damacsanaa raaci
Dadka geedkan yaal baan lahaa, nabad u doondoone
Walaalaha is dooxaan lahaa, ha is daweeyeene
Dabku cadowku keenaan lahaa, daadiyoo quba e
Dillaalkiyo mallaalkaan lahaa, duubta gogalaaye
Daaraha Shawa iyo Xamar markaan, deer isugu keeno
Qaar kalaan ku soo dari lahaa, oo dirkooda ahe
Dawlad weyn ha noqotaan lahaa, waayo dabadoode
Damaashaadka faraxaan lahaa, daawasho u jooge
Arrin kaa dahsoon baa jirtee, taa ma dayi weyday
Dabuubtaa maxaa kuu dirsaday, maad iska ba daysid
Kaariye (AuN) waxa uu ahaa hobwaan miisaan culus ku leh bulshada maansaleyda ah. Waxa uuna ahaa waddani dalkiisa iyo dadkiisa ba jecel. Qarankuna waa dal iyo dad wada jira, sidaas ayuuna Kaariye u difaacay qarankiisa. Haddii ay dadku u turi waayaan dalkooda, oo ay u arki waayaan nimco uu Eebbe ku galladay, qarannimadii ayaa lumaysa. Haddii qarannimada lunta la daydayo, sida lagu soo heli karaa waa in ay dadku ka sinnaadaan ilaalinta iyo difaacidda dalkooda, gobal ba ka gobal, goob ba ka goob iyo goor ba ka goor. Sinnaanshahan lama heli karo haddii aan la helin siyaasiyiin daacad ka ah jeclaanta iyo u adeegista dadkooda, dadkanina ay daacad ka ahaadaan is jeclaantooda iyo isu adeegistooda. Sinnaanshahan lama heli karo iyada oo ay jirto caddaalad darrada ay koox waliba dadka dantu hoos gaysay ku cabbudhiso gobalaysi iyo siyaasad gumeed. Maxaa Soomaalida gobta ah hoos geenaya maamullo ay dunidu u qirsantahay gunnimo? Maxaa Soomaalida gobta ah qaran magacooda sida, oo ay dadnimadooda iyo diintooda ugu adeegaan, u diidaya—wax aan ka ahayn daacad li’i iyo xumaatadooda (qabyaaladeed) oo ay dugsadaan? Haddaba waxaa la joogaa xilligii xumaatadan lagu tirtiri lahaa samaha ay Soomaalidu dir u leedahay, oo ah Islaamnimo, Walaalnimo, Afrikaannimo, iyo Soomaalinimo—taas oo ka abuuranta is jeclaanshahooda.
Haddii uu is jeclaanshahani kugu duxayo, marna ma ka naxday, oo gargaar ma ula soo orodday keynaadyada qof ee Soomaalida ah ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku dhibaataysan, ee ay kala daashadeen barakaca baahsan, dagaallada ba’an iyo camal la’aanta naftooda in ay badaha iyo saxaraha ku halligaan u horseeda? Haddii kale, Kaariye (AuN) iyo inta uu matalo ka dab-qaado, intay goori goor tahay, oo qaranka Soomaaliyeed difaac si aad dalka iyo dadka ba aad u wada difaacdo!


MIDNIMO


Midnimada dad badan baa u qeexa mid-ahaansho. Dhabtii, midnimadu waa mid-ku-ahaansho. Halka ay qeexdinta hore ka muujinayso wax mid ah, oo aan xitaa laba ahayn, waxay qeexdinta xigtaayi muujinaysaa wax ka badan mid, oo haddana isku xiran. Xiriirkan weeyi midnimadu. Waxa uuna xiriirkani muuq leeyahay marka isaga dartiis la’isugu yimaaddo—oo ay duulal kala yaallaayi isugu yimaaddaan in “xiriir ka dhaxeeyo.” Waana halkii uu Abwaan Saalax Xaashi Carab ka yiri, waxay sare u kaabtaa midnimo, duulal kala yaalle.
Soomaalidu mar hore iyo mar sokeba waxay ahayd duulal kala yaalla. Waxaa isu keenay gumeysi-la-dirirnimo. Waxaa isku kabay SYL iyo dhaqdhaqaaqyadii xoraynta dadka iyo dalkaba u sara-joogsaday. Waxay udubatay midnimo. Haddiiba ay isu talisay, waxay hilmaantay waxay isugu timid. Waxay ka warwareegtay inay dhammaystirto wixii ay ballanka ku gashay—inay isu soo hilowdo, oo isu wada timaaddo, sidaasna qaran ay ku wada midaysan tahay u seesto.
Way isa-saniftay, is-rigaaxday, isna baabbi’isay. Haddadeerna way isu calool xuntahay. In ay magaceeda Soomaaliyeed wada hoos dugsato waxay ka jeceshahay magacyo ay kala yeelatay. Waxay hoos badweyn u sii mukhuurataba, waxay maraysaa in Soomaalinnimo ay ku baddalato afnimo, isuna taqaanno: “dadka af-Soomaaliga ku hadla!” Qayb kamid ihi waxay isu yaaqaanniin Itoobiyaan. Kuwa kalena Kiinyaan. Kuwa kalena Jabuutiyaan. Kuwa kalena konton magac oo dalal- amma goballo-iidaaman.
Iyadoy sidaa tahay, haddana Soomaalidu way isa soo raadsataa, iskuna raadjoogtaa. Waxay goobtaa waxay ahayd, waxay ahaan karayso. Haddii ay is hesho, heshiis maxay ku noqon kartaa? Haddii ay heshiiso sidee bay waligeed isu dul-iyo-hoos joogi kartaa? Sideebay isu hareer arki kartaa? Sidee bay isu daba fariisan kartaa? Miyey tahay midnimo waxa ka dhiman? Miyey aqoonsan tahay midnimo waxay tahay?
Dhabtii, waa weydiimo ay ka wada warcelisay Soomaalidu. Waxay ogaatay in midnimadu tahay wax iyadaba ilaalis u baahan. Hasayeeshee, in ay midnimadu tahay wax wada-ilaalsi u baahan ma aqoonsana. Ma aqoonsana in midnimadu tahay wax isu kaba, oo aan kala kabin. Ma aqoonsana xitaa in waxa midnimadoodu ku jirto, ee ah geyiga ay ku nooshahay, ay wada-yeeshaan; waa in ay kala yeeshaan! Damacweyni kuma jirto iyo dhul-bursi. Wayba isasii hagaasisay, oo waxay la soo idhcaddahay, “Afka uun baan mid ka nahay.”
Haddaba, midnimaa midnimo dhasha. Soomaalida maanta ku midaysan ceelka, waxaa dhacaysa in ay ciiddana ku midoobaan. Cilladdu waa hoggaanka. Haddii aan hoggaan baasi kala qoqobin, kuna kala shaqaysan, Soomaalidu waysu calool-xaaran tahay. Soomaalidu way baratay in midnimo la dhawrto, yaase u hoggaan ah, oo u muujin kara in ay midnimo ugu macaantahay marka la wada dhawrto, ee aan goonni goonni loo kala dhawran?

♥♥NAJAXI JACAYLKA♥♥

¤Nolosha iftiinkeediyo,
¤Nuurkii indhahaad tahay,

¤Nafta aayaheediyo,
¤Nalkii qalbigaad tahaye,

¤Naqiyo ugbaadiyo,
¤Neecaw udgoon,
¤Nuxurkoodaad tahaye,

¤Nafaqada Unugyadiyo,
¤Nudayaasha jidhkayga,
¤Naaxisaad tahayeeee,

¤Najaxa aayahayiyo,
¤Nolosha qiimaheedu
¤Najmooy waa adigee.

¤Riyaan kugu la noolaho,
¤Marna Kaama nastoo,
¤Hurdo waan ka noogaye

¤Rabi naqiyo nugaaliyo,
¤Nabad haysku keen simo....>>

¤Riyaan kugu la noolaho,
¤Marna Kaama nastoo,
¤Hurdo waan ka noogaye

¤Rabi Naqiyo xuduniyo
¤Nabad haysku keen simo...>>>

By: Maanmaal Buureed
>>>>>♥♥♥♥♥♥♥♥<<<<<

""GAMUUN""

√Gamuunkii jacaylkagaa, 
√Gadhka wadnihiyo,
√Qalbigayga gaadhoo, 

√Gogol lagu gam,iyo,
√Gasiin la cuno,
√Waan kala gayoonee,

√Guulle wuxu ku qoraa,
√Calafkuna gardaadiyayo,
√Marna ku ges marayne,

√Gabi ahaan dadko dhan,
√Gadgadonka qalbigodu,
√Gelinba waa caynee,

√Gacantaydii midigeey,
√Caashaqeena galbiyoo,
√Giijiyoo ha siideyn....

√Garabkaygii midigeey,
√Caashaqeena galbiyoo,
√Giijiyoo ha siideyn....

Continue..........>>>>>

By: Maanmaal Buureed
>>>>>04/04/2013<<<<<